News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)
- Al-Shabaab oo guul ka sheegtay dagaallada maalintii 6aad ka socda Muqdisho
-
Muqdisho: Guddoomiyaha gobolka Banaadir u qaabilsan ururka Al-Shabaab, Cali Maxamed Xuseen oo maanta shir jaraaid ku qabtay Mowlaca Macalin Nuur ee degmada Howlwadaag ayaa waxaa uu sheegay inay guul ka gaareen dagaallada maalintii lixaad ay kula jiraan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.
- (2010-08-28)
- Jaamac Iidle oo Maxkamad Mareykanka ku taal ka hor qirtey inuu burcad-badeed ahaa
-
Jaamac Iidle Ibraahim oo Mareykanka ugu eedeysnaa fal burcad- badeednimo ah ayaa waxa uu Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ka hor qirtay inuu galay dembigaloo haysto oo la xiriira in uu weerar hubeysan ku qaaday Markab ciidamada badda Maraykanku leeyihiin oo ku sugnaa gacanka cadmeen.
- (2010-08-28)
- Madaxweyne Al-Bashiir oo dhiggiisa Kenya kala qayb-galay munaasabadda saxiixa dastuurka Kenya
-
Nairobi: Muddo saddex toddobaad ah kaddib markii dadweynaha dalka Kenya u codeeyeen dastuurka cusub ee dalkaasi ayaa maanta Madaxweynuhu qalinka ku duugay, iyadoo ay daawanayeen kumannaan qof oo dadweynaha dalka ka mid ah oo ka soo qayb galay xafladda saxiixa.
- (2010-08-27)
- Muqdisho oo maalintii 5aad oo xiriir ah dagaal & duqeyn marti u ah
-
Muqdisho: Dagaaladii iyo duqeyntii madaafiicda ee ay is dhaafsanayeen kooxaha kursi-doonka ah ee ku hardamaya talada dalka Soomaaliya ayaa maalintii shanaad oo xiriir ah galay magaalada Muqdisho, iyado wararkii ugu dambeeyey ee saaka ay sheegayaan in ilaa 5 qofood oo rayid ahi ku dhimatay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad ilaa 8 qofood gaaraya inta la ogyahay.
- (2010-08-27)
- Xildhibaanadii iyo Saraakiishii ku dhaawacmay qaraxii hoteel Muna oo loo daadgureeyay Nairobi
-
Nairobi: Xildhibaanadii iyo saraakiishii ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee dhaawacyada culusi ka soo gaareen qarixii shalay ururka Al-Shabaab ku qaadeen hoteel Muna ee magaalada Muqdisho ayaa saaka ilaa caawa waxaa diyaarado loogu soo daadgureeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
- (2010-08-25)
- Dagaalada maalintii 3aad ka socda Muqdisho oo ay ku dhinteen ilaa 70 qofood kuna dhaawacmeen 180
-
Muqdisho: Dagaalada iyo duqeynta araxan-darrada ah ee kooxaha ku dagaalamaya magalaada Muqdisho oo galay maalintii 3aad ayaa dhimashada dadka shacabka ahi waxa ay kor u dhaaftay ilaa 70 qofood, halka dhaawacyaduna ay gaarayaan ilaa 180 qofood, kuwaasi oo 10 ka mid ahi ku dhinteen dagaalka saaka.
- (2010-08-25)
- Raíisul Wasaaraha Soomaaliya & Ku-xigeenkiisa oo ka hadlay Weerarkii Hoteel Muna
-
Muqdisho: Raíisul Wasaaraha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa weerarkii maanta lagu dilay Xildhibaanada iyo Saraakiisha ku tilmaamay mid cadownimo ah oo sida uu hadalka u dhigay lagu laynayo shacabka Soomaaliyeed.
- (2010-08-24)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Hoteel Muna ee lagu laayey Xildhibaano & Saraakiil
-
Muqdisho: Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu caddeeyey in ururkoodu ka dambeeyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday hoteelka Muna ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay degganaayeen Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2010-08-24)
- Wasiirka Warfaafinta DFKM oo ka warbixiyey weerarkii hoteel Muna oo ay ku dhinteen 31 qofood
-
Muqdisho: Wasiirka Warfaafinta Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Yariisow oo waraysi toos ah siinayey telefishinka Al-Jasiira ayaa waxa uu ka warbixiyey weerarkii hubeysnaa ee saaka lagu qaaday hoteelka Muna ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu Wasiirku sheegay in ilaa 6 Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan
- (2010-08-24)
- Xildhibaano lagu laayey Muqdisho iyo duqeyn madaafiic oo ilaa shalay ku socota magaalada
-
Muqdisho: Dagaalada iyo duqeynta madaafiicda shalay gelinkii dambe ilaa maanta ka socota magalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inay ku dhiteen in ka badan 30 qofood oo rayid ah, iyadoo dhaawacyadu kor u dhaafen 100 qofood sida au muujinayaan wararka laga helayo goobaha caafimaadka.
- (2010-08-24)
- Dagaaladii & duqeyntii galabta ka dhacday Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qofood
-
Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey ee caawa laga helay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xaqiijinayaan dhimashada in ka badan 20 qofood oo shacab ah iyo dhaawacyo ka badan 70 qofood kaddib dagaal iyo duqeyn culus oo galabta ka dhacday qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-08-23)
- Al-Shabaab oo caawa khudbado carabi ah ka sii daayey idaacaddii Quráanka K. oo ay maanta la wareegen
-
Muqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Maanta la wareegay qalabkii iyo dhismihii ay laheyd Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd idaacadaha madax-bannaan ee ka howlgeli jirey magaalada Muqdisho.
- (2010-08-23)
- Dagaal ka socda Muqdisho
-
Ugu yaraan saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay kontan iyo shan qofna waa dhaawac, dagaal culus oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda.
- (2010-08-23)
- Dowladda KMG ee Soomaaliiya oo sheegtay in qaraxyo ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen 11 Shabaab ah
-
Muqdisho: Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 11 nin oo ka tirsan Xarakada Mujaahidin Al-Shabaab ay ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
- (2010-08-21)
- Taliyaha Ciidammada Lugta Ugandha oo Muqdisho booqday & AMISOM oo qabsanaysa xaafado hor leh
-
Muqdisho: Saraakiisha ciidamada Ugandha iyo AMISOM ayaa waxa ay codsadeen in ciidammo dheeraad ah lagu soo kordhiyo si ay xoog wax uga qabtaan xaaladda magaalada Muqdisho oo ay sheegeen inay doonayaan inay xaafado hor leh qabsadaan.
- (2010-08-20)
- Faransiiska oo maanta dib u celinaya 140 qofood oo u dhashay dalka Romaaniya
-
Paris: Dowladda Faransiiska ayaa waxa ay dib ugu celineysaa 140 qofood dalkoodii Romaaniya sida uu sheegay wasiirka socdaalka dalka Faransiiska, Eric Besson oo intaasi raaciyey in dib u celintaasi aysan ku imaan si qasab ah ee ay raali ka yihiin dadkaasi.
- (2010-08-20)
- Madaxweynaha DFKM Soomaaliya oo sheegay inay tirtirayaan Al-Shabaab iyo kooxaha la safan
-
Muqdisho: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay magalaada Muqdisho kaddib safar dhawr maalmood qaatay oo uu ku tegay dalka Suudaan ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay inay dalka ka qabanayaan waa uu ugu yeeray cadowga soo duulay.
- (2010-08-19)
- Suudaan oo hindiseyaal u soo bandhigtay Madaxweynaha Soomaaliya kaddib shir uu la qaatay Al-Bashiir
-
Khartoum: Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Suudan, Shariif Shiikh Axmed iyo Cumar Xasan A-Bashiir ayaa waxa ay ku wada kulmeen magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan kaddib booqasho rasmi ah oo uu halkaasi ku tegay Shariif Sheekh Axmed oo martiqaad ka helay Al-Bashiir.
- (2010-08-17)
- Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna oo isku raacey xoojinta dagaalada Shabaab
-
Dowladda kMG Soomaaliya, Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Qaramada Midoobay ayaa isku raaacey in la xoojiyo dagaalada lagula jiro Xraakada Al Shabaab.
- (2010-08-17)
- Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka oo ka hor yimid qorshihii dhismaha Masjidka New York
-
Harry Reid, waxa uu hoggaamiyaa xisbiga Dimuqraadiga ee haya talada dalka Mareykanka, wuxuuna hadal uu jeediyey maalintii shalay uga soo horjeestay qorshihii dhismaha Masjid muslimiinta dalkaasi ay ka dhisan lahaayeen dhulka hoose ee Mantahana oo ku taal magaalada New York, taasi oo maalmo ka hor uu ka dhawaajiyey Madaxweyne Obama oo ka hadlayey shir uu la qaatay muslimiinta.
- (2010-08-17)
- Muqdisho oo galabta lagu xasuuqay shacab aad u badan
-
Muqdisho: Ilaa sagaal qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay dagaallo culus oo galabta ku dhexmaray magaalada Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda iyo joogitaanka ciidammada shisheeyaha.
- (2010-08-16)
- Raíisul Wasaare Sharmarke oo Muqdisho ku laabtay
-
Muqdisho: Raíisul Wasaaraha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa saaka waxa uu dib ugu laabtay magalaada Muqdisho kaddib markii uu wada hadalo kula soo yeeshay magaalada Nairobi saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay.
- (2010-08-16)
- Golaha Dhaqanka Hawiye oo sheegay in dowladda KMG ahi u wakiilatay gogosha dib u heshiisiinta
-
Muqdisho: Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ee uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kiu celiyeen baaq nabadeed oo ay u jeedinayaan kooxaha dagaalada kula jira dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2010-08-16)
- Axmed Diiriye oo baaq jeediyey, AMISOM oo farrisimo cusub ka sameystay Muqdisho & saansaan dagaal
-
Muqdisho: Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Axmed Diiriye Cali oo la hadlayey idaacadda bbc-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu baaq adag u jeediyey ururada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, baaqaasi oo ku saabsanaa inay ururadaasi oggolaadaan wada hadal ay dowladda la galaan iyo in gargaarka la gaarsiiyo barakacayaasha.
- (2010-08-15)
- Xoghayaha Guud ee Q/M oo caalamka ugu baaqay inay dedejiyaan gargaarka la gaarsiinayo Pakistan
-
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban-Ki Moon ayaa waxa uu booqasho ku tegay dalka Pakistan oo ay halakeeyeen daadad waaweyn oo ay ku nafwaayeen kumannaan qofood, sidoo kalena ay ku barakaceen malaayiin dad ah, kuwaasi oo lagu tilmaamay musiibadii ugu xumayd ee siddeetan sanadood soo marat dalkaasi.
- (2010-08-15)
- Madaxweyne Obama oo tallaabo barkeed gadaal u qaaday dhismihii masjidka muslimiinta
-
Washington: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa waxa uu gadaal u qaaday tallaabo barkeed hadalkiisii ahaa in muslimiinta Mareykanku ay Masjid ka dhisan karaan meel ku dhow halkii ahaan jirtey daaraha mataanaha ee lagu burburiyey qaraxyadii sanadkii 2001.
- (2010-08-15)
- Warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Jeneraal Gabre loo magacaabayo Taliyaha Howlgalada AMISOM
-
Muqdish: Warar si aad ah la iskula dhexmarayo gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in uu gebogebo marayo qorshe ay wadatay dowladda Itoobiya oo ahaa in haddii IGAD iyo midowga Africa ay doonayaan in Itoobiya ciidamo u soo dirto Soomaaliya marka hore taliyaha howlagalada ciidammada AMISOM loo magacaabo Jeneraal Itoobiyaan ah.
- (2010-08-14)
- Obama oo muslimiinta Mareykanka ugu deeqay inay Masaajid ka dhistaan xaruntii Daaraha Mataanaha
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama oo ayaa maalinintii shalay waxa uu sheegay in muslimiintat dalka Mareykanka ay Masaajid iyo xarun ay isugu yimaadaan ka dhisantaan meel ku dhow halkii ahaan jirtey xaruntii daaraha mataanaha ee magaalada News York, daarahaasi oo sanadkii 2001 lagu burburiyey qaraxyo loo adeegsaday diyaarado, qaraxyadaasi oo Mareykanku rumeysan yahay inuu ka dambeeyay ururka Al-Qaacida.
- (2010-08-14)
- Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay inay sii baacsanayaan firxadka kooxda uu hogaamiyo Maxamed Atam
-
Garoowe: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaalkii saaka dhex maray ciidammada maamul goboleedka Puntland iyo koox diimeedka uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 2 askari uga dhimatay maamulka Puntland, sidoo kale ay uga dhaawacmeen shan askari oo kale.
- (2010-08-13)
- Ediris Nsubuga "waxaan ahay sharwade sameeyay shar, waxaana u caraysnaa Mareykanka..."
-
"Waxaan dhab ahaan aad iyo aad uga xumahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay falalka aan geystay. Waxaan u careysnaa Mareykanka oo aan u heysto in uu mas'uul ka yahay dhibaatadda muslimiinta ku heysata adduunka oo dhan". Sidaas waxaa yiri Ediris Nsubuga oo ka mid ah afarta nin ee loo haysto qaraxyadii ay ku dhinteen ilaa 76 qofood mar ay daawanayeen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee kubbadda cagta koobka adduunka bishii july ee kal hore.
- (2010-08-13)
- Dagaal mar kale ka dhex qarxay Ciidammada Maamulka Puntland iyo kuwa Maxamed Siciid Atam
-
Saaaka ayaa mar kale dagaal qaraar waxa uu ka dhex qarxay ciidammada maamul goboleedka Puntland iyo koox diimeed uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam, dagaalkaasi oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Madashoon oo sida la sheegay ay saldhig ku lahayeen ciidammada maamulka Puntland.
- (2010-08-13)
- Denmark oo sheegtay in ciidammadeedu baaqi ku sii ahaan doonaan dalka Afqanistaan ilaa 2015-ka
-
Raíisul Wasaaraha dalka Denmark, Lars Lökke Rasmussen oo hadlay mar uu booqasho ugu tegay dhiggiisa dalka Ingiriiska, David Cameron maalinimadii shalay ayaa waxa uu sheegay in ciidammada dalkiisa ee ku sugan gudaha dalka Afqanistaan ay halkaasi sii joogi doonaan ilaa iyo sanadka 2015-ka.
- (2010-08-13)
- 58 Qofood oo ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay Kongo-Kinshasa
-
Kinshasa: Ugu yaraan 58 qofood ayaa la xaqiijiyey inay ku nafwaayeen shil baabuur oo ka dhacay bariga dalka Kongo maalinimadii shalay kaddib markii baabuur nooca xamuulka iyo dadka qaada ah oo aad u raran uu dulmaray dhagax aad u weyn kaddibna baabuurkii ku dhacay ama ku rogmaday gudaha badda Tanganyika.
- (2010-08-13)
- Meles Zanawi oo mar kale ku taamaya in ciidammada dalkiisu soo galaan Muqdisho
-
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa ku celiyay inuu mar kale ciidamada dalkiisa u dirayo Soomaaliya, haddii ciidamada AMISOM ay la kulmaan khatar, islamarkaana ay weydiistaan kaalmo.
- (2010-08-12)
- Ugandha oo qaraxyadii Kampala u qabatay 4 nin oo dhalashadoodu tahay Ugandhays
-
Kampala: Ciidammada Ammaanka dalka Ugandha ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay gacanta ku soo dhigeen oo ay xireen afar nin oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen qaraxyadii bishii july ee sandkaan lagu dilay in ka badan 76 qofood oo daawanayey ciyaartii finalka koobka kubbadda cagta adduunka.
- (2010-08-12)
- Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada
-
Hargeysa, Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta waxa uu magacaabay Guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland, kuwaasi oo u badan kuwo cusu, inkastoo gobollada qaar dib loogu magacaabay guddoomiyeyaashoodii hore.
- (2010-08-12)
- Maxkamad Milateri oo Mareykanku leeyahay oo 14 sano oo xabsi ah ku xukuntay Darawalkii Bin Ladin
-
Maxkamad ay leeyihiin ciidammada milateriga dalka Mareykanka ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay14 sano oo xarig ah ku xukuntay nin lagu magacaabo Al-Qosi oo u dhashay dalka Suudaan, kaasi oo muddo 8 sanadood ah xukun laáan ku jirey xabsiga Guantanamo Bay.
- (2010-08-12)
- RAMADAAN KARIIM (Muqdisho oo laga arkay bisha)
-
Dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaanu ugu bishaareyneynaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, taasi oo dalal badan oo caalamka ahi si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay berri tahay maalin soon ah.
- (2010-08-10)
- Dumar eedaysanayaal ah oo la horkeenay maxkamadda Minnesota ee Maraykan
-
Laba dumar ah oo Somali ah oo lagu eedaynayo hawlgallo la xidhiidha argagixso ayaa la hor keenay maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
- (2010-08-10)
- Maamulka Puntland oo si xawli ah ula dagaalamaya burcad-badeedda
-
Garoowe: Ciidammada Maamul Goboleedka Puntland ee waqooyi bari dalka Soomaaliya ayaa si xawli ah ula dagaalamaya kooxaha burcad-badeedda ah ee ku sugan degankaasi, iyagoo howlgalkii 2aad ee ay qaadeen ciidammadaasi muddo ka yar hal toddobaad ku qabqabtay koox burcad ah.
- (2010-08-08)
- Tartanka u adkeysiga kuleylka oo sababay dhimashada ninkii ku badiyey horyaalnimada
-
Tartanka u adkeysiga kuleylka (world Sauna championship) oo ay ka qaybgelayeen tiro dad ah oo ka kala socday qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa waxa uu sababay dhimasada hal nin iyo dhaawaca nin kale.
- (2010-08-08)
- Hadal uu maanta jeediyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Eric Holder, ayaan idiin soo koobnay
-
Maanta ayay dowladda Mareykanku soo saartay magacyada 14 ruux oo lagu eedeynayo falal argagixiso oo ah in ay lacag, shaqaale iyo adeeg ay u fidiyeen kooxda Shabaab, oo ah urur argagixiso oo ka hawlgala Soomaaliya, kuna xiran al Qaacida.
- (2010-08-06)
- Shaki soo galay qurbo-joogtii kaalmooyinka u ururin jirtey dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya
-
Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada, abaaraha iyo fatahaadda webiyada dalka Soomaaliya waxaa dalalka dibedda u yaacay kumannaan kun oo qofood oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku milmay bulshooyinka ku dhaqan dalalkaasi haddii ay ahaan lahayd ganacsiga qaybihiisa kala duwan, waxbarashada jaamacadaha iyo suuqyada shaqada, halkaasi oo ay ka kasbadeen dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda,
- (2010-08-06)
- Wasiirada Arr. Dibedda Isbahaysiga SANCA oo goáamiyey in dhinac kasta laga taageero Dowladda Somalia
-
Sanca: Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka ku jira isbahaysiga Sanca ayaa waxaa shir ugu soo gebogeboobay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemena, iyadoo shirkaas uu Soomaaliya uga qaybgalay Yuusuf Xasan Dheeg oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dowladda kumeelgaarka ah.
- (2010-08-03)
- Taliyihii hore ee Booliiska Interpol oo 15 sano oo xarig ah lagu xukumay
-
Taliyihii hore ee ciidammada Booliiska (Interpol), Jackie Selebi ayaa waxaa lagu xukumay 15 sanadood oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dembiyo waaweyn oo ay ka mid tahay musuq-maasuq iyo laaluush qaadasho dhinaca ganacsiga daroogada ah.
- (2010-08-03)
- Guddoomiyaha G/Banaadir "nidaamka 4.5 waa mid lagu kala fogeynayo Soomaalida"
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo intii uusan ka mid noqon Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ka mid ahaa qurbo-joogta Soomaaliya ayaa maanta si weyn waxa uu u dhaliilay nidaamka awood-qaybsi 4.5 ee ay dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ku dhisan tahay, isagoo yiri "waa nidaam lagu cuuryaaminayo Soomaaliya".
- (2010-08-03)
- 31 Qofood oo ku dhimatay caasimadda Pakistaan rabshadihii ka dhashay dilkii Raza Haider
-
Karachi: Ugu yaraan 31 qofood ayaa la xaqiijiyay inay ku nafwaayeen magaalada caasimadda u ah dalka Pakistaan ee Karachi kaddib rabshadihii ka dhashay dilkii qorsheysnaa ee maalinimadii shalay lagu qaarajiyey siyaasi lagu magacaabi jirey Raza Haider oo ay toogasho ku dileen rag hubeysnaa oo mooto watay.
- (2010-08-03)
- Madaxweyne Obama oo sheegay in ciidammada dalkiisa laga soo saari doono dalka Ciraaq
-
Washignton: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in dhammaadka bishaan august ay dhammaan ciidammada dalka Mareykanka ka soo bixi doonaan dalka Ciraaq, taasi oo sida uu sheegay waafaqsan ballanqaadkiisii xilligii uu socday ololaha doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.
- (2010-08-02)
- Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay inay arbacada u codeeyaan qaadashada dastuurka cusub ee Kenya
-
Nairobi: Dalka Kenya ayaa maalinimada arbacada ah ee ay bishaani tahay 4-ta waxaa dadweynuhu u codeynayaan dastuurka cusub ee dalkaasi la doonayo in lagu maamulo, iyadoo xisbiyada siyaasadda, kaniisadaha iyo ururada islaamku aad isugu khilaafsan yihiin qaadshada dastuurka cusub.
- (2010-08-02)
- Shirkad Sacuudiga laga leeyahay oo malaayiin doolar ku soo furanaysa Markab looga haysto Soomaaliya
-
Riyadh: Shirkad caymis oo laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay ku talo jirto in ay malaayiin doolar ku soo furato Markab iyo 14 shaqaale ah oo afduub looga haysto xeebaha dalka Soomaaliya.
- (2010-08-02)
- 3 Nin oo ka mid ahaa dadkii loo xirey qaraxyadii Kampala oo Maxkamad ka soo muuqday jimcihii
-
KAMPALA, Uganda : 3 Nin oo ka mid ahaa dadkii loo heystay qaraxyadii ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 76 qofood ee 11 july ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha ayaa maalinimadii jimcaha waxa ay ka soo muuqdeen Maxkamad lagu dhegeysanayey eedeymaha loo haysto.
- (2010-08-02)
- Eritrea oo ku eedeysay weriye Dawit Isaak inuu ka mid ahaa koox fududeynaysay faragelin Itoobiya
-
Lataliyaha Madaxweynaha dalka Eritrea, Yemana Gebrab oo booqasho ku tegay dalka Sweden ayaa saxaafaddu waxa ay suáalo ka weydiisay xarigga weriye lagu magacaabo Dawit Isaak oo haysta dhalashada dalka Sweden, hase yeeshee asal ahaan ka soo jeeda dalka Eritrea, kaasi oo Maxkamad laáan ku jira 9 sanadood xabsi ku yaal dalka Eritrea.
- (2010-08-02)
- Xawaaladda Qaran Gaalkacyo oo la dhacay, Madaxweynaha oo Muqdisho ku laabtay iyo warar kale
-
Gaalkacyo: Koox hubeysan ayaa weerar waxa ay ku qaadeen saaka xafiiska Shirkadda Xawaaladda Qaran Express ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo weerarkaasi ku dilay 2 qofood, islamarkaana qaatay dhammaan lacagihii yaallay xaruntaasi.
- (2010-07-31)
- Madaxweyne Nicolas Sarkozy oo u hanjabay Faransiiska asalkoodu ka soo jeedo dalalka dibedda
-
Paris: Madaxweynaha dalka Faransiiska, Nicolas Sarkozy ayaa maanta waxa uu ku hajnabay in sharciyada dhalashada dalka Faransiiska lagala noqon doono dadka asalkoodu ka soo jeedo dalalka dibedda balse qaatay dhalashada dalkaasi haddii ay galaan fal-.dembiyeedyo ka soo horjeeda dowladda Faransiiska.
- (2010-07-31)
- Taliyihii hore ee Booliiska Sweden oo 6 sano oo xabsi ah lagu xukumay
-
Taliyihii hore ee ciidammada Booliiska dalka Sweden, Göran Lindberg ayaa Maxkamadi waxa ay ku xukuntay 6 sano iyo lix bilood oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dembiyo lagu soo eedeeyay oo ku saabsanaa kufsi, jirdil iyo galmood oo lacag ku iibsaday, taasi oo dembi ka ah dalka Sweden.
- (2010-07-31)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay Puntland
-
Muqdisho: Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage oo ay dadku ugu yeeraan (Sheekh Cali-Dheere) oo la hadlayey qaar ka mid ah saxaafadda gudaha ayaa waxa uu sheegay in Ururkoodu uusan wax lug ah ku lahayn dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland.
- (2010-07-29)
- Ciyaartoy Soomaaliyeed oo Nairobi uga qaybgeleysa tartanka ciyaaraha fudud ee Qaaradda Africa
-
Ciyaartoy ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxa ay ka qaybgelayaan tartanka horyaallada ciyaaraha Fudud ee Qaaradda Africa (African Senior Championships), kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dlka Kenya.
- (2010-07-28)
- Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Golaha Wasiirada
-
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa 24 saacdood kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxtinimada Somaliland waxa uu magacaabay Golaha Wasiirada Somaliland, kuwaasi oo kala ah sidatan:
- (2010-07-28)
- Maxamed Faarax oo Britain u soo hooyay Billadda dahabka ah ee orodka 10-ka kun mitir ee Yurub
-
Ciyaaryahan Maxamed Faarax oo ku magac dheer Mo Farah, asalkiisuna ka soo jeedo dalka Soomaaliya, hase yeeshee haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay waxa uu u soo hooyay dalka Britain Billad dahab ah ee orordka 10-ka kun mitir ee horyaalnimada ciyaaraha Fudud ee Yurub, inkastoo uu hore ugu soo hooyay billado kale oo ay ka mid tahay orodka 5-ta kun mitir ah ee ciyaaraha fudud.
- (2010-07-28)
- Siilaanyo oo caleemo-saarkiisii ugu mahadceliyay Ismacil Cumar Geelle, Meles Zanawi & dad kale
-
Hargeysa: Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xilka Madaxtinnimada Somaliland kula wareegay xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.
- (2010-07-27)
- Warbixin ku saabsan dagaaladii Boosaaso iyo shirka Midowga Africa ee arrimaha Soomaaliya
-
Boosaaso: Kaddib dagaal qaraar oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qofood oo maalinimadii shalay buuraleyda duleedka magaalada Boosaso ku dhex maray ciidammada Maamulka Puntland iyo Maliishiyo Islaamiyiin ah oo uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam ayaa saaka waxaa deggan xaaladda degaanadii lagu dagaalamay,
- (2010-07-27)
- WARBIXIN KU SAABSAN QABYOQORAALKA DASTUURKA LATASHIGA DADWEYNAHA
-
Shabakadda somaanta.com waxa ay maalmihii la soo dhaafay idiin soo bandhigtey nuqulo ku qoran luuqadahah carabiga iyo english-ka ee dastuurka qabyada ah ee loo soo diyaariyey in lagu maamulo dalka Soomaaliya, iyadoo maantana aan idiin soo gudbineyno nuqul ku qoran afka Soomaaliga si shacabka Soomaaliyeed ula socdo, nuqulkaas oo u qornaa sidatan:
- (2010-07-24)
- PUNTLAND OO FULISAY DARDAARANKII MELES ZANAWI (fikirka qoraaga Maqaalka)
-
Asalaamu caleykum.
Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allaah Caza wajalla subxaanahu watacaalaa iyo in uu Nabigeena suuban yahay Nabigii iyo rasuulkii lagu khatimay Nabinimada iyo Risaalada Cirka inta Qiyaamuhu ka dhaco oo koonka laga halaagayo.Naxariis iyo Nabadgalyo ilaahay ha yeelo Nabigeena suuban Muxammad S.C.W. Dushiisa isaga iyo eheladiisa iyo intii xaqa ku raacday aakhiro iyo adduunba. - (2010-07-24)
- Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo qaybo Muqdisho ka mid ah & qaraxyo askar lagu dilay xalay
-
Muqdisho: Rasaas goosgoos ah ayaa saaka waxaa laga maqlayaa qaybo ka mid ah waqooyiga magalaada Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere oo ay isku horfadhiyaan ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo xoogagga mucaaradka ah.
- (2010-07-24)
- Shirka Africa iyo arrimaha Soomaaliya
-
Shirka Ururka Midowga Afica uga soconaya magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa wararku sheegayaan in qodobada ugu culculus ee diiradda lagu saarayo ay ka mid tahay sidii waxlooga beddeli lahaa sharcigii ciidammada ururkaasi ee ka howlgala dalka Soomaaliya.
- (2010-07-24)
- TALOOYIN KEENI KARA IN LA HELO MIDNIMO IYO SOOMAALI TOOSAN!
-
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU.
Ilaahay ayaa ammaan iyo Mahad aan xadlahayn mudan har iyo habeen,Naxariis iyo Nabadgalyo ilaahay ha duldhigo Suubanaha Muxammad S.C.W.,Eheladiisa,asxaabtiisa iyo intii Tubta toosan raacda inta ilaahay Koonka ka rogayo(aamiin).
- (2010-07-24)
- Nuqul ka mid ah Dastuurka loo soo diyaariyey in lagu maamulo dalka Soomaaliya oo Carabi ku qoran
-
Nuqul ka mid ah Dastuurka ay soo diyaariyeen Guddiga Dastuurka ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ku qoran luuqadda Carabiga, iyadoo ujeeddada ay shabakaddu u soo bandhigeyso ay tahay in shacabka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ay wax ka ogaadaan nuxurka Dastuurlka inta aan la meelmarin, maadama uu saameyn ku yeelan doono mustaqbalka ummadda, si loogu biiriyo talo iyo sixitaan haddii fursad loo siiyo shacabka.
- (2010-07-23)
- Noqol ka mid ah Dastuurka loo soo diyaariyey Soomaaliya oo english ku qoran
-
Waxaan halkaan hoose idinkugu soo bandhigeynaa nuqul ka mid ah dastuurka la doonayo in lagu maamulo dalka Soomaaliya, kaas oo Guddiga ay dowladdu u saartay ay wax ka bed-beddeleen dastuurkii hore loogu soo qoray dalka Kenya, iyadoo meelaha qaar ay ka muuqato in la isku deyayo in la iswaafajiyo Shareecada Islaamka iyo dastuurkan.
- (2010-07-23)
- Wadaad diintii laga bililiqaystay (u gaar ah qoraaga maqaalka)
-
2010-07-21
Wuxu allaah ku yidhi Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa:
وَقَالُوا لَوْلا زِّ هَذَا الْ آُ عَلَى لٍ زِّ آَ الْ آِ عَظِ لٍ م ) 32 )
هُمْ وآَ زِّ آُ قَ ا هُم مَّ يَ هُمْ فِي الْ ااِ الدُّ ا وَ فَ ا هُمْ فَوْ لٍ دَ ا لٍ
لِ مَّ ذَ هُم ا ا وَ زِّ رٌ زِّ مَّ ا وآَ ) 33 (ال ف
Hal ku dhigga qoraaga:
” Haddii Aad Laba Nin Oo Legdamaya Mid Ahaan Fallaaro Ku Boobto, Dabcan Ka Kale Ayaad U Hiilisay”
Wadaad diintii laga bililiqaystay
- (2010-07-23)
- Yaa Soomaaliya ku dagaallamaya
-
Wasiirka Ammaanka ee Somalia, Axmed Cabdisalaan, ayaa ku tilmaamay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu ka gudbay dagaal sokeeye oo uu hadda yahay dagaal caalami ah.
- (2010-07-22)
- Taliyaha Ilaalada Villa Soomaaliya oo beeniyay inuu ku biiray Al-Shabaab
-
Muqdisho 21 july: Taliyaha Ciidamada Ilaaliya Xarunta Madaxtiiyada ee Villa Soomaaliya ayaa maanta beeniyay war ay hore u sheegteen Xarakada Al-Shaabaab oo ahaa in saraakiil u ka mid yahay isku dhiibeen Al-Shabaab.
- (2010-07-21)
- Qarax Bam oo 2 askari ku dilay magaalada Muqdisho iyo Raíisul Wasaaraha oo tababar soo xirey
-
Muqdisho 21 july: Qarax miino loo dhigay ciidamo ka tirsan booliiska dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintey 2 askari oo ka mid ahaa ciidammadii la socday baabuurkii miinada lagu qarxiyey oo marayey agagaarka dugsigii 21 oktoober ee degmada Waaberi ee magalaada Muqdisho.
- (2010-07-21)
- Burcad-badeedda Soomaalida oo madaxfurasho ku sii daayey 2 Markab oo mid sida Shidaal
-
Burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa waxa ay sii daayeen 2 Markab oo mid ka mid ahi uu sidey shidaal, halka Markabka kalena lagu sheegay in uu ahaa nooca Kalluumeysiga, kaddib markii ay ka qaateen ilaa 7 milyan oo doolar oo madaxfurasho ah.
- (2010-07-20)
- Madaxweynha oo la kulmay Franco Frattini
-
Madaxweynaha dawladda kumeelgaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo tan iyo shalay booqaasho ku jooga magaalada Rooma, waxaa maantay xarunta madaxtooyada Talyaaniga Quirinale ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Giorgio Napolitano
- (2010-07-20)
- Warar kookooban oo caalamka ku saabsan
-
Russia: Makhael Pletenev oo ah muusikiiste caan ku ahaa tumista piyaanada ayaa waxa uu ka soo muuqday maxkamad ku taal dalka Thailand, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu fara-xumeeyay carruur u dhalatay dalka Thailand.
Pianiste Makhael Pletenev ayaa la filayaa in uu muteysan doono xabsi dheer oo ku saabsan eedeymaha la xariira fara xumeynta carruurta haddii si buuxda loogu caddeeyo falkaasi anshax xumida iyo meel ka dhaca xaquuqda baniáadamka la xariira.
- (2010-07-19)
- Shirweynihii 15aad ee Ururka Midowga Africa oo Kampala ka furmaya
-
Kampala: Shirweynihii 15aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan ururka midowga Africa ayaa waxa uu ka furmayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha, halkaasi oo shir hordhac ah uu uga sii socday wasiirrada arrimaha dibedda ee isla dalalka midowga Africa.
- (2010-07-19)
- Booliiska Kenya oo nin Soomali ah u gacangeliyay Sirdoonka Ugandha
-
Nairobi: Ciidammada Booliiska dalka Kenya oo labadii habeen ee la soo dhaafay ku guda jirey raaf ama qab-qabasho aan loo meeldeyin ee ay ku hayeen Soomaalida deggan magaalada Nairobi ayaa wararku sheegayaan in nin Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii ay qabqabteen ay u gacangeliyeen Ciidammada Sirdoonka Ugandha.
- (2010-07-17)
- Wasaaradda Difaaca Sweden oo dib ula soo noqoneysa diyaaradaha dagaalka ee ka joogay Soomaaliya
-
Wasiirka Difaaca dalka Sweden, Sten Tolgfors oo ka tirsan Xisbiga (M) oo hoggaamiya dowladda isbahaysiga Xisbiyada badan ku dhisan ee dalkaasi ayaa waxa uu shaaca ka qadaay Wasaaraddiisu goáamisay in ay dib ula soo noqdaan diyaaradaha Helikopterada ah ee ka jooga xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u caawiyaan Maraaliibta sidda
- (2010-07-17)
- Qaar ka mid ah dalalka Yurub oo soo saaray farsamo cusub oo ay ku ogaanayaan faraha la dhaawacay
-
Qaar ka mid ah dalalka ku jira ururka midowga Yurub ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay soo saareen qalab cusub oo casri ah oo ay ku ogaanayaan dadka qaxooti ahaan isaga dhiiba dalalkaasi, iyagoo dalka kale oo Yurub ah faro looga soo qaaday, kuwaasi oo ay sheegeen in ay faraha dhaawacyo gaarsiiyaan, xoqaan ama wax mariyaan si qalabka faraha lagu baaro uusan u soo saarin.
- (2010-07-17)
- Madaxweynaha DFKM Soomaaliya oo safarro uu taageero ugu raadinayo goáamadii IGAD ku maraya dibedda
-
Nairobi: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ha ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo safar ku jooga magaalada Nairobi ayaa wararku sheegayaan in uu halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah safaaradaha dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo weliba heyádaha Qaramada Midoobay.
- (2010-07-17)
- 40 qofood oo ku dhimatay dab ka kacay hoteel ku yaal dalka Ciraaq
-
Suleymaniyya: Ugu yaraan 40 qofood ayaa la xaqiijiyey inay ku dhimatay islamarkaana ay ku dhaawacmen in ka badan 23 qofood oo kale hoteel ku yaal magalaada Suleymaniyya ee dalka Ciraaq, qaybta Kurdistan, kaddib markii dab weyni qabsaday hoteelka.
- (2010-07-16)
- Warbixin ku saabsan dalalka Midowgba Yurub & Qaxootyiga magangelya-doonka ah
-
Geneva: Waddamada ku mideysan ururka Midowga Yurub ayaa shir ay dhowaan ka yeesheen arrimaha dadka magangelyo-doonka ah waxa ay ku gaareen heshiis hordhac ah, heshiiskaasi oo ay ku doonayaan in ay qaab mideysan ku wajahaan arrimaha qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku soo badanaya dalalkaasi.
- (2010-07-16)
- Yaasin A. Cariif "Halyeey Isboorti"
-
Waxaan maanta rog-rogeyna baalasha taarikheed mid ka mid ah Halyeyadii Isboorti oo Ummadda Soomaaliyeed u soo halgamay. Halyey waqti badan u soo huray horumarinta Isboortiga, Shaqsi waligii ku haminaayey in Isboortiga Soomaaliyeed la gaarsiiyo heerka ugu sareeya Himiladiisu waxay aheyd in Calanka Ummadda Soomaaliyeed laga dhex taago garoomadda Isboorti ee caalamiga ah.
- (2010-07-15)
- Warar goosgoos ah oocaalamka iyo Soomaaliya ku saabsan
-
Kampala: Madaxweynaha dalka Ugandha, Yuweri Musaveni oo shir jaraaid xalay ku qabtay magaalada Kampala islamarkaana waraysiyo kala duwan siiyey qaar ka mid ah saxaafadda caalamka ugu afka dheer ayaa waxa uu ku celceliyay in ciidammada dalkiisa ee jooga magalaada Muqdisho ay dagaal toos ah la geli doonaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagu sheegtay qaraxyadii ay ku dhinteen ilaa 76 qofood ee ka dhacay axaddii la soo dhaafay magaalada Kampala.
- (2010-07-15)
- Maxamed Odaini oo dalkiisii Yemen ku laabtay 8 sandood oo uu ku jirey xabsiga Guatinamo kaddib
-
Maxamed Odaini waa muwaadin u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa maxaabiistii muslimiinta ahayd ee muddada dheer ku jirtey xabsiga Gacanka Kuuba ee Guatinama Bay, iyagoon helin habayaraatee wax xukun Maxkamadeed ah.
- (2010-07-14)
- Teleefoonada sida qarsoodiga ah loo dhegeysto oo korortay dalka Sweden
-
Warbixin cusub oo dhowaan soo baxday ayaa lagu muujiyey in ay kor u kacday dhegeysiga ay ciidammada Booliiska dalka Sweden qarsoodi ahaan u dhegeystaan qadadka teleefoonada si ay uga hortagaan maandooriyayaasha la isku dayo in qarsoodi lagu soo geliyo dalkaasi.
- (2010-07-14)
- Madaafiic dad ku laysay xalay magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 14 july: Saqdii dhexe ee xalay goor ay hurdayeen dadka magaalada Muqdisho ayaa madaafiic la sheegay inay ka soo dhacaysay hanka madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ay ku soo hoobatay qaybo ka mid ah degmooyink Howlwadaag iyo Hodan, kuwaasi oo ay ku nafwaayeen inta la hubo 3 qofood.
- (2010-07-14)
- Tarzan oo maanta la wareegay xilka Guddoomiyenimda G/Banaadir & Duqa magalaada Muqdisho
-
Munaasabad lagu qabtay magalaada Muqdisho ayaa wxaaa xilkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho kula wareegay Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarzan oo ka mid ah xubnaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ka soo galay isbahaysigii dib u xoreynta.
- (2010-07-13)
- Shahram Amiri oo la weysanaa muddo sanad ah oo dalkiisii ku sii jeeda
-
Shahram Amiri oo ah injineer ku takhasusay cilmiga quwadda nukliyeerka dalka Iiran oo la rumeysan yahay in ciidammada sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA ay afduubteen ayaa Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Pakistan waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Safaaradda Pakistan ee magaalada Washington, qaybteeda Iiraan,
- (2010-07-13)
- Shahram Amiri oo la weysanaa muddo sanad ah oo dalkiisii ku sii jeeda
-
Shahram Amiri oo ah injineer ku takhasusay cilmiga quwadda nukliyeerka dalka Iiran oo la rumeysan yahay in ciidammada sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA ay afduubteen ayaa Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Pakistan waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Safaaradda Pakistan ee magaalada Washington, qaybteeda Iiraan,
- (2010-07-13)
- Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii Kampala & Soomaali ciidammadu qabqabteen
-
Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Kampala, kuwaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 74 qofood oo daawanayey Ciyaartii finalka koobka cKubbadda cagta adduunka.
- (2010-07-12)
- Qaraxyo ay ku dhinteen 64 qofood oo xalay ka dhacay magaalada Kampala
-
Kampala 12 july: Ilaa 64 qofood, ayna ku dhaawacmeen 72 kale ayaa la xaqiijiyey inay ku nafwaayeen qaraxyo habeenkii xalay ahaa lala beegsaday goobo la isugu soo baxo oo lagu daawanayey finalkii ciyaarta kubbada cagta koobka adduunka, goobahaasi oo ku yaal gudaha Magalia caasimadda u ah dalka Ugandha ee Kampala, weeraradaasi oo durba lagu tuhmay kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya.
- (2010-07-12)
- Sidii loogu kala guuleystay koobka kubbadda cagta adduunka (Spain oo goolkii guusha dhalisay)
-
Kooxaha kubbadda cagta dalalka Holland iyo Spain ayaa ciyaartoodii finalka ee koobka kubbadda cagta adduunka sanadka 2010 waxa ay ku dhammaatay 90-kii daqiiqadood ee loogu talo galay 0-0, waxaana lagu darayaa sida sharcigu qabo 30 daqiiqo oo dheeraad ah. Xulka Spain daqiiqaddii 116-aad ayey dhaliyeen goolkii guusha, waxayna noqonayaan dalkii 8aad ee qaada koobka adduunka.
- (2010-07-11)
- Xulalka SPain Vs Holland oo 0-0 ku kala nastay & ciyaartoyda Holland oo Jaalleyaal urursaday
-
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa 0-0 lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta, hase yeeshee ciyaartoya qadka dhexe ee xlka Holland ayaa waxa ay aruursadeen jaalleyaal (warqadda hurdiga ah), taasi oo suurtogal ka dhigi karta in qaybta dambe ee ciyaarta qaar ciyaartoyda ka mid ahi qaataan warqadda gaduudan (redcard).
- (2010-07-11)
- Xulalka Spain iyo Holland oo iminka soo gelaya garoonka City soccer stadium
-
Xulalka kubbadda cagta dalalka Spain iyo Holland oo isugu soo haray ciyaarta finalka koobka adduunka ee sanadka 2010 ayaa iminka waxa ay soo gelayaan garoonka city soccer stadium, iyadoo daawashada ciyaarta caawa ay ka qaybgelayaan hoggaamiyeyaal ka tirsan madaxda dalalka caalamka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha K/Africa.
- (2010-07-11)
- Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ansixisay natiijada doorashooyinkii madaxtinimada
-
Fadhi ay magaalada Hargeysa ku yeelatay maanta Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday ansixinta natiijada doorashadii madaxtooyada Somaliland inuu ku guuleystay musharaxa Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Siilaanyo inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, sidoo kale Madaxweyne Ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil.
- (2010-07-11)
- Al-Shabab oo Baydhabo iyo Beledweyne ku kala dilay 2 nin oo mid ka mid ah ay ku eedeeyeen Basaasnimo
-
Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay waxa ay dilal kala duwan ku fuliyeen 2 nin oo mid ka mid ah ay xukun qisaas ah ku filyeen kaddib markii lagu eedeyay inuu basaas u ahaa ciidammada Itoobiya, eedeyntaasi oo ay sheegeen inuu qirtey ninka la dilay oo 38 sano jir ahaa laguna magacaabi jirey Ibraahim Cabdulqaadir, waxaana xukunkaasi fuliyay Maamulka Alshabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.
- (2010-07-11)
- Mid ka mid ah raggii lagu xirey Norway oo ka hadlay qalabka lagu soo qabtay
-
Mid ka mid ah saddexdii nin ee maalinimadii khamiista lagu kala xirey dalalka Norway iyo Jarmalka iyadoo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen weeraro argagixisinimo ayaa maalinimadii shalay ee sabti ah waxa uu sheegay in qalabka lagu eedeynayo inuu u soo iibsaday inuu ka sameeyo walxaha qarxa in uu doonayey inuu baabuurkiisa kaga dhaqo daxal, hase yeeshee uusan dan kale ka lahayn qalabkaasi dareeraha ah.
- (2010-07-11)
- Xulalka Jarmalka iyo Urugauay oo caawa u tartamaya kaalinta 3aad ee koobka adduunka
-
Xulalka kubbadda cagta dalalka Jarmalka iyo Uruguay ayaa caawa waxa ay u tatamayaan kaalinta 3aad ee koobka adduunka kaddib markii ay ku guuldareysteen inay u soo gudbaan finalka koobka.
- (2010-07-10)
- Madaxweynaha DKM Soomaaliya oo shir jaraaíd uga hadlay heshiiska dowladda & Ahlu Sunna Waljameeca
-
Muqdisho 10 july: Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aanada ka soo baxay kulan madaxeedkii IGAD, ciidamada la qorsheynayo in la keeno dalka Soomaaliya iyo eedeymaha ay u jeediyeen dowladdiisa,
- (2010-07-10)
- Garyaqaanka 3-dii nin oo khamiistii lagu xirey dalalka Norway & Jarmalka oo ka hadlay arriintaasi
-
Garyaqaanka u doodayey saddexdii nin ee khamiistii dhowayd lagu kala xirey dalalka Norway iyo Jarmalka oo sheegay in raggaasi beeniyeen eedeymaha loo haysto ee ah inay qorsheynayeen weerarro argagixisnimo, iyagoo isticmaalaya bambooyin ay sameeyeen.
- (2010-07-10)
- Heyádda OXFAM oo ka digtay macluul ku soo fool leh dalalka Afrika ee ku yaal saxaraha
-
Ururka Gargaarka OXFAm ayaa waxa uu soo saaray digniin xoog leh oo ku saabsan macluul ku soo fool leh qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ku yaal saxaraha, taasi oo sida ururkaasi sheegay saameyn doonta ilaa 10 milyan oo qofood.
- (2010-07-10)
- Norway oo lagu xirey 3 nin oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerar argagixisinimo
-
3 Qofood oo la sheegay in looga shakisan yahay inay diyaarinayeen weeraro argagixisinimo ayaa lagu xirey dalka Norway. Saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo ka tirsan dalalka Norway iyo Maraykanka ayaa waxa ay wakaaladda wararka Ap u sheegeen saddexdaasi nin ay xubno ka yihiin ururka Al-Qaacida iyadoo lagu daba jirey muddo sanad ah.
- (2010-07-08)
- Xulka Jarmalka oo ku horkufay taageerayaashiisa & xulka Spain oo finalka u soo baxay
-
Xulka Spain ayaa waxa ay u soo baxeen ciyaarta finalka kooka adduunka kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen xulka Jarmalka, waxaynan finalka isugu soo haray xulalka Holland iyo Spain.
- (2010-07-07)
- Xulka Spain oo taagan albaabka finalka koobka adduunka
-
Xulka Kubbadda Cagta Spain ayaa waxa uu taagan yahay albaabka finalka koobka adduunka kaddib markii ay ciyaarta iminka socota ee ay la leeyihiin xulka Jarmalka ay daqiiqaddii 73 aad ee qaybtii dambe ka dhaliyeen gool qurux badan oo uu madaxa ku dhaliyey ciyaarayahan Poyul oo lambarka 5aad u qaata xulka Spain.
- (2010-07-07)
- Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay go'aannadii ka soo baxay ururka IGAD ee Arr. Soomaaliya
-
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Cali Maxamud Raage (Cali dheere) oo shir jaraa'id khadka taleefoonka ugu qabtay saxaafadda ayaa waxa uu ka hadlay kulankii magaalada Addis-ababa ugu soo gabagaboobay madaxda urur goboleedka IGAD kaasi oo go'aanada ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in 2,000 oo askari oo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidammada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya.
- (2010-07-07)
- Holland oo finalka u soo baxday & saadaal K/Adduunka oo ay ka qaybqaadanayaan suxufiyiin caan ah
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Holland ayaa caawa waxa uu u soo gudbay ciyaarta finalka koobka adduunka, kaddib markii uu 3-2 uga soo badiyey xulka Uruguay, iyadoo 64% uu xulka Holland ku gacan-sarreeyay ciyaarta.
- (2010-07-06)
- Netherland iyo Uruguay midkee u soo bixi doona finalka koobka adduunka?
-
Waxaa caawa ciyaar aad loo wada sugayo isaga hor imaan doona xulalka kubbadda cagta ee dalalka Holland iyo Uruguay, kuwaasi oo kooxhabdii soo badisa ay u soo baxayso ciyaarta finalka koobka adduunka oo ay kula baratami doonto kooxdii ka soo baxda kulanka ay wada ciyaari doonaan Spain iyo Jarmalka.
- (2010-07-06)
- Shirkii IGAD oo laga soo saaray qodobadii laga filayey ee arrimaha Soomaaliya
-
Addis-Ababa, Warar hordhac ah oo ka soo baxay shir-madaxeedkii IGAd uga socday magaalada Addis-Ababa ayaa sheegaya in shirkaasi lagu gaaray qodobo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo loo gudbin doono shirka ururka Midowga Africa, si kaddib loogu gudbiyo Qaramada Midoobay.
- (2010-07-05)
- Maliishiyooyinka Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo galabta isku laayey Muqdisho
-
Muqdisho 5 july: Maliishiyooyinka ururada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa galabta dagaal muddo kooban socday oo ku dhex maray magaalada Muqdisho waxa ay isaga dileen tiro ka tirsan askartooda oo uu ka mid yahay Sarkaal Xisbul Islaam ka tirsanaa.
- (2010-07-05)
- Itoobiya, Kenya & Ugandha oo magaca IGAD shirqool cusub ugu maleegaya Soomaalida
-
Addis-Ababa 5 july: Waxaa magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku sii aruurayey labadii maalmood ee ugu dambeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka urur-goboleedka IGAD iyo madax kale oo metelaysa hoggaamiyeyaasha aan halkaasi imaan doonin.
- (2010-07-05)
- Soomaalida oo noqotay qaxootiga ugu badan ee magangelyada weydiistay Sweden waqtiyadii ugu dambeeyay
-
War shalay lagu faafiyey qaar ka mid ah saxaadda dalka Sweden ayaa lagu sheegay in Soomaalidu ay kaalinta 1aad ka gashay qaxootiga magangelyo-doonka ah ee waqtiyadii ugu dambeeyey iska dhiibay dalka Sweden.
- (2010-07-05)
- Dagaal xoog leh oo saaka mar kale ka qarxay waqooyiga Muqdisho
-
Muqdisho 4 july: Dagaal aad u culus iyo madaafiic aan loo meeldeyin ayaa saaka mar kale waxa uu ka bilowday qaybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo badan.
- (2010-07-04)
- Madaxweyne Ku-Xigeenka Mareykanka oo madaxda Ciraaq kala hadlaya sharciyada dilka siyaasadeed
-
Baqdaad 4 july: Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka, Mr.Biden oo booqasho uga billaabatay maanta dalka Ciraaq ayaa wararku sheegayaan in uu halkaasi u tegay sidii uu ciidammada dalkiisa ee ku sugan Ciraaq ugala qaybgeli lahaa dabbaaldegga maalinta Qaranimada Marykanka.
- (2010-07-04)
- Qaaradda Ameerika oo laga aasaasayo isbahaysi ay ka maqan yihiin USA iyo Canada
-
Shir ay ka soo qaybgaleen ilaa 20 wasiir iyo madax kale oo badan oo ka kala socday 32 dal oo ku yaal Qaaradda Ameerika ayaa shalay waxaa lagu qabtay Caracas.
- (2010-07-04)
- Magacyada Wasiirada cusub ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya
-
Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa Maanta waxaa uu ku dhawaaqay magacyada Wasiirada Xukuumaddiisa, iyadoo liiska wasiirada uu saxaafadda u achier Cabdulqaadir Walaayo oo ka mid ah Afhayeenada dowladda, liiskaas oo u qornaa sidatan:
- (2010-07-03)
- Raíisul Wasaaraha Jarmalka oo xulka dalkeeda la qaybsatay farxadda u soo bixitaanka semifinalka
-
Xulka Kubbadda Cagta Jarmalka ayaa waxa uu ku durduriyey xulka Argentin kaddib markii uu 4-0 uga badiyey ciyaar loogu soo baxayey semifinalka koobka adduunka sanadkan 2010.
- (2010-07-03)
- Xulka Jarmalka oo 1-0 ku hoggaaminaya qaybtii hore ee ciyaarta ay la leeyihiin Argantin
-
Ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan quartel finalka koobka kubbadda cagta adduunka ayaa waxa ay dhex maraysaa iminka xulalka Jarmalka iyo Argantiin, iyadoo markii la eego haysashada kubbadda ay 54 ku gacan sarreeyaan xulka argantiin, hase yeshee Jarmalka ayaa 1-0 kuhoggaaminaya ciyaarta oo iminka socota daqiiqaddii 38aad ee qaybtii hore.
- (2010-07-03)
- Golaha Wasiirrada cusub ee dowladda ku meelgaarka ah oo la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo
-
Muqdisho 3 july: Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa muujinaya in dhowaan lagu dhawaaqi doono magacyada Golaha Wasiirrada cusub ee dowladda kumeelgaarka ah, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay dib u dhigeen dagaalladii xoogganaa ee dowladdu kula jirtey mucaaradka iyo weliba madaxda sare oo isku khilaafsanayd Wasiirada qaarkood.
- (2010-07-03)
- Ciidammada AMISOM oo salka dhigtay hoteelkii Jubba
-
Muqdisho 3 july: Kaddib dagaalladii loo adeegsaday madafiicda xad-dhaafka ahayd ee maalmihii la soo dhaafay ka soconayey magaalada Muqdisho ayaa saaka ciidammada AMISOM waxa ay salka dhigteen hoteelkii Jubba, taas oo muujineysa inay dib isaga riixeen kooxaha mucaaradka.
- (2010-07-03)
- Madaxweynaha Ruushka oo dhambaal hambalyo ah u direy Madaxweynaha & Ummadda Soomaaliyeed
-
Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Ruushka ayaa waxa ay gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Moscow dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha dalka Ruushku, H.E. D.A. Medvedey uu u diray Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif SheekhAxmed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo ugu hambalyeeyay sanadguurada 50aad ee ka soo wareegtay maalinta Qaranimada iyo Israaca Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1-da luulyo.
- (2010-07-03)
- Xasuuqii shacabka Muqdisho oo weli sii socda (Dhimashada oo kor u dhaaftay 37 qofood)
-
Muqdisho 2 july: Dagaalladii xasuuqa shacabka ahaa ee kooxaha isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho ayaa weli halkoodii ka sii socda, iyadoo dhimashada 3-dii maalmood ee ugu dambeysay ay kor u dhaaftay 37 qofood oo shacab ah iyo dhaawacyo ka badan 120 qofood,
- (2010-07-02)
- Ghana oo 1-0 ku nasatay qaybtii hore ee ciyaarta ay la leedahay Uruguay
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Ghana ee lagu naynaaso Xiddigaha mad-madow (Black Stars) ayaa waxa ay gool qurux badan ka dhaliyeen xulka Uruguay waqti ay hal daqiiqo oo keli ah ka dhimanayd nasashada qaybtii hore ee ciyaarta oo iminka ka socota magalaada Johannesburg ee dalka Koonfurta Africa.
- (2010-07-02)
- Xulka Netherland oo u soo baxay semifinalka K/Adduunka & Brazil oo ka huleeshay tartanka
-
Port-Elizabeth 2 july: Xulka Kubbadda Cagta dalka Holland ayaa galabta waxa uu u soo baxay semifinalka koobka adduunka kaddib markii uu 2-1 uga badiyey xulka Brazil oo loo hanweynaa inuu u soo baxo wareegga afarta kooxood.
- (2010-07-02)
- Silaanyo ayaa loo doortay Madaxweyne
-
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa uga dhawaaqay munaasabd weli ka socota Maansoor, in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Somaliland.
- (2010-07-01)
- FIFA oo magacowday Garsooreyaasha 8-da kooxood ee quartel final-ka K/Adduunka
-
Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka yaa waxa uu magacaabay Garsooreyaashii dhex-dhexaadin lahaa wareegga 8-da kooxood (quarter-final matches) ee tartanka koobka adduunka ee ka soconaya dalka Koonfurta Afrika.
- (2010-07-01)
- Daahir Rayaale oo si geesinimo leh uga cudur-daartay hadal shalay ka soo yeeray Xisbigiisa
-
Hargeysa 1-da july: Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo maanta shir saxafaadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu cudur-daar ka bixiyey hadal dhaliil ahaa oo shalay ay soo saareen saraakiil sarsare oo Xisbiga UDUB ka tirsan, kuwaasi oo sheegay in doorashooyinkii looga shubtay Xisbigooda.
- (2010-07-01)
- Qarax weyn oo ka dhacay gudaha Villa Soomaaliya (Madaxweynaha & Raiisul Wasaaraha oo goobta joogay)
-
Muqdisho 1 july: Qarax aad u weyn oo loo adeegsaday bambooyinka lagu buuxiyo saacadda ayaa maanta lala beegsaday goob ay ku wada sugnaayeen Madaxweynaha, Riisul wasaaraha iyo madax kale oo badan gudaha madaxtooyadad Villa Soomaaliya.
- (2010-07-01)
- Dagaal dad badan ku dhintey oo Muqdisho ka socda & Madaxweynaha oo safka dagaalka ku sugan
-
Muqdisho 1-da July: Dagaal aad u culus oo subaxnimadii hore ee saaka mar kale ka bilaamay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen ugu yraan 8 qofood, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 qofood, iyadoo saaka ay dagaalka qaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
- (2010-07-01)
- Israil iyoTurkiga oo wada hadalo heer wasiir oo qarsoodi ah yeeshay
-
Dalalka Israil iyo Turkiga oo qalalaase siyaasadeed soo kala dhex galay kaddib markii ciidammada Israil ay weerar ku dileen 8 shaqaale ah oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo la socday Markab mucaawino samafal ah u siday Falastiiniyiinta ku go´doonsan magaalada Gaza.
- (2010-07-01)
- 2 Nin oo xalay toogasho lagu dilay dalka Sweden
-
Södertälje 1 july: Habeenimadii xalay ayaa toogasho lagu dilay 2 nin sidoo kalena nin kale lagu dhaawacay xaafadda Ronna ee magaalada Södertälje oo ku taal duleedka koonfureed e magaalada Stockholm.
- (2010-07-01)
- Isku aadka kooxaha u soo baxay wareegga 8-deeda ee K/Adduunka & kulamadii maanta
-
Xulalka Kubbadda Cagta dalalka Japan iyo Paraguay ayaa galabta waxaa dhex martay ciyaar aad u adag oo la isku daalay, taasi oo waqtigii loogu talo galay iyo weliba waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray isla dhaafi waayey barbarro 0-0 ah, taasi oo keentay in loo dhigo rigooreyaal ay guushii ku raacday 5-3 xulka Paraguay oo sidaasi ugu soo baxay wareegga 8-da.
- (2010-06-29)
- AP oo faahfaahisay Xariggii Mohamed Alessa & Carlos Almonte
-
Mohamed Alessa iyo Carlos Almonte waa labo wiil oo saaxiibo ah, kuwaasi oo kala 20 sano jir iyo 24 sano jir, waxayna degganaayeen gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, waxaana qabtay oo xabsiga dhigay heyádda FBI shantii bishaan june,
- (2010-06-29)
- Madaxweynaha FIFA oo cudur-daar weyn ka bixiyay qaladaadka Garsoorayaasha Koobka Adduunka
-
Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ayaa waxa uu cudur-daar weyn ka bixiyey qaladaadka ay sameeyeen qaar ka mid ah Garsooreyaasha dhex-dhexaadinaya ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ee ka soconaya dalka Koonfurta Africa.
- (2010-06-29)
- Madaafiic 3 qof ku dishay agagaarka suuqa Bakaaraha & Shabaabka oo ku soo durkay dowladda FKM
-
Muqdisho 29 june: Wararkii ugu dambeeyey ee maqribnimadii caawa laga helay magaalada Muqdisho oo ay shalay iyo maanta dagaalo kala duwan ka dhaceen ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay qaybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay ku dhiteen 3 qofood.
- (2010-06-29)
- Dad ku dhintay dagaalo ka dhacay Muqdisho
-
Dagaalo si goos goos ah uga soconaya shalay galinkii danbe iyo maanta degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa xarakada Alshabab ayaa sababay dhimashada sagaal ruux oo isugu jira rayid iyo dhinacyadii dagaalamayay soddon kalana waa ay ku dhaawacmeen.
- (2010-06-29)
- Fabio Capello "Naadiyo waaweyn ayaa i soo dalbaday, waxaanse la sii joogayaa xulka England"
-
Tababaraha caanka ah ee lagu magacaabo Fabio Capello oo layliya xulka kubbadda cagta dalka Ingiriiska oo lagu reebay wareegga 16-ka kooxood ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan naadiyo waaweyn oo soo dalbaday, hase yeeshee uu jecel yhay inuu la sii joogo xulka England.
- (2010-06-29)
- Xulka K/Cagta Aljeeriya oo wada hadal kula jira tababare Sven Göran Eriksson
-
Xiriirka Kubbadda Cagta dalka Aljeeriya oo xulkiisu ka mid ahaa kooxihii u soo baxay ka qaybgalka tartanka kubbadda cagta adduunka ee iminka ka soconaya dalka Koofurta Africa ayaa waxa uu indho-indheyn ugu jiraa sidii uu u heli lahaa tababare heer caalami ah oo ka socda qaaradda Yurub.
- (2010-06-29)
- Koobka adduunka & kulamada maanta (Spain VS Portugal, Paragauy VS Japan)
-
Waxaa weli si xiiso leh uga socda garoomada kala duwan ee kubbadda cagta dalka Koonfurta Africa wareeggii 16-ka kooxood ee tartanka koobka adduunka ayaa waxaa maanta indhaha lagu hayaa kulamada ay isaga horimaanayaan kooxaha Spain iyo Portugal oo ka mid ah xulalka ugu adag qaaradda Yurub.
- (2010-06-29)
- Djibouti oo maanta laga xusay 33 guuradii markii dalkaasi ka xoroobay gumeysigii Faransiiska
-
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta waxa ay u dabbaaldegaysaa sanad-guuradii 33-aad ee ka soo wareegatay markii ay ka xorowday gurmeysigii Faransiiska, iyadoo munaasabado kala duwan oo ay ka qaybgaleen madaxda sare ee dalka lagu xusay maalintaasi.
- (2010-06-27)
- 2 Nin oo siyaabo kala duwan toogasho loogu dhaawacay magaalada Malmö ee dalka Sweden
-
Malmö 27 june: Labo nin oo da´doodu tahay 30 sano jiri ayaa waxaa siyaabo kala duwan toogasho loogu dhaawacay magaalada Malmö ee koonfurta dalka Sweden.
- (2010-06-27)
- Xulalka Ghana iyo Uruguay oo u soo baxay wareegga 8-da kooxood ee koobka adduunka
-
Kulamadii koobka adduunka ee loogu soo baxayey wareegga 8-deeda kooxood ee shalay la ciyaaray ayaa waxaa ka soo baxay xulalka Ghana iyo Uruguay kaddib markii ay ka soo kala badiyeen xulalka Mareykanka oo Ghana 2-1 uga soo badisay iyo Uruguay oo ka soo badisay Kuuriyada koonfureed.
- (2010-06-27)
- Black Star (xulka Ghana) oo 1-0 hoggaanka ugu haya ciyaarta ay la leeyihiin Mareykanka
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Ghana (black stars) oo ay iminka billaabatay ciyaartii ay la lahaayeen xulka Mareykanka ayaa waxa ay hoggaanka ugu hayaan 1-0, iyadoo ciyaartu socoto 7 daqiiqadood oo keliya.
- (2010-06-26)
- Koobka Adduunka & kulamada wareegga 2aad
-
Xualalka Uruguay Vs Kuuriyada Koonfureed oo ka mid ah kuwa u soo baxay wareegga 2aad ee tartanka koobka adduunka ee ka soconaya dalka Koonfur Africa ayaa kulan aad u adag oo dhex maray waxa uu ku soo dhammaaday 2-1 ay guushii ku raacday Uruguay. Uruguay waxa ay u soo baxday wareegga 8-deeda.
- (2010-06-26)
- Codbixintii Somaliland oo soo gebogebowday & natiijada oo toddobaad gudihiis ku soo bixi doonta
-
Hargeysa 26 june: Waxaa la soo xiray dhammaan goobihii codbixinta doorashooyinka madaxtinimada Somaliland, iyadoo wararku sheegayaan in ciidammada ammaanku ay saaka xireen dhammaan xudduudaha dalka kaddib markiii toddobadkii hore cajal muuqaal ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Al-Shabaab uu dadweynaha ugu baaqay inay guryahooda joogaan, isaga oo ku tilmaamay doorashooyinka mid camal Shaydaan ah.
- (2010-06-26)
- Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland oo ka hadlay ammaanka & doorashada berri
-
Hargeysa 25 june: Taliyaha Ciidammada Booliiska Somaliland, Jeneraal Dubbad ayaa maanta waxa uu ka hadlay sida ay ammaanka u sugayaan berrito oo ay socdaan doorashooyinka guud ee Somaliland.
- (2010-06-25)
- Somaliland iyo codbixinta berrito (tirada gobol kasta ka codeyneysa)
-
Hargeysa 25 june: Subaxnimada berri ah ayaa codbixiyayaasha doorashoooyinka madaxtinimada Somaliland waxa ay u dareerayaan goobaha codbixinta, iyadoo guud ahaan la joojinayo isu socodka gaadiidka, marka laga reebo gaadiid haysta oggolaansho gaar ah.
- (2010-06-25)
- Xogta dhabta ah ee ciidammada dowladda kumeelgarka ah (tiro & tayo intaba)
-
Muqdisho 25 june: Dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo sida la wada ogsoon yahay ka dhalatay garab ka mid ahaa midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dowladdii tan ka horreysay ee Imbaghati oo isku darsamay waxa ay haysataa ciidamo Soomaali ah oo tiro ahaan kor u dhaafaya 17,000 askari oo isugu jira booliis iyo milatari, kuwaasi oo boqolaal ka mid ahi dibedda ku soo qaateen tababarro casri ah oo ay bixiyeen saraakiil dalalka waaweyn ka timid.
- (2010-06-25)
- Talyaaniga oo rajadiisu sii yaraanayso kaddib markii qaybta hore ee ciyaarta gool laga dhaliyey
-
Xulka kubbadda cagta Slovakia ayaa 1-0 hoggaanka ugu haya ciyaarta dhex maraysa isaga iyo xulka Talyaanigta, haddii ciyaartu sidaasn ku dhammaato Talyaanigu ka harayo u soo bixitaanka wareegga 2aad ee koobka adduunka.
- (2010-06-24)
- Ghana oo u soo baxday wareegga 2aad ee koobka adduunka
-
Xulka Qaranka Kubbadda Cagta dalka Ghana ayaa caawa waxa uu u soo baxay wareegga 2aad ee koobka adduunka kaddib markii uu kaalinta 4 dhibcood la soo xaadiray qaybtii uu ku jirey oo ay kaalinta 1aad uga soo baxeen xulka Jarmalka oo 6 dhibcood la yimid.
- (2010-06-23)
- Jeneraal Stanley McChrystal oo iska casilay hoggaamintii ciidammada NATO ee ku sugan Afqanistaan
-
Washington 23 june: Taliyihii ciidammada NATO ee ka dagaalama dalka Afqanistaan, Jeneraal Stanley McChrystal oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa uu soo qaddimay iscsilaaddiisa hoggaamintii ciidammadaasi kaddib markii looga yeeray aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka si suáalo looga weydiyo warar uu siiyey wargeys dhowaan soo bixi doona, taasi oo maamulka Obama u cuntami waayey.
Faahfaahinta iscasilaadda jananka iyo aragtida maamulka Madaxweyne Barack Obama oo uu si qoto dheer uga faalloonayo telefishinka dalka Mareykanka ee CNN ayaa u qornaa sidatan. - (2010-06-23)
- Warar caalamka ku saabsan oo kookooban
-
Bejing 23 june: Roobabkii duufaanada watay ee ku rogmaday koonfurta dalka Shiiinaha ayaa waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya 200 oo qofood, iyadoo ay ku barakaceen ilaa 88 kun oo qofood oo rayid ah, iyadoo weli ay biyuhu ku sii fidayaan dhul cusub.
- (2010-06-23)
- Bafana-Bafana waa badisay maanta, hase yeeshee waxay kaalinta 2aad ka fuushay baska haritaanka
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Koonfur Africa ee loo yaqaan BAFANA-BAFANA ayaa kulankoodii ugu dambeeyey ee tartanka koobka adduunka waxa ay galabta ku suuldaareen 2-1 xulka Faransiiska.
- (2010-06-22)
- Sirdoonka Sweden oo xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah oo laga shakisan yahay
-
Stockholm 22 june: Ciidanka Sirdoonka dalka Sweden ee magacooda loo yaqaan SÄPO ayaa saaka waxa ay xaafadda Rinkeby ee waqooyiga magaalada Stockholm ka qabteen nin Soomaali ah oo la sheegay in looga shakisan yahay waxa loogu yeero argagixisinimada.
- (2010-06-22)
- Axmed Diiriye oo farriin saxaafadda u sii mariyey hoggaamiyaha Xisbul Islaam
-
Muqdisho 22 june: Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye, Axmed Diiriye Cali oo qaar ka mid ah saxaafadda gudaha la hadlayey ayaa waxa uu baaq hawada u mariyey kooxaha isaga soo horjeeda dagaalada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
- (2010-06-22)
- Maanta iyo kulamadii koobka adduunka
-
Ciyaartii 1aad ee maanta oo isniin ah waxa wada ciyaaray xulalka Portugal Vs Waqooyiga Kuuriya waxayna ku dhammaatay 7-0 ay guushii ku raacday xulka Portugal oo aad ugu gacan sarreeyay ciyaarta.
- (2010-06-21)
- Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta DFKM Soomaaliya oo qiray wada hadalada Xisbul Islaam & dowladda
-
Muqdisho 21 june: Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu carrabka ku dhuftey inay jiraan wada hadalo u socda saraakiil ka tirsan ururka Xisbul Islaam iyo dowladda.
- (2010-06-21)
- 9 ka mid ah ciidammada ISAF oo siyaabo kala duwan ugu dhintey dalka Afqanistaan
-
Kabul 21 june: Sagaal askari oo ka tirsan ciidammada la magac baxay ISAF ee ka kala socda dalalka Yurub ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintey maanta gudaha dalka Afqanistaan
- (2010-06-21)
- Socdaalka Dunida oo aan ku soo qaadanayno dalka Crotia
-
Bogga socdaalka dunida iyo shabakadda somaanta.com waxaanu ku soo qaadanaynaa qormo gaaban oo ku saabsan dalka Crotia oo ka mid ah dalalka sameysmay wixii ka dambeeyey burburkii dalweynihii lagu Maracaabi jirey Midowga Hangtiwadaagga Yuguslaaviya (Socialist Federation Republic of Yugoslavia), inkastoo haddii taariikhda dib loo raaco ilaa ka hor dagaalweynihii adduunka uu dalkaani leeyahay taariikh facweyn oo soo martay marxalado kala duwan.
- (2010-06-20)
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey liisaska codbixiyayaasha oo dhammeystiran
-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta waxa ay soo saareen liisaska kama dambeysta ah ee cod bixiyeyaasha doorashooyinka madaxtinimada Somaliland oo ay ku tartamayaan 3 xisbi siyaasadeed.
- (2010-06-20)
- Kulamadii maanta iyo koobka adduunka
-
Xulka kubbadda cagta Paraguay ayaa 2-0 uga badiyey xulka Slovakia ciyaar aad u xiiso badnayd. Sidoo kale kulan xiiso leh oo dhex maray kooxaha Talyaaniga Vs Newzealand ayaa isla dhaafi waayey barbarro 1-1 ah.
- (2010-06-20)
- Hoggaamiyihii Jundallah oo Iiraan lagu daldalay iyo warar kale
-
Tehran 20 june: Hoggaamiyihii Mucaaradka Sunniyiinta ah ee dalka Iiraan, Abdulmalik Rigi ayaa lagu daldalay gudaha dalka Iiraan, iyadoo toddobaadyo ka horna la daldalay walaaliis kak yaraa.
- (2010-06-20)
- Natiijada ciyaarihii koobka adduunka ee maanta
-
Xulka Serbiya waxa uu 1-0 uga badiyey xulka Jarmalka, halka Mareykanka iyo Slovenia ay 2-2 ku kala tageen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.
Sidoo kale xulalka England iyo Aljeeriya ayaa isla dhaafi waayey barbarro 0-0 ah.
- (2010-06-18)
- Xulka Seerbiya oo 1-0 ku hoggaaminaya Jarmalka
-
Ciyaar aad u adag oo ka tirsan wareegga hore ee tartanka koobka kubbadda cagta adduunka ee ka soconaya dalka Koonfurta Africa ayaa xulka dalka Seerbiya waxa uu hoggaanka ugu hayaa 1-0 xulka dalka Jarmalka.
- (2010-06-18)
- Khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaya
-
Muqdisho 19 june: Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho.
- (2010-06-18)
- 2 Qof ayaa ku dhimatay 5 kalena waa ku dhaawacantay dagaal iyo duqeyn ka dhacday degmada Dharkinleey
-
Muqdisho 19 june: Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid ahayd madaafiicda culculus oo saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dharkeenley ayaaa waxaa ku naf waayey 2 qofood oo rayid ah, halka 5 kaelna ku dhaawacmeen.
- (2010-06-18)
- Xulka Mexico oo cashar u dhigay xulka Faransiiska
-
Xulka kubbadda cagta Mexico ayaa 2-0 uga badiyey xulka Faransiiska, iyadoo kooxaha ku wada jira qaybtaan ay min afar dhibcood ku hoggaaminayaan xulalka Mexico iyo Uruguay, waxaana u dhiman min hal kulan, waxaana la oran karaa Mexico iyo Uruguay waxa ay taagan yihiin albaabka wareegga 2aad ee koobka aduunka oo ay uga dhiman tahay inta laga ogaanayo kulanka Faransiiska Vs Koonfur Africa.
- (2010-06-17)
- Xulka Nayjeeriya oo loo jaray tikitkii haritaanka koobka adduunka
-
Xulka Kubbadda cagta dalka Nayjeeriya ayaa noqday kooxdii ugu horreysay ee ku hartay wareegga 1aad ee tartanka koobka adduunka kaddib markii 2-1 ay maanta uga badiyeen xulka dalka Giriigga.
- (2010-06-17)
- Argentin oo ku tumatay Kuuriyada Koonfureed
-
Ciyaar si weyn loo wada sugayey oo maanta dhex martay xulalka kubbadda cagta argentin Vs Koonfurta Kuuriya ayaa waxa ay ku dhammaatay 4-1 ay guushii ku raacday xulka Argentin.
- (2010-06-17)
- Warbixin kooban oo ku saabsan dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku xirnayd Ruushka
-
Moscow 16 june: Labo ka mid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku xirxirnayd garoonka diyaaradaha magaalada Moscow ayaa la sheeay in dib loogu celiyey Soomaaliya kaddib markii ay sidaasi codsadeen.
- (2010-06-16)
- Koobka Adduunka & natiijada kulamadii maanta
-
Waxaa ilaa iminka la soo gebogebeeyay labo ka mid ah kulamadii ee tartanka koobka kubbadda cagta adduunka oo si xiiso leh uga socda dalka Koonfurta Afrika.
- (2010-06-16)
- Dad aad u badan oo siyaabo kala duwan ugu dhintey caalamka saacadihii ugu dambeeyey
-
Roobab xoog leh oo kudhuftey koonfurta dalka Shiinaha ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen ugu yaraan 35 qofood oo shacab ah, kaddib markii ay daadad waaweyn ku soo rogmadeen guryahoodii.
- (2010-06-16)
- Al-shabaab oo maanta la wareegtay guud ahaan Beledweyne
-
Beledweyne 15 june: Maliishiyada ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gebi ahaan la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledweyne oo markii hore ay dhinac kaga sugnaayeen.
- (2010-06-15)
- Shirweynihii Baarlamaannada Africa iyo Iskaashiga Ruushka oo maanta ka furmey Moscow
-
Moscow 15 june: Waxaa maanta magaalada Mocow ee caasimadda dalka Ruushka si rasmi ah uga furmay shirweynaha caalamiga ah ee Baarlamaanada Africa iyo Iskaashiga dal-weynaha Ruusha (Russia - Africa Horizons of Cooperation), kaas oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin ganacsiga & maalgashiga Africa & Ruushka.
- (2010-06-15)
- 3 qof ayaa ku dhintay qarax bam oo Nairobi ka dhacay. 74 kalena waa dhaawac.
-
Qaraxu wuxuu ka dhacay dibad bax ay soo qabanqaabiyeen ururada diinta Masiixiga ee ka soo horjeeda dastuurka qabyada ah ee cusub ee Kenya, kaasi oo lagu qabanayay fagaaraha xoriyadda ee Uhuru.
- (2010-06-13)
- Ghana oo 1-0 ku suuldaartay Seerbiya iyo Jarmalka oo 4-0 uga badiyey Australia
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Ghana ayaa ciyaar kulul oo ay maanta la yeesheen xulka dalka Seerbiya waxa ay kaga adkaadeen 1-0.
- (2010-06-13)
- In ka badan 2 kun oo aqal oo ku gubatay dabkii maanta ka kacay magaalada Boosaaso
-
Boosaaso 13 june: Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku naf waayey 10 kalena waa ku dhaawacantay dab xoog leh oo maanta ka kacay xero qaxooti oo ku tiil magaalada Boosaaso.
- (2010-06-13)
- Dhulgariir xoog leh oo laga cabsi qabo inuu ku dhufto Badweynta Indiya iyo dalalka ku xeeran
-
Digniin xoog leh oo ay soo saartay xarun ka digta masiibooyinka Tsunami iyo dhulgariirada ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in dalalka Indiya, Burma, Thialand iyo Malaysiya uu ku dhufto dhulgariir xoog leh.
- (2010-06-12)
- Xulalka Mareykanka iyo England oo 1-1 isla dhaafi waayey
-
Ciyaartii 3aad oo ka tirsan koobka kubbadda cagta adduunka ee maanta la ciyaaray ayaa waxa ay dhexmartay xulalka Egland iyo Mareykanka, kuwaasi oo isla dhaafi waayey barbarro 1-1 ah.
- (2010-06-12)
- Ciidamada AMISOM oo la sheegay inay marna ilaaliyaan marna kala ilaaliyaan ciidanka dowladda
-
7 qof ayaa lagu dilay, 10 ka badanna waa lagu dhaawacay dagaal maanta ka dhacay Muqdisho oo ciidanka dowladda dhex maray. 2 rayid ah ayaa dagaalka lagu dilay, 5 kalena waxay ka dhimatay askarta dagaallamaysay.
- (2010-06-12)
- K/kuuriya iyo Arjentiin oo min 3 dhibcood ku hoggaaminaya group-B koobka adduunka
-
Ciyaartii dhex martay xulalka Giriigga iyo Koonfurta Kuuriya oo ku wada jira qaybta-B ayaa ku soo dhammaatay 2-0 ay guushii ku raacday xulka Koonfurta Kuuriya.
- (2010-06-12)
- Koobka Adduunka iyo kulamadii maanta
-
Johanesburg 11 june: Ciyaartii furitaanka koobka kubbadda cagta adduunka oo maanta si rasmi ah uga furmay dalka Koonfur Africa ayaa waxa isaga hor yimid xulalka koonfur africa iyo Mexico oo isla dhaafi waayey barbarro 1-1 ah.
- (2010-06-11)
- Koobka K/Cagta Adduunka oo maanta furmaya & Zenina Mandela oo shil baabuur ku dhimatay xalay
-
Jimce 11 june: Waxaa maanta gelinta dambe ka furmaya dalka Koonfurta Africa ciyaaraha koobka kubbadda cagta adduunka oo ay ka qaybgelayaan 32 kooxood, kuwaasi oo lagu furayo ciyaar dhex mari doonta xulalka Koonfurta Africa iyo Mexico.
- (2010-06-11)
- Golaha Guurtida oo waqtigii u kordhiyey maamulka Ximan iyo Xeeb
-
Cadaado 8 june: Guddoomiyaha Golaha Guurtida maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Faarax Jimcaale oo la hadlayay idaacadda Codka Gobollada Dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada Cadaado ayaa shaaca ka qaaday in 2 bilood oo dheeraad ah lagu daray jiritaanka maamulka Ximan iyo Xeeb.
- (2010-06-08)
- Iscasilaadda Wasirrada dolwadda Kumelgaarka ah e Soomaaliya oo xawli ku socota
-
Muqdisho 8 june: Waxaa xilalkoodii Wasiirnimo ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iska casilay Wasiirka Tacliinta Sare, Maxamed Cabdullaahi Omaar iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Xasan Macalin, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka uu isna iscasilay Wasiiru dowlihii Gaashaandhigga, Yuusuf Indhaccadde.
- (2010-06-08)
- Yuusuf Indhacadde oo iska casilay Wasiirnimadii dolwadda kumeelgaaarka ah ee Soomaaliya
-
Muqdisho 8 june: Yuusuf Maxamed siyaad (Indhacadde) oo maanta shir jaraaid ku qabtay magalaada Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee uu ka hayey dowladda Soomaaliya.
- (2010-06-08)
- Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo booqasho uga billaabatay dalka Kenya
-
Nairobi 7 june: Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka, John Biden ayaa caawa saacadda magaalada Nairobi markii ay ahayd 8-dii fiidnimo waxa uu ka degay garoonka diyaaradaha Jomakenyatta ee magaalada Nairobi.
- (2010-06-07)
- Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah oo dallacsiiyey 87 saraakiil ciidan ah
-
Muqdisho 7 june: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo dowladdiisu ka taliso qaybo yar oo magaalada Muqdisho ka mid ah ayaa maanta waxaa uu dallacsiiyey ilaa 87 sarkaal oo ka mid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo la sheegay in dhowaan uu u soo dhammaaday tababar sare oo dhanka hoggaaminta ciidamada ah.
- (2010-06-07)
- Deeq Nuur Siyaad oo ka sheekaynaya dhibaatada tahriibka
-
Qoraalka hoos ku qoran waxa uu naga soo gaaray Deeq Nuur Siyaad oo ku nool dalka Mareykanka, isagoo si faahfaahsan uga sheekeynaya dhibaatadii ka soo gaartey dhoofka loo yaqaan tahriibka oo sababay dhimashada boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah islamarkaana ay xabsiyada dalal kala duwan ugu jiraan tiro aad u badan. Deeq waxaa soo xasuusiyey sheekadaan warbixintii aanu ka sameynay dhallinyaradii aan ku booqannay xabsi ku yaal dalka Ruushka, waana ku mahadsan yahay qoraalkiisa oo uu ku billaabay:
- (2010-06-06)
- Axmed Dhimbil Rooble oo noqday G/Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka & madaafiic ku dhacday H/Wadaag
-
Muqdisho 6 june: Fadhigii Baarlamanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiye Kuxigeenka 2aad loou doortey Axmed Dhimbil Rooble.
- (2010-06-06)
- DR Congo suspends police chief over Chebeya death
-
The head of police in the Democratic Republic of Congo has been suspended following the death of a human rights activist, officials say.
Three police officers have also been arrested and the president is determined to resolve the case, the interior minister said.
- (2010-06-06)
- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii G/Xigeenka Baarlamaanka
-
Muqdisho 6 june: Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda sare ee dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Daahir Barre oo warfaafinta la hadlay kaddib doorshadii Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo shalay la qabtay ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay doorashadaasi oo uu ku tilmaamay sharci darro & ku xadgudub mazurka dowladda.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorashadii shalay ahayd mid sharci darro ah, - (2010-06-06)
- Waddooyinka soo gala Golaha Shacabka oo ay xireen ciidammada dowladda KMG ah & kuwa AMISOM
-
Muqdisho 6 june: Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka lagu arkayaa imago aad u hubeysan waddooyinka soo gala xaruntii golaha shacabka,
- (2010-06-06)
- Ahlu Sunna oo jartay isgaarsiintii goobaha ay ka taliyaan ee G/Galgaduud
-
Dhuusamareeb 6 june: Waxaa gebi ahaan hawada ka maqan isgaarsiinta noocyadeeda kala duwan ee degaanada gobolka Galgaduud ee ay ka taliyaan Maliishiyooyinka Ahlu Sunna Waljameeca, kuwaasi oo shalay amar ku bixiyey in la damiyo isgaarsiinta kaddib dagaal qaraar oo maalmihii la soo dhafay dhex maray Maliishiyada Al-Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna.
- (2010-06-06)
- Cabdiweli Sh. Muudey oo loo doortey G/Xigeenka Baarlamaanka & Prof. Dalxa oo daadku qaaday
-
Muqdisho 5 june: Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta cod u qaaday loolankii loo galay kursiga Guddoomiye Kuxigeenimada Baarlamaanka oo ay isugu soo hareen wareeggii u dambeeyey Khadiija Maxamed Diiriye iyo Cabdiweli Muudey oo isagu ku guuleystay 192 cod.
- (2010-06-05)
- Return of impugned Speaker spells more betrayals and troubles for Somalia
-
Sharif Hassan Sheikh Aden, former Deputy Prime Minister and Minister of Finance, has usurped the Speaker’s position of the Transitional Federal Parliament (TFP) through a deplorable process that lacked concern for rule of law and good governance.
- (2010-06-05)
- Toddobaadkan & khasaaraha dagaalada Muqdisho, B/weyne, Gaalkacyo, Mareergur ilaa Bacaadweyn
-
Muqdisho 4 june: Dagaallada kooxaha iyo beelaha isaga soo horjeeda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ahaayeen toddobaadkaan kuwii ugu xumaa ee soo mara muddooyinkii ugu dambeeyey, iyadoo dhiiggu daatay ama qulqulay laga soo billaabo Muqdisho, Beledweyne, Mareergur oo duleedka Duusamareeb ah, duleedka Gaalkacyoiyo weliba tuulooyinka Bacaadweyne iyo Camaara.
- (2010-06-04)
- Dhuusamareeb oo maalintii 2aad dhiiggu daadanayo kaddig dagaal culus oo Al-Shaab & Ahlu Sunna ah
-
Dhuusamareeb 2 june: Dagaal qaraar oo maalintii 2aad ka dhex soconaya maliishiyooyinka kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa la xaqiijiyey inay saaka ku dhinteen ugu yaraan 7 qofood, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan degaanno la xariira magaalada Dhuusamareeb.
- (2010-06-02)
- Raíisul Wasaaraha Japaan oo xilkiisii ku waayey saldhiggii milateri ee uu Mareykanka siiyey
-
Tokyo 2 june: Raíisul Wasaaraha dalka Japaan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilkiisa Ra´iisul Wasaarenimo kaddib markii dhalleecayn xoog leh kaga timid heshiiskii uu Mareykanka kula galay inay saldhig milateri ka sameystaan dalka Japaan.
- (2010-06-02)
- Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo shir jaraaíd oo iminka socda ku dhalleeceeyey Israíl
-
Ankara 2 june: Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Turkiga oo ka hadlaya shir jaraaíd oo iminka si toos ah uga socda magaalada Ankara ayaa waxa uu dhalleecayn dusha uga tuurey weerarada Israíl ee marinka Ghaza ee ay ku dishay 9 ka mid ah dhaqdhaqaaqa Flotilla.
- (2010-06-02)
- Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo goáamisay in Jen. Cali Samatar la Maxkamadeyn karo
-
Goáan ay maanta soo saartey Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu caddeeyey in dacwad lagu soo oogi karo Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo dowladdii 1969 ilaa 1990-kii maamulaysay dalka Soomaaliya ka soo qabtay jagooyinka kala ah Madaxweyne ku xigeen, Raíisul Wasaare iyo Wasiirka Gaashaandhigga.
- (2010-06-01)
- Tifaftiraha shabakaddaan oo booqday dhallinyaradii ku xirnayd garoonka diyaaradaha Moscow (warbixin)
-
Dagaallada aan dhammaadka lahayn ee labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey ka soconayey inta badan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Muqdisho waxay geysteen dhimasho iyo dhaawac kumannaan qof oo shacab, burbur hantiyeed aan la qiyaasi Karin iyo weliba barakac ay dadka intii ka hartay u kala hayaameen dunida daafaheeda.
- (2010-05-30)
- Ciyaaryahan Maxamed Xuseen Sheekhaalow oo saaka Muqdisho ku geeriyooday (Geeridu waa xaq)
-
Muqdisho 29 may: Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xuseen Sheekhaalow oo ka mid ahaan jirey ciyaartoydii xulka Qaranka soomaaliyeed iyo weliba Naadigii kubbadda cagta Muqdisho ayaa saaka waxa uu ku geriyooday magaalada Muqdisho.
- (2010-05-29)
- Danjire Xandule "22 Soomaali laga soo celiyey dalka Kuuba ayaa ku xiran kuna dhibaateysan Moscow"
-
Akhristayaasheenna qiimaha leh waxaanu maanta u soo gudbineynaa qaybtii 2-aad ee waraysigii aynu magaalada Moscow kula yeelanay Danjiraha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Dr.Maxamed Maxamuud Xandule, iyadoo waraysigaan aan dhinacyo badan wax kaga weydiinnay Danjiraha oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Ruushka. Islamarkaana howsha Safaaradda soo waday muddo dheer. Waraysiga waxa uu u dhacay sidatan:
- (2010-05-29)
- Xildhibaanada Soomaalidu maxay kaga duwan yihiin kuwa Baarlamaanada dalalka kale ee dunida?
-
Inta aanan waxba ka taaban sharcinimada qaabka ay u dhacday doorashadii shalay ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo weliba tan la sheegay in berri loo ballansan yahay in lagu doorto Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaankaasi, waxaa habboon in aan wax iska weydiino waxa ay Xildhibaanada Soomaaliyeed kaga duwan yihiin kuwa Baarlamaanada dalalka kale ee caalamka.
- (2010-05-29)
- Madaafiic saaka dad rayid ah ku dishay Muqdisho iyo warar kale
-
Muqdisho 29 may: Madaafiic dhawr ah oo saaka ku dhacday qaybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ilaa 3 qofood oo kale.
- (2010-05-29)
- Shariif Xasan oo la doortay (xigasho bbcsomali)
-
Shariif xasan Shiikh Adan ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah. Shariif Xasan wuxuu ku guuleystay 217 cod.
- (2010-05-28)
- Danjire Dr. Xandule "Burcad-badeeddu waa mashruuc lagu sharciyeynayo Maraakiibta dagaalka" waraysi
-
Danjiraha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Dr. Maxamed Maxamuud Xandule ayaa faahfaahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha burcad-badeedda iyo qaabka beesha caalamku u wajahayso xal u raadinta arrintaasi, isagoo aad ugu dheeraaday taariikhda burcad-badeedda caalamka iyo sidii ay Soomaaliya ku soo gaartay.
- (2010-05-28)
- Wasiir Kuxigeenka Arr. Dibedda Ruushka oo ka qaybgalay xaflad lagu qabtay Safaaradda Itoobiya
-
Moscow 28 may: Xaflad si heer sare ah loo soo agasimay oo lagu qabtay safaaradda dalka Itoobiya ee magaalada Moscow ayna ka soo qaybgaleen dhammaan Danjireyaasha dalalka Afrika u jooga dalka Ruushka,
- (2010-05-28)
- 3 Qofood oo rayid ah oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen Madaafiic galabta ku dhacday Degmada Yaaqshid
-
Muqdisho 27 may: Madaafiic dhawr ah oo galabta lagu garaacay xaafado ka mid ah degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, iyadoo xilliga madaafiicdaasi la ridayey uusan dagaal ka socon magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo dad badan ku dhinteen ka dhaceen.
- (2010-05-27)
- Shabaab oo weerartay Kenya (xigasho bbcsomali)
-
Wararka ka imanaya Waqooyi Galbeed Kenya ayaa sheegaya in maliishiyo ka tirsan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab inay weerartay magaalo ku taala gudaha waddanka Kenya oo la yiraahdo Dadajabula.
- (2010-05-27)
- Socdaalka Dunida & Muqaalka guud ee Moscow (Qaybtii 2aad)
-
Haddii aan halkeedii ka sii wadno qaybtii 2aad ee qormooyinkii bogga socdaalka dunida iyo shabakadda somaanta.com ee aan kaga sheekeynaynay qaybo ka mid ah muuqaalka guud ee magaalada Moscow iyo maclumaad taariikhi ah oo ku saabsan xilligii itixaadkii midowga sufeyti iyo weliba waqtigaan la joogo, waxaana qaybtaan ku eegaynaa dhinacyada ganacsiga, saxaafadda, ammaanka iwm.
- (2010-05-27)
- Muran siyaasadeed cusub oo ka dhex dillaacay hey,adaha sare ee dowladda Soomaaliya
-
Muqdisho 27 may: Murankii siyaasadeed iyo isqab-qabsigii hey,adaha sare ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale cirka isku shareeray kaddib iscasilaaddii guddoomiyaha Baarlamaanka.
- (2010-05-27)
- Waqooyiga Muqdisho oo uu ka socdo dagaalkii ugu cuslaa muddooyinkaan
-
Muqdisho 26 may: Dagaal aad u culus ayaa waxa uu galabta ka bilowday degmooyin ku yaal waqooyiga magaalada oo ay ka mid yihiin Shibis , C/casiis iyo Boondheere kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kuwa xarakada Alshabab.
- (2010-05-26)
- Xalka loo tartamayo: Ka tanasulidda Jiritaanka “Soomaliya”
-
Waxaan horey uga hadlay baadigoobka Nabadda iyo Dhismaha Dowlad Soomaliyeed.1 Sidaas oo kale, Prof Michael Weinstein oo wax ka dhiga Jaamacadda Mareykanka-Purdue University, si joogto ahna u falanqeya Arrimaha Soomaliya ayaa qoray labo maqaal oo muhiim ah.2 Prof. Michael Weinstein wuxuu soo jeediyay abaabulka
- (2010-05-25)
- Barashada bilaha Islaamka & sida ay u kala horreeyaan
-
Dhammaan dadyowga Islaamka ah ayaa sugaya bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay bilato 10-ka bisha august ee sanadkan, iyadoo laga yaabo dad badan oo muslim ah in aysan aqoon u lahayn magacyada bilaha Islaamka iyo sida ay u kala horreeyaan, maadama inta badan nolosha caadiga ah aan maanta loo isticmaalin taariikhda islaamka, marka laga reebo waqtiyo cayiman sida Xajka, Soonka iwm.
- (2010-05-25)
- Baarlamaanka Jarmalka oo uu muran ka dhex abuuray heshiis uu saxiixay Cabdinuur Darmaan
-
Cabdi-Nuur Darmaan waxa uu ka mid yahay Madaxweynayaasha is-magacaabay ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyey sanadkii 1991, hase yeeshee waxa uu kaga duwan yahay ragga kale ee badan oo sheegtay Madaxweynenimada in uusan habayaraatee wax dagaal ah ka hurin gudaha dalka, sidoo kale waxa uu kaga duwan yahay hal-abuur ku saabsan heshiisyo uu dibadaha kula galo shirkado iyo siyaasiyiin caalami ah, isagoo heshiiskii ugu dambeeyey oo dhinaca hubka ku saabsan dhowaan la saxiixday shirkad Jarmal ah, taasi oo muujineysa inuu markaan ku soo biirayo dagaal-oogayaasha.
Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa walaac xooggan ka muujiyey heshiiska dhinaca hubka ah ee dhex maray Madaxweynaha ismagacaabay ee Soomaaliya oo ay ugu yeereen (qabqable dagaal) iyo shirkadda Asgard Germany Security group, iyadoo warkaasi oo ay faafisay bbcnews uu u qornaa sidatan:
- (2010-05-24)
- Qormo ku saabsan muuqaalka guud ee magaalada Moscow (Bogga socdaalka dunida)
-
Qormooyinkii aanu kaga hadli jirney socdaalka dunida iyo shabakadda www.somaanta.com oo muddooyinkii ugu dambeeyey hakad ku jirey ayaannu mar kale daaha uga rogeynaa muuqaal guud oo aanu ka bixineyno magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, iyadoo qormooyinka soo socda aad kaga bogan doontaan sawirro ku saabsan goobaha taariikhiga ah ee magaalada Moscow.
- (2010-05-24)
- Dagaal culus oo maalintii 2-aad ka soconaya magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 23 may: Kaddib dagaal qaraar iyo duqeyn madaafiic aan loo meeldayin oo shalay galab ku dhex maray degmooyinka Shibis iyo Boondheere kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho, ayaa mar kale saaka dagaalkaasi dib uga bilowday degmooyinkak Howl-wadaag iyo Hodan.
- (2010-05-23)
- Dalka Turkiga oo ay ku sugan yihiin ergooyinkii shirka Soomaalida ka qeyb-geli lahaa
-
Istanbul 22 may: Magaalada Istanbul ee casimadda dalka Turkiga waxaa ku sugan ergooyinka ka qayb gelaya shirweynaha Soomaaliya oo ay qaban qaabisay dawladda Turkiga oo taageero dhinac kasta ah ka heleysa Qaramada Midoobay.
- (2010-05-22)
- Boohoodle oo lagu dagaalamay
-
Saddex ciidamada Itoobiya ah iyo toban Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo dhexmaray ciidamo Itoobiya iyo dad ka tirsan deegaanka.
- (2010-05-21)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo shir jaraaid ka qirtey in aysan dhicin dowladdii Cumar Cabdirashiid
-
Muqdisho 20 may: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kaga dhawaaqay in dowladda Cumar Cabdirashiid Sharmarke uu raíisuol wasaaraha ka ahaa aysan dhicin oo ay sii wadato shaqadeeda.
- (2010-05-20)
- Madaxweynaha Djibouti "Islaamiyiintu haddii aysan wada hadal rabin waa in laga qabto Soomaaliya"
-
New York 20 may: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xasaradaha dalka Soomaaliya iyo khilaafka daba-dheeraaday ee ka dhexeeya dalkiisa iyo dalka Eritrea.
- (2010-05-20)
- New York times oo shaacisay tirada ciidammada Mareykanka looga laayey Afqanistaan
-
Dagaalada dabo-dheeraaday ee ciidammada dalka Mareykanku kula jiraan ururka Taliban ee dalka Afqanistaan ayaa la sheegay in Mareykanka looga dilay askar ka badan 1,000 askari. sida ay qortey jariiradda lagu magacaabo New York times.
- (2010-05-19)
- Maxay ka yiraahdeen Soomaalidu erayada: Murtad, Khawaariij, Riddo, Cilmaani, Dabo-dhilif iwm?
-
Muddo ka badan 20 sanadood oo qas siyaasadeed iyo qalalaase hubeysan oo galaaftay nolosha kumannaan shacab ah Soomaaliya ku soo jirtey, kaddib waxa ay lugaha la gashay arrintii marxalad ka adag kana duwan intii hore oo dhan, waxaana taladii Soomaaliya hoggaanka u qabtay kooxo inta badan huwan magacyo diimeed,
- (2010-05-19)
- Ciidammada Thailand oo Dabaabaadka gaashaman u adeegsanaya rabshadihii saaka
-
Bangkok 19 may: Ciidammada dowladda Thailand oo adeegsanaya gaadiidka gaashaamaka oo ay ka mid yihiin Beebayaasha isla markaana rasaas aad u badan ridaya ayaa saaka waxa ay dhex jibaaxeen xeyndaabkii bannaanbaxayaasha ee magaalada casimada ah ee Bangkok.
- (2010-05-19)
- Sirdoonka Sweden oo qabtay nin ay uga shakisan yihiin inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab
-
Göteborg 18 may: Ciidammada Sirdoonka dalka Sweden ayaa qabtay islamarkaana xabsiga u taxaabay nin ay sheegeen inay uga shakisan yihiin inuu qorsheynayey falal argagixisnimo.
- (2010-05-18)
- Sharmarke: Xukuumaddu ma dhicin
-
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Sharmarke, ayaa ku gacan seyray shaqo ceyrintiisa oo uu shalay Madaxweynuhu ku dhawaaqay.
Madaxweynuhu wuxuu daba joogay go'aan uu Guddoomiyihii Baarlamaanka, Shiikh Adan Maxamed Nuur, uu saxaafadda u sheegay Axaddiioo uu yiri dowladdii wey dhacday, waxaana riday baarlamaanka.
- (2010-05-18)
- Wararka caalamka oo kookooban
-
Washington: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa magacaabaya guddi baaritaan ku soo sameeya wixii sababay qaraxa saliidda gacanka Mexico oo xallintiisu qaadatay muddo dheer, iyadoo aan weli natiijo rasmi ah laga gaarin joojinta saliidda qubanaysa.
- (2010-05-18)
- Madaxweyne Sharaiif oo qirey in dowladdii dhacday & Aaden-Madoobe oo iscasilaad ku dhawaaqay
-
Muqdisho 17 may: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraaíd ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu soo magacaabi doono Raíisul Wasaare, taasi oo muujineysa inuu aqbalay riditaankii dowladdii uu hoggaaminayey Cumar Cabdirashiid.
- (2010-05-17)
- Ciidammada Badda Ruushka oo la sheegay inay saldhig ka sameysanayaan Jabuuti
-
Afhayeen u hadlay ciidammada Badda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saxaafadda u sheegay in dowladdiisu saldhig milateri oo dhinaca badda ah siineyso Maraakiibta dagaalka Ciidammada Ruushka ee qaybta ka ah howlgalada lagula dagaalamayo burcad-badeedda Soomaaliyeed.
- (2010-05-17)
- Jeneral Khattiya oo Isbitaalka ku geeriyooday & rabshadihii Thailand oo sii xoogeysta saaka
-
Saraakiisha dalka Thailand ayaa si rasmi ah u caddeeyey in uu geeriyooday General Khattiya oo khamiistii la soo dhaafay ku dhaawacmay rabshadihii dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeyey ciidammada dalka Thailand iyo bannaanbaxayaasha sida weyn uga soo horjeeday ragiimka halkaasi ka taliya.
- (2010-05-17)
- Fooshii dheerayd ee Baarlamaanka oo dowladdii lagu kala diray, Guddoomiyihiina xilkii looga qaaday
-
Muqdisho 16 may: Guddoomiyaha baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aden-madoobe) oo muddo dheer ka war-wareegayey in Baarlamaanku kulmo ayaa ku dhawaaqay in dowladdii Raíisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ay dhacday kaddib markii sida uu sheegay uu baarlamaanku kulankii maanta ugu codeeyey.
- (2010-05-16)
- Bulshada Mareykanka oo qaarkeed xoriyadda qaateen 1965, ilbaxnimada ha ka qaateen Soomaalida
-
Sida taariikhdu xusayso dalka Maraykanku wuxuu ka xoroobay Gumeysiga iyo Maamulka Boqortooyada ingiriiska 4-tii july 1776 Xorriyadaasna waxaa qaatay oo kaliya dadka MIDABKOODU Caddaanka yahay ee asal ahaan ka soo jeeda Qaaradda Yurub.
- (2010-05-16)
- Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Baarlamaanka oo eedeeyey Wasiirada Lacagta & Maaliyadda Somaliya
-
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga dabagalka Hantida Qaranka ee Baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cali ayaa baaq uu u jeediyey beesha caalamka waxa uu ku codsaday in guud ahaan xiyiraad rasmi ah la saaro hantida Soomaaliya u taal bangiyada Caalamka, si aysan shakhsiyaad ama koox gaar ahi ugu takri falin.
- (2010-05-15)
- Qaraxyada Ciraaq oo toddobaadkaan ay ku dhinteen 110 qofood
-
Iyadoo toddobaadyadii ugu dambeeyey ay sii kordhayaan qaraxyada ismiidaaminta iyo bambooyinka dhulka lagu aaso ee lala beegsanayey goobaha kala duwan iyo weliba goobaha ay ku kulmaan shacuubta Sunniga iyo Shiicada ayaa wararkii ugu dambeeyey muujinayaan in toddobaadkaan oo keliya ay ku dhimatay 110 qofood.
- (2010-05-15)
- Rabshadihii Thailand oo ay ku dhinteen 20 qofood ayna ku dhaawacmeen 140 qofood
-
Bangkok: Bannaanbaxyadii rbshadaha watay ee ka socday maalmihii la soo dhaafay dalka Thailand ayaa wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in ay ku nafwaayeen 16 qofood oo dhammaantood reer Thailand ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen 160 qofood oo ay ka mid yihiin dad u kala dhashay dalalka Burma, Poland iyo Canada.
- (2010-05-15)
- Cayaaryahan Beckham oo Guddoomiyaha FIFA gacanta u geliyey codsigii Britain ee martigelinta K/Adunka
-
Xiriirka kubadda cagta ee adduunka (FIFA), ayaa maanta waxa uu billaabay qabashada codsiyada dalalka ku tartamaya inay marti geliyaan koobka kubadda cagta ee adduunka ee sanadaha 2018 iyo 2022, iyadoo codsiyada maanta FIFA qabatay uu ka mid yahay codsigii dalka Britain
- (2010-05-14)
- Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Indonesiya oo beenisay war ku soo baxay warbaahinta qaarkeed
-
Warsaxaafad qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Jakarta ee xarunta u ah dalka Indonesia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay shabakadda wararka www.somaanta.com ayaa waxaa si kulul loogu beeniyay war lagu qoray mid ka mid ah website-yada Somalida, iyadoo war saxaafadeedkaasi u qornaa sidatan:
- (2010-05-13)
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo goáamiyey in 26-ka june la qabto codbixinta
-
Hargeisa 13 may: War ay soo saareen Guddiga doorashoyinka Somaliland ayaa galabta lagu caddeeyey maalinta codbixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland in ay noqoto go'amiyeen 26-aka June 2010.
- (2010-05-13)
- CRISTOFER COLOMBUS IYO MAAHAA (SHANG HUE) AYAA KU HORREEYAY IN LAGA TALLAABO BADAHA ADDUUNKA?
-
Sida taariikhda islaamka ku xusan oo culumadeena ku caanbaxday inay ummadooda uga tagaan keyd ay ka faa`daystaan Jaalalka iyo ubadka mustaqbalka,iyo inaysan dhumin taariikh saxda ah ee ku dhisan runta, daacadda, hufnaanta iyo ilbaxnimada
- (2010-05-13)
- Afhayeenka Ciidanka Booliiska dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay
-
Muqdisho 13 may: Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Col: Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa daqiiqado ka hor waxa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
- (2010-05-13)
- Heyádda Lacagta Adduunka & EU-da oo qayb ka mid ah taageeradii dhaqaalaha gaarsiiyey dalka Giriigga
-
Heyádda Lacagta Adduunka (IMF) iyo dalalka ku midoobay ururka EU ee Qaaradda Yurub ayaa waxa ay gaarsiiyeen dalka Giririga qayb ka mid ah lacagihii lagu badbaadinayey dhaqaalaha dalka Giriigga oo ka mid ah dalalka midowga Yurub.
- (2010-05-12)
- Ruushka iyo Turkiga oo ka wada hadlaya iskaashi dhinaca ganacsiga & dalxiiska ah
-
Dalalka Ruushka iyo Turkiga ayaa waxaa magaalada Ankara uga socda wada hadalo heer madaxtooyo ah, kuwaasi oo ay uga wada hadlayaan labada dal sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada ganacsiga iyo dalxiiska.
- (2010-05-12)
- 103 Qofood oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay dalka Liibiya
-
Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo laga leeyahay dalka Liibiya ayaa waxa ay ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Tripoli iyadoo ay ku dhintey 103 qofood oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda la socday.
- (2010-05-12)
- Burcad-badeeddu waa dembileyaal, waxayse u baahan yihiin in cadaaladda la horgeeyo
-
Iyadoo dhowaan ay shaacisay wakaaladda wararka dalka Ruushka ee loo yaqaan INTERFAX in la laýahay kooxdii burcad-badeedda ahayd ee toddobadkii hore ay qabteen ciidammada Badda dalka Ruushka oo xoog uga soo furtey burcaddaasi Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Ruushka in la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen,
- (2010-05-12)
- Dabkii saaka ka kacay xaafadda Xararyaale ee magaalada Muqdisho oo burburiyey guryo badan
-
Muqdisho 12 may: Qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Muqdisho oo gurmad ka helaya gaadiidka dabka damiya ee shirkadaha isgaarsiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa weli waxa ay ku howlan yihiin daminta dabkii saaka ka kacay xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley.
- (2010-05-12)
- Nick Clegg oo la filayo inuu noqdo Raíisul Wasaare Xigeenka Britain
-
Raíisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska, David Kameron oo 43 sano jir ah ayaa lagu tilmaamay Raíisul Wasaarihii ugu da´da yaraa ee soo mara dalkaasi muddo 200 oo sannadood ah,
- (2010-05-12)
- Diblomaasi sare oo u dhashay Suuriya oo laga masaafuriyey dalka Sweden
-
Stockholm 11 may: Diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaaradda dalka Suuriya uu ku leeyahay Magaalada Stockholm ayaa dowladda Sweden masaafurisay shalay.
- (2010-05-11)
- Boqorada Ingiriiska oo qaabishay Raíisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi
-
London 11 may: Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka dalka Ingiriiska, Mr. David Cameron oo si rasmi ah ugu gudbiyey warqadihisiisa Raíisul wasaarenimo kaddib markii uu xilkaas iska casilay Raíisul Wasaarihii hore Mr. Gordon Brown oo looga adkaaday tartankii doorashada.
- (2010-05-11)
- Qatar hor leh oo shacabka Muqdisho ka soo foodrsaartay Eeyo iyo Dabacadeeyayaal xannuunsan
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo foodsaartey cabsi iyo qatar hor leh oo kaga imaanaysa xayawaano isugu jira Eeyo iyo Dabacadeeye ay madax-mareen cudurro halis ah oo ay ka qaadeen cunista hilibka dadkii ku nafwaayey dagaaladii muddada dheer ka socday halkaasi.
- (2010-05-10)
- Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii maanta lagu laayey qaar ka mid ah ciidammada dowladda FKM Soomaaliya
-
Muqdisho 9 may: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo qaraxii maanta lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ay weerarkaasi ku naf waayeen ilaa 3 ka mid ah ciidammadii la socday mid ka mid ah gaadiidkii halkaasi marayey.
- (2010-05-10)
- Gordon Brown oo iska casilaya hoggaamintii Xisbiga Labourka kaddib guuldaradii doorashada
-
Raiisul Wasaaraha Britain, Gordon Brown, ayaa weydiistay xisbigiisa Labour inuu si degdeg ah u bilaabaan qabanqaabada doorashada hogaamiye isaga ka beddela hoggaaminta xisbiga Labourka..
- (2010-05-10)
- Aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha dalka Sweden oo dhaliilay dabagalka lagu hayo Soomaalida
-
Sida aad ogsoontihiin waxaa waayahaan dambe ka socda dalka Iswiidhan Olole, iyo barnaamij lagu ugaarsanayo dadka ajnabiga ah, gaar ahaan muslimiinta, Barnaamijkaasna waxaa abaabulay oo Maaligalintiisa ka dambeeya Wasiirada Isdhexgalka (Integrations Minster)Njamko Sabuni oo ka tirsan Xisbiga Folk Partiet oo xulufo la ah saddexda xisbi ee kale ee Maamula dalka Iswiidhan hadda.
- (2010-05-10)
- Koobkii Kubbadda Cagta degmooyinka GALMUDUG oo la soo gebogebeeyey
-
Gaalkacyo 8 may: Waxaa shalay galab lagu soo gebogebeeyey koonfurta magaalada Gaalkacyo koobkii kubbadda cagta degmooyinka gobolka mudug ee maamul goboleedka GALMUDUG.
- (2010-05-08)
- Saacadihii ugu dambeeyey & kala horreynta Xisbiyada ku tartamaya doorashada Britain
-
London 7 may: Iyadoo ay si xawli ah u socoto tirinta codadka dadweynaha dalka Ingiriiska ee ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan ee siyaasadda dalkaasi, ayaa ilaa iminka sidaan loogu kala horreeyaa kuraasta Baarlamaanka.
- (2010-05-07)
- Xisbiga Labour-ka oo kuraas badan lumiyey doorashooyinka ka socda dalka Ingiriiska
-
London 7 may: Saddex meelood, laba meelood ayaa ilaa hadda la tiriyey codbixintii doorashooyinkii guud ee dadka dalka Ingiriiska, hase yeeshee weli lama saadaalin karo xisbiga guusha la hoyan doona.
- (2010-05-07)
- Ciidammada Badda Ruushka oo xoog uga soo furtey burcad-badeedda Markabkii shidaalka siday
-
Ciidammada Badda dalka Ruushka oo adeegsanaya Markab dagaal oo nooca wax burburiya ah, laguna magacaabo Marshal Shaposhnikov ayaa xoog uga sii daayey burcad-badeedda Soomaalida ah Markab nooca shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkad dalka Ruushka ah oo la yiraahdo Novoship, kaas oo ay shalay ka soo qafaasheen biyaha gacanka cadmeed.
- (2010-05-06)
- Madaxweynihii Nayjeeriya oo xannuun wadnaha & kelyaha uga dhacay u geeriyooday xalay
-
AlHaji Umaru Musa Yar'Adua waxa uu xalay gellinkii hore ku geeriyoodey guriga madaxweynaha ee magaalada Abuja, ka dib markii uu wax badan la il darnaa xanuunno ka hayey wadnaha iyo kelyaha.
- (2010-05-06)
- Burcad-badeedda Soomaaliyeed oo qabsaday Markab shidaal oo laga leeyahay Ruushka
-
Arbaco 5 april: Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa maanta waxa ay gacanta ku soo dhigeen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah, kaasi oo laga leeyahay dalka Ruushka, kuna sii jeeday dalka Shiinaha, iyagoo ka soo qabsaday meel ugu yaraan 900-km ka baxsan biyaha dalka Soomaaliya.
- (2010-05-05)
- Maliishiyada Xisbul Islaam oo dagaal dad kaga dhintey ku qabsaday Isbitaalka Xaawo Cabdi
-
Muqdisho 5 april: Dagaal qaraar oo saacado kooban qaatay ayaa saaka waxaa uu dhex maray ilaaladii Isbitaalka Xaawo Cabdi ee degaanka Lafoole iyo maliishiyooyin ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo halkaai weeraray.
- (2010-05-05)
- Degmada Xarardheere oo la isugu hub urursanayo & qax la sheegay in uu ka bilowday halkaasi
-
Xarardheere 5 april: Wararkii ugu dambeeyey ee saaka laga helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo 2 maalin ka hor ay qabsadeen maliishiyo sheegatay inay ka tirsan yihiin Urur diimeedka Xisbul Islaam ayaa sheegaya in dadkii degaanku billaabeen qax kaddib cabsi laga qabo dagaallo halkaasi kak dillaaca.
- (2010-05-05)
- 24-kii saac ee ugu dambeeyey oo dilal kala duwan laga fuliyey Boosaaso, Muqdisho iyo Afgooye
-
Afgooye: Dabley hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxa ay toogasho ku dileen taliyihii Maliishiyada Xisbul Islaam ee degaanka Xaawo Cabdi ee u dhexeeya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyagoo kooxdii dilka fulisay oo aan weli la aqoonsan ay isaga baxsadeen goobtii.
- (2010-05-05)
- Sheekh Nuur Abkay oo caawa lagu toogtay degamada Wardhiigley
-
Muqdisho 4 april: Sheekh Nuur Abkay oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa caawa waxaa lagu toogtay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
- (2010-05-04)
- Qaraxii fashilmay ee Times Square oo loo xirey nin asalkiisu Bakistaan ka soo jeedo
-
Talaado april 4: Nin lagu magacaabo Faisal Shahzad oo haysta dhalashada dalka Mareykanka, hase yeeshee asal ahaan ka soo jeeda dalka Bakistaan ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey isku daygii qarax la doonayey in lagu laayo dad Mareykan ah.
- (2010-05-04)
- Dagaal-oogayaasha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay
-
Muqdisho 4 april: Kaddib dagaal aad u qaraar oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ku dhex maray magaalada Muqdisho kooxo diimeedyada dagalaada fidnada ah ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa saraakiil u hadashay labada dhinac ee dagaaldii shalay waxa ay kala sheegteen waxa ay ugu yeereen guulo dagaal.
- (2010-05-04)
- 6 ka mid ah ciidammada Norway oo ku dhaawacmay Afqanistaan
-
Lix askari oo ka mid ah ciidammada dalka Norway ee ku sugan dalka Afqanistaan ayaa dhaawacmay kaddib markii weerar hubeysan lagu qaaday ciidammadaasi oo ku sii jeeday goob uu shir ku qabanayey hoggaamiyaha dalka Afqanistaan.
- (2010-05-03)
- Taariikhda qaraxyadii dunida ka dhacay iyo sida ay u kala horreeyeen (Qormooyinka akhristayaasha)
-
BAM LA QARXIYO, RAYID LA XASUUQO, DAGAAL, BARAKICIN IYO QALALAASE IYO JAAHWAREER AAN JOOGSAN CIDDII BILOWDAY IYO UJEEDADEEDA !!
- (2010-05-02)
- Dhibatada Soomaaliya waxa ay ka billaabatay dagaalkii S-ta oo iminka maraya dagaalka Qoorgooyada
-
Sida la xusuuto dalka Soomaaliya waxa uu muddo dheer ku soo jirey dagaalo kala weji ah oo midba midka ka dambeeya uu ka waxyeelo badan yahay, iyadoo arrinta in la xuso mudan ay tahay in tilmaamo kooban laga bixiyo sida ay dagaaladaasi u kala horreeyeen iyo halka iminka xaalku marayo oo ah "hore looma arag, loomana maqal".
- (2010-05-02)
- Inter-milan iyo Bayer Munich oo isugu soo haray finalka kubbadda cagta Yurub
-
Barcelona 29 april: Kooxda Kubbadda Cagta Inter-milan ee dalka Talyaaniga ayaa xalay waxa ay u soo gudubtay ciyaarta finalka ah ee koobka kubbadda cagta qaaradda Yurub oo ay hore ugu soo baxday kooxda Bayer Munich ee dalka Jarmalka.
- (2010-04-29)
- Maliishiyada Ahlu Sunna oo isku fidisay waddada dabka & rasaas goos-goos ah oo weli la maqlayo
-
Muqdisho 28 april: Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaddib dagaalkii cuslaa ee shalay ku dhexmaray kooxo diimeedyada Ahlu Sunna Wal-Jameeca iyo al-Shabaab, kuwaasi oo dilay in ka badan 15 qofood oo rayid ah, islamarkaana dhaawacay ilaa 60 kale.
- (2010-04-28)
- Maxaa Mareykanku xayiraadda ugu rogey hanti rag Soomaaliyeed? (Qore: Cabdiraxmaan Idiris)
-
MAXAY TAHAY UJEEDADA IYO FIKRADA KA DAMBAYSA IN DOWLADA MARAYKANKU AY DIIWAANKA/LIISKA ARGAGIXISADA 11 NIN oo 9 nin Soomaali yihiin ay mutaystaan in la cunnaqabateeyo, hantidoonana laga xayiro, xorriyaddana laga qaado oo la takooro??
- (2010-04-27)
- Qarax weyn oo lala beegsaday Ciidammada AMISOM ee ku sugan Bankigii Ganacsiga & warar kale
-
Muqdisho 26 april: Qarax aad u xoog badan ayaa goordhow waxa uu ka dhacay dhismaha Bankigii hore ee Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed ee degmada Shingaani oo ay dhowaan saldhg ciidan ka sameysteen Ciidammada AMISOM kaddib markii maamulka gobolka Banaadir xoog uga saaray dhismahaasi qaxooti Soomaaliyeed oo hooy ka dhigtay.
- (2010-04-27)
- Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca oo dowladda KMG dusha uga tuurey masuuliyadda duqeyntii shalay
-
Muqdisho 26 april: Madaxa Warfaafinta ee Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca , C/laahi Sheekh C/raxmaan (Abuu Yuusuf Al Qaadi) oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho u waramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si kulul u cambareeyay duqeyntii shalay gelinkii dambe loo geystay qeybo ka id ah magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, taasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad shacab ah oo aad u badan.
- (2010-04-26)
- Shacabka Muqdisho oo mar kale la xasuuqay galabta
-
Muqdisho 25 april: ugu yaraan 10 qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 qofood oo kale madaafiic aad u culus iyo hobiyeyaal si arxan darro ah loogu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho maanta gelinkii dambe.
- (2010-04-25)
- Dagaalo qaraar oo mar kale ka qarxay gobolka Daarfur ee dalka Suudaan
-
Khartoum 25 april: Dagaal aad u qaraar oo ay ku naf waayeen ilaa 58 qofood isla markaana ay ku dhaawacmeen 85 qofood ayaa mar kale waxa ay ka dhex qarxeen qabaailka dega gobolka Daarfur iyo hareerihiisa ee dalka Suudaan.
- (2010-04-25)
- ALshabaab oo gaaleysiiyay muslimiin horleh
-
Daaciga Alshabaab Fu'aad Maxamed Khlaf (Shongole) ayaa markii u horeysay soo saaray Liis cusub oo shaqsiyaad saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya ku Rideeyay, kadib khudbad uu jimcihii ka jeediyay Masaajid ku yaala Suuqa Daawada ee Bakaaraha.
- (2010-04-25)
- Xulka K/Cagta Soomaaliyeed ee U-17 ayaa si rasmi ah ugu soo baxay wareegga 2-aad ee Africa
-
Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed ee da´doodu ka hooseyso 17 sano jirka ayaa galabta waxaa ay si rasmi ah ugu soo baxeen wareegga 2-aad ee ciyaaraha Qaaradda Africa, kaddib markii ay barbarro 0-0 ah lugta ugu aaseen dhiggooda Kenya oo ay hore 3-1 uga soo badiyeen kulankii hore oo lagu qabtay dalka Jabuuti.
- (2010-04-24)
- Isniinta oo Qaaradda Yurub laga billaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah
-
Rome 24 april: Danjiraha dowladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya wakiilka uga ah dalka Talyaaniga iyo weliba xarunta ururka midowga Yurub, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa shaaca ka qaaday in isniinta laga billaabaya Qaaradda Yurub bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah.
- (2010-04-24)
- Roobab ma-higaan ah oo dad ku laayey magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda
-
Hargeysa 24 april: Roobab mahigaan ah oo 24-kii saac ee ugu dambeeyey si xoog leh uga daáy magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda ayaa sababay dhimashada dad dhawr ah iyo burbur hanti aad u badan.
- (2010-04-24)
- Qanyare: Adan-Madoobe waa dhacay
-
Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in muranka u dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaal 300 kor u dhaafay oo u arka in xilligiisii dhammaaday, uu hadda meel xun gaaray.
- (2010-04-23)
- Faallada toddobaadkan ugu hadal haynta badan & shabakadda www.kismaayonews.com
-
Soomaaliya waxa ay ku soo jirtey muddo dheer xaalad aad u adag oo marxaladiba u dhiibeysay mid ka sii daran tii hore, iyadoo iminka ay soo burqanayaan mawjado colaadeed oo ay tilmaamahooda inooga filan tahay khilaafka siyaasadeed ee dowladda KMG ah & Baarlamaankeeda, uruurinta ciidammada faraha badan ee ku kala sugan xudduudaha Soomaaliya & weliba hadalada maldahan ee ka soo burqanaya dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya. Shabakadda www.kismaayonews.com oo il-gaar ah ku eegaysay qabanqaabada colaadahaasi ayaa waxa ay qortay faallada soo socota oo sawir rasmi ah bixineysa, waxayna tiri:
- (2010-04-23)
- Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga & Jaamacadda Carabta uga socday Qaahira oo la soo gebogebeeyay
-
Qaahira 23 april: Shirkii looga hadlayey xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya oo kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya iyo ururka Jaamacadda Carabta uga socday magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa la soo gebogebeeyey, iyadoo uu warbixin halkaasi ka jeediyey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
- (2010-04-23)
- Inter-milan oo daqiiaddii 27-aad barbaraysay Barcelona
-
Kulankii 1-aad ee semifinalka kooxaha isugu soo haray championships-ka ayaa daqiiqaddii 25-aad ee qeybtii hore kooxda Barcelona waxa ay hoggaanka ugu qabatay 1-0, hase yeeshee kooxda Inter-Milan ayaa daqiiaddii 27-aad gooliii barbardhaca shabaqa la heshay, sidaasna ay ciyaartii ku noqotay 1-1, iyadoo ciyaartu iminka socoto daqiiqaddii 40-aad ee qeybtii hore.
Kala soco somaanta.com matiijada ciyaartaasi marka ay dhammaato
- (2010-04-20)
- Afarta kooxood ee isugu soo haray semifinalka Championship-ka & isku aadkooda
-
Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo tartankii kooxaha kubbadda cagta Qaaradda Yurub (championships-ka) ayaa waxaa isugu soo haray semifinalka tartankaasi kooxaha Inter oo Talyaaniga ah, Barcelona oo Spain ah, Bayer Munich oo Jarmalka ah & Lyon oo Faransiis ah.
- (2010-04-20)
- Thailand oo 3 Markab & 70 shaqaale ah looga qabsaday xeebaha Soomaaliya
-
War ay soo saareen Ciifammada Badda dalalka Ururka Midowga Yurub ee ilaalada ka haya xeebaha dalka soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in 3 Markab oo nooca Kalluumeysiga ah ee laga leeyahay dalka Thailand oo ay saaran yihiin in ka badan 70 shaqaale ahi ay u gacan galeen burcad-badeedda Soomaalida.
- (2010-04-20)
- Dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho & Galgaduud
-
Muqdisho 19 april: Madaafiic aad u culus oo caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan, Hawl-wadaag, Yaashiid iyo Huriwaa oo ay ku naf waayeen ugu yaraan shan qofood, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.
- (2010-04-19)
- Maliishiyada Al-Shabaab oo booqasho hubeysan ku tagtay degmada Ceel-barde
-
Ceelberde 19 april: Maliishiyo aad u hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo inta badan gacanta ku haya gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore waxa ay booqasho hubeysan ku tageen degmada Ceelbarde.
- (2010-04-19)
- Hagaajinta Cibaadada (Kitaab ku saabsan salaadaha, xajka, soonka iwm) W/D: SH. Maxamed Mursal
-
S1: Maxaa shardi u ah cibaadada?
J: In la niyeesto.
S2: Halkee laga niyeystaa?
J: Qalbiga, ma bannaana ku dhawaaqida.
S3: Waa imisa tiirarka Islaamka? Kala sheeg?
J: Waa 5,
(1)Waa in uu qofku rumeeyaa in uu ilaah kali yahay, nabi Muxammad (scw) uu yahay rasuul ilaah soo diray.
(2) Salaadda oo la hagaajiyo.
(3) Sakada oo la bixiyo.
(4) Bisha ramadaan oo la soomo.
(5) Xajka oo la aado (qofkii awooda).
- (2010-04-18)
- Boqorre oo iscasilay & kalfadhigii Baarlamaanka oo dib u dhacay mar kale
-
Tehraan 18 april: Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaanka Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay inuu rasmi ahaan isagacasilay xilkii GUddoomiye Ku-xigeenimada.
- (2010-04-18)
- Aaden-Madoobe iyo Xildhibaano aad u badan oo Muqdisho ku sii jeeda maanta
-
Nairobi 17 april: Wararka naga soo gaaraya casimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in ay ay saaka boorsooyinkooda ka xir-xirteen magaalada Nairobi Xildhibaano aad u badan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo sharcinimada xilkiisa lagu muransan yahay.
- (2010-04-17)
- Heyádda IMF oo amaah lacageed u fidisay dalka Island & duulimaadyadii Yurub oo weli hakad ku jira
-
sabti 17 april: Heyádda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa qalinka ku duugtay amaah lacageed loo fidinayo dalka Island oo dhowaan ay waxyeelo dhaqaale oo weyn gaarsiisay foolkaanadii ka dillaacday halkaasi.
- (2010-04-17)
- Tanzaaniya oo sharciyo siisay 162 kun oo qaxooti reer Burundi ah
-
Dalka Tanzaaniya ayaa markii u horreysay taariikhda waxa uu sharciga dhalashada dalkaasi u oggoladay ilaa 162,000 oo qofood oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Burundi, kuwaasi oo Tanzaaniya ku noolaa ilaa sanadkii 1972-dii xilligaas oo ay ka soo carareen dagaalo sokeeye oo ka socday dalka Burundi.
- (2010-04-17)
- Inter oo ku tumatay Juventus & kulamada sabtida & axadda ee horyaalada Spain, Britain & Germany
-
Kooxaha kubbadda cagta Juventus iyo Inter ayaa caawa waxa ay yeesheen kulan aad u adag oo ay ka soo qeybgaleen taageerayaashii ugu badnaa ee garoomada Talyaaniga intii uu socday horyaalka serie-A dalkaasi.
- (2010-04-16)
- Danjiraha Dowladda KMG ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Rome oo booqanaya Sweden
-
Stockholm 16 april: Danjiraha Dowladda Kumeelgaarka ah ee soomaaliya wakiilka uga ah dalka Talyaaniga iyo weliba xarunta Ururka Midowga Yurub, Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde) ayaa booqasho rasmi ahi uga billaabatay casimadda dalka Sweden ee stockholm.
- (2010-04-16)
- WHO oo ka digtay khatarta foolkanadii Island iyo 17 kun duulimad oo Qaaradda Yurub la joojiyey
-
Warbixin uu maanta soo saaray ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa waxa uu ka digay khatar weyn oo ka dadyaagowga caalamka ka soo wajahi karta foolkaanadii shalay ka qaraxday dalka Island.
- (2010-04-16)
- Duulimaadyadii diyaaradaha oo weli hakad ku jira waqooyiga Yurub
-
Kaddib Foolkaanadii shalay ku dhufatay dalka yar ee Island oo ku yaal waqooyiga Qaaradda Yurub ayaa weli duulimaadyadii diyaaradaha maalintii 2-aad hakad ku jiraan.
- (2010-04-16)
- 6 Ka mid ah warshadaha warqadaha soo saara oo shaqo joojin sameeyey dalka Sweden
-
Stockholm 16 april: Lix Warshadood oo ka mid ah kuwa warqadaha soo saara dalka Sweden ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo jimce ah albaabada loo laabay iyagoojoojiyey dhammaan howlihii wax soosaarka warshadahaasi.
- (2010-04-16)
- Natiijada kulamadii caawa kooxaha K/Cagta Yurub & kulamada berri qaarkood
-
Waxaa si xiio leh uga socda garoomada kala duwan ee kubbadda cagta Qaaradda Yurub kulamada nadiyada heerka 1-aad, iyadoo aan maanta ku soo qaadanayno naadiyada dalalka Spain, Britain iyo Talyaaniga, kuwaasi oo u ciyaaray caawa sidatan:
- (2010-04-15)
- Ciidammada Faransiiska oo burcad-badeed ka soo jeedda Koonfurta Soomaaliya ku wareejiyey M/Puntland
-
Boosaaso 15 april: Ciidammada badda dalka Faransiiska ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Maamul goboleedka Puntland ku wareejiyeen tobaneeyo nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, kuwaasi oo ay dhowaan gacanta ku soo dhigeen ciidammada Faransiisku.
- (2010-04-15)
- Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo booqasho uga billaabanayso maanta Qaaradda Yurub
-
London 15 april: Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha dalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa waxa ay safar shaqo ku imaamanayaan maanta oo khamiis ah magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska sida ay shabakaddaan u sheegeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi oo ku sugan Britain, kuwaasi oo intaas ku daray inuu wafdigaasi booqasho tan la mid ah ku tegi doono dalka Holand.
- (2010-04-15)
- Mareykanka oo cunnaqabateyn saaray Xasan Daahir, Xasan-Turki, Axmed aw-Maxamed & rag kale
-
Washington 14 april: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barak Obama ayaa maalinimadii talaadada (xalay) waxa uu wada hadal kala yeeshay islamarkaana awood u siiyey saraakiisha waaxda Maaliyadda dalka Mareykanka inay xayiraad saaraan hantida qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxo diimeedyada Soomaaliya iyo rag kale oo gacansaar la leh.
- (2010-04-14)
- Farriin ku wajahan kooxaha kubbadda cagta
-
LONDON: Waxaan la soconaa in dhawaan la filayo in la qabto doorashada XSKC (waa haddii aay xilkooda iyo waajibaadkooda ka soo dhalaalaan Guddiga fulinta XSKC), haddii kalase waxaa laga sugayaa GOS iyo Wasaaradda Sportiga in ay Soomaali u sheegaan waxa ay doorashadu u qabsoomi la`dahay.
- (2010-04-13)
- Miino dad ku dishay Dabagurayaale, dagaal dhex maray Al-Shabaab & Axmed-Madoobe & warar kale
-
Hargeysa 13 april: Gaari ay lahayd hay'adda caalamiga ah ee miino-saarka ee HALLO TRUST oo miino kula kacday shalay galab deegaanka tuulada DABA-GURAYAALE ee Hawdka Hargeysa ayaa waxaa ku dhintay dareewelkii iyo nin kale oo Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalaha miino saarka ee hay'addaasi.
- (2010-04-13)
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xabbad joojin kala dhex dhigtey beelihii ku dagaalay G/Mudug
-
Muqdisho 12 april: Wasiirka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ee dowladda KMG ee Soomaaliya, C/rashiid Xaaji Deerow oo waraysi siinayay Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho waxa uu ayaa sheegay in lagu guulaysatay in xabbad joojin la kala dhex dhigo beelihii ku dagaalamay deegaanada Bacadweyn iyo Camaara ee gobolka Mudug kuwaasi oo uu sheegay in guddi ka kooban 8 xubnood ay beelahaasi u dirtay dowladda KMG ee Soomaaliya.
- (2010-04-12)
- Xil ka qaadis lagu sameeyey madaxdii Xisbul Islaam ee degmada Afgooye
-
afgooye 11 april: Urur diimeedka Xisbul Islaam oo inta badan ka taliya degmada Afgooye ayaa waxa uu xilalkii ka xayuubiyey Guddoomiyihii degmadaasi, Taliyihii Maliishiyada iyo madaxii maaliyadda, iyadoo xilalkaasi loo magacaabay masúuliyiin cusub.
- (2010-04-11)
- Ciidammada Badda Mareykanka oo dejiyey Dooni burcad-badeed qabtayna raggii saarnaa
-
Warbixin ka soo baxday ciidammada Badda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in kooxo Soomaali ah oo looga shakisanyahay burcad-badeednimo ay gacanta ku dhigeen kaddib markii kooxahaasi ay rasaas ku bilaabeen Markab Xamuul ah oo laga leeyahay Maraykanka laguna Magacaabo Ashland kaasoo marayay meel 380 mile u jirta xeebta dalka Jabuuti.
- (2010-04-11)
- Xulka K/Cagta Somalia Oo Saxariiriyay Xulka Kenya
-
DJIBOUTI: Xulka kubadda cagta Soomaaliyeed ee da`doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa galabta garoonka Guled ee dalka Djibouti waxaa ay ku wada ciyaareen xulka dalka Kenya ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka CAF U17.
- (2010-04-09)
- Burcad-badeedda Soomaalida oo qabsaday Markab & shaqaale Turkiga laga leeyahay
-
Afhayeenka ciidamada badda ee ururka midowga Yurub Admiraal John Herbuor ayaa sheegey in kooxaha burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ay shaley gelankii dambe ku afduubteen markab laga leeyahay dalka Turkiga meel ku dhow dekadda magaalada Mambaasa ee dalka Kenya.
- (2010-04-08)
- Saalax-Badbaado oo Riddo, Gaalo ah ku tilmaamay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya
-
Muqdisho 6 april: Saalax-Badbaado oo ka mid ahaan jirey Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, hase yeeshee dhowaan ka baxsaday howshii Baarlamaanka ayaa shir jaraaíd oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in Xildhibaanadu Riddo, Gaalo ah yihiin, loona baahan yahay inay towbad keenaan.
- (2010-04-06)
- Madaxweyne Obama oo aqalka cad kulan kula leh hoggaamiyeyaasha Kaniisadaha Mareykanka madow
-
Talaado 6 april: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa maanta waxa uu shir kula leeyahay aqalka cad ee looga taliyo dalkaasi ilaa 20 hoggaamiye diimeed oo ka tirsan bulshada kirishtaanka madow ee dalka Mareykanka, kuwaasi oo ay ku jiraan wakiilo ka kala socda Isbahaysiga Kaniisadaha Mareykanka asalkoodu afrikaanka yahay ee loo yaqaan (african-american).
- (2010-04-06)
- Al-shabaab oo qabsaday degmada Matabaan kaddib dagaal ay saaka la galeen Ahlu Sunna Waljameeca
-
Matabaan 6 april: Dagaal aad u qaraar ayaa saaka waxa uu ka dhex qarxay maliishiyooyinka Al-Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca kaddib marii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerareen degmada Matabaan oo ay hore uga talin jireen Ahlu Sunna.
- (2010-04-06)
- Kala qeybsanaantii ugu weynayd oo soo food saartay Baarlamaanka Dowladda FKM Soomaaliya
-
Muqdisho 5 april: In ka badan 70 Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay hoteelka Weheliye ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay berri dooranayaan Guddoomiye cusub, kaddib markii sida ay sheegeen uu xilkiisii dhammaaday Guddoomiyihii hore.
- (2010-04-05)
- Dhulgariir mar kale ku dhuftay dalalka Mexico & Mareykanka & 25 qof oo lagu dilay qarax Pakistan
-
Dhulgariir aad u xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftey Baja California oo ku taal xuduudda u dhexeysa dalalka Mexico iyo Mareykanka shalay gelinkii dambe.
- (2010-04-05)
- Kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ku dagaalamay gobolada dhexe
-
Wararka ka imaanayo deegaano ka tirsan gobolada Galguduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee Ahlu Sunnah Waljamaaca iyo Xarakada al-Shabaab ay ku dagaalameen halkaasi, iyagoo kala sheegtay waxa ay ugu yeereen guulo dagaal, balse ah xasuuq shacab.
- (2010-04-04)
- Maamulka Xisbul Islam ee Gobolka Banaadir oo idaacadaha ka mamnuucay heesaha & muusigga
-
Muqdisho 3 april: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islam, Xaashi Maxamed Faarax ayaa idaacadaha ka howlgala degaanada ururkaasi ka taliyo ku amray in ay 10 beri gudahood ku joojiyaan tebinta heesaha iyo muusikada.
- (2010-04-03)
- Baqdaad oo lagu dilay 25 qof, Putin oo booqday Venuswela & Obama oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka
-
Baqdaad: Weeraro is xiga oo daqiiqado yar ka hor lagu qaaday 3 guri oo ku yaal waqooyiga magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ku nafwaayey 25 qofood, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badan.
Weerarka oo lagu qaaday guryo la bartilmaadsaday oo ku yaal xaafad ay deggan yihiin dadka muslimiinta sunniyiinta ah ee dalka Ciraaq ayaan ilaa iminka faahfaahin dheeraad ah laga helin, maadama weerarku dhacay daqiiqado yar ka hor, hase yeeshee wararkeenna dambe aad ku heli doontaan.
- (2010-04-03)
- Mareykanka oo sharciyo adag oo dheeraad ah ku soo rogaya duulimaadyada gudaha dalkaasi u socda
-
Kaddib isku-daygii fashilmay ee Umar Farouk Abdulmutalib la sheegay inuu doonayey inuu isku qarxiyo diyarad ka duushay dalka Holand bishii desember ee sanadkii hore kuna sii jeeday Detroit oo Mareykanka ah ayaa iminka sharciyo ad-adag lagu soo rogay diyaaradaha u socdaalaya gudaha dalka Mareykanka.
- (2010-04-02)
- Xabsiga Guatanamo oo ay weli ku jiraan 183 maxbuus, halka 580 kale loo dhoofiyey dalal kale
-
Madaxweynaha talada haya ee dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa xilligii uu socday ololaha doorashooyinka madaxtinimada dalkaasi waxaa ka mid ahaa halkudhigyadii uu ku soo jiitey codadka shacabka Mareykanka in haddii la doorto uu albaabada u laabi doono xabsiga Gutanamopay oo ku yaal gacanka Kuuba, xabsigaasi oo uu carrabka ku adkeeyey in uu taariikhda Mareykanka meel ka dhac ku yahay.
- (2010-04-02)
- Kenya oo diidey maxkamadeynta burcad-badeedda Soomaalida & warar kale
-
Dowladda Kenya oo hore qandaraas uga haysatay Maxkamadeynta burcad-badeedda Soomaalida qaar ka tirsan dalalka reer galbeedka ayaa iminka si cad ugu dhawaaqday in aysan qabalayn in burcad-badeedda Soomaalida lagu soo xiro laguna Maxkamadeeyo dalkeeda.
- (2010-04-01)
- Kolkay ciin daaqday deeqa ayaan nafta la soo dallaabay dalkaygoow (Abwaan Cabdi Muxummad Amiin)
-
Iyadoo aan akhristayaasha sharafta leh u ballanqaadeyno soo gudbinta taxane sugaaneed iyo mid siyaasadeed oo ay abwaanada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ku muujinayaan dareenkooda waddaniyadeed iyo dhibaatada qaxootinimada ay ummadda soomaaliyeed wehelka u ahayd labaatankii sano ee ugu dambeeyey, ayaanu qormada maanta idinkugu haynaa hees waddani ah oo uu curiyey Abwaan Cabdi Muxummad Amiin (Alle ha u naxariistee), wuxuuna abwaanku ku billaabay:
- (2010-04-01)
- Degaanka Bacaadweyn oo deggan dagaal qaraar oo shalay dhacay kaddib & warar kale
-
Sanca 1 april: War ka soo baxay Wasaaradda Amniga dalka Yemen ayaa lagu sheegay in maalintii shalay ay gaareen gudaha dalka Yemen qaxooti Soomaaliyeed oo Doonyo ku tahriibayey.
- (2010-04-01)
- 12 qofood oo ku dhimatay qaraxyo kale oo ka dhacay Ruushka
-
Moscow 31 march: Ugu yaraan 12 qofood oo uu ku jiro sarkaal sare oo ciidammada Booliiskak dalka Ruushka ka tirsan ayaa ku geeriyootay labo qarax oo ismiidaamin ah oo waqooyiga Jamhuuriyadda Dagestan ka dhacay saaka saacaddu Markey ahayd 08:30 daqiiqo.
- (2010-03-31)
- Jabuuti oo ay ka hanaqaaday Kubbadda Miisku (Daawo sawirrada)
-
Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa si weyn uga hanaqaaday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ciyaarta kubbadda Miiska ee wiilasha iyo gabdhaha, kaddib markii madaxda Xiriirka Kubbadda Miiska oo kaashanaya dadkooda iyo dowladdooda islamarkaana gacan farsamo iyo dhaqaale ka helaya Xiririrada Kubbadda Miiska Adduunka (ITFF) iyo Africa (ATTF) ay ku tallaabsadeen waxqabad dhab ah, iyagoo tartamo kala duwan ku qabtay dalka gudihiisa, sidoo kale dibedda uga qeyb-galay seminaaro caalami ah iyo tartamo intaba.
- (2010-03-30)
- Shirka Wasiirada Arrimaha Dibedda G-8 uga socda Ottawa oo lagu soo qaadayo hubka Iiraan
-
Ottawa 30 maarso: Shirka wasiirrada arrimaha dibedda dalalka ugu horreeya dhaqaalaha adduunka ee lagu magacaabo G-8 uga socda magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah barnaamijka hubka nukliyeerka dalka Iiraan.
- (2010-03-30)
- Ugu 37 qofood oo ku dhimatay qaraxyo lala beegsaday Tareenada dhulka hoos mara ee dalka Ruushka
-
Moscow 29 maarso: Labo qarax oo waaweyn oo lagu qaaday saldhigyada laga raaco Tareenada dhulka hoos mara ee dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyey inay ugu yaraan ku nafwayeen 37 qofood, sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
- (2010-03-29)
- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dalalka Carabka ugu baaqay inay mamnuucaan Al-Shabaab
-
Xoghayaha Guud ee Ururka Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa madaxda Wadamada Carbta ku boorriyey in ay sharci darro ka dhigaan ururka Al Shabaab ee Somalia oo iyagu gobollada Koonfurta Soomaaliya inteeda badan gacanta ku haya.
- (2010-03-28)
- Qabuuro dumin iyo Qaran beena Dawlad lagu rabo baab layaable weeyee....
-
Sanadahaan balayee bulshadeenna soo maray wixii aan ka baranaan buugga kuugu qorayaa bulshadayda wacaney hadba baal ka daalaco, taariikhdaa bayaankaa soo yaalka budulkiyo beri hore waxaa jiray barada aan ku noolnahay ama bariga geeskaan. Beel qiima badanoo maganteeda bixiso martidoodu baahoon ,xurmaysana biri magaydada.
- (2010-03-27)
- Mark Bowden oo si kulul u beeniyey in la musuq-maasuqo raashinka gargaarka ah ee Soomaaliya
-
Geneva 25 maarso 2010: Wakaaladda wararka The Associated Press oo soo xiganaysay warbixin maanta laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa saraakiil ka tirsan heyádaha Qaramada Midoobay si weyn ugu beeniyeen warbixintii la xariirtay musuq-maasuq iyo is-dabamarin lagu sameeyo raashinka gargaarka ah ee loo diro Soomaaliya oo ay dhowaan soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobay.
- (2010-03-25)
- Napoli Vs Juventus & Getafe Vs Real Madrid oo caawa wada ciyaaraya
-
Iyadoo ay si xiiso leh uga socdaan garoomada kala duwan ee kubbadda cagta Qaaradda Yurub ciyaaraha seria A-da Talyaaniga, kuwa Spanish primera liga, engelish premier leage iwm ayaannu maanta ku eegaynaa qormadaan ciyaaraha maanta oo khamiis ah iyo sabtida soo socota dhacaya qaarkood, kuwaa soo kala ah:
- (2010-03-25)
- Soomaali al Qaacida ah
-
Saudi Arabia waxay muddaba tuhunsanayd in al Qaacida ay hadda iyada oo ka faa'ideysneysa xasillooni darrada Yemen, ay damacsan tahay in ay weerarto Saudi Arabia iyo meelo ka baxsamba.
- (2010-03-24)
- Isku aadka 8-da kooxood ee isugu soo haray Horyaalka kooxaha Qaaradda Yurub
-
Talaado 30 Maarso: Ciyaarta hore waxay dhex mari doontaa kooxaha Lyon vs Bordeaux, halka ciyaarta dambe ay dhex mari doonto kooxaha Bayern Munich vs Manchester United.
Arbaco 31 Maarso: Kulanka hore waxaa foodda isku daraya kooxaha Arsenal vs Barcelona , ciraarta 2-aadna waa kooxaha Inter Milan v CSKA Moscow. - (2010-03-23)
- Maxamed C. Faarax "Garsoorkii wuxuu la shaqeyn waayey faragelin, nabadgelyo & dhaqaale laáan
-
Nairobi 23 maarso: Madaxa Garsoorka iyo Cadaaladda ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Moxamuud Cumar Faarax oo 19-kii bishaan maarso waraysi ku siiyey wakaaladda wararka Associated Press magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in afartii sano ee ugu dambeysay ilaa 10 garsoore looga dilay qalalaasaha ka socda Soomaaliya, iyadoo sababta loo dilay ay tahay howsha garsoorka ee ay hayeen darteed.
- (2010-03-23)
- Horyaalkii Kubbadda Miiska oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 22 maarso: Horyaalkii 18-aad ee kubbadda Miiska Soomaaliyeed oo shalay gelinkii si rasmi ah looga furey garoonka ciyaaraha olympic fitness centre ee magaalada Muqdisho.
- (2010-03-22)
- Maxkamad Kismaayo ku taal oo masaafuris ku xukuntay weriyeyihii Idaacadda Somaliweyn
-
Maxkamada Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ee Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta Xukun Musaafuris ah ku xakuntay Wariye Magaaladaasi uga soo warami jiray Idaacada Somalilweyn ee Magaalada Muqdisho.
- (2010-03-22)
- Obama oo si dirqi ku marsiiyey Congress-ka Mareykanka qorshihii caafimaadka
-
Xubnaha Congresska ee labada xisbi ee dalka Marayakanka ayaa si rasmi ah u meel mareyey sharcigii dhanka daryeelka caafimaadka ee uu so hordhigay congress-ka Madaxweyne Barack Obama.
- (2010-03-22)
- Heyádaha Amniga & madaxda gobolka Banaadir oo ka wada hadlay nabadgelyada Banaadir
-
Muqdisho 20 maarso: Masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Arrimaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen shir looga hadlayey ammaanka.
- (2010-03-20)
- Sweden oo markii ugu horreysay qaxooti Soomaaliyeed toos uga soo qaaday Qaaradda Africa
-
Wafdi ka socday Wasaaradda Socdaalka dalka Sweden ayaa dhowaan waxa uu booqday xerada qaxootiga Dhadhaab oo ku taal gobolka waqooyiga Bari ee dalka Kenya oo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 300, 000 oo qofood, kuwaasi oo ka soo barakacay dagaalada labaatan jirsadey ee ka socda Soomaaliya.
- (2010-03-19)
- Danjire Nuur-Cadde oo la kulmay Boqolka dalka Beljamka oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya
-
Brussels 19 maarso: Danjiraha Soomaaliya ee wakiilka ug aah dalka Talyaaniga, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde), isla markaana ah Wakiilka Soomaaliya ee xarunta Ururka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyay boqorka waddanka Belgium.
- (2010-03-19)
- Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeyaha
-
Qeybtii 4-aad:
Dembiyada iyo tacadiga loo geystay guud ahaan dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ilaa iminka socda kuma koobneyn dad la dilay, la dhaawacay, la xiray, la afduubtay ama la barakiciyey ee waxaa kaloo jirey burbur guud iyo dhac loo geystay dhammaan hantiidii qaranka haddii ay ahaan lahayd bad, berri iyo cir intaba, iyadoo dhaca, bililiqada iyo burburinta ay maliishiyooyinka Soomaalidu fuliyeen ay barbar socotay bililiqo taas ka baaxad-weyn oo dhinacyada kheyraadka badda ay ku xaalufiyeen Kalluumeysato ka kala timid dalalka dunida oo si sharci darro ah shabaakado waaweyn oo aan waxba reebayn u dhigtay badaha Soomaaliya, kuwaasi oo aakhirkii sababay dhibaatada maanta xalkeeda meel kasta laga doonay ee burcad-badedda Soomaalidu ku hayaan Maraakiibtii ganacsiga iyo dalxiiska dunida.
- (2010-03-18)
- Diaspora Forum Ximan & Xeeb oo ku baaqay in la sii daayo La-heystayaasha UK, lana joojiyo dagaalada
-
Birmingham 14 maarso: 14-kii bishaan maarso ayaa waxaa magaalada Birmingham ee dalka Britain lagu qabtay shirweynihii 1-aad ee Jaaliyadaha Qurba-joogta maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo shirweynahooda ku falanqeynayey xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa degaanka Ximan iyo Xeeb.
- (2010-03-18)
- Salaad-Gaab "FIFA ma aqbalayso in qof wax lunsaday ka qeybgalo doorashada xiriirka" waraysi
-
Iyadoo la filayo in dhowaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti lagu qabto doorashada Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa madaxda iminka hoggaamisa Xiriirka waxa ay billaabeen dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo ay tababarro ugu fureen qaar ka mid ah tababarayaasha Xiriirkaas iyo weliba tartan kooxaha heerka 2-aad ah oo uu Xiriirku dhowaan ku qabtay magaalada Muqdisho.
- (2010-03-17)
- Warbixintii Guddiga Kormeerka Hubka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
-
Inkastoo aan maalinimadii shalay idiin soo gudbinay warbixinta hoos ku qoran oo ku qoran luuqadda english-ka, haddana si ay dad badan oo ku hadla luuqadda Soomaaligu uga bogtaan ayaanu mar kale idinkugu soo gudbineynaa warbixintii Guddiga Kormeekra Hubka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay Soomaaliya, warbixintaan oo ay af-Soomaali ku tarjumtay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC, taas oo u qornayd sidatan:
- (2010-03-17)
- Security Council report for Somalia
-
Somalia has undergone significant political change in 2009/10, but the security
situation has remained largely stagnant. The conflict remains a grim example of
“hybrid warfare”: a combination of conventional capabilities, irregular tactics and
formations, as well as indiscriminate violence, coercion, and criminal disorder —
compounded in the Somali case by the interference of regional powers. Somalia’s
frail Transitional Federal Government has struggled ineffectually to contain a
complex insurgency that conflates religious extremism, political and financial
- (2010-03-16)
- Madaafiic culus oo la isku weydaarsanayo Muqdisho iyo ganacsigii suuqa Bakaaraha oo qalqal galay
-
Muqdisho 16 maarso: Madaafiic aad u culus ayaa ka billaabatay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay isweydaarsanayaan ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ah. (Sii akhri)
- (2010-03-16)
- Ahluna Sunna & Dowladda FKM oo ciidankooda ku mideynaya 30 beri ( heshiiskii ay kala saxiixdeen)
-
Addis-Ababa 16 maarso: Xukumada Somalia iyo ururka ahlu suna waljameeca ayaa heshiis ku kala saxiixday shalay gelinkii dambe magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay ku midoobayaan labada dhinac waxaana heshiiskaasi u saxiixay Dhinaca dowlada federaalka Raisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Maaliyada, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo dhinaca Ahlu Sunna uu u saxiixay Guddoomiyaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlu Sunna, Maxamud Shiikh Xasan (Xeefoow) waxaana saxiixaha heshiiskan goob joog ka ah wakiilo ka kala socday Ururka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaana uu qornaa heshiiska labada dhinac sidatan:-
- (2010-03-16)
- Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta Shisheeyaha (Xog rasmi ah)
-
Qeybtii 3-aad
Cid kasta oo ka dambeysaba shirqoolada lagu ugaarsanayo saraakiisha maamulka, ciidammada, culimada iyo dadka indhaha bulshada ah waa mid taariikh fog leh oo aan billaaban wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe, inkastoo ay kala duwan yihiin qaababka la isticmaalayo marka la fulinayo ugaarsigaasi, sidoo kalena sida iminka oo kale uma badnayn dilalka shirqoolka ahi waqtiyadii hore. (Sii akhri)
- (2010-03-16)
- Odayaasha Absame oo dhex-dhexaadinaya Al-Shabaab iyo Axmed-Madoobe (Xigasho shabelle.net)
-
Isniin 15 maarso: Sida ay faafisay shabakadda wararka www.shabelle.net Odayaasha Dhaqanka beesha Absame ayaa dhex-dhexaadin ka dhex billaabay Ururka Al-shabaab iyo Axmed-Madoobe oo hoggaamiya maliishiyo taageersan Ururka Xisbul Islaam, kuwaasi ood agaalo adag kula jira Al-Shabaab.
- (2010-03-15)
- Prof Dalxa oo shir jaraaid qabtay, Xildhibaan is-casilay iyo Madaxweynaha DKM oo Muqdisho ku laabtay
-
Muqdisho 15 maarso: Gudoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Dalxa oo maanta shir uu saxaafadda kula hadlay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay in uu shirar ku saabsan heshiiskii Badda ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya la soo yeeshay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.
- (2010-03-15)
- Ciidammada Ruushka iyo Mareykanka oo iska kaashanaya la dagaalka burcad-badeedda Soomaalida
-
Axad 14 maarso: Sarkaal u hadlay Ciidamada Badda ee dalka Ruusha ayaa sheegay in ciidammada saaran Maraakiibta Dagaalka ee dalalka Ruuska iyo Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay si wadajir ah u wadaan howlgalo ay isaga kaashanayaan la dagaalanka Burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya.
- (2010-03-14)
- Camaara & Bacaadweyn oo ay isku horfadhiyaan maliishiyooyinkii shalay ku dagaalamay
-
Muqdisho 14 maarso: Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay tuulooyinka Camaara iyo Bacaadweyn oo hoostaga gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 15 qofood, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay ilaa 20 qof, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo rayidka degaanka, iyadoo labada maliishiyo oo aad u hubeysani ay saaka is horfadhyaan.
- (2010-03-14)
- Council on Foreign Relations oo warbixin dheer oo qaarkeed meel ka dhac yahay ka qoray Soomaaliya
-
Golaha Xiriirka Caalamiga ah (The Council on Foreign Relations) ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu ka qoray arrimaha Soomaaliya warbixin aad u dheer oo ay ka qeyb-qaateen shakhsiyaad caalami ah iyo heyádo fara badan, iyagoo warbixintoodu taabanaysay dhinac walba oo Soomaaliya ah sida, siyaasadda qabaai´lka, kooxaha iyo xitaa shakhsiyaad.
Warbixinta oo qeybo badan oo ka mid ah ay xambaarsan tahay maclumaad dhacay oo dhab ah, haddana waxaa ku jira qeybo badan oo meel ka dhac weyn loogu geysanayo Soomaaliya iyo Soomaalida, waxayna u qornayd sidatan:
- (2010-03-13)
- G/Sare Cali Binge oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka & Amniga Puntland
-
Garoowe 12 maarso: Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa maanta wareegto uu ka soo saaray Xafiiskiisa magaaladda Garoowe waxa uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hey'adda Sirdoonka & Amniga Puntland ee loo yaqaano PIA/PSF.
- (2010-03-12)
- Dagaallo & Madaafiic maalintii 3-aad ka soconaya magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 12 maarso: Waxaa maalintii 3-aad galay dagaalada iyo duqeynta madaafiicda culculus ee qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho oo ay isaga soo horjeedaan dowladda kumelgaarka ah ee Soomaaliya & ciidammada AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.
- (2010-03-12)
- Dilka saraakiisha & Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeyaha
-
Qeybtii 2-aad
Akhristoow iyadoo aan weli ku guda jirno soo bandhigidda saraakiishii, aqoonyahanadii, ganacsatadii iyo culimadii diinta ee shirqoolada gaadmada ah lagu laayey muddadii uu dalka Soomaaliya ku jiray qalalaasaha siyaasadeed ee sababay qaran-jabka ilaa maanta xalka loo laýahay ayaannu qormadaan ku soo qaadaneynaa warbixin aannu ka soo xigannay mid ka mid ah saraakiisha ka howl-gasha ururada bulshada rayidka ah, kaas oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo.
- (2010-03-12)
- Muqdisho oo huganka Madaafiicdu is qabsaday maanta iyo shacabkii oo dhan ay u dhaqaaqan waayey
-
Muqdisho 11 maarso: Subaxnimadoo hore ee saaka ayaa mar kale dagaalo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Dowladda kumeelgaarka ahi ka qarxeen waqooyiga magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.
- (2010-03-11)
- Axmed M. Xasan "Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeyaha"
-
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya bishii janaayo 1991-kii waxaa halakeeyey oo halaagay guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta holaca dagaalo wejiyo kala duwan soo maray, islamarkaana loo isticmaalay magacyo kala duwan haddii ay ahaa lahaayeen kuwo qabiil oo qabyaalad ku qotomay, kuwo shisheeye ka qayb-qaatay oo rajo soo celin loogu magac daray, kuwo hoggaamiye kooxeedyo oo siyaasad loo ekeysiiyey iyo kuwa iminka ay isaga soo horjeedaan cimaamadleyda huwan magaca diinta.
- (2010-03-11)
- JihadJane, an American woman, faces terrorism charges
-
Washington Post Staff Writer
Wednesday, March 10, 2010
A petite, blond-haired, blue-eyed high school dropout who allegedly used the nickname JihadJane was identified Tuesday as an alleged terrorist intent on recruiting others to her cause, as federal prosecutors unsealed criminal charges that could send her to prison for life. - (2010-03-10)
- Dagaal beeleed mar kale maanta ka qarxay degaanka Camaara ee bartamaha Soomaaliya
-
Mudug 10 maarso: Maliishiyo beeleedyo ka soo kala jeeda beelaha Dir iyo Saleemaan ayaa mar kale saaka waxa uu dagaal qaraar ku dhexmaray degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo ay hore dhowr mar oo hore ugu dagaalameen.
- (2010-03-10)
- Afhayeenada W/Warfaafinta & Al-Shabaab oo guulo ku tilmaamay xasuuqii ay ka geysteen W/Muqdisho
-
Muqdisho 10 maarso: Dagaal aad u culus oo ay barbar socotay duqeynta madaafiicda culculus oo saaka aroornimadii hore ku dhex maray waqooyiga magalaada Muqdisho maliishiyooyinka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ayey siyaabo kala duwan uga hadleen afhayeeno u hadlay labada dhinac.
- (2010-03-10)
- Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee Africa oo sheegay inuu socdo qorshe lagu qabanayo Muqdisho
-
Taliyaha Ciidammada Mareykanka u qaabilsan qaaradda Africa , Jeneraal William Ward oo warbixin siinayey guddi ka tirsan Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay inuu jiro qorshe haatan socda oo ah in gacanta lagu qabto magaalada Muqdishu.
- (2010-03-10)
- Shir-madaxeedkii 14aad ee IGAD oo Nairobi ka furmay maanta
-
Nairobi 9 maarso: Shir-madaxeedkii 14-aad ee dalalka ku mideysan urur goboleedka geeska africa ee lo yaqaan IGAD ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada Nairobi.
- (2010-03-09)
- Sarkaalkii ugu sarreeyey Xarakada Raaskambooni oo Muqdisho lagu dilay maanta
-
Muqdisho 9 maarso: Sheekh Barre Cali Barre oo ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee dhaqdhaqaaqa Raaskambooni u joogay magaalada Muqdisho islamarkaana dhowaan ka soo horjeestay heshiiskii hoggaamiyihii Raaskambooni, Sheekh Xasan Turki uu kula midoobay ururka Al-Shabaab ayaa goordhow oo maanta ah si gaadmo ah loogu dilay magaalada Muqdisho.
- (2010-03-09)
- Madaxweynaha Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo London kula kulmay Raíisul Wasaaraha Britain
-
London 9 maarso: Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu xalay ka hadlay xarunta Chatham House ee magaalada London, kaddib markii uu galabnimadii shalay kulan la qaatay Ra'iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska, Gordon Brown.
- (2010-03-09)
- Wafdi ay hoggaaminayaan Shariifyada dowladda kumeelgaarka ah oo booqanaya London
-
London 8 maarso: Madaxweynaha dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi wasiirro u badan oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho uga billaabatay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magalaada London.
- (2010-03-08)
- La-heystayaashii Ingiriiska oo meel la isugu geyey, lana filayo in saacadaha soo socda la sii daayo
-
Dr. Cabdi Maxamed Cilmi (Dr Xangul) oo maanta isaga oo jooga Isbitaalka Madina ee koonfurta magaalada Muqdisho u warramayey wakaaladda wararka AP ayaa shaaca ka qaaday in labadii qof oo u dhalatay dalka Ingiriiska ee afduubka loogu heystay dalka Soomaaliya isku meel la geeyey iminka.
- (2010-03-08)
- Canada oo noqotay dalkii 3-aad ee Al-Shabaab ku dara liiska argagixisada
-
Isniin 8 maarso: Warbixin dhowaan laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha Amniga ee dalka Kanada ayaa lagu sheegay in sirdoonka dalkaasi heleen maclumaad ku saabsan in dhaqaale looga uruuriyo gudaha Kanada Xarakada Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.
- (2010-03-08)
- Ciidammada Faransiiska & Turkiga oo howlgal kuqabtay 29 nin oo Soomaali ah & 6 Doomood oo ay wateen
-
Axad 7 maarso: Ciidammada dalalka Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen ilaa 29 nin oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen burcad-badeedda Soomaalida & Doonyihii ay wateenba, sidoo kalena Ciidamada Badda ee Ururka Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soonmaaliya ayaa waxaa kaloo ay sheegeen in ay ku raadjoogaan soo qabashada Markab laga leeyahay dalka Norway oo gacanta ugu jira kooxaha burcad badeedda Soomaalida.
- (2010-03-07)
- Wasiirka Arrimahah Gudaha Soomaaliya oo sheegay in ay dhowaan sugu doonaan ammaanka dalka
-
Muqdisho 7 maarso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa ku dhawaaqay in uu gebogebo mareyo qorshihii dowladdu kula waereegi lahayd guud ahaan magalada Muqdisho oo inteeda badan ay iminka ka taliyaan kooxaha mucaaradka ahi.
- (2010-03-07)
- Warar goosgoos ah oo caalamka iyo Soomaaliya ku saabsan
-
Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Suxni Mubarak ayaa ayaa awooddii dalka Masar waxa uu si kumeelgaar ah ugu wareejiey Raíisul wasaaraha dalkaasi, kaddib markii Madaxweynaha uu soo wajahay xannuun sababay inuu qalliin u aado dalka Jarmalka.
- (2010-03-06)
- Dagaal beeleed dad badani ku dhintey oo ka dhacay tuulooyinka Camaara & Bacaadweyn
-
Gaalkacyo 5 maarso: In ka badan qofood ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaal laba beelood oo Soomaali ah ku dhexmaray tuulooyin ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
- (2010-03-05)
- Wakiilkii Jubba airways ee koonfurta Gaalkacyo oo xalay la dilay
-
Gaalkacyo 5 maarso: Raage Cabdi oo ahaa wakiilkii shirkadaha diyaaradaha Daalo airlines iyo Jubba Airways ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu dilay halkaasi.
- (2010-03-05)
- Daawada sanka looga buufiyo carruurta oo la ogaaday inay daawo u tahay infection-ka dhegaha
-
Jimce 5 maarso: Inta badan carruurta ku nool dalalka cimaladoodu qabowga tahay, sida waqooyiga Mareykanka, Yurub iyo meelo kale oo dunida ka mid ah waxaa soo wajaha cabur ama sanka oo xirma, dabadeedna ay ku adkaato carruurtaasi inay caadi u neefsadaan ilaa lagu buufiyo daawo biyo ka sameysan.
- (2010-03-05)
- Ciidammada NATO oo sheegay inay qabteen Maraakiib ay isticmaali jireen burcad-badeedda Soomaalidu
-
Maraakiibta dagaalka ee Ciidamada badda NATO ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya ayaa waxa sheegeen in toddobaadkan gudihiisa ay qabteen ilaa 3 markab oo ah kuwa burcad-badeedda Soomaaliyeed u adeegsadaan inay ku qaataan doonyaha dheereeya, hubka, iyo raashinka, islamarkaana ku gaaraan badweynta ay Maraakiibta ka qafaashaan
Sarkaal ka tirsan ciidammada badda ee NATO oo lagu magacaabo Christian Rune ayaa waxa uu sheegay in labadii maalmood ee ugu horreysay bishan Maarso in ay fashiliyeen oo ay qabteen laba Markab oo ay burcad-badeeddu uga adeegtaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo Markabkii 3-aad ee noocaasi ahna ay qabteen toddobaadkan gudihiisa.
- (2010-03-04)
- Booliiska Holand oo qabtay duuliye leysin la been-abuuray ku wedi jirey diyaaradaha rakaabka qaada
-
Amasterdam 4 maarso: Ciidammada Booliiska dalka Holand ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradaha waaweyn ee rakaabka qaada, kaas oo leysinkiisu ahaa been-abuur.
- (2010-03-04)
- Somali official's immunity case raises legal, policy issues
-
The federal government argues that it is up to the executive branch, not the judicial, to decide when foreign officials deserve immunity from charges of human rights abuses filed in U.S. courts.
- (2010-03-04)
- Wada hadalo sare oo toddobaadka dambe dhex maraya dalalka Ruushka iyo Sweden
-
Moscow 3 maarso: Raíisul Wasaaraha dalka Sweden iyo Wasiirkiisa arrimaha dibedda ayaa socdaal siyaasadeed waxa ay ku tegayaan magalaada Moscow ee xarunta dalka Ruushka, halkaasi oo ay wada hadalo kula leeyihiin madaxda sare ee dalkaasi toddobaadka soo socda.
- (2010-03-03)
- Qaramada Midoobay oo faahfaahin kale ka bixisay walaaca ay ka qabto gargaar loo diro Soomaaliya
-
Heyadaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay ka walaacsan yihiin saamaynta ay yeelan karto xeelado cusub oo burcad-badeedda Soomaaliya ay dhinaca dhulkana kaga fulin karaan dhac iyo afduubyo gaadiidka iyo shaqaalaha gargaarka wada.
- (2010-03-03)
- 4 Qofood oo ku dhimatay iyo 17 ku dhaawacaantay madaafiicdii dagaaladii maanta Muqdisho ka dhacay
-
Muqdisho 2 maarso: Ilaa afar qofood oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhimatay islamarkaana 17 qofookale ay ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeyey dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda jiritaankeeda iyo joogitaanka ciidammada AMISOM.
- (2010-03-02)
- Jeneraal Maxamed Cali Samatar: dembiile dagaal mise geesi qaran?
-
Jeneraal Maxamed Cali Samatar waa 74 sano jir qaxooti ahaan ugu nool Fairfax oo ka tirsan dalka Mareykanka, wuxuuna xilal sarsare oo kala duwan ka soo qabtay dowladdii milaterigu hoggaaminayey ee dalka Soomaaliya ka talineysay intii u dhexeysay 1969 ilaa 1990, iyadoo xilalka sare ee uu ka soo qabtay dowladdaas ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Raíisul Wasaare, waxaana dacwad la xariirta inuu dembiyo dagaal galay ku soo oogay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, halka kuwo kale oo isaga taageersan ay ku tilmaamaan inuu ahaa geesi qaran.
- (2010-03-02)
- Warbixin ay soo saareen heyádaha gargaarka oo aad uga deyrisay nolosha qaxootiga Soomaaliyeed
-
Heyádaha gargaarka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay wadajir u soo saareen waxa ay ku faahfaahiyeen dhibaatooyinka dhanka nolosha ka haysta dadka Soomaaliyeed ee ay dagaaladu ka barakiciyeen guryahoodii, iyadoo warbixintu ay xoogga saartay xaaladihii ugu waaweynaa ee labadii bilood ee ugu horreeyey sanadkan iyo saamaynta ay ku yeesheen noloshii banii'aadminnimo.
- (2010-03-02)
- Warar gaagaban oo caalamka ku saabsan
-
1-da maarso 2010: Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Chile maalinimadii sabtida ayaa la xaqiijiyey inuu galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 700 oo qofood, iyadoo dadkii ka badbaaday dhul-gariirkaasi ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah kaddib markii dhul-gariirku baabiíyey nidaamkii korontada iyo biyaha, iyadoo wararka la xariira saadaasha heyádaha qiyaasa dhul-gariiryada ay sheegayaan in laga yaabo in qeybo kale oo ka mid ah dalka Chile uu mar kale dhulku ruxmo maanta oo isniin ah.
- (2010-03-01)
- Golaha Ammaanka Africa oo walaac weyn ka muujiyey xaaladaha baniáadnimo ee ka jira Soomaaliya
-
Sabti 27 feb: Golaha Ammaanka iyo Nabad-gelyda Ururka Midowga Africa ayaa war saxaafadeed uu ka soo saaray kulankiisii 217-aad waxa uu ku sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya ay u muuqato mid ka soo rayneysa sidii hore, hase yeeshee beesha Caalamka looga baahan yahay inay kaalmo Milatari oo deg deg ah ay u fidiso dowladda KMG ee Soomaaliya.
- (2010-02-27)
- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya oo la sheegay inay iska dhiibeen Sweden
-
Göteborg 27 februari: Xildibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay dhowaan iska dhiibeen dalka Sweden.
- (2010-02-27)
- Ciidammada AMISOM oo la sheegay inay toogasho ku laayaan rayidka ku harsan degmada Hodan
-
Muqdisho 26 feb: Barqanimadii saaka ayaa qeybo ka mid ah degmada Hodan ee koonfurta magaalada Muqdisho waxaa laga helay 3 nin oo meyd ah, kuwaasi oo aan rasmi ahaan loo ogeyn cidda dishay.
- (2010-02-26)
- IGAD oo shir Jabuuti uga socda uga wada hadlaya sidii ay shuruuc mideysan u yeelan lahaayeen
-
Jibouti 26 feb: Dalalka ku mideysan urur goboleedka Bariga iyo Geeska Africa ee IGAD ayaa toddobaadkan kulamo ay ku lahaayeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa ay iskula soo qaadeen qodobo dhowr ah.
- (2010-02-26)
- Wareegga 16-ka kooxood iyo UEFA championships
-
Iyadoo tartanka kooxaha kubbadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA-championships uu soo gaaray wareeggiisii 16-ka kooxood ayaa xalay waxaa qeyb ka mid ah wareeggaasi dhex maratay kooxaka kala ah Inter-milan Vs Chelsea oo ku kala baxay 2-1 ay guushii ku raacay kooxda Inter iyo CSKA-Moscow vs Sevilla oo isla dhaafi waayey 1-1.
- (2010-02-25)
- Garyaqaanada Netherlands oo ka soo horjeestay in Maxamuud Siciid loo dhiibo CIA-da Mareykanka
-
Maxamuud Siciid Cumar waa nin Soomaali ah oo deganaa dalka Holand, kaas oo ay dhowaan qabteen ciidammada dalkaasi kaddib markii Mareykanku ka codsaday in loo soo gacan-geliyo, iyadoo lagu eedeynayo waxa loogu yeero argagixisinimo, gar ahaan inuu lacago badan u uruuriyey kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kalena looga shakiyey inuu dhallinyaro Soomaali ah ka diray Holand si ay uga qayb-qaataan dagalaada.
- (2010-02-23)
- Xildhibaanno & Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la caddeeyey inay ku xiran yihiin Jigjiga
-
Muqdisho 22 feb: Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa xaqiijiyey in Xildhibaano iyo Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku xirxiran yihiin gudaha dalka Itoobiya.
- (2010-02-22)
- Tobaneeyo qof oo gaajo iyo cudurro ugu dhimatay duleedka Muqdisho
-
Muqdisho 21 feb: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay dadka ku barakacay degaanka Galgalato ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 13 qof ay gaajo iyo cudurro kala duwan ugu dhinteen halkaasi sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen qaar ka mid ah barakacayaasha.
- (2010-02-21)
- Dilkii Maxamuud Al-Mubaax oo saameyn siyaasadeed ku yeeshay xiriirka Israaíl & Ingiriiska
-
Maxamuud al-Mabxuux, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas, waxa meydkisii laga helay bishii hore qol uu kaga jirey hudheel ku yaal Dubai. Waxana la rumaysan yahay in lagu diley shirqool ay soo maleegeen ciidamada MOSAD ee Israel.
- (2010-02-18)
- Sirdoonka Mareykanka & Pakistan oo iska kaashaday howlgalkii lagu qabtay Mullah Abdul Ghani
-
Karachi 16 feb: Mullah Abdul Ghani Baradar oo la sheegay inuu ahaa Taliye Ku-xigeenka Ururka Talipan ee dalka Afqanistaan ayaa lagu qabtay howl-galadii milateri ee toddobaadkii hore ay iska kaashanayeen Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Pakistaan, sida laga soo xigtay sirdoonka ciidammada dalalka Pakistan iyo Mareykanka, iyadoo uu noqonayo sarkaalkii ugu sarreeyey ee Talipan laga qabto tan iyo markii uu maamulka Mareykanka la wareegay Barack Obama. Washington post oo faallo dheer ka qortay arrintaas waxa ay tiri:
- (2010-02-16)
- Gaadiid u raran WFP oo ku xayiran duleedka Laascaanood
-
Heyádda Cuntada Adduunka ee WFP lagu soo warramyaa in gaadiid kor u dhaafaya 100 baabuur oo sida raashin gargaarka ah ay ka soo rartay dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, gaadiidkaasi oo ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee bartamaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee gaadiidkii iyo raashinkii saarnaa ayaa ilaa iminka ku xanniban duleedka magaalada Laascaanood.
- (2010-02-16)
- Yuusuf Indhacadde oo ka badbaaday qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho
-
Muqdisho 15 feb: Wasiiru- dowlaha Gaashaandhigga ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Yusuf Maxamed Indho-cadde ayaa ka bedbaaday qaxyadii bombaano ee maanta lagu weeraray gaadiid uu la socday oo marayey agagaarka hoteel Ambassador ee koonfurta Muqdisho.
- (2010-02-15)
- Dagaalo culus oo ka dhacay Afqanistaan shalay & dorraad
-
Howl-galadii militeri ee ugu cuslaa muddo 8 sanadood ah oo toddobaadkii tegay dhammaadkiisii ka dhacay gobolka Helmand ee koonfur bari ee dalka Afqanistaan, kuwaas oo lagu tilmamay tijaabadii ugu weynayd ee istaraatiijiyada Madaxweyne Obama uu ciidammada iyo dhaqaalaha dheeraadka ah ugu bixiyey dalka Afqanistaan.
Jariiradda washington post oo sii ambaqaadaysa arrintaasi waxa ay tiri: - (2010-02-15)
- (war degdeg ah) Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay agagaarka hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 15 feb: Qarax yo waa-weyn oo aad u xooggan ayaa goordhow waxa ay ka dhaceen nawaaxiga Hoteelka Ambasador ee koonfurta magaalada Muqdisho, iyadoona la sheegay in lala eegtay Kolanyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.
- (2010-02-15)
- Soomaalida UK oo codsatay in la sii daayo lammaanayaasha UK looga haysto gudaha Soomaaliya
-
London 15 feb: Ilaa shan boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa galabnimadii Axadii shalay isugu yimid shir ay ku codsanayaan in la sii daayo, labada qof ee British-ka ah ee lagu haysto gudaha dalka Soomaaliya.
- (2010-02-15)
- Ciidamo Ugandha u soo dirtay Soomaaliya oo soo gaaray dalka Kenya
-
Kampala 15 feb: Wargeyska New Vision oo ka mid ah wargeysyada ugu codka dheer jaraaídka dalka Uganda ayaa waxa uu daabacay war dowladda dalkaasi ku sheegeyso inay ciidamo dheeraad ah u soo direyso dalka Soomaaliya.
- (2010-02-15)
- Ugu yaraan 5 qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay Madaafiic ku dhacday degmada Yaaqshiid
-
Muqdisho 12 feb: Madaafiic aad u tiro badan oo si isdabajoog ah ugu soo dhacday qeybo ka mid ah degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayey ugu yaraan qofood oo rayid ah iyo weliba tiro kale oo dhaawac ah.
- (2010-02-12)
- Aid groups fear Haitian relief diverts funds from other needs
-
The U.S. government's disaster-assistance program has committed more than half its annual budget to help earthquake-ravaged Haiti, raising concern among humanitarian groups that programs for the needy in countries such as Sudan or Somalia could face cuts. (washington post)
- (2010-02-12)
- Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay baadi-goobayaan Xildhibaan Saalax Badbaado oo la waayey
-
Muqdisho 12 feb: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cismaan Cilmki Boqorre oo u warramayey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in la waayey mid ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka.
- (2010-02-12)
- Baarlamaanka Yurub oo u codeeyey hindisihii Mareykanka ee isku xirka Computerada Bankiyada
-
Sharcidejiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa waxa ay u codeeyeen hindise dalka Mareykanku u soo jeediyey oo ku saabsan in warbixinada computerada Bankiyada Mareykanka iyo Yurub la isku xiro (data bank system), tallaabadaas oo Mareykanku ku micneeyey in lagula dagaalamayo waxa loogu yeero argagixisada.
- (2010-02-11)
- Wasaaradda Arr. Dibedda Thaiwan oo sheegtay in Madaxfurasho loogu sii daayey Markab & shaqaale
-
TAIPEI, Taiwan --Dowladda dalka Thaiwan ayaa shaaca ka qaaday in burcad-badeedda Soomaalida ahi sii daayeen Markab nooca Kalluumeysiga ah oo laga leeyahay dalka Thaiwan.
- (2010-02-11)
- Afhayeenka AMISOM oo si xishood laáan ah u beeniyey ka qeyb-qaadashada xasuuqii shacabka Muqdisho
-
Muqdisho 11 feb: Ugu yaraan 30 qofood oo rayid ah ayaa ku naf waayey, 50 kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo culculus Madaafiicdii sida arxan-darida ah loogu garaacay magaalada Muqdisho shalay gelinkii dambe ilaa xalay.
- (2010-02-11)
- Baarlamaanka Nayjeeriya oo awooddii dalkaasi ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka
-
arbaco 10 feb: Labada Gole ee looga taliyo dalka Nigeria ayaa si buuxda ugu codeeyey in awoddii xukunka dalka si kumee-gaar ah loogu wareejiyo Jonathan Goodluck oo ah Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi, kaddib markii uu muddo dheer dalka ka Madaxweynihii dalkaasi, Umaru Yaradua oo muddo dheer debadda ugu maqnaa sababo caafimaad.
- (2010-02-10)
- Yemen getting tougher with Somalis on Qaeda fears
-
ADEN, Yemen (Reuters) - Somalis fleeing war have long found refuge in Yemen, seen as a way station to Saudi Arabia, but fear of al Qaeda infiltration has cooled their welcome. (Washington post)
- (2010-02-09)
- Xabsiga Caynabo oo laga sii daayey 55 qof oo reer Laascaanood ah
-
Laascaanood 9 feb: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Abdillahi Ismail Cirro ayaa shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daayey ilaa 55 qof oo ka tirsanaa dhawr iyo lixdan qofood oo hore looga soo qab-qabtay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo lagu xirxiray xabsi ku yaal magaalada Caynabo, si baaritaano loogu sameeyo.
- (2010-02-09)
- Dhimashada & dhaawaca shacabka ay u geysteen dagaaladii u dambeeyey oo sii kordhaysa Muqdisho
-
Muqdisho 8 feb: Wararka ka imaanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 qofood oo rayid ah ay ku dhinteen, 14 kalena ay ku dhaawacmeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho.
- (2010-02-08)
- Gen. Galaal oo caddeeyey inuu khibraddiisa ciidan ku biirinayo Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca
-
Guriceel 8 feb: General Maxamed Nuur Galaal oo isagoo ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waraysi siiyey idaacadda codka Mareykanka, qeybteeda afka-Soomaaliga (VOA) ayaa waxa uu sheegay inuu halkaasi u joogo sidii uu khibraddiisa ciidan ugu biirin lahaa ururka Ahlu-Sunnah Waljameeca o dagaallo adag kula jira Ururka Al-Shabaab.
- (2010-02-08)
- Al-Shabaab oo soo bandhigay sarkaal & hub badan, sheegtayna duullaankii Muqdisho ee xalay
-
Muqdisho 8 feb: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen sarkaal lagu magacaabo Baashi Axmed Urur iyo hub qoryaha fudud u badan oo ay sheegeen in uu kala soo baxsaday dowladda KMG ee Soomaaliya.
- (2010-02-08)
- Maxaad ka taqaan Caado-dhaqameedka Hindu-ga reer Malaysiya
-
Kumannaan qof oo ka mid ah dadka diin ahaanta u aaminsan HINDU-ga ayaa sanadkiiba mar waxa ay isugu soo baxaan dabaaldeg diimeed oo aad u weyn oo lagu qabto waqooyiga caasimadda dalka Malaysiya, dabaaldeggasi oo lagu magacaabo (Thaipusam festival).
- (2010-02-08)
- Dagaal xalay Muqdisho ka dhacay, Saraakiil Itoobiyaan & Soomaali ah oo Ceelbarde ku shiray ....
-
Ceelbarde 8 feb: Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Itoobiya ee shalay soo galay gudaha degmada Ceelbarde ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay shirar la yeesheen horjoogayaasha Maliishiyooyinka taageersab dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool.
- (2010-02-08)
- Booliiska waqooyiga Gaalkacyo oo fashiliyey qarax iyo nin meydkiisa laga helay xabsiga
-
Gaalkacyo 7 feb: Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee hoos taga Maamul goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyey isku day la doonayay in lagu dilo xalay xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, balse uu ka badbaaday sida uu sheegay.
- (2010-02-07)
- Wasaaradda Qorsheynta oo dood-cilmiyeed u qabatay shaqaalaha dowladda kumeelgaarkak ah
-
Muqdisho 6 feb: Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qarsheenta ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
- (2010-02-06)
- Taxi-layaasha Muslimka ah oo dibadbaxyo waaweyn ka dhigay bartamaha Oslo
-
Oslo 6 feb: Habeenimadii sabtida ayaa taxilayaasha muslimka ah ee ka howlgala dalka Norway waxa ay dibadbaxyo waaweyn ka dhigeen bartamaha magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.
- (2010-02-06)
- Bam gacmeed xalay lagu weeraray sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam
-
Muqdisho 5 feb: Barre Cali oo kak mid ah saraakiisha Diimeedka hubeysan ee Xisbul Islaam ayaa xalay kooxo hubaysan waxa ay ku weerareen agagaarka gurigiisa magaalada Muqdisho.
- (2010-02-05)
- Qarax ka dhacay Laascaanood oo la sheegay inuu ku dhintey qofkii siday walxa qarxa
-
Laascaanood 4 feb: Qarax aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Laas-Caanood ayaa waxa ku dhintay hal qof mid kalena waa uu ku dhaawacmay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdullaahi Imaaciil Cali ayaa saaxafadda u sheegay in qofka qaraxa ku dhintay uu yahay qofkii siday. - (2010-02-04)
- Kenya oo caddeysay inay cutubyo ka tirsan Ciidammadeeda dhoobtey xadka ay la leedahay Soomaaliya
-
Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee Kenya, James Oleseria, ayaa waxa uu caddeeyey in dowladda Kenya ay cutubyo ka tirsan ciidankeeda milateriga oo aad u hubeysan ay soo dhoobtay xadka kala qeybiya dalkeeda iyo dalka Soomaaliyaa, si looga hortago waxa uu ugu yeeray khatar kaga imaan karta kooxaha Soomaalida.
- (2010-02-04)
- Warbixin ku saabsan sida dalalka ku mideysan EU shacabkoodu ugu qanacsan yihiin ururkaas
-
Warbixin dhowaan la soo saaray islamarkaana laga soo uruuriyey tiro ka mid ah dadweynaha dalalka ku mideysan ururka Midowga Yurub ayaa lagu muujiyey sida dalalka qaar shacabkoodu ugu qanacsan yahay ka mid ahaanshaha ururka midowga Yurub, halka kuwo kalena ay muujiyeen inay ka niyadjabsan yihiin.
- (2010-02-03)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dowladdiisu diyaargarowday, kulana la yeeshay Meles Zenawi
-
Addis-Ababa 2 feb: Madaxweynaha Dowladda Kumelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Raíisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kula ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Addis-Ababa.
- (2010-02-03)
- kolley waa ku Diirsaday Dadaalkaaga Qoyskaas (Tix gaaban oo ku saabsan la-haystayaasha Britain)
-
Doctor waa ku diirsaday dadaalkaaga Qoyskaas, Daa,im ha ku gargaaree u dadaal walaalaw, daawanta hore iyo Dayntood karaankaa.
- (2010-02-02)
- Jaamacadda Carabta, Midowga Africa & dalalka Yurub oo si isku mid ah uga qayliyey xaalada Soomaaliya
-
Addis-Ababa 1-da february: Ra’iisul Wasaaraha Spain, Luis Jose oo hadal ka jeediyey shir-madaxeedka Ururka Midowga Africa ee magaalada Addis-Ababa ayaa beesha caalamka waxa ugu baaqay in laga hortago in dalka Soomaaliya uu hooy u noqdo argagixisada caalamiga ah iyo burcad badeedda.
- (2010-02-01)
- Xulka Kubbadda Cagta Masar oo markii 7-aad qaaday Koobka Qaramada Africa
-
Xulka Kubbadda Cagta dalka Masar ayaa galabta waxa ay markii 7-aad ku guuleysteen koobka qaramada Qaaradda Africa oo caawa lagu soo gebogebeeyey dalka Angoola.
- (2010-01-31)
- Jabuuti oo tababarro Kubbadda Koleyga & Kubbadda Gacanta loogu qabanayo tababarayaal Soomaaliyeed
-
Jabuuti 31 jan: Xiriirada Soomaaliyeed ee Kubbadda Koleyga, Kubbadda Gacanta iyo Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo gebogebeeyeen diyaargarowga tababarro heer caalami ah oo ay dhowaan ku qaban doonan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
- (2010-01-31)
- Toogasho ka dhacday xalay Maqaayad ku taal magaalada Malmö ee koonfurta dalka Sweden
-
Malmö 31 jan: Maqaayad ku taal bartamaha magaalada 3-aad ee ugu weyn dalka Sweden ayaa habeenkii xalay waxaa dil toogasho ah loogu geystay nin dhallinyaro ah oo da´diisa lagu sheegay 26 sano jir, kaddib markii ay rasaas ku fureen dad aan weli la aqoonsan.
- (2010-01-31)
- Masar iyo Ghana oo isugu soo haray ciyaarta finalka Africa Cup of Nations
-
Xulalka Masar iyo Ghana ayaa isugu soo haray kulanka kama dambeysta ah ee ciyaaraha kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Africa oo muddo 2 toddobaad ah ka soconayey dalka Angoola.
- (2010-01-29)
- Khasaaraha dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho & UNDP oo dayactireysa dekedda Boosaaso
-
Muqdisho 29 jan: Dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayey madaafiicda waaweyn iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu mar quraka wada bilowday saldhigyada Ciidamada Dowlada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin magaalada muqdisho.
- (2010-01-29)
- Ghana 1-0 ku martay Nayjeeriya & Masar Vs Aljeeriya oo goordhow wada ciyaaraya
-
Ciyaaraha kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Africa oo ka soconayey dalka Angoola ayaa waxa ay soo gaareen heerka semifinalka ee afarta kooxood ah, kuwaasi oo ay isugu soo hareen xulalka Ghana, Najyeeriya, Masar iyo Aljeeriya oo caawa wada ciyaaraya dhammaantood.
- (2010-01-28)
- Xildhibaan Qanyare oo sheegay in Baarlamaanka uusan guddoomiye lahayn xilligan & warar kale
-
Nairobi 28 jan: Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi waraysi bixiyey ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku sugan dibedaha ay tixgelinayaan baaqii ahaa inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa uu intaas raaciyey Qanyare in Baarlamaanku uusan iminka lahayn guddoomiye.
- (2010-01-28)
- 7 Qof oo ku dhimatay dagaal Al-shabaab & Ahlu Sunna Waljameeca ku dhex maray Warxoolo
-
Ceelbuur 27 jan: Dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsaday hubka wax gumaada noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka ayaa waxa uu degaanka Warxoolo ee duleedka magaalada Ceelbuur ku dhex maray maanta kooxo diimeedyada hubeysan ee Al-Shabaab iyo Ahli Sunna Waljameeca ee dalka Soomaaliya.
- (2010-01-27)
- Sarkaal Xisbul Islaam oo qiray inay Aargada B/weyne sureen Madaxyada niman la dilay saaka ...
-
Beledweyne 26 jan: Dagaalkii saaka ka dhex qarxay urur diimeedyada hubeysan ee Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ku dagaalamay magaalada Beledweyne ayaa geystay dhimashada ugu yaraan 6 qofood iyo dhaawacyo intaas ka badan.
- (2010-01-26)
- Dagaal qaraar oo Beledweyne ka socda & warar kale oo Soomaalida ku saabsan
-
Beledweyne 26 jan: Dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayo madaafiic aad uculus iyo rasaas ayna ka qeyb-qaadanayaan gaadiidka dagaalka ayaa saaka waxa uu ka qarxay magalaada Beledweyne oo ay ku dagaalamayaan urur diimeedyada Xisbul Islaam iyo ahlu sunna Waljameeca.
- (2010-01-26)
- BREAKING NEWS: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay bartamaha Baqdaad
-
BREAKING NEWS: Saddex qarax oo aad u xoog badan ayaa mar qura waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baqdaad,kuwaasi oo hawada ku daray qiiq iyo holac.
- (2010-01-25)
- Wasiirada Arr. Dibedda Midowga Yurub oo maanta ka shiraya arrimaha Somaliya, Yemen, Iran & Afqaan
-
Brussels 25 jan: Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda dalalka Midowga Yurub ayaa maanta shir ay ku leeyiniin xarunta ururkaasi ee dalka beljam waxa ay kaga wada hadlayaan arrimaha dalalka Soomaaliya, Yemen, Afqanistaan iyo Iiraan, iyadoo kulankasi uu guddoominayo dalka Spain oo ka mid ah dalaka Maraakiibta dagaalku ka joogana dalka Soomaaliya.
- (2010-01-25)
- Diyaarad ay leedahay Ethopian Airlines ayna la socdeen 90 qofood oo ku burburtay xeebta Beyruut
-
Beyruut 25 jan: Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha dalka Itoobiya ayaa waxa ay ku dhacday badda magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, wax yar kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Beyruut.
- (2010-01-25)
- Dowladda FKM ee Soomaaliya oo ciidammadeedii Daraawiishta ku kala dartay booliiska & milateriga
-
Muqdisho 24 jan: Dawlada kmg ah ee Somalia ayaa si rasmi ah u sheegtay in malishiyadii midowgii Maxkamadihii Islaamiga ee ku biiray ciidammada dowladda iyagoo wata magaca ciidammada daraawiishta iminka lagu kala darayo booliiska iyo milateriga.
- (2010-01-24)
- Dagaal Beledweyne ka qarxay iyo warar kale oo goos goos ah
-
Beledweyne 22 jan: Dagaal aad u culus ayaa Saaka waaberigii mar kale dib uga qarxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dagaalkaas oo la sheegayo in Ururka Xisbul Islaam uu kula wareegay gacan ku heynta magaalada Baladweyne oo toddobaadkii hore inta badan ay gacanta ku dhigeen Ahlu Sunna Waljameeca.
- (2010-01-22)
- Bile Keerow oo dagaal dhaqaale & midabtakoor ku tilmaamay ololaha Kenya ku xir-xireyso Soomaalida
-
Nairobi 21 jan: Bile Keerow oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca weyn dalka Kenya waqti dheerna ka mid ahaan jirey Mudanayaasha Baarlamaanka dalka, isagoo laga soo dooran jirey gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto ayaa si kulul u cambaareeyey ololaha lagu xir-xirayo mujtamaha Soomaalida ah.
- (2010-01-21)
- Dowladda Britain oo joojisay duulimaadyada diyaaradaha tooska ah ee dalka Yemen
-
LONDON 21 jan: Dowladda dalka Ingiriiska ayaa gebi ahaan waxa ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha sida tooska ah isaga kala gooshi jirey dalkeeda iyo dalka Yemen cabsi dhanka ammaanka awgeed.
- (2010-01-21)
- Amnesty oo caalamka u soo jeedisay in la iska hubiyo taageerada hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya
-
21 jan: Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xaquuqda Aadaanaha ee Amnesty International ayaa waxaa ay ugu baaqday beesha Caalamka in la joojiyo gebi ahaan hubka loo daad gureeyo dowladda KMG ee Soomaaliya si looga hortago ama loo baajiyo in hubkaasi loo adeegsado dembiyo dagaal iyo ku xadgudub xaquuqda aadaanaha.
- (2010-01-21)
- Mudane lagu dhaawacay Boosaaso, Riyaale oo mucaaradka eedeeyey & Kenya oo qaxootinimo ugu baaqday
-
Boosaaso 19 jan: Maxamed Cali Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa caawa dhaawac halis ah loogu geystay gudaha magaalada Boosaaso xilli uu ku sugnaa maqaayad lagu fiidado oo laga shaaho.
- (2010-01-19)
- Hal sano kaddib doorashadii Barack Obama ...
-
Hal sano ayaa ka soo wareegtay markii loo doortey madaxtinimada aqalka cad ee dalka Mareykanka, Mr. Barack Hussein Obama, isagoo tallaabadiisii 1-aad saxiixay barnaamijka dhaqaalaha dalka Mareykanka bishii jannaayo ee sandkii la soo dhaafay, dhinaca kalena xubnaha congress-ka ayuu ku dirqiyey inay meelmariyaan dib u habeynta caafimaadka.
- (2010-01-19)
- Goerge Seitoti "Xildhibaanada & Saraakiisha Soomaalidu maxay Kenya ka sameynayaan?..."
-
Nairobi 19 jan: Wasiirka Wasaaradda amniga Qaranka dalka Kenya, Goerge Seitoti oo ka hadlayey ololaha ciidammada Booliiska Kenya ay ku xirxirayaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa si kulul u cannaantay Xildhibaanada iyo saraakiisha Ciidammada Soomaalida ah ee lagu soo qabqabtay howlgaladii ugu dambeeyey ee booliiska Kenya fuliyeen.
- (2010-01-19)
- Warar Soomaaliya ku saabsan
-
Nairobi 19 jan: Ciidammada Booliiska iyo kuwa Milateriga dalka Kenya ayaa habeenkii 2-aad xalay waxa ay u dhaceen hoteelada ku yaalla xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay, halkaas oo ay ka qabqabteen dad aad u badan oo isugu jira ganacsato, siyaasiyiin ka kala tirsan dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada kale.
- (2010-01-19)
- Cayaaraha Kubbadda Cagta Qaramada Africa: kulamada maanta iyo berri
-
Luanda 18 jan: Koobka kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Africa oo si xiiso leh uga socda dalka Angoola ayaa maanta iyo berri kooxuhu waxa ay isku arakayaan sidatan:
- (2010-01-18)
- Warar goos-goos ah oo ku saabsan Soomaaliya & Soomaalida
-
Muqdisho 18 jan: Ciidammada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waxa ay duqeyn aad u culus oo madaafiic ah ku billaabeen duleedka degmada Dharkenley ee koonfurta galbeed ee magaalada Muqdisho.
- (2010-01-18)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo shir jaraaíd ku beeniyey eedeyntii Wasiirka Amniga Kenya
-
Xarakada Shabaab Mujaahidiin ayaa beenisay eedeyn ay shalay u soo jeedisay dowladda Kenya oo ku saabsaneyd inay Shabaab ku lug lahayd rabshadihii Jimcihii ka dhacay magaalada Nairobi.
- (2010-01-17)
- Talyaaniga oo shir qabanaya, Diyaarad ku taranturootay Stockholm, dagaal Muqdisho & Qarax Gaalkacyo
-
Rome 17 jan: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Talyaaniga, Faranco Farantini oo weli ku guda jira booqashooyin uu ku marayo dhowr dal oo Qaaradda Africa ah ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu qabanqaabinayo marti galinta shir Caalami ah oo lagu xallinayo dhibaatada daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirkaasi.
- (2010-01-17)
- Saxaafadda dadaashaay dulmi haw adeegine
-
Tixdaan gaaban waxaan tiriyay markaan dhegaystay idaacado badan oo afka Soomaaliga ku baxa, akhriyayna website-yo badan oo Soomaaliyeed, daawaday tv-yo Soomaliyeed oo qaarkood buunbuunin iyo sharfid u sameeyeen, kuwii dhigay Qaranka Soomaaliyeed meesha maanta aad aragtaan. Dhegahayga iyo indhahaygana ku bateen, wadaaddada, ururada Diimeed, Dawlada, iwm, iyadoo runtu igala fogtahay magacyadaa la adeegsanayo.
- (2010-01-16)
- Nin ka mid ahaa shaqaale xalay laga afduubtey heyádda SAACID oo meydkiisa la helay & warar kale
-
Muqdisho 16 jan: Nuur Xasan Barre (Nuur Booliis) oo ka mid ahaa shaqaalaha heyádda SAACID ee magaalada Muqdisho ayaa saaka meydkiisa laga helay isgoyska Sanca ee waqooyiga magalaada Muqdisho.
- (2010-01-16)
- Rabshado culus oo bartamaha Nairobi ku dhex maraya Ciidammada Kenya & Muslimiin bannaanbaxaya
-
Nairobi 15 jan: Rabshado culus iyo iskahorimaadyo ay dad ku dhinteen ayaa waxa uu bartamaha magaalada Nairobi ku dhex marayaa ciidammada ammaanka dalkaasi iyo muslimiin aad u badan oo salaaddii jimcaha kaddib dibadbaxyo isugu soo baxay halkaasi.
- (2010-01-15)
- Dagaaladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya: 138 dhimasho, 344 dhaawac & 63,000 barakac ah (warbixin)
-
Muqdisho 15 jan: Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay qaar ka mid ah heyádaha u dooda Xuquuqda Insaanka ayaa shaacisay maanta in dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay gobollada dhexe ee Soomaaliya in ay ku nafwaayeen 138 qofood islamarkaana ay ku dhaawacmeen 344 qofood, halka ay ku barakaceen 63,000 oo qofood.
- (2010-01-15)
- Warar goos-goos ah oo Soomaaliya & caalamka ku saabsan
-
Muqdisho: Inta badan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan ayaa saaka waxaa madoobaaday qoraxda, iyadoo ardayda dugsiyada iyo culimo-uddiinka kala duwan ay u dareereen goobaha cibaadada si Alle uga baryaan inuu u soo celiyo iftiinkii qorraxda. Waddooyinka qaar ee magaalooyinka waaweyn ayaa waxaa lagu arkayaa boqolaal dad ah oo gacmaha kor u taagaya isla markaana Alle ka baryaya inuu ka dulqaado qorrax-madoobaadka.
- (2010-01-15)
- Meydadka daadsan wadooyinka magaalada Port Au-Prince oo tiro dhaafay & QM oo ku weysay 150 shaqale
-
Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Haiti ayaa waxa uu sababay meydad tiro dhaafay oo daadsan waddooyinka magaalada Port Au-Prince, iyadoo kumannaan qof ay dibedda jiifaan habeenkii 2aad, kuwaasioo ka cabsi qaba haddii ay guryahoodii ku laabtaan in mar kale uu dhulku ruxmo oo ay dhismayaashu ku fariistaan.
- (2010-01-14)
- Kulamada maanta & berri ee koobka kubbadda Cagta Africa
-
Iyadoo uu weli si xiiso leh uga socdo dalka Angoola tartanka Kubbadda Cagta xulalka Qaaradda Africa ayaa kooxuhu waxa ay maanta iyo berri isku arki doonaan sidatan:
- (2010-01-14)
- Injineerkii hubka Nukliyeerka Iiraan oo qarax bam lagu dilay & dilkiisa oo lagu eedeeyey Israíl/USA
-
Tehran 12 jan: Khabiirkii dalka Iiraan u qaabilsanaa farsamada mashruuca hubka Nukliyeerka (nuclear physics scientist), Prof. Massoud Ali Mohammadi ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iiraan kaddib markii bam lagu qarxiyey gurigiisa.
- (2010-01-12)
- Somalis fleeing to Yemen prompt new worries in fight against al-Qaeda (W/post)
-
KHARAZ, YEMEN -- Thousands of Somali boys and teenagers fleeing war and chaos at home are sailing to Yemen, where officials who have long welcomed Somali refugees now worry that the new arrivals could become the next generation of al-Qaeda fighters.
- (2010-01-12)
- African Cup of Nations: Natiijada kulamadii shalay & kooxaha maanta wada ciyaaraya
-
Luanda 12 jan: Tartanka Koobka Kubbadda Cagta Qaramada Qaaradda Africa oo dorraad si rasmi ah uga furmay dalka Togo ayaa kulamadii shalay waxa ay dhex mareen Malawi 3-0 uga badisay xulka Aljeeriya oo ahaa mid loo hanweynaa, hase yeeshee shalay guuldarro lama filaan ah la hoyday.
- (2010-01-12)
- Shabaab & Sunna Wal-jameeca oo saaka mar kale dagaalamay & Dab Muqdisho ku gubay guryo badan
-
Ceel-buur 12 jan: Saaka ayey mar kale dagaal qaraar isaga horyimaadeen kooxaha Ahlu Sunna Waljameeca iyo Al-Shabaab oo shalay ku dagaalamay tuulooyinka Wabxo iyo Warxoolo oo ku yaal duleedka magaalada Ceelbuur.
- (2010-01-12)
- 24-kii saac ee ugu dambeeyey & dagaalada Soomaaliya: Min Dhoobley, Cali-Bulaay, B/weyne ilaa Wabxo
-
Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayso tirada dadka shacabka ah ee ku dhimanaya dagaalada xukun-doonka ah ee kooxaha isaga soo horjeeda dalka Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey waxaa holaca xabbadu ka socotaa laga soo billaabo Dhoobley ooku taal xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya ilaa tuulada Wabxo labaatameeyo kiilo mitir u jirta degmada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.
- (2010-01-11)
- Angoola oo xabsiga dhigtey 2 nin oo lala xiriirinayo qaraxii lagu laayey ciyaartoydii Togo
-
Luwanda 11 jan: Ciidammada Ammaanka dalka Angola ayaa xabsiga dhigay labo qofood oo looga shakiyey inay lug ku lahaayeen qaraxii lagu dilay qaar ka mid ah ciyaartoydii xulka Qaranka Kubbadda Cagta dalka Togo.
- (2010-01-11)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in Shirkado Mareykan ahi qarxyo ka geysan doonaan Muqdisho
-
Muqdisho 11 jan: Saraakiil sarsare oo ka tirsan Xarakata Mujaahid Al-Shabaab ayaa maanta hadalo ay ka jeediyeen xiritaankii seminaar ay Muqdisho ugu soo gebogebeeyeen odayaal Soomaaliyeed waxa ay kaga hadleen arrimo dhowr ah.
- (2010-01-11)
- CAF African Cup of Nations oo xalay ka furmay Luwanda
-
Luwanda 11 jan: Koobka Kubbadda Cagta Qaramada dalalka Qaaradda Africa ee loo yaqaan CAF Cup of Nations ayaa xalay si rasmi ah uga furmay caasimadda dalka Angola ee Luwanda.
- (2010-01-11)
- Sweden oo sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay magangelyo weydiisteen Soomaali dhan 5,558 qof
-
Stockholm 11 jan: Sarkaal sare oo u hadlay Waaxda Socdaalka dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii la soo dhaafay ee 2009 uu hoos u dhacay qaxootigii magangelyo doonka ahaa ee ka imaanayey dalka Ciraaq, hase yeeshee taas beddelkeedii uu kor u kacay qaxootiga ka imaanaya dalalka Soomaaliya iyo Afqanistaan.
- (2010-01-11)
- Dagaal qaraar oo B/weyne ka socda & dagaal isaguna ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dad rayid ah
-
Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maliishiyooyinka kala taageersan Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa uu ka socodaa dhanka Bari ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
- (2010-01-10)
- Warbixin ku saabsan khasaaraha uu toddobaadkan geystay Barafka & qabowga Qaaradda Yurub
-
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa Qaaradda Yurub waxa ay wajahday qabowgii iyo barafkii ugu adkaa ee soo mara muddo dheer, iyadoo dalalka qaar ay kor ukacday qiimaha korontada, kuwo kalena ay beeqaamin ku sameeyeen cuntooyinka daruuriga ah iyo daawooyinka.
- (2010-01-10)
- Ciidammada Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay hub iyo walxa qarxa
-
Hargeysa 9 jan: Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen xaafad ka mid ah magaalada Hareyesa waxa ay gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha qarxa.
- (2010-01-09)
- Kusimaha Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ku adkeystay isku-shaandheyntii guddiyada golaha
-
Hargeysa 9 jan: Kulan ay magalaada Hargeysa ku yeesheen Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta markii ugu horreysay kaga wada hadlay muran maalmahanba ka taagnaa isku shaandheyn iyo wax ka beddel shir guddoonku ku sameeyay guddiyada golahaasi.
- (2010-01-09)
- Qaraxyo xalay ka dhacay Gaalkacyo iyo xaaladda Muqdisho oo saaka deggan
-
Gaalkacyo 9 jan: Koonfutra iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xalay si isku mid ah loogu geystay qaraxyo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah iidammada Urur Diimeedka hubeysan ee Ahlu Sunna Waljamaaca.
- (2010-01-09)
- Madaafiic maalintii 2-aad lagu garaacayo Muqdisho oo ay sii kordheyso dhimashada shacabku
-
Muqdisho 8 jan: Maalintii 2-aad ayaa Madaafiic iyo Hoobiyeyaal xiriir ah lagu duqeynayaa xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, taas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen shacab aad u badan.
- (2010-01-08)
- Guddoomiye Ku-xigeenkii Kubbadda Cagta Soomaaliya oo xilkii iska casilay
-
Guddoomiye Ku-xigeenkii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta, Axmed Nuur Xasan Cabdulle ayaa habeenkii xalay isaga oo ku sugan dalka Britan waxa uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey.
- (2010-01-08)
- Obama oo sheegay inay la dagaalamayaan Al-Qaacida, Faransiiska oo eryay Imaam Muslim ah & warar kale
-
Washington: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Brack Obama ayaa maalinimadii shalay waxaa uu caddeeyey in dalkiisu uu dagaal kula jiro ururka Al-Qaacida, isagoo amray in la adkeeyo nabadgelyadagaroomada diyaaradaha dalka Mareykanka oo dhan.
- (2010-01-08)
- Qolo qolona waa taa Qabuuro ugu badateen... (Sugaan gaaban)
-
Kacaanki qarnigi tagay Qaariyadii Quraankiyo qali jiray wadaada, qalin duurlihiisuna Quraanka uu inkiri jiray. Qola kaloo ka daranoo qur markii ay gooyaan jannaan qaadan oranee, ciddii ayaga khilaaftana qiil diineed lahaynoo murtad qaawan uu yahay,
- (2010-01-07)
- Madaafiic dhimasho iyo dhaawac geysatay oo Muqdisho ka billaabatay qaddar yar ka hor
-
Muqdisho 7 jan: Qaddar daqiiqado ah ka hor ayaa Madaafiic aad u culus oo laga ridayo Taangiyada Ciidammada AMISOM waxa ay ku billaabatay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-01-07)
- 3 Nin oo Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka Mareykanka
-
Xalay fiidkii saacaddu markey ahayd 7:45 daqiiqo ee waqtiga magaalada Miyamabolis ee dalka Mareykanka ayaa 3 nin oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah toogasho lagu dilay.
- (2010-01-07)
- Taliyaha Mileteriga Dowladda Soomaaliya oo ka badbaaday qarax Miino ay u dhigeen Ururka Al-Shabaab
-
Muqdisho 7 jan: Qarax loo adeegsaday Miinada dhulka la geliyo ee meelaha fog laga hago ayaa maanta waxaa lala eektay gaadiid uu la socday Taliyaha Ciidanka Xoogga ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Geelle Kaahiye mar uu marayey agagaarka Isbitaalka Banaadir ee koonfurta magaalda Muqdisho.
- (2010-01-07)
- Turkiga oo soo bandhigay hindise lagu Maxkamadeynayo Burcad-badeedda & warar kale oo Soomaaliya
-
New York 7 jan: Dowladda Turkiga ayaa Qaramada Midoobay u soo bandhigtay hindise cusub oo ay u aragto in lagu xakameyn karo burcad-badeedda Soomaalida ah oo sanadihii ugu dambeeyey afduub ku hayey Maraakiibta caalamka ee ku safarta badaha India iyo Gacanka Cadmeed.
- (2010-01-07)
- WFP oo jiisay howlihii ay ka wadday koonfurta Soomaaliya xilli dad badani ku dhibaateysan yihiin
-
Heyádda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa gebi ahaan joojisay hawlihii ay ka haysay koonfurta Soomaaliya oo ay ku dhibaateysan yihiin dad kor u dhaafaya hal milyan oo qofood.
- (2010-01-05)
- Lars Vilks oo sheegay in teleefoon laga soo diray Soomaaliya loogu hanjabay
-
Telefishinka dalka Sweden oo soo xiganyey wargeyska lagu magaaabo Helsingborg Dagblad ayaa sheegay in teleefoon laga soo diray dalka Soomaaliya loogu hanjabay ninka lagu magacaabo Lars Vilks oo dhowr sanadood ka hor sawir-gacmeed ku aflagaadeeyey Nabigeenna Muxamed (NNKH), sawir-gacmeedkaasi oo ay si weyn uga caroodeen muslimiinta caalamku.
- (2010-01-05)
- Mareykanka oo la yaaban Soomaali tahriib ku tagtay dalkiisa
-
Inkastoo qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafaysa 78,000 oo qofood dib u dejin dhinaca isboonsirka ah lagu geeyey dalka Mareykanka, haddana sanadkii 2008 ayaa maamulka Mareykanku waxa uu joojiyey qoysas fara badan oo Soomaaliyeed oo eheladoodii ku sugnayd dalka Mareykanka ay dalbadeen in loo keeno, taas oo muujineysay in Mareykanku doonayey inuu albaabada ka xirto qaxootiga Soomaalida ah, balse taasi ma dhicin sida ku cad warbixinada ay faafiyeen heyádaha warfaafinta oo ay ka mid tahay wakaaladda AP oo qaxootigii Soomaalidu waxay jeexeen qad cusb oo tahriib lagu tegayo Mareykanka.
- (2010-01-04)
- Qaska Soomaaliya Qaras-bax miyaa mise waa qudh bax? (Qore: Maxamed Xirsi Guuleed)
-
- DIIN LA DIRIR: Islaamku xal weeye hadduu yahay islaam dimuqoraaddi ah oo aanay wadaado nagu maamulayn,
- QABIIL U DIRIR: Islaamku xal maaha haddii aan qabiilkeena loo sedburinayn
- QABUUR U DIRIR: Islaamku xal maaha haddii qabuuraha la dhishay la duminayo
- XARAKO U DIRIR: Islaamku xal weeye, haddii xarakadeenu hirgelinayso uun
- ANSHAXUMO U DIR: islaamku xal maaha haddii………….
- Iyo DIIN U DIRIR: Islaamku xal weeye markasta.
- (2010-01-04)
- Raíisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay bishaan gudaheeda qabsan doonaan Muqdisho oo dhan
-
Muqdisho 4 january: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Sharma’arke oo waraysi siinayey wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in ciidammada dowladdu ay diyaar u yihiin in dagaal weyn oo ay ku qaadaan degaanada ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubeysan si ay ula wareegaan caasimadda Muqdisho oo dhan dabayaaqada bishaan isla markaana meesha uga saaraan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
- (2010-01-04)
- UK and US close Yemen embassies amid terror threat
-
The US and Britain have shut their Yemen embassies after threats from an al-Qaeda offshoot linked to an alleged failed US plane bomb plot. The UK Foreign Office told the BBC its embassy in the capital Sanaa was closed "for security reasons", hours after the US announced its mission had been shut. (BBC)
- (2010-01-03)
- Ahlu Sunna Waljameeca oo dib u qabsaday Dhuusamareeb & dagaalka oo ay ku dhinteen 30 qofood
-
Dhuusamareeb 2 dec: Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in galabta ay dib u qabsadeen magaaladaasi Maamulka Suufiya ee la magac baxay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kaddib markii ay dagaal adag saaka uga qabsadeen Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab.
- (2010-01-02)
- Wiil Soomaali ah oo isku deyay inuu dilo ninkii aflagaadeyey Nabi Muxamed (NNKH) oo la dhaawacay
-
Wakaaladda Wararka AFP ayaa waxa ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska dalka Denmark inay dhaawaceen islamarkaana gacanta ku dhigeen wiil Soomaali ah oo ay sheegeen inuu weerar ku qaaday nin u dhashay Denmark oo hore sawir-gacmeed uu sameeyey ku aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH).
- (2010-01-02)
- Ugu yaraan 40 q0f oo ku dhimatay weerar isqarxin ah oo ka dhacay Pakistaan
-
Weerar isqarxin ah oo maanta ka dhacay waqooyiga dalka Pakistaan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qofood isla markaana ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale.
- (2010-01-01)
- Ururo Soomaali ah oo war-murtiyeed ka soo saaray shir ay ku yeesheen dalka Sweden
-
Shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Ururada Nabadeynta iyo horumarinta Somaaliya 25 - 26 Disembar 2009 magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen war-murtiyeed ay u dhan yihiin, kaas oo u qornaa sidatan:
- (2010-01-01)
- Al-Shabaab oo tababar u xiray ciidamo cusub, sheegayna inay dagaalyahano u dirayaan dalka Yemen
-
Muqdisho 1 january 2010: Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab ayaa maanta ku sameeyay magaalada Muqdisho dhoolatus ay ku soo bandhigeen boqolaal ciidan ah oo hubeysan oo ay sheegeen inay tababar u dhammaaday.
- (2010-01-01)
- Dhacdooyinkii ugu dambeeyey daafaha dunida iyo kala kala guurka sanadaha 2009 - 2010.
-
Saacadda ayaa ku sii siiqeysa kala guurka sanadka 2009 iyo 2010 marka laga hadlayo Qaaradda Yurub, halka Qaaradaha Asia iyo Africa ay durba guda galeen sanadka cusub ee 2010 oo dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay uu sanadku ugu bilowday bil madoobaad. Qaaradda America ayaa weli ku jirta duhurnimo maalintii ugu dambeysay sanadka 2009.
- (2010-01-01)
- Yemen oo dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ku wareejisay Maraakiibtii Kalluumeysiga
-
Muqdisho 31 dec: Cabdi Xaaji Goobdoon oo dhanka warfaafinta kala taliya Raíisul Wasaaraha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyey shir ay Golaha Wasiiradu yeesheen.
- (2009-12-31)
- Dhinacyada isku haya Soomaaliya magacyadoodu waa kala duwan yihiin, ujeeddadooduse waa isku mid
-
Guud ahaan dalkii loo yiqiin Jamhuuriyadda Soomaaliya oo asal ahaan ka aas-aasmay midowgii labo qeybood oo ka mid ahaa shantii Soomaali-weyn ee qarnigii 18-aad ay kala qoqobeen gumeystayaashii reer Yurub oo xilligaas 3 qeybood oo Soomaaliya ka mid ah kala gumeysanayey,
- (2009-12-31)
- Heyádda Elman oo soo bandhigtay tirada dadkii 3 sano ku dhintey dagaalada Muqdisho & warar kale
-
Muqdisho 31 dec: Hay'adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman oo saldhiggeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo bandhigtay tirada dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay dagaalladii sannadkan ka dhacay magaalada Muqdsiho kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
- (2009-12-31)
- Ururka Midowga Africa oo sheegay inay Soomaaliya u tababarayaan ciidammada Badda, Cirka & Dhulka
-
Addis-Ababa 31 dec: Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray shir Ururka Midowga Africa uu ku yeeshay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in la ansixiyay in ururkaasi uu Soomaaliya u soo diro ciidamo loogu talagalay tababarka ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka ee dowladda KMG ee Soomaaliya.
- (2009-12-30)
- Walaac laga muujiyey Markab sida Kiimiko oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaaliyeed
-
Saraakiil caalami ah oo dhinaca badaha ah ayaa shaaciyey maanta in burcad badeed Soomaali ah ay afduubeen Markab sida Kiimiko oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, iyagoo walaac weyn ka muujiyeen Kiimikada saaran Markabka.
- (2009-12-29)
- Dadweynaha Muqdisho oo sheegay in aysan Radio Muqdisho u dhegeysan taageero dowladeed, balse...
-
Muqdisho 29 dec: Xarakada Shabaab Mujaahidiin ayaa dadweynaha ku nool degaanada ay ka taliso ku soo rogtay amar lagu mamnuucayo in la dhegeysto idaacadda radio Muqdisho oo ku hadasha codka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-12-29)
- Mid ka mid ah garabyadii isku haystay maamulka GALMUDUG oo maanta tanaasulay
-
Muqdisho 28 dec: Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho isla markaana ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa xilkii madaxtinimada maamulka GALMUDUG uga tanaasulay Axmed Shariif Cali Hilowle oo ka mid ah labadii nin ee hore isugu heysatay.
- (2009-12-28)
- Askari ka tirsanaa Maliishiyada Xisbul Islaam oo nin rayid ah ku toogtay Ceelasha Biyaha
-
Muqdisho 28 dec: War iminka naga soo gaaray degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in askari ka tirsanaa maliishiyada Ururka Xisbul Islaam uu si ulakac ah toogasho ugu dilay nin rayid ah.
- (2009-12-28)
- Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ciidammadeedu soo furteen Markab looga haystay Soomaaliya
-
Ciidamada badda ee dalka Shiinaha ayaa sheegay inay bedbaadiyeen Markab nooca xamuulka qaada ah iyo 25 shaqaale oo saarnaa oo ay afduubeen burcad badeed Soomaali ah bishii October.
- (2009-12-28)
- Raíisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya & Xildhibaan Cali Geedi oo la sheegay inay kulmi doonaan
-
Xildhibaan Xuseen Caraale oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo waraysi siinayey Idaacadda Codka Mareykanka, qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in la xalliyey khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Dowladda Soomaaliya iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
- (2009-12-28)
- Beledweyne oo maanta oo keliya ay 2 mar ku dagaalameen Maliishiyooyinka Dowladda FKM & Xisbul Islaam
-
Beledweyne 27 dec: Inta la hubo afar qofood ayaa ku dhimatay, 11 kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay foodda isku dareen maliishiyooyin kala taageersan dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Urur diimeedka hubeysan ee Xisbul Islaam.
- (2009-12-27)
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay duleedka magaalada Balanbal
-
Ballanbal 27 dec: Wararka laga helayo degaanka degmada Balanbal ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaas ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo fariisimo kala duwan ka sameystay duleedka magaalada.
- (2009-12-27)
- Nigerian arrested in failed plane attack claims links to al-Qaeda
-
By Michael Leahy and Spencer S. HsuSaturday, December 26, 2009; 12:16 AM
A Nigerian man, claiming to be linked to al-Qaeda, allegedly tried to set off an incendiary device aboard a transatlantic airplane Friday as it descended toward Detroit's airport in what the White House called an attempted act of terrorism.
- (2009-12-26)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Dhaxalka ku saabsan
-
Dhaxalka:
Suáal 293-aad: Waa imisa sababaha la isku dhaxli karo ee la isku waafaqsan yahay?
Jawaab 293-aad: waa 3 sababood. (Daliil Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 807 & 808 cutubka baadida). - (2009-12-25)
- Wasiirada dowladda FKM ee ka soo jeeda gobolka Mudug oo ka hadlay dagaalkii Gaalkacyo
-
Muqdisho 25 dec: Wasiirro ka tirsan dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya isla markaana degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Mudug oo labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo qaraar ku dhex mareen beelaha wada dega halkaasi ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyey xabbad joojinta ay wada gaareen beelahaasi.
- (2009-12-25)
- Blatter's New Year's message (Madaxweynaha FIFA & farriintiisa sanadka cusub)
-
As another memorable footballing year approaches its conclusion, FIFA President Joseph S. Blatter had the following message for fans of the sport;
“A successful and exciting football year that featured top-class FIFA competitions is drawing to a close. To stage successful events, the whole football family worldwide needs to stand together and work hand in hand, a feat that has been achieved in 2009.
- (2009-12-25)
- Year after warships come, piracy up (Xigasho washington post)
-
Friday, December 25, 2009; 8:14 AM
NAIROBI, Kenya -- A helicopter fired warning shots toward a suspected pirate skiff, where six Somali men sat among assault rifles, grappling hooks and an aluminum ladder. But before it could be boarded by sailors from a nearby warship, the men threw all the gear overboard. - (2009-12-25)
- Beelihii shalay ku dagaalamay Gaalkacyo oo heshiis xabbad joojin ah kala saxiixday maanta
-
Gaalkacyo 25 dec: Beelihii shalay ku dagaalamay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow waxa ay heshiis xabbad joojin ah ku kala saxiideen isla magaaladaasi.
- (2009-12-25)
- Dagaalkii Gaalkacyo oo 20 qof ku dhimatay 50 kalena ku dhaawacantay & wada hadalo bilowday
-
Gaalkacyo 24 dec: Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo uu dagaal aad u qaraar maanta ka dhacay ayaa xaqiijinaya in dhimashadu gaartay 20 qofood oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo dad shacab ahba, iyadoo dhaawacuna uu gaaray in ka badan 50 qofood.
- (2009-12-24)
- Dagaal qaraar oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii Gaalkacyo
-
Muqdisho 24 dec: Ciidamo ka tirsan dowladda kumeelgaaka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ciidammada ururka Xisbul Islaam ayaa dagaal aad u culus waxa uu ku dhex marayaa waddada Makka Al Mukarama ilaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
- (2009-12-24)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Suáal 284-aad: Ma hagaajisan karaa ama darbi ma ku wareejisan karaa qofku dhul aan looga horayn/qofna laheyn? Yaase dhulkaas lahaanaya?
Jawaab 284-aad: Haa, qofkaas ayaana leh: (Daliil: Xaddiiska 780-aad cutubka xoog wax ku qaadasho). - (2009-12-24)
- Xoghayaha Warfaafinta Xisbul Islaam oo cambaareeyey qaraarkii Golaha Ammaanka ee dalka Ereteriya
-
Muqdisho 24 dec: Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururada hubeysan ee dagaalada kala soo horjeeda dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacansaarka la leh dalka Ereteriya oo shalay Golaha Ammaanku cunnaqabatayn dul dhigay ayaa cambaareeyay go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Xalay ay cunaqabteynta ku saareen dowladda Eriteriya.
- (2009-12-24)
- Gudaha dalka Ereteriya oo saaka aad loo hadal hayo Cunnaqabatayntii Golaha Ammaanku ku soo rogay
-
Golaha Ammaanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea taageerada ay siiso kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaallamaya Soomaaliya.
13 xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ka kooban yahay ayaa isku raacay in la meelmariyo cunnaqabatayntaasi, iyadoo Libiya ay ka soo horjeesatay, China ay ka aamustay. - (2009-12-24)
- Madaafiic la isku weydaarsanayo Muqdisho iyo Itoobiya oo dil ku xukuntay hoggaamiyihii Mucaaradka
-
Muqdisho 22 dec: Daryaanka Madaafiic aad u culus oo ay ridayaan ciidammada AMISOM ayaa si weyn looga maqlayaa xaafado ka mid ah magaaladda Muqdisho, iyadoo la arkayo qiiq iyo uuro ka baxays meelaha ay ku dhaceen madaafiicdaasi.
- (2009-12-22)
- In ka badan 10 qofood oo ku dhimatay Madaafiic lala dhacay xaafado ka mid ah Muqdisho
-
Muqdisho 21 dec: In ka badan 10 qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay, halka 17 kalena la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo qaraxyo is daba joog ah oo ka dhacday maanta qeybo ka tirsan magaaladda Muqdishu.
- (2009-12-21)
- Group: HIV/AIDS among Top 10 crises of the year (Washington post)
-
NEW YORK -- Dwindling funding for HIV/AIDS threatens to leave an estimated 10 million infected people without treatment in the developing world, making it one of 2009's Top 10 humanitarian crises, according to Doctors Without Borders.
- (2009-12-21)
- Maxaabiis laga sii daayey Guantanamo, Qaraxii xalay ka dhacay Garoowe & Indhacadde oo hadlay
-
Guantanamo Bay 21 dec: Ciidammada Maraykanka ayaa dhowr iyo toban ka mid ah maxaabiistii lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay waxaa uu u dhiibay dalalka Afghanistan, Yemen iyo gobolka Somaliland, iyadoo maamulka Obama uu isku diyaarinayo in maxaabiista laga saaro dhamaan xabsiga Guantanamo, oo la damacsan yahay in la xiro, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP. (Sawirkani waa Maxamed S. Barre oo Soomaali ah)
- (2009-12-21)
- Duqeyn dad ku dhintey oo ka dhacday Muqdisho, dagaalo ka dhacay dhoobley & Xisbul Islaam oo hanjabay
-
Muqdisho 20 dec: Duqeyn loo adeegsaday Madaafiicda culculus ee wax burburisa ayaa goor dhow waxa ay ka billaabatay qeybo ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho, duqeyntaas oo geysatay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo badan.
- (2009-12-20)
- Holand oo sii deyneysa Burcad-badeed ay ciidammadoodu ku hayaan Markab dagaal dishiisa
-
Wasaaradda gaashaandhiga Dalka Holland ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga laga sii deyn doono rag looga shakiyay inay ka mid yihiin kooxaha burcad-badeedda Soomaalida oo ay dhawaan qabteen Ciidammada dalka Holand ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.
- (2009-12-18)
- Qeybo ka mid ah Isbitaalkii Martiini oo ku soo dumay naafadii degganayd & Markab la sii daayey
-
Muqdisho 18 dec: Mid ka mid ah dhismayaasha Isbitaalkii hore ee Martiini oo hooy u ahaa qaar ka tirsan Ciidamadii Naafada Xooga dalka Soomaliyeed ayaa waxa uu waxyeelo baán gaarsiiyey naafadii ku noolayd halkaasi kaddib markii uu ku soo dumay.
- (2009-12-18)
- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo xaqiijiyey dacwada ka dhanka ah Cali Maxamed Geedi
-
Nairobi Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi inuu isku dayayo inuu wiiqo dowladda.
- (2009-12-17)
- Waqooyiga Gaalkacyo oo saaka laga helay meydadka dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya
-
Sida aannu ka soo xiganay shabakadda wararka shabelle.net Mayadadka Labo ruux oo la sheegay in ay ka soo jeedaan koofurta dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa laga helay Xaafadaha Waqooyi beri ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo ay maydadkaasi jirkooda ka muuqdeen Rasaas xoogan.
- (2009-12-17)
- Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arr/Soomaaliya & Wafdiga Raíisul Wasaaraha oo maanta kulmaya
-
Jeddah 17 dec: Dalalka iyo Ururada ku mideysan kooxda Xiriirka Caalami ah ee arrimaha dalka soomaaliya ayaa maanta shir aad u weyn uga furmayaa magalaada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
- (2009-12-17)
- Muqdisho oo la isla dhexmarayo in saraakiil ka tirsan ciidammada Dowladda ay xirxireen C/AMISOM
-
Muqdisho 16 dec: Warar la isla dhexmarayo gudaha magaalada Muqdisho hase yeeshee aan aad loo xaqiijin weli ayaa sheegaya in ciidammada ururka midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho in ay xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya,kuwaasi oo looga shakiyey inay gacansaar la leeyihiin xoogagga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada AMISOM.
- (2009-12-16)
- Plane seized by Thais linked to alleged smugglers (Xigasho Washington post)
-
By GRANT PECK The Associated Press
Tuesday, December 15, 2009; 10:09 AM
BANGKOK -- A weapons-laden cargo plane impounded in Bangkok has links to at least two men accused of global arms trafficking, including one fighting extradition to the U.S. from Thailand, an analyst said Tuesday.
The five-man crew of the aircraft that arrived from North Korea - four from Kazakhstan and one from Belarus - have been charged with illegal arms possession and face up to 10 years in prison.
- (2009-12-16)
- Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaaliyeed? (Qore: Avv. Cabdullaahi Qaarey)
-
Kala qaybinta, Googoyta, Qolo qolaynta, kala Qoqobidda Map u samaynta Somalia , ku dhiiri galinta Jufokasta ama Qabiil walba, Yagleelidda Dowlad Goboleed ama Dowlad u gaar ah, waa horseedka burburka Qaranimada Somaliyeed & Khayraadkiisaba, ka qayb qaadashadeeduna waa khiyaamo Qaran ,waa sida uu u arko Qoraaga maqaalkaan.
- (2009-12-16)
- Dowladda FKM ee Soomaaliya oo Cabdi Qaybdiid u magacowday Wasiirka Macdanta & Biyaha
-
Muqdisho 15 dec: Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u magacawday Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
- (2009-12-15)
- Dawladeenna dhalatana ma Dhurwaa Ari la raacshoo dhammaan laga sugaayaa?
-
Axmed Maxamuud Xasan waxa uu ka mid yahay waxgaradka Soomaaliyeed ee dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ka keentay sugaanta waddaniga ah ee lagu baraarujinayo dadweynaha si dhan kasta wax looga tuso dadka Soomaaliyeed ee la garan waayey dhan ay u socdaan, iyadoo tani tusaale u tahay in baraarijinta shacabka aan loo kala harin haddii ay noqon lahayd dhanka saxaafadda, culumada iyo suugaanleyda oo maanso, gabayo, shirib iyo baraanbur intaba isagu daray. Axmed waxa uu ku billabayaa maanta sugaantiisa:
- (2009-12-15)
- 4 Askari ayaa ku dhimatay 9 kalena waa ku dhaawacantay qarax miino oo Boosaaso ka dhacay xalay
-
Boosaaso 15 dec: Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday miinada dhulka la geliyo kaddibna laga hago meelaha fog ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Puntand, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya.
- (2009-12-15)
- Qarax Miino oo galaaftay nolosha qoys reer guuraa ahaa oo ka dhacay duleedka Balanballe
-
Galgaduud 14 dec: Qarax aad u xoog badan isla markaana ka dhashay Miino dhulka la geliyey ayaa goordhow waxa uu ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.
- (2009-12-14)
- Dhaawacyadii qaraxii Hoteel Shaamo ee ku jirey Agakhan Hospital oo saaka loo qaaday Sacuudiga
-
Nairobi 14 dec: Aroornimadii hore ee saaka ayaa dalka Boqortooyda Sacuudi Carabiya waxaa loo duuliyey dhammaan dhaawacyadii ku jira isbitaalka Agakhan ee magalaada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii hoteel Shaamo 3-doo bishan.
- (2009-12-14)
- Dagaal & duqeyn Muqdisho ka dhacday, dabkii Islii & FBI-da oo warbixin siisay Soomaalida USA
-
Muqdisho 13 dec: Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa waagu ugu baryey iyadoo ay ku dul hoobanayso Madaafiic aad u clus oo si aan kala sooc lahayn loogu garaacayey xaafadaha rayidka deggan yihiin eee agagaarka isgoyska Km-4.
- (2009-12-13)
- Saleh al-Somali oo la qiyaasay in lagu dilay gudaha dalka Pakistaan
-
Weerar ay fulisay diyaarad nooca dhulka laga hago ah iyadoo aan duuliye wedin oo ka dhacay waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka al Qaeda sida BBC-du ka soo xigatay reuters.
- (2009-12-12)
- Quest for peace and effective State in Somalia (By Mr. Mohamud M Uluso)
-
Somalia has been placed in intensive-care with ‘death counseling’ physician at its bedside. Expected medical prescription is euthanasia. Multiple destructive groups with different objectives contributed to its ailment. Only mobilization of critical mass of citizens with their real leaders can avert the dreadful end of history of Somalia.
- (2009-12-12)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Suáal 276-aad: Xaddiiska Safwaan ee Nabiga (s.c.w.) ka amaahday dharka lagu dagaal galo, daliil ma u noqon karaa in gaalada taageero laga dhigto?
Jawaab 276-aad: Maya marna daliil uma noqon karo arrintaas, laakiin hub waa laga qaadan karaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 754-aad cutubka Amaahda). - (2009-12-11)
- Madaxda Sare ee Dowladda FKM oo saraakiisha ciidammada ku adkeysay inay ammaanka sugaan
-
Muqdisho 11 dec: Madaxweynaha Dowladda Kumelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Raíisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali oo shalay ka hadlayey xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyeyaasha cusub kuwii hore xilalka Ciidammada Booliiska iyo kuwa Mileteriga looga qaaday ayaa waxa ay ugu baaqeen masúuliyiin xilalka la wareegay in ay wax ka qabtaan xaaladda ammaan darro ee dalka Soomaaliya.
- (2009-12-11)
- Barack Obama oo maanta la guddoonsiiyey Nopel Peace Prize xilli uu 30 kun askari u dirayo Afqanistan
-
Oslo 10 dec: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa guddoomay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel peace prize, xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.
Hadal dheer oo uu halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu Madaxweyne Barack Hussein Obama sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu guddoomo maanta abaalmarintaas, hase yeeshee waxa uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad kale oo aad uga mudnaa isaga.
- (2009-12-10)
- Oslo oo lagu qabtay baroordiiq Asaay loogu xiray Calanka Qaranka Soomaaliyeed
-
Oslo 10 dec: Iyadoo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida dacalladeeda kala duwan ay toddobaadkan ku guda jireen baroordiiq loogu tacsiyeynayo intii ku dhimatay ama ku dhaawacantay qaraxyadii ka dhacay hoteel Shaamo 3-dii bishan december 2009 ayaa waxaa xusid mudan in ka qaybgalayaashii kulankii Oslo ee caasimadda dalka Norway ay ASAAY u xireen Calanka Soomaaliyeed si ay u muujiyaan in tacsidu aysan ku dhicin oo keliya qaraabadii dadkii dhintey balse ay ku dhacday Soomaalida oo dhan, sidaas darteedna ay mudan tahay in Calanka Qaranka Soomaaliyeed loo xiro ASAAY muujineysa murugada ay leedahay dhacdadaasi. (Daawo Sawirada)
- (2009-12-10)
- Dad ka badan 20 qofood oo ku dhaawacmay Madaafiic galabta lagu garaacay Muqdisho
-
Muqdisho 8 dec: Madaafiic aad u culus ayaa caawa maqribkii mar qura lagu billaabay xaafado ka mid ah magaalda Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax sabab looga dhigi karo duqeyntaas, maadama uusan jirin wax dagaal ah oo ka horreyeey.
- (2009-12-08)
- Danjiraha Masar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa deeq dawooyin ah guddoonsiiyey M/G/Puntland
-
Boosaaso 8 dec: Danjiraha dalka Masar wakiilka ugu arrimaha dalka Soomaaliya, Siciid Maxamed Mursi ayaa maanta booqasho uga bilaabatay degaanada maamul goboleedka Puntland ee waqooyiga bari ee dalka Soomaaliya.
- (2009-12-08)
- Qaraxyo waaweyn oo maanta ka dhacay Baqdaad ayaa galaaftay nolosha 120 qofood
-
Baqdaad 8 dec: Inta la hubo 118 qof ayaa ku dhimatay qaraxyo is xiga oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, iyadoo ay jiraan dhaawacyo intaas ka badan.
- (2009-12-08)
- Dhoobley oo looga dhawaaqay maamul hoos taga Ururka Al-Shabaab
-
Dhoobley 8 dec: Wararka laga helayo ilo ku sugan gudaha magaalada Dhoobley oo ay dhowaan Walaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka oo hoos tagta Ururka Al-Shabaab ay xoog kaga qabsadeen Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegaya in maamul cusub loo magacaabay magaaladaasi.
- (2009-12-08)
- Dilkii xalay Boosaaso loogu geystay Imaamkii Masjidka Al-Rashiid oo dad badan loo qab-qabtay
-
Boosaaso 8 dec: Ciidammada Nabadgelyada maamul goboleedka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qab-qabteen tiro dad ah oo lagu eedeenayo in ay ka dambeeyeen falal amman darro oo ay ka mid tahay dil toogasho ah oo xalay loo geystay mid ka mid ahaa Imaamyada Masaajidda magalaada Boosaaso.
- (2009-12-08)
- Danjiraha Mareykanka u fadhiya Nairobi oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyadii qaraxyadii Shaamo
-
Nairobi 7 dec: Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiga magalaada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana maamulka Madaxweyne Obama u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Michael Ranbegar ayaa Isbitaal ku yaal magaalada Nairobi ku booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxyadii hoteel Shaamo, kuwaas oo isugu jira masúuliyiin ka tirsan dowladda, Dhaqaatiir iyo ardey Soomaaliyeed.
- (2009-12-07)
- Arxan li,ida nimankaa dorraad dilay Aqoonteeni,awal horana ooryiyo ilmiyo odayadii laayay ...
-
Iyadoo uu si weyn isu soo tarayo dareenka carada leh ee guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka qabo dhacdadii foosha xumayd ee qaraxyada loogu geystay 3-dii bishan hoteelka Shaamo oo ay ku naf waayeen Dhaqaatiir, weriyeyaal iyo shacab kale oo fara badan ayaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa aragtida mid ka mid ah akhristayaasha oo dareenkiisa ku soo gudbinaya sugaan gaaban, isagoo yiri:
- (2009-12-07)
- Magaalada Mombasa oo galabta lagu maxkamadeynayo Soomaali ay sheegeen inay hub ku soo qabteen
-
Mombasa 7 dec: Sagaal qof oo Soomaali ah oo la sheegay in laga soo qab-qabtay Xadka u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Xeebta ayaa maanta Maxkamad lagu soo tagayaa Magaaladda Mombassa.
- (2009-12-07)
- Jaamacadda Banaadir oo soo bandhigtey magacyada dadkii uga dhintey/dhaawacmay qaraxyadii Shaamo
-
Maamulka Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku soo bandhigeen khasaarihii ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Hoteelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho khamiistii la soo dhaafay ee ay taariikhdu ahayd 3 december 2009.
- (2009-12-07)
- Madaxweyne Shariif oo inay hubka iibsadaan uga digay ciidammada Dowladdiisa
-
Muqdisho 7 dec: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo maanta la hadlayey Ciidamo uu tababar u furayey ayaa ciidamada dowladda uga digay in ay iibsadaan hubka iyo rasaasta la siiyo.
- (2009-12-07)
- Shirweynaha Cimilada Adduunka oo goordhow furmaya & ammaanka Copenhagen oo si weyn loo adkeeyey
-
Copenhagen 7 dec: Waxaa si is daba joog ah ugu soo qulqulaya hoolka weyn ee loo diyaariyey in uu ka furmo shirweynaha cimilada adduunka wufuud ka kala socota 192 dal oo caalamka ah.
- (2009-12-07)
- AP oo faallo ka qortay sicir-bararka & dhibaatooyin kale ee Burcad-badeedu ku hayso Soomaaliya
-
BOSSASO, Somalia -- A parcel of land here that sold for $12,000 two years ago now costs more than $20,000. The price of a nice pair of men's shoes has gone up from $20 to $50. (Xigasho AP)
- (2009-12-07)
- Dagaalo ka dhacay W/Muqdisho & Dowladda oo bedeshay Taliyayaashii Booliiska & Mileteriga
-
Muqdisho 6 dec: Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaiya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa caawa saacadda magaalada Muqdisho marii ay ahayd 18:00 maqribnimo waxa uu ka dhacay xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho, iyadoo labadadhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
- (2009-12-06)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Suáal 266:-aad: Ma bannaan tahay inaad ka qaadato lacag haddii aad qof Timir ka iibisid kaddibna ay dhib (Miraha) ama cudur ku dhacdo Timirtii?
Jawaab 266-aad: Maya marnaba, waana xaq darro. (Daliil: Xaddiiska 717-aad cutubka iibinta Midhaha). - (2009-12-06)
- Isku aadka kooxaha ka qeyb-gelaya koobka K/Cagta Adduunka 2010
-
Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana loogu talo galay in lagu diyaariyo isku aadka 32-da kooxood ee isugu soo haray ka qaybgalka koobka kubbaddda cagta adduunka ee 11-ka bisha june sanadka 2010 ka billaaban doona dalka Koonfurta Africa ayaa caawa waxaa lagu qabtay magaalada Cape Town.
- (2009-12-04)
- Warar goosgoos ah oo ku saabsan Soomaaliya & Caalamka
-
Nairobi: Qaar ka mid ah masúuliyiintii iyo Dhaqaatiirtii ku dhaawacantay qaraxyadii shalay ka dhacay hoteel Shaamo ee magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey maanta magaalada Nairobi si loogu dabiibo halkaasi, iyadoo magaalada Muqdishona lagu aasay inta badan dadkii ku shahiiday qaraxyadii shalay. Dhimashada qaraxyadaasi geysteen ayaa maraysa iminka ilaa 31 qofood.
- (2009-12-04)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo Reuters u sheegay in qaraxyadii shalay ay ka dambeysay dowladda FKM
-
Afhayeen u hadlay Urur Diimedka Mucaaradka ah ee Al-Shabaab ayaa beeniyey in ururkoodu ka dambeeyey qaraxyadii lagu weeraray maalintii shalay hoteelka Shaamo ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad qalinjebin ardey Soomaaliyeed, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 22 qofood oo ay ku jiraan Wasiiro dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Dhakhaatiir, saxaafiyiin iyo qaar ka mid ah ardeydii ka qalinjebisay Kuliyadaha Caafimaadka iyo Cilmiga Computer seysniska ee Jaamacadda Banaadir, isla markaana ay ku dhaawacmeen d ad ka badan 50 qofood.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ka soo xigatay afhayeenka Al-Shabaab "waxaan u malayneynaa in qaraxyadaasi ay ka dambeyso dowladda naf ahaanteedu", isagoo sii raaciyey in ururkoodu aysan haba yaraatee wax lug ah ku lahayn falkaasi. - (2009-12-04)
- Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah oo shir jaraaíd uga hadlay qaraxyadii maanta
-
Muqdisho 3 dec: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id maanta gelinkii dambe ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Mqudisho ayaa waxa uu ka hadlay qaraxyadii musiibada ahaa ee saaka lala beegsaday hoteelka Shaamo.
- (2009-12-03)
- Dhimashada qaraxii ismiidaaminta ahaa ee hoteel Shaamo oo kor u dhaaftay 18 qofood
-
Waxaa isa soo taraya wararka lagu xaqiijinayo in qarixii saaka lagu dilay Wasiirada dowladda kumeelgaarkka ah, weriyayaasha, ardeydii Jaamacadda Banaadir iyo dadweyne kale in uu ahaa qaraxaasi mid ismiidaamin ah oo ay fuliyeen dad is qarxiyey oo aan weli la caddeyn karin tiradooda.
- (2009-12-03)
- Qaraxyo lagu laayey Wasiirro, Weriyayaal & shacab kale oo lagu qaaday hoteel Shaamo
-
Muqdisho 3 dec: Weerar loo adeegsaday qaraxyo bambaano oo goordhow lagu qaaday goob ay ka socotay Xaflad qalin-jebin ardey jaamaceed ayaa lagu dilay dad ay ka mid yihiin 3 Wasiir oo ka tirsanaa dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-12-03)
- Dagaalo shalay, xalay ilaa saaka ka kala dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho & warar kale
-
Muqdisho 3 dec: Ciidammada Dowladda Kumeelgaarka ah iyo kuwa Burundi ee ku jooga Soomaaliya howlgalka AMISOM oo isku dhinac ah ayaa waxaa ay dagaal la galeen xoogagga mucaaradka ah ee hubeysan , kuwaas oo isku fara saaray agagaarka Warshaddii Kabka iyo Kuliyaddii Ciidammada ee Jaalle Siyaad.
- (2009-12-03)
- Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Nabadgelyada Shabeelada Dhexe oo ka baxsaday Al-Shabaab
-
Jowhar 2 dec: Sarkaal sare oo lagu magacaabo Cali Geedi Xasan kana mid ahaa madaxda Xarakatu Mujaahidiin Al-Shabaab oo saldhigiisu ahaa gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka goostay Xarakada al-Shabaab.
- (2009-12-02)
- Warbixin ku saabsan maciishadda 33 caasimadood oo caalamka ah & waxyaabaha dadku xiiseeyaan
-
Warbixinbixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray maciishadda waxyaabaha muhiimka ah sida cuntada, computerada iwm ee laga soo ruruuriyey 33 casimadood oo ku kala yaalla daafaha dunida ayaa magaalada Bombay ee dalka Indiya ku tilmaantay tan ugu qiimaha jaban ama ugu raqiisan dhanka cuntada, halka caasimadda dalka Norway ay noqotay tan ugu qaalisan xagga maciishadda.
- (2009-12-01)
- Qarax Bambaano oo caawa ka dhacay Boosaaso
-
Boosaaso 1 dec: War iminka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee waqooyiga Bariga ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu Caawa saacaddu markey ahayd 6-dii maqribnimo ka dhacay bartamaha magaalada.
- (2009-12-01)
- Golaha Ammaanka QM oo waqtiga u kordhiyey Maraakiibta Dagaalka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya
-
New York 1 dec: Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ka shiray arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxa uu kordhiyay sharciyadda dalalka Maraakiibtoodu ku howlan yihiin la dagaalanka burcad badeedda xeebaha Somaaliya.
- (2009-12-01)
- Saraakiisha Dowladda & Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay Muqdisho
-
Muqdisho 1 dec: Dagaal la isku adeegsanayo hubka wax gummaada noocyadiisa kala duwan ayaa mar qura ka dhex qarxay Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
- (2009-12-01)
- PEACE AND SPORT AWARDS 2009 (ITTF AWARDED BEST PEACE PROJECT IN MONACO)
-
Lausanne, 27th November 2009 - The International Table Tennis Federation was awarded the best peace project from an International Sports Federation on the occasion of the annual forum of the the non government organisation Peace and Sport. The awards ceremony was held in Monaco, in the Salle Empire of the Hôtel de Paris on Thursday night 26th November. After the gala dinner, ITTF Vice President Mr. Thomas WEIKERT received the award from HSH Prince Albert II of Monaco.
- (2009-12-01)
- Askari hore u dilay haweeney oo Maxkamadda Ciidammadu dil ku xukuntay & Xildhibaano dalka ka dhoofay
-
Muqdisho 30 nov: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah dul dhigtay Ibraahim Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta dowladda .
- (2009-11-30)
- Giriigga oo Markab xamuul oo ay la socdaan 28 shaqaale ah looga afduubtay xeebaha Soomaaliya
-
Isniin 30 nov: War ka soo baxay Wasaaradda Badaha dalka Gariiga ayaa lagu sheegay in Markab looga qafaashay meel ka baxsan badda Soomaaliya.
- (2009-11-30)
- Dr. Maxamed Indhabuur oo loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & warar kale
-
Muqdisho 29 nov: Golaha Wasiirada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta shiri xasaasi ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa isku raacay magacaabosta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
- (2009-11-29)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Ganacsiga:
Suáal 261-aad: 30Kg oo bariis ah ma lagu iibin karaa 10kg oo bur ah? Maxaase shardi u ah marka la isku iibinayo cunto kala duwan?
Jawaab 261-aad: Haa, waxaana shardi u ah in meesha lagu kala qaato kaliya. (Daliil: Xaddiiska 698-aad cutubka Ribada). - (2009-11-29)
- Taliyaha Waaxda Socdaalka Dowladda FKM ee Soomaaliya oo ka warbixiyey safar uu ku joogo Talyaaniga
-
Rome 29 nov: Taliyaha Waaxda Socdaalka, Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Jen. Cabdullahi Gaafow Maxmuud oo booqasho ku jooga magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa.
- (2009-11-29)
- Baarlamaanka Midowga Yurub oo ansxiyey qorshe lagu ciribtirayo burcad-badeedda Soomaaliya
-
Baralamanka dalalka ku mideysay Ururka Midowga Yurub ayaa waxa uu soo bandhigay qqorshe lagu tirtirayo kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ee Maraakiibta ka afduubta badweynta Indiya iyo Gacanka-Cadmeed.
- (2009-11-28)
- Heyádda Caafimaadka Adduunka oo warabixin ka soo saartay hergabka H1N1
-
Warbixin ay soo saartay heyádda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu muujiyey tirada guud ahaan dadka u dhintey hergabka H1N1 oo caalamka ka dillaacay bishii may ee sanadkan, kaas oo weli si xawli ah ugu sii fidaya meelaha qaar.
WHO ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 7,826 qofood ay u dhinteen cudurkaas tan iyo markii uu soo shaacbaxay, - (2009-11-28)
- Hoggaamiyayaasha Dowladda FKMG, Xisbul Islaam & AL-Shabaab oo Muqdisho ka kala hadlay
-
Muqdisho 27 nov: Iyadoo guud ahaan si weyn looga ciiday maanta dunida islaamka, gaar ahaan degaanada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Jabuuti, Soomalailand, Puntland, Koonfurta iyo Bartamaha Jamhuuriyaddii Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo salaadda Ciidul Adxaa maanta tiro dadka Muqdisho ka mid ah ku tujiyey Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga hadlay dhinac kala duwan.
- (2009-11-27)
- Geeridu waa xaq (Allaha u naxariiste Sheekh Maxamed-Rashaad oo Mina ku geeriyooday)
-
Mina 26 nov: Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalak Sacuudiga ay mar sii horreysay sheegtay in sanadkan aysan cidina ku dhiman gudashada xajka, haddana warar lagu kalsoon yahay oo goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee, Dr. Sheekh Maxamed Macalin Isxaaq (Maxamed-Rashaad), oo ahaa Shiikh Soomaaliyeed oo caan ah uu maanta ku geeriyooday magaalada Mina, oo ka mid ah goobaha arkaanta xajka lagu guto, isaga oo gudanayay waajibaadka xajka.
- (2009-11-26)
- Xajkii sanadkan oo si nabadgelyo ah ku soo dhammaaday & Jeddah oo ay ku dhinteen 48 qofood
-
Jeddah 26 nov: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in Xajkii sanadkan uu ku soo dhammaaday si nabadgelyo ah oo aysan jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay sanadkan,
- (2009-11-26)
- Taageerayaasha kooxaha Juventus, Manchester United & Porto oo xalay niyadjab kala hoyday garoomada
-
Kooxaha Juventus, Manchester Unuited iyo Porto oo taageerayaashoodu aad ugu hanweynaayeen ayaa xalay ka mid noqday kooxihii guuldarada kala hoyday kulamadii xalay ee EUFA championship-ka, iyadoo natiijada kulamadii xalay ay ahaayeen sidatan:
- (2009-11-26)
- Kulamadii xalay iyo EUFA Championship
-
Iyadoo kooxaha ka qeyb gelaya cayaaraha kubbadda cagta ee horyaalada Qaaradda Yurub (EUFA championship) ay kooxuhu si xoog leh ugu hertamayaan, ayaa kulamadii xalay dhacay waxa ay natiijadoodii noqotay sidatan:
Qeybta (E) oo ay ku wada jireen kooxaha Debrecen, Liverpool, Fiorentina iyo Lyon ayaa natiijiiadii kulamadii xlaay noqotay sidatan: Debrecen 0-1 Liverpool,
- (2009-11-25)
- Ciidammada Yemen oo qabtay Doontii 2-aad oo hub ka qaaday Soomaaliya
-
Sanca 25 nov: Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Yemen ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Ciidamada Badda dalkoodu ay gacanta ku dhigeen Doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, hase yeeshee sidday hub iyo rasaas ay ka soo qaaday dalka Soomaaliya.
- (2009-11-25)
- Al-Shabaab oo qabsaday Qooqaani & Saraakiil looga dilay dagaalkii Cabdalle Biroole ka dhacay
-
Kismaayo 24 nov: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo ilo ku sugan degaanka Cabdalle Biroole oo dagaal aad u culus uu ku dhex maray shalay iyo maanta xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab dib loogu soo riixay dhinaca magalaada Kismaayo, iyadoo dagaalka maanta Al-Shabaab looga dilay saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulihii ciidamadda, taas oo keentay inay dib ugu gurtaan dhanka magaalada Kismaayo.
- (2009-11-24)
- Dagaalka Muqdisho oo lagu dilay 5 qofood 12 kalena lagu dhaawacay & dagaalo ka socda Jubbooyinka
-
Muqdisho 24 nov: Dagaal xoog leh oo la isku adeegsanayo hubka wax gummaada noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka soconayaa degmooyinka Cabdicasiis iyo Shingaanni ee magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo u dhexeeya ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ururada hubeysan ee ka soo horjeeda.
- (2009-11-24)
- Jen. Dhuummaal oo caddeeyey in Maraakiibta shisheeye ay dhibaato ku hayaan badda Soomaaliya
-
Muqdisho 24 nov: Taliska ciidanka Xoogga dalka ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan badda Soomaaliya ay dhibaato xoog leh ku hayaan khayaarka badda Soomaaliyeed.
- (2009-11-24)
- Washington post oo maanta soo bandhigtay magacyada qaar ka mid ah Soomaalida u xiran FBI-da
-
Jariiradda Washington Post ayaa maanta waxa ay soo bandhigtay magacyada qaar ka mid ah Soomaalida loo heysto inay ku lug lahaayeen dhallinyaradii Soomaali-American-ka ahyad ee la sheegay inay dib ugu laabteen dalka Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 ilaa 2008 si ay uga barbar dagaalamaan Ururka Al-Shabaab oo Mareykanka uga diwaan gashan inuu xiriir la leeyahay Al-Qaacida, raggaasi oo heyádda FBI-du ay dul dhigtey eedeymo la xariira argagixisinimo, iyadoo eedaha raggaasi loo kala qaaday mid mid iyo weliba qaabka ay uga qayb-qaateen howshaas sida wacyigelin, bixin dhaqaale, tikit diyaaradeed, hub iwm. (Sii akhri warka oo english ah)
- (2009-11-24)
- Bambooyin xalay lagu tuurey xarunta GALMUDUG, dagaal ka dhacay xalay Muqdisho iyo warar kale
-
Gaalkacyo 24 nov: Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa ka warbixiyay 2 bambo oo xalay xalay lagu weeraray xarun ay ku shirayeen oo kutaala koonfurta magaalada Gaalkacyo.
- (2009-11-24)
- Madaxweynaha DFKM oo dugsigii Xalane ku booqday ciidamo dowladda loo soo tababaray
-
Muqdisho 23 nov: Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan ciidammada Dowladda kumeelgaarka ah iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waxa uu kormeeray xeryo ku dhex yaal dugsigii tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan ciidamo dowladda loogu soo tababaray meelo kala duwan.
- (2009-11-23)
- Xildhibaan sheegay in ciidmmada dowladdu u hanjabeen & Xisbul Islaam oo howl geliyey garoomo
-
Muqdisho 23 nov: Xildhibaan Cabdinuur Maxamed oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Barlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda burbursan ee Muqdisho waxaa uu ku sheegay in ay u hanjabeen saraakiil sar-sare oo ka tisan ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya kaddib markii sida uu sheegay uu ka hadlay qodobo ku saabsan khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxweynaha dowladda KMG, Shariif Sheekh Axmed, Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maamul goboleedka Puntland.
- (2009-11-23)
- Dhimashada ay geysteen dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordheysa & warar kale
-
Muqdisho 23 nov: Ugu yaraan 8 qofood ayaa oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaaladii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo tiro intaas ka badana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.
- (2009-11-23)
- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya oo eedeyn u jeediyey Maraakiibta xaalufiyey badaha Soomaaliya
-
Muqdisho 22 nov: Taliska Ciidanka Badda dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aan wax laga qaban karin kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ah inta ay jiraan Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysata Xeebaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo xaalufiyey khayraadkii badda Soomaaliya.
- (2009-11-22)
- Ciidammada AMISOM oo saldhig ka dhigtay Isbitaal Digfeer, Taangiyana soo dhoobay Makka Al-mukarama
-
Muqdisho 22 nov: Cutubyo ka tirsan Ciidammada AMISOM isla markaana ku hubaysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka waxa ay fariisin ka sameysteen Isbitaalka Digfeer ee koonfurta magaalada Muqdisho halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda kumeelgaarka ah oo keliya.
- (2009-11-22)
- Xulka Suudaan oo sanadkan ka maqan Tartanka CECAFA oo isku aadkiisa la sameeyey
-
Xulalka Kubbadda Cagta dalalka Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Africa ayaa tartan sanadeedkoodii waxa uu ka billaaban doonaa dalka Kenya 28-ka bishan november, kaas oo socon doona ilaa 13-ka bisha december,
- (2009-11-21)
- Maliishiyooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaalamay galabta degaanka Biidhi
-
Muqdisho 21 nov: Dagaal aad u culus ayaa ku dhexmaray tuulada Biidhi oo ku taal duleedka magaalada xeebta ah ee Kismaayo maliishiyooyin ka kala tirsan Ururada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
- (2009-11-21)
- Garoonka Muqdisho oo lagu soo bandhigay doolar been-abuur ah oo la sheegay in loo waday Hargeysa
-
Muqdisho 21 nov: Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo bandhigtay lacago doollar madow ah oo cadadkeedu gaarayo hal Milyan, taas oo maalmo ka hor ay qabteen Ciidamada Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
- (2009-11-21)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Ganacsiga:
Suáal 251-aad: Ma bannaan tahay ixtikaarka (in ganacsatadu iibsadaan alaabta marka ay raqiis tahay, marka suuqa ka dhammaato oo ay qaali noqotana ay qaali ku iibiyaan)?
Jawaab 251-aad: Ma bannaana. (Daliil: Xaddiiska 680-aad cutubka shuruudaha ganacsiga). - (2009-11-21)
- Raíisul Wasaraha Somaaliya oo shirka FAO ka soo jeediyey in la dhiiri geliyo beeraleyda Soomaaliyeed
-
Rome 21 nov: Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaa uu ka qeybgalay shirweynaha hey’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan cuntada iyo beeraha ee loo yaqaan FAO, shirkaas oo ku saabsanaa la dagaallanka gaajada ka taagan dunida.
- (2009-11-21)
- Beljamka & Britain oo kala qabtay Madaxweynenimada & Xafiiska Arrimaha Dibedda Midowga Yurub
-
Brussels 19 nov: Shir madaxeedkii hoggaamiyayaasha 27-ka dal ee ku mideysan Ururka Midowga Yurub oo daqiiqado ka hor lagu soo gebogebeeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Beljam ayaa lagu doortay Madaxweynaha Midowga Yurub iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Midowga Yurub.
- (2009-11-19)
- Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub oo kulan adag ka leh doorashada Madaxweynaha Ururkaasi
-
Hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee ku mideysan Ururka Midowga Yurub ayaa kulan ay maanta ku leeyihiin magaalada Brussels ee casimadda dalka Beljam waxa ay ku dooranayaan cidda buuxin doonta labada jago ee ugu muhiimsan Midowga Yurub.
- (2009-11-19)
- Warar goos-goos ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo Caalamka & xulalka u soo baxay koobka adduunka
-
Garoowe 19 nov: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa shalay waxa uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda u ah maamulkaasi, isagoo faahfaahin ka bixiyey wada hadaladii fashilmay ee dhowaan dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
- (2009-11-19)
- Askari ka tirsan Dowladda KMG Soomaali ayaa maanta isku soo dhiibay Maamulka islamiga ah ee G/Bakool
-
Kuusow Maxamed Aadan oo ka tirsanaa ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool, gaar ahaan degaanka Yeed oo maanta warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu isku soo dhiibay Maamulka islaamiga ah ee Gobolada Bay iyo Bakool kaddib markii sida uu sheegay uu la kulmay dhibaatooyin aad u badan oo uu u adkeysan waayey.
- (2009-11-18)
- Burcad-badeed ku dagaalantay madaxfurasho ay qaateen, weriye Gaalkacyo lagu dhaawacay & warar kale
-
Xarardheere 18 nov: Wararka laga helayo ilo ku sugan magaalada Xarardhere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Burcad Badeeddii shalay sii deysay Dooni Kalluumeysi oo laga lahaa dalka Spain kaddib markii laga siiyey lacago madaxfurasho ah inay ku dagaalameen qeybsiga lacagahaasi, taas oo keentayin rasaas xoog leh ay dhex marto burcad-badeeda dhexdooda.
- (2009-11-18)
- Ban Ki-moon oo Golaha Ammaanka warbixin ka siiyey la dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliya
-
New TYork 17 nov: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa sheegay in Maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadanayaan la dagaallanka burcad badeedda.
- (2009-11-17)
- Tirada dadka u dhintay Hergab Doofaareedka H1N1 ee dalka Sweden
-
Tan iyo markii uu dunida ka dillaacay hergabka loo yaqaan H1N1 ayaa tirada guud ee cudurkaas ugu dhimatay dalka Sweden waxaa lagu sheegay 9 qofood, kuwaas oo dhintey waqtiyo kala duwan, iyadoo qofkii ugu horreeyey ee u dhintey xannuunkaas dalka Sweden uu ahaa nin 40 jir ah, kaas oo ku geeriyooday magaalada Uppsala oo ku taal duleedka waqooyi ee caasimadda Stockholm.
- (2009-11-16)
- Masúul u hadlay Jabhadda ONLF oo si weyn u beeniyey inay qeyb ka yihiin dagaalada Jubbooyinka
-
Masúulka dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Jabhadda ONLF, Xuseen Maxamed Nuur ayaa si weyn u beeniyey war ay saaka sheegeen masúuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka oo sheegayey in Jabhadda ONLF ciidammadeedu qeyb ka yihiin dagaalada saaka ku dhex maraya degaano ka tiran Jubbooyinka Ururada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.
- (2009-11-16)
- Dagaal qaraar oo ka qarxay Jubbooyinka, Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Kalabayrka & warar kale
-
Kismaayo 16 nov: Xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab oo sheegay in dagaal culus saakay ay ku soo qaadeen ciidamo oo hogaaminayo Axmed Madoobe iyo Jabhadda ONLF iyagoo guulo ka sheegtay dagaalkaasi, dagaalkaas oo ka dhacay degaanka loo yaqaan Xagar oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
- (2009-11-16)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo ganacsiga ku saabsan
-
Ganacsiga Islaamka:
Suáal 241-aad: Maxaa lagu kala saarayaa haddii laba qof isku khilaafaan qiimaha wax ay kala iibsadeen markhaatina aysan haysan?
Jawaab 241-aad: Qofka wax iibinaya ayaa dhaaranaya, isaga ayaana hadalkiisa la qaadan ama way kala noqonayaan. (Daliil: Xaddiiska 650-aad qaybta ganacsiga). - (2009-11-15)
- Qaraxyo caawa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo & Raíisul Wasaare Sharmarke oo ka degay Talyaaniga
-
Gaalkacyo 15 nov: War degdeg ah oo naga soo garaay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay goor dhow ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo, qaraxyadaasi oo wararku sheegayaan inay ka dhaceen saldhigga booliiska.
- (2009-11-15)
- Shir Addis-Ababa uga furmay madaxda Bariga Afrika & wafdi Sacuudiga ka socda & warar kale
-
Addis-Ababa 15 nov: Wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay shir ballaaran kula leeyihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya madax sare oo ka kala socota dalalka bariga iyo bartamaha Afrika.
- (2009-11-15)
- Wasiirka Warfaafinta oo hadlay, dilal ka dhacay Beledweyne & Dh/Mareeb & askar ka baxsatay alShabab
-
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday in burburka wada hadalladii ay shalay Nairobi ku yeesheen Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu sabab u ahaa Maamulka Puntland.
- (2009-11-14)
- Spain oo sharci ka soo saartay burcad-badeedda & Dooni ku soo caarisay Eyl
-
Dowladda wadanka Spain ayaa waxaa ay ansixisay sharciyo cusub oo ka dhan ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ee maraakiibta ka qafaasha biyaha Soomaaliya.
Kaddib kulan ay shalay yeesheen golaha Wasiirada ee dowladda Spain ayaa waxa ay ansixiyeen sharci qabyo ah oo ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
- (2009-11-14)
- Xabsiga Guantanamo Bay oo ay ku jiraan 215 Maxbuus oo Muslimiin ah (Xigasho W/post)
-
Jariiradda Washington post ayaa maanta oo jimce ah waxa ay ka faallootay goáankii muddada dheer la sugayey ee Madaxweyne Obama, kuna saabsanaa xabsiga Guantanamo Bay oo ku yaal gacanka Kuuba, kaas oo ay ku jiraan xilligan 215 maxbuus oo muslimiin ah, kuna eedeysan qaraxyadii lagu qaaday daarihii lammaanaha ee dalka Mareykanka sanadkii 2001. Maxaabiistaas oo uu ka mid yahay Khalid Sheikh Maxamed oo ah ninka lagu tilmaamo maskaxdii dejisay falkaasi. (Sii akhri faallada oo english ah)
- (2009-11-13)
- Xisbul Islaam oo masúuliyiin kala duwan u magacaabay Gobolka Hiiraan oo aysan ka wada talin
-
Beledweyne: Munaasabad lagu qabtay magaalada Beledweyne ayna ka qeyb galeen Xoghayaha Gaashaandhigga Ururka Xisbul Islaam, Muuse Cabdi Caraale iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee isla Ururkaas, Shuuriye Faarax Sabriye ayaa looga dhawaaqay xubnaha maamulka gobolka Hiiraan ee Xisbul Islaam.
- (2009-11-13)
- Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku dhex-dhexaadinaysa garabyada GAL-MUDUG & warar kale
-
Muqdisho 13 nov: Maxamed Axmed Caalin oo hoggaamiya garab ka mid ah maamulka GAL-MUDUG ee koonfurta magaalada Gaalkacyo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu uga qeyb geli lahaa kulan dhex-dhexaadin ah oo Dowladda KMG ee Soomaaliya ka dhex waddo garabkiisa iyo garabka kale ee maamulka GAL-MUDUG.
- (2009-11-13)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Xajka ku saabsan
-
Suáal 236-aad: Sidee loo kala hormarinayaa acmaasha la qabto maalinta 10-aad ee xajka?
Jawaab 236-aad: Kii la doono ayaa la hormarin karaa, wax dhib ahna
ma leh. (Daliil: Xaddiiska 631aadbcutubka Tilmaamaha xajka & gelidda MAkka). - (2009-11-12)
- Qaramada Midoobay oo xafiis ka furanaysa Muqdisho & Midowga Yurub oo ka shiraya arr/Soomaaliya
-
Muqdisho 12 nov: Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhowaan ay xafiis ka furan doonaan magaalada Muqdisho.
- (2009-11-12)
- Dilal & Qaraxyo ka dhacay Puntland & dowladda Spain oo wadda qorshe dekedaha Soomaaliya ku saabsan
-
Madrid: Wasiiradda Gaashaandhigga dalka Spain, Carme Chacon ayaa shaaca ka qaaday hindise lagu go´doominayo qaar ka mid ah dekedaha Soomaaliya oo dalkeedu hordhigi doono dalalka Midowga Yurub toddobaadka soo socda.
- (2009-11-12)
- Ciidammada Jarmalka oo burcad-badeed Soomaaliyeed u dhiibay Booliiska Kenya
-
Mombasa 10 nov: Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda dalka Jarmalka kana mid ah Ciidmmada dalalka Yurub ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa 7 nin oo la sheegay inay burcad-badeed yihiin gacanta u geliyey dalka Kenya oo ka mid ah dalalka qandaraaska ku qaba xabsi ku haynta burcad-badeedda Soomaalida ah ee ay soo qabtaan ciidamada Badda Yurub.
- (2009-11-10)
- Hillary Clinton oo Jarmalka u hambalyeysay (Xigasho AP)
-
Berlin 10 nov: Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Mareykanka, Hillary Rodham Clinton ayaa dadka iyo dowladda Jarmalka ugu hambalyeysay labaatan-guuradii ka soo wareegatay markii la jebiyey derbigii kala qeybinayey labadii Jarlam.
Hillary Clinton ayaa hambalyadaan jeedisay mar ay isniintii shalay magaalada Berlin kulan kula yeelatay Raíisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel. (Sii akhri warka oo englis ah) - (2009-11-10)
- Hoteel uu Gaalkacyo kaga sugnaa Cabdi-Qaybdiid oo bambooyin lagu weeraray caawa
-
Warar goor dhow oo caawa ah inaga soo gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in weerar bambooyinka gacanta laga tuuro ah lagu qaaday hoteelka Embasy oo ay ku sugnaayeen masúuliyiin uu ka mid yahay Cabdi-Qeybdiid.
- (2009-11-09)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo beeniyey in sarkaalkii maanta ku biirey dowladda uu ka tirsanaa ururkooda
-
Afhayeenka Xarakada al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage oo waraysi siinayey idaacadda BBC-da laanteeda afka-Soomaaliga ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsanaa xarakada al-Shabaab uu maanta ku biiray dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
- (2009-11-09)
- Turkiga oo casumaaddii shirka Islaamka kala laabtay Madaxweyne Al-Bashiir
-
Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneraal Cumar al-Bashir oo ay dooneyso maxkamadda dembiyada ee caalamiga ayaa la xaqiijiyay in aanu ka qeyb-gali doonin shirka wadamada Islaamka ee ka dhacaya magaalada Istanbul ee caasimadda dalka Turkiga.
- (2009-11-09)
- Xisbul Islaam oo Guddoomiye u magacaabay Beledweyne & Ciidammada dowladda oo iska dilay 3 askari
-
Muqdisho 9 nov: Iska horimaad hubeysan isla markaana ay ku naf-waayeen 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku dhexmaray agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda.
- (2009-11-09)
- Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ansxiyey qorshaha nidaamka caafimaadka
-
Washington 8 nov: Aqalka Wakiilada ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay isla markaana si aqlabiyad ah u taageeray qorshaha Madaxweyne Barack Hussein Obama uu dib ugu habeynayo niddamka caafimaadka Mareykanka.
- (2009-11-08)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Xajka ku saabsan
-
Xajka:
Suáal 231-aad: Maxaa loo dhunkadaa Xajarul-aswadka?
Jawaab 231-aad: Waa sunno Nabiga (s.c.w.) looga dayanayo keliya, wax uu tari karana ma jiraan. (Daliil: Xaddiiska 616-aad cutubka Tilmaamaha Xajka & gelidda Makka). - (2009-11-08)
- Xisbul Islaam oo dil qisaas ah ku fulisay askarigii dilay Dhaqtarkii Afgooye iyo warar kale
-
Afgooye 8 nov: Maamulka Islaamiga ee degmada Afgooye ee hoos taga Ururka Xisbul Islaam ayaa saaka waxa ay xukun dil Qisaas ah ku fuliyeen Askari ka tirsanaa Ciidamooda oo hore dil ka geystay gudaha degmada Afgooye.
- (2009-11-08)
- Mareykanka oo hor istaagay gargaar u socday Soomaaliya, Qarax ka dhacay Gaalkacyo & warar kale
-
Nairobi 7 nov: Saraakiil sare oo shalay Qaramada Midoobay uga hadashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay cambaareyn u jediyeen xukuumadda Washington oo ay ku eedeeyeen in ay ishortaageen cunto gargaar ah loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ku haystaan bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya, ishortaaggaas oo ay macnaheeda ku sheegeen in Mareykanku uu shaki weyn ka qabo in cuntooyinkaasi gaaraan dadkii loogu talo galay iyo in kale.
- (2009-11-07)
- Nin Boosaaso lagu dilay, Taliye Xisbul Islaam looga dhaawacay Lafoole & Waddooyin Muqdisho oo ...
-
Bosaaso: Koox dabley ah oo aan la garan haybtooda ayaa xalay ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Maamul gobaleedka Puntland nin la sheegay inuu ka tirsanaa ganacsatada magaalada Boosaaso.
Ninkani oo lagu magacaabi jiray Jaamac Aadan Maxamed (Jaamac Siibito) ayaa la dilay xalay xilli uu salaaddii cishaha ka soo baxay Masaajid ku yaal magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo isla falkaasi uu ku dhaawacmay nin kale oo goobta ka ag-dhowaa.
- (2009-11-06)
- Dagaal culus oo saaka ka soconaya Buurta Jante-Kundishe ee duleedka Beledweyne
-
Beledweyne 4 nov: Dagaal aad u culus una dhaxeeya Ciidammada dowladda ee ku sugnaa Buurta Jante-Kundishe ee gobolka Hiiraan iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda ayaa saaka waxa uu ka soconayaa duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi la isku weydaarsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
- (2009-11-04)
- Nin dil lagu xukumay magaalada Garoowe & bannaanbax ka dhacay dekedda Muqdisho horteeda
-
Maxakamad ku taal magaalada Garoowe ayaa dil ku xukuntay Cumar Maxamed Cusmaan oo ku eedeysnaa in uu si ulakac ah Garoowe ugu dilay Marxuum Cabdi-Barre Axmed Jaamac bishii September ee sannadkan.
- (2009-11-03)
- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo si weyn u dhaliilay Guddoomiyahooda
-
Muqdisho 3 nov: Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa dhaliil adag u soo jeediyey Guddoomiyaha Barlamanka, Aadan Maxamed Nuur oo ay sheegeen in uu si sharci darro ah u joojiyey fadhiyadii Baarlamaanka.
- (2009-11-03)
- Dayaarad ay leedahay Daallo airlines oo laga badbaadiyey afduub
-
Waxaa la afduubay dayuurad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Daalo Airline oo ka duushay garoonka Bosaso.
Wararku waxay sheegayaan, in laba nin oo afduubay diyaaradda la qabtay, rakaabkina ay badbaadeen, - (2009-11-02)
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo heyádaha samafalka ku amartay inay is-diiwaangeliyaan
-
Muqdisho 2 nov: Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ku amartay hay’adaha Samafalka in ay si degdeg ah isaga diiwaan geliyaan Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.
- (2009-11-02)
- 3 Qof oo ku dhaawacantay rabshado ka dhacay Buuhoodle
-
Buuhoodle 2 nov: Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa saaka waxa ay isku gadaameen hoteel ku yaal magaalada Buuhoodle oo la sheegay in uu ku jiray nin idaacadaha u sheegay inuu afhayeen u yahay kooxdii ka dambeysay qaraxii Miino ee lagu qaarajiyey Taliyihii Ciidammada Somaliland ee magaalada Laascaanood oo shalay lagu dilay halkaasi.
- (2009-11-02)
- Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Somaliland oo sheegay in 7 qof loo xiray qaraxii Laascaanood
-
Sool 2 nov: Maamulka Somaliland ayaa sheegay in toddobo qof loo qab-qabtay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, kaasi oo lagu dilay dad uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada lugta Somaliland ee gobolkaasi.
- (2009-11-02)
- Mareykanka oo laga yaabo Afqanistaan kaddib inuu fara geliyo Soomaaliya & Yemen
-
Iyadoo dadweynaha Mareykanku ay is weydiinayaan arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in maamulka Madaxweyne Brack Hussein Obama uu muhiimadda 1-aad siiyo inay tahay daryeelka caafimaadka dadweynaha Mareykanka, Nabadgelyada Qaranka Mareykanka, wax ka qabashada Dhaqaalaha sii liicaya ee adduunka iyo isbedelka cimilada dunida ayaa haddana waxaa soo baxaya suáalo kale oo ay farta ku fiiqayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo saxaafadda dalkaasi, suáalahaas oo la xariira in marka uu Mareykanku xal ka gaaro dhibaatada ka haysata dalka Afqanistaan in uu ku xijiyo faragelin milateri oo uu ku sameeyo dalalka Soomaaliya iyo Yemen oo ay leeyihiin waxaa saldhigyo ku leh Ururka Al-Qaacida oo saldhigyadaasi milateri ku tababara dad ay ka mid yihiin dhallinyaro haysata dhalashada dalka Mareykanka, iyadoo arrimahaasi ay faallada soo socota ka qortay maanta Jariiradda Washington post oo tiri:
- (2009-11-02)
- Qarax dad ku dhintey oo xalay ka dhacay Beledweyne & Maamulka Sool oo dad u qabtay qaraxii shalay
-
Beledweyne 2 nov: Qarax xooggan oo khasaare aan weli la kala cadeyn geystay ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay waqooyiga bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo dhowaan ay saraakiisha dowladda kumeelgaarka ahi sheegteen inay la wareegeen gacan ku haynta magalaada, balse ay beeniyeen Ururka Xisbul Islaam .
- (2009-11-02)
- Qarax Miino oo ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo ka dhacay magaalada Laascaanood
-
Sool 1-da nov: Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in barqanimadii maanta gudaha magaalada Laascaanood qarax miino lagula eegtay gaari nuuca Rooneet-ka ah oo ay saarnaayeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Maamulka gobolka Sool ee hoos taga Somaliland.
- (2009-11-01)
- Kulamadii maanta iyo koobka dhallinyarada K/Cagta Adduunka (FIFA U-17)
-
Iyadoo uu weli si xiiso badan uga socdo garoomada kala duwan ee dalka Nayjeeriya tartankii koobka dhallinyarada kubbadda cagta adduunka ee FIFA U-17 oo halkaasi ka furmay 24-kii oktoober soconayana ilaa 15-ka november 2009 ayaa kulamadii maanta la ciyaaray kooxuhu u kala badiyeen sidatan:
- (2009-10-31)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Xajka ku saabsan
-
Xajka:
Suáal 224-aad: Qofkii cudur uga dhaco timaha isagoo xaj gudanaya, muxuu samaynayaa?
Jawaab 224-aad: Timuhuu iska xiirayaa wuxuuna kala dooran inuu qalo neef ari ah, soon saddex maalmood ama lixdan miskiin quudintood midkiina uu siiyo suus badhkii. (Daliil: Xaddiiska 603-aad cutubka Ixraamashada & waxyaalaha la xidhiidha). - (2009-10-31)
- Dagaalo ka kala dhacay Muqdisho, Hiiraan iyo Rabdhuure
-
Muqdisho 31 okt: Duqeyn Madaafiic ah oo aan loo meeldeyin ayaa maanta waxaa ay ka dhacday qeybo ka mid ah degmooyinka Shibis,Yaaqshiid iyo Boondheere ee gobolka Banaadir iyadoona inta badan duqeyntani ay ku dhaceysay xaafadaha ku teedsan isgoysyada Sanca iyo afarta Jardiino.
- (2009-10-31)
- Xisbul Islaam & Al-Shabaab oo xalay ku dagaalamay Teyegloow
-
Bakool 31 okt: Dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Teyegloow ee gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya dhimashada 1 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 5 qofood oo kale kaddib markii ay foodda is dareen kooxaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam.
- (2009-10-31)
- Burcad-badeddii haysatay 2-da Ingiriiska ah oo dalbatay 7 milyan oo doolar & Markab kale oo....
-
Markab nooca Kalluumeysiga ah oo ay saaran yihiin 27 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Ruushka, Ghana iyo Filipiin ayaa la xaqiijiyey in uu gacanta u galay koox burcad-badeed Soomaaliyeed ah.
- (2009-10-30)
- La-haysatayaashii Ingiriiska ahaa oo ku ammaanay burcad-badeedda inay si fiican ula dhaqmeen
-
Xarardheere 30 okt: Haweeneydii u dhalatay dalka Ingiriiska ee iyada iyo ninkeeda ay qafaasheen koox burcad-badeed Soomaali ahi xilli ay Dooni dalxiis ugu kala safrayeen Jasiiradda Siishalis iyo dalka Tanzania oo qadka teleefoonka kula soo xiriirtay walaalkeed ayaa sheegtay in burcad-badeedu si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay siiyaan wax kasta oo ay u baahdaan sida biyaha iyo cuntada.
- (2009-10-30)
- 3 Qof oo ku dhimatay qarax miino oo lala eegtay baabuur saad u siday ciidamada dowladda Soomaaliya
-
Muqdisho 30 okt: Qarax miino oo aad u culus ayaa waxaa maanta lala eegtay baabuur ay ciidanka dowladda kumeelgaarka ahi leeyihiin oo marayey agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
- (2009-10-30)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Xajka ku saabsan
-
Xajka:
Suáal 214-aad: Ma jiraa jihaad waajib ku ah haweenka? muxuuse yahay?
Jawaab 214-aad: Haa, jihaadkoodu waa xajka & cumrada (Daliil: Xaddiiska 580-aad cutubka Xajka & Cadaynta fadligiisa) - (2009-10-30)
- Shabakadda Economist oo si xag-jirnimo ah uga faallootay Soomaaliya & Kirishtaanimada
-
"The Economist newspaper limited" waa shabakad ka diiwaan gashan england iyo wales, balse wakiilo ku leh dalal kale oo caalamka, kuna soo baxda luuqadda Ingiriiska, iyadoo ka faalloota arrimaha dhaqaalaha iyo muwaadiicda kale ee markaas taagan, hase yeeshee 22-kii bishan oktoober 2009 ayey soo daabacday faallo laga dheehan karo xag-jirnimo dhinaca masiixiyadda ah oo ay ka qortay dalka Soomaaliya.
- (2009-10-30)
- Koobka dhallinyarada Adduunka & kulamada maanta
-
Xulalka Kubbadda Cagta ee dalalka ka qeyb gelaya tartanka dhallinyarada Adduunka FIFA U-17 ee ka soconaya garoomada kala duwan ee dalka Nayjeeriya oo tartankaasi marti gelinaya ayaa galabta iyo caawa waxa ay isku arkayaan sidatan:
- (2009-10-30)
- Maliishiyo Beeleedyo ku dagaalamay Baxdo-Gaabo & Gaalkacyo oo saaka deggan
-
Gaalkacyo 30 okt: Maliishiyooyin ka soo kala jeeda beelaha Saleebaan iyo Sacad ayaa shalay ilaa xalay waxa ay ku dagaalamayeen tuulo lagu magacaabo Baxdo-Gaabo oo ku taal gobolada dhexe ee Soomaaliya, dagaalkaasi oo wararku sheegayaan in uu geystay dhimasho iyo dhaawac tiro dad ah.
- (2009-10-30)
- Maliishiyooyin kala taageersan Puntland & Gal-Mudug oo ku dagaalamaya Bartamaha Gaalkacyo
-
Gaalkacyo 29 okt: Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Maliishiyooyin kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya.
- (2009-10-29)
- Obama seeks study on local leaders for troop decision, AFGHAN PROVINCES TO BE ANALYZED
-
President Obama has asked senior officials for a province-by-province analysis of Afghanistan to determine which regions are being managed effectively by local leaders and which require international help, information that his advisers say will guide his decision on how many additional U.S. troops to send to the battle. (Xigasho W/post)
- (2009-10-29)
- Holand oo ku tumatay Gambia, Iran oo barbarreysay Colombia & N/Zealand oo ku ag-dhacday B/Faso
-
Kulamadii shalay iyo xalay ee ciyaaraha koobka kubbadda cagta dhallinyarada adduunka (FIFA U-17) ayaa natiijadoodu nooqtay sida soo socota, iyadoo kulankii dhex mari lahaa xulalka Turkiga iyo Costa-Rica uu baaqday kaddib markii roobab xoog leh ay ka daéen garoonka Azikiwe stadium ee dalka Nayjeeriya,
- (2009-10-29)
- Raíisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdigiisa oo maanta kulan kula leh Brussels Ururka Midowga Yurub
-
Brussels 29 okt: Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo wafdi Wasiirro ah oo la socda ayaa maanta magaalada Brussels ee dalka Biljimka waxa ay kula kulmi doonaan isku duwaha arrimaha siyaasadda dibedda ee Ururka Midowga Yurub.
- (2009-10-29)
- Natiijada kulamadii shalay & isku aadka kooxaha maanta ciyaaraya Koobka FIFA U-17
-
Kulamadii shalay ee koobka dhallinyarada adduunka FIFA U-17 ay shalay kooxuhu ku yeesheen garoomaka kala duwan ee dalka Nayjeeriya ayaa natiijadoodu noqotay sidatan: Nayjeeriya ayaa 2-1 uga adkaatay Honduras, halka Mexico ay ugu awood sheegatay Brazil 1-0. Sidoo kale xulka Argentin ayaa 2-1 ku suul daaray xulka Germany.
- (2009-10-28)
- Muqdisho oo saaka ku waabariisatay dagaal culus & Madaafiic
-
Dagaalo culus ayaa Saaka waaberigii mar kale ka qarxay qaybo ka mid ah wadada Makka Al-Mukarama ee koonfurta magaalada Muqdisho halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada dowaladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah ,waxaana la sheegay in dagaalku uu bilowday kagadaal markii kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda KMG iyo joogitaanka ciidammada AMISOM ay weerar ku qaadeen fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Maka Al-Mukarama.
- (2009-10-28)
- Waaxda Arr/Dibedda Britain oo baaraysa 2 qof oo burcad-badeed Soomaaliyeed ka afduubteen
-
London 27 okt: Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, ayaa sheegay in baaritaan lagu wado sheegashiada koox burcad- badeed Soomaaliyeed ay sheegteen in ay qabteen doon ay saaran yihiin laba ruux oo British ah.
- (2009-10-27)
- Kulamada maanta & koobka Dhallinyarada Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA U-17
-
Iyadoo uu weli si xiiso leh uga socdo dalka Nayjeeriya tartankii kubbadda cagta dhallinyarada adduunka ee FIFA U-17 ayaa maanta kooxuhu waxa ay isku arkayaan sidatan: Xulalka Argentina iyo Jarmalka ayaa waxay ku wada ciyaari doonaan garoonka kubbadda cagta ee caalamiga ah ee magaalada Abuuja, saacaddu marka ay tahay 16:00.
- (2009-10-27)
- (Sarkaal Mareykan ah oo isku casilay dagaalka Afqanistaan) U.S. official resigns over Afghan war
-
Tuesday, October 27, 2009
Foreign Service officer and former Marine captain says he no longer knows why his nation is fighting. When Matthew Hoh joined the Foreign Service early this year, he was exactly the kind of smart civil-military hybrid the administration was looking for to help expand its development efforts in
A former Marine Corps captain with combat experience in Iraq, Hoh had also served in uniform at the Pentagon, and as a civilian in Iraq and at the State Department. By July, he was the senior U.S. civilian in Zabul province, a Taliban hotbed. (Xigasho W/post)
- (2009-10-27)
- Raíisul Wasaaraha KMG ee Soomaaliya & Wasiirro la socda oo maanta London soo gaaray
-
London 26 okt: Ra'iisal wasaaraha dowladda kumeelgaarka ha ee Sooomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi Wasiirro ah oo uu hoggaaminayo, ayaa soo gaaray magaalada London.
- (2009-10-26)
- Afghan crashes kill 14 Americans
-
At least 14 Americans have been killed in a series of air crashes in Afghanistan, military officials say.
Four US soldiers died and two were hurt when two helicopters collided mid-air in the south, Nato-led forces said.
In a separate helicopter crash, in western Badghis province, seven US soldiers and three US civilians died.
- (2009-10-26)
- 64,082 Askari oo Mareykanka uga dhimatay dagaalada dibedda tan sanadkii 1964-kii
-
Washington 26 oktoober: Weriye Jackson Diehl oo wax ku qoran jariiradda caanka ah ee Washington post ayaa shalay oo axad ah waxa uu soo daabacay faallo aad xasaasi u ah oo uu bannaanka ku soo dhigay tirada ciidammada Mareykanka ee ku geeriyootay dalalka dibedda ee ay dagaalada u aadeen tan iyo sanadkii 1964.
- (2009-10-26)
- Liibiya oo qaban-qaabinaysa shir dib u heshiisiin dhinacyada Soomaalida & warar kale
-
Tripoli 26 okt: Warar aan weli aad loo xaqiijin oo laga soo xigtay dowladda Liibiya ayaa waxa ay sheegayaan in Liibiya ku howlan tahay qabanqaabada Shir dib u heshiisiineed oo ay isugu keenayso dhinacyada ku dagaalamaya dalka Soomaaliya.
Liibiya ayaa wararku sheegayaan inay ku dadaalayso sidii ay shirweyne dib u heshiisiineed isugu keni lahayd dhammaan kooxaha kala duwan ee isaga soo horjeeda talada dalka Soomaaliya, si la isugu dayo bal in la wada hadalsiiyo oo ay markaasi u gudbaan qaab dib u heshiisiin qaran oo ay ku xalliyaan dhibaatada dhexdooda ka aloosan muddada dheer.
- (2009-10-26)
- Al-Shabaab oo Marka ku toogatay 2 wiil iyo Sarkaal Xisbul Islaam ah oo Muqdisho lagu dilay
-
Marka 25 okt: Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay maanta xukun dil ah ku filisay 2 wiil oo dhallinyaro ah oo da´doodu u dhexeysay 20 iyo 21 sano jir, kuwaas ay ku soo eedeysay in ay jaajuusiin u ahaayeen dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-10-25)
- Wasiirka Difaaca Kenya oo qiray in ciidan looga qorayey dalkooda Dowladda Soomaaliya & warar kale
-
Nairobi 25 okt: Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Kenya, Yuusuf Xaaji Maxamed ayaa shaaca ka qaday in ay ka hortageen oo ay joojiyeen dhallinyaro u dhalatay dalka Kenya oo ay ciidan ahaan u qoranaysay dowladda kumeelgarka ah ee Soomaaliya, taas oo uu caddeeyey inay ahayd qalad ka dhacay masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo doonayey inay dhallinyaradaas ku daraan ciidammda loo tababarayo dowladda Soomaaliya.
- (2009-10-25)
- Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland oo maanta la ansixiyey
-
Hargeysa 24 okt: Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 7 xubnood xisbiyada siyaasaddu u soo magacaabeen in ay noqdaan Guddida cusub ee Doorashada Somaliland, kuwaas oo dhowaan loo gudbiyay Golaha Wakiilada.
- (2009-10-24)
- Raíisul-Wasaare Sharmarke oo sheegay in dowladdu ku talo jirto in ay qabsato goobaha mucaaradka
-
Nairobi 24 okt: Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG eeSoomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdigii Wasiirada ahaa ee uu hogaaminayey ayaa shalay waxa ay kulamo gaar-gaar ah ah kula yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya masuuliyiin ka kala socotay Qaramada Midoobay, hay’adaha gargaarka bixiya iyo qaar ka mid ah safaaradaha dalalka denaaya arrimaha Soomaaliya.
- (2009-10-24)
- Raíisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladda loo soo tababaray ciidamo aad u badan
-
Nairobi 23 okt: Ra’iisul Wasaaraha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda loo soo tababaray Ciidamo ay kula wareegayso gacan ku haynta koofurta dalka Soomaaliya.
- (2009-10-23)
- Dil & qarax xalay ka dhacay W/Gaalkacyo iyo Ururka Al-Shabaab oo u hanjabay Ugandha & Burundi
-
Gaalkacyo 23 okt: Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay xalay toogasho ku dileen nin lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Ibraahim Baabulkabiir, ninkaas oo la sheegay inuu ka mid ahaa nabaddoonada beelaha Digil iyo Mirifle.
- (2009-10-23)
- Duqeyntii Ciidammada Ugandha & Burundi u geysteen suuqa bakaaraha oo si weyn loo cambaareeyey
-
Muqdisho 22 okt: Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan u cambaareeyey xasuuqa ciidammada Ugandha iyo Burundi ay maanta ka geysteen degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.
- (2009-10-22)
- Ugu yaraan 15 qofood ayaa ku dhimatay Madaafiicdii maanta lagu duqeeyey Muqdisho
-
Muqdisho 22 okt: Ugu yaraan 15 qofood ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen isla markaana ay ku dhaawacmeen 50 qofood oo kale duqeyntii madaafiicda ahayd ee Ciidammada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay u geysteen maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2009-10-22)
- Dagaal qaraar oo koonfurta Muqdisho ka socda & Ciidammada AMISOM oo qoriga MB-ka u adeegsanaya
-
Muqdisho 22 okt: Madaafiic aad u badan ayaa waxa saaka aroortii hore ay ka bilaabatay Xaafado ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho kaddib markii weerar Madaafiic ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aden-Cadde ee magaalada Muqdisho.
- (2009-10-22)
- Dowladda Shiinaha & Burcad-badeedda Soomaalida oo hanjabaadyo is-dhaafsaday
-
Xarardheere 21 okt: Nin u hadlay kooxaha Burcad- badeedda Soomaalida ah ee shalay gacanta ku dhigay Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku hanjabay in ay dilayaan shaqaalaha saaran Markabkaasi haddii dowladda Shiinuhu ay isku daydo in ay awood Milateri ku soo furato Markabkaasi.
- (2009-10-21)
- Guddoomiyaha GOS oo aan dalka Talyaaniga kula yeelanay waraysi dhinacyo badan taabanaya
-
Sida ay la wada socdaan bahweynta cayaaraha Soomaaliyeed waxaa bishii maarso ee sanadka lagu qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti doorashadii guud ee Guddiga Olmbikada Qaranka Soomaaliyeed oo afartii sanoba mar la qabto, iyadoo sanadkan ay ku cusbayd doorashada in lagu casuumay goobjoog ahaan xubno ka kala socday Jaaliyadaha isboortiga Soomaaliyeed ee dalalka dibedda ku nool, haba ugu badnaadeen kuwa ku jira ururka EUROSOM,
- (2009-10-20)
- Burcad-badeed Soomaaliyeed oo qafaashay Markab shidaal sida & NATO oo xaqiijisay arrintaas
-
Muqdisho 20 okt: Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ah ayaa weerar ay ka fuliyeen badweynta India waxa ay ku soo qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Shiinaha, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidammada NATO ee ku sugan Maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.
- (2009-10-20)
- Afhayeenka Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyey
-
Muqdisho 19 okt: Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta waxaa ay sheegeen in 3 gaari ay ka gubeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho kaddib dagaal aaggaasi ka dhacay maanta.
- (2009-10-19)
- Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo beeniyey in ciidan looga qorayo gudaha Kenya
-
Muqdisho 19 okt: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu beeniyay in dhalinyaro Soomaali ah ay dowladda KMG ku tabaranayso gudaha wadanka Kenya.
- (2009-10-19)
- Booliiska dowladda kumeelgaarka ah oo soo qabqabtay ciidamo dhibaato ku hayey shacabka
-
Muqdisho 18 okt: Taliska Ciidanka Booliska ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay gacanta ku soo dhigeen rag xiran dharka ciidammada dowladda oo falal ammaan-darri ah ka waday Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
- (2009-10-18)
- Today in History - Oct. 18 By The Associated PressThe Associated Press
-
Sunday, October 18, 2009; 12:00 AM
-- Today is Sunday, Oct. 18, the 291st day of 2009. There are 74 days left in the year.
Today's Highlight in History:
On Oct. 18, 1962, Dr. James D. Watson of the United States and Drs. Francis Crick and Maurice Wilkins of Britain were named winners of the Nobel Prize for Medicine and Physiology for their work in determining the double-helix molecular structure of DNA.
- (2009-10-18)
- Col. Xasan Daahir oo kuwo aan caqiido laheyn ku tilmaamay ciidammadii dhowaan ka goostay Ururkiisa
-
Muqdisho 16 okt: Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam, Col. Xasan Daahir Aweys oo maanta ka qeyb qaadanayay barnaamijka hadal-heynta todobaadkan ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku celiyey inay sii wadi doonaan dagaallada ay uga soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.
- (2009-10-16)
- Markab dagaal oo Talyaanigu leeyahay ayaa soo badbaadiyey Kalluumeysato Soomaaliyeed
-
Markab kuwa dagaalka oo Talyaanigu leeyahay oo ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee dalalka NATO ka jooga xeebaha dalka Soomaaliya iyo gacanka cadbmeed si ay ula dagaalaan burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa shalay waxa uu badbaadiyay saddex qof oo kalluumeysato Soomaali ah oo ku jiray badda gacanka Cadan.
- (2009-10-16)
- U.S. Hopes to Strengthen Ties With China's Expanding Military
-
By John PomfretWashington Post Staff Writer
Thursday, October 15, 2009
During his first visit to China next month, President Obama hopes to strengthen ties with Beijing on efforts to combat climate change, address the global financial crisis and contain nuclear proliferation in North Korea and Iran. Perhaps most important, he also aims to improve the U.S. relationship with China's military.
- (2009-10-16)
- Dad ku dhintey kuna dhaawacmay Madaafiic saaka lagu garaacay suuqa Bakaaraha
-
Muqdisho 15 okt: Inta la hubo labo ruux ayaa ku geeriyootay in badan 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen Madaafiic ku soo dhacay gudaha iyo Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay dad badani ku sugnaayeen, iyadoo aan rasmi ahaan loo xaqiijin karin cidda soo tuurtey madaafiicda, hase yeeshee loo malaynayo Ciidammada AMISOM oo ay caado u tahay inay madaafiic ku ridaan suuqa Bakaaraha.
- (2009-10-15)
- CIA-da Mareykanka oo xabsiga dhigtay dhallinyaro asalkoodu Soomaali yahay
-
Afar wiil oo dhalinyaro ah asal ahaanna ka soo jeeda dalka Soomaaliya, hase yeeshee heysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa heyádda CIA-da Mareykanku xabsiga dhigtan kaddib markii heyáddaasi ku eedeeysay in ay Soomaaliya ka dagaalameen.
- (2009-10-15)
- Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka Interpol kana hadlay burcad-badeedda
-
Wakaaladda Wararka Associated Press oo soo xiganaysay maanta Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegtay inaan wax horumar ah laga gaarin la dagaallanka burcad-badeedda Soomaaliya, kuwaas oo sii kordhinaya howlgalladii ay ku ugaarsanayeen Maraakiibta ku safra xeebaha u dhow dalka Soomaaliya isla markaana ay waxyar uun ka qabteen ciidammada caalamiga ahi.
Cabdi Xasan Cawaale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo maanta ka hadlayey shir heyádda Booliiska caalamiga ah ee loo yaqaan Interpol ay ku yeelatay dalka Singapore ayaa warfaafinta u sheegay in dowladda tabarta daran ee Soomaaliya iyo ciidanka Booliiska aysan awood u lahayn inay kontoroolaan xeebta dheer ee dalka Soomaaliya oo dhererkeedu gaarayo 3,060 kiilo mitir, iyadoo ilaa sanadkii 1991 aysan Soomaaliya lahayn dowlad shaqeynaysa oo awood leh, iyadoo burcad-badeedda Soomaalida ahi ay ku guuleysteen inay afduubtaan 34 Markab oo laga kala leeyahay adduun-weynaha sanadkan oo keli ah. (Sii akhri warka oo english ah) - (2009-10-14)
- Wiil Soomaali ah oo FBI-da Mareykanku xabsiga dhigtay
-
Baarayaasha Heyádda FBI-da dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Abdow M. Abdow oo Soomaali ah uu been ka sheegay in uu dhallinyaro kale oo Soomaali Mareykan ah uu gaari ku qaaday isaga oo ka soo qaaday Minnesota ilaa Nevada.
- (2009-10-14)
- Soomaaliya oo heshiis badeecooyinka Lagu baarayo la gashay Bureau Veritas (xigasho BBC)
-
Laga billaabo 1-da November 2009, badeecad kasta oo Soomaaliya uga imaaneysa dibadda waa in ay haysataa shahaado ay soo siisay sharikadda Bureau Veritas, oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay in ay baarto tayada badeecadaha tegeya Soomaaliya.
- (2009-10-14)
- waxaa isa soo taraya waxyeelada Ciidammada AMISOM u geystaan shacabka Muqdisho
-
Muqdisho 14 okt: Waxaa si weyn isu soo taraya dhibaatooyin kala duwan oo ay ciidamada dalalka Ugandha iyo Burundi ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ku hayaan dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed, dhibaatooyinkaas oo isugu jira burburin hantiyeed iyo rasaas ay si bareer ah ugu furaan shacabka iyo hantidiisa.
- (2009-10-14)
- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya
-
Tropoli 14 okt: Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya, Shariif Sheekh Axmed iyo Muámar Al-Qaddafi ayaa kulan ay ku yeesheen magaalda Tripoli ee dalka Liibiya waxa ay kaga wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya , iyadoo kulankaasi uu Madaxweynaha Soomaaliya kaga codsaday dhiggiisa Liibiya taageero loo fidiyo dowladda taagta daran ee Soomaaliya.
- (2009-10-14)
- Dagaal maanta ka dhacay Muqdisho & AL-Shabaab oo sheegtay inay gaadiid ka gubeen Ciidanka Burundi
-
Muqdisho 13 okt: Sida uu ku soo waramay weriye Axmed-shaakir oo shabakaddaan uga soo tebiya wararka magaalada Muqdisho rasaas culus oo socotay muddo kooban ayaa waxa ay maanta ku dhex martay agagaarka Kuliyaddii Ciidamada Jaalle Siyaad cutub ka tirsan ciidammada AMISOM oo fariisn ku lahaa aaggaasi iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
- (2009-10-13)
- Taliyihii Ciidammada Xisbul Islaam ee Ceelasha Biyaha & ciidan uu wato oo u galay dowladda KMG
-
Muqdisho 13 okt: Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku soo bandhigtay 19 asakri iyo taliyahoodii oo wata mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay kala soo baxsadeen Ururka Xisbul Islaam, iyagoo caddeeyey inay ku soo biireen ciidammada dowladda kumeelgaarka ah.
- (2009-10-13)
- Guddiga Amniga Wadajirka ah ee Soomaaliya oo shir ku yeeshay Nairobi
-
Nairobi 13 okt: Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Ahmadu Waladabdala ayaa shaaca ka qaaday in dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya loo dhisayo ciidamo xoog leh oo ammaanka dalka hanta.
- (2009-10-13)
- Prof. Ibbi oo la sheegay inuu dib u furey heshiiskii qeyb Badda Soomaaliya ah lagu siinayey Kenya
-
Muqdisho 12 okt: Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay eedeyn kul dusha uga tuureenxukuumadda uu hoggaamiyo Raíisul Wasaare Cumar Cabdirashiid kaddib markii ay soo ifbaxday in ay dib u furtay heshiiskii qiyaanada ahaa ee dhinaca badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
- (2009-10-12)
- Booqasho laga dhaxlay rajo-xumo iyo Islaam ka carar (Qore: Dr. Maxamud M. Culusow)
-
Booqashada dheer ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Midnimada Qaran ee Soomaliya (DFKMQ-S), Sheikh Sharif Sh Axmed iyo Lammaanihiisa Sharif Xasan Sheikh Aadan ku yimaadeen dalka Mareykanka waxaa laga dhaxlay rajo-xumo iyo Islaam ka carar. Sababaha waxaa ka mid ah:
- (2009-10-11)
- Dowladda FKM Soomaaliya oo shirkad ganacsi ku wareejisay qalab caafimaad oo lagu muransanaa
-
Muqdisho 11 okt: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dowladda KMG ee Soomaaliya, Pro. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la soo gebo-gebeeyey Baaritaano ay dowladdu ku kala saaraysay lahaanshaha Qalab Caafimaad oo sababay muran xooggan kaas oo laga soo dajiyay dhowaan dekadda magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo direy dibedda.
- (2009-10-11)
- Dagaal mar kale maanta ku dhex maraya Buulo-Xaaji Maliishiyooyinka AL-Shabaab & Xisbul Islaam
-
Kismaayo 10 okt: Saaka ayaa mar kale dagaal xooggan waxa uu ka dhex qarxay kooxaha isaga soo horjeeda degaanka Jubbada Hoose, kuwaas oo isku fara saaray tuulada Buulo-Xaaji oo 90-km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
- (2009-10-10)
- Bannaanbaxyo lagu taageerayo heshiiska nabadda oo ka dhacay Xarardheere
-
Xarardheere 10 okt: Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalada Xarardheere, kuwaas oo dhigayey bannaanbaxyo ay ku taageerayaan heshiiska nabadda ee ay wada gaareen beelo hore ugu dagaalamau degaanka Xarardhere.
- (2009-10-10)
- Dowladda FKM ah & Ururka Xisbul Islaam oo guulo ka kala sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay Bacda
-
Matabaan 9 okt: Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa wararku sheegayaan inay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku yaalla deegaanka Bacda oo u dhexeeya degmada Matabaan iyo Kala- Beyr oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
- (2009-10-09)
- Madaxweyne Obama oo qorsheynaya in Talipan ay ku lug yeeshaan Siyaasadda dalka Afqanistaan
-
WASHINGTON 9 okt: Sida uu ku warramay wargeyska Washington post oo soo xiganayey wakaaladda wararka Associated Press oo iyaduna xiganaysay saraakiil ka tirsan maamulka dalka Mareykanka, Madaxweyne Barack Obama ayaa waxa uu u diyaar-garoobayaa inuu aqbalo qorshe siyaasadeed oo Ururka Talipan ay ugu lug yeelanayaan mustaqbalka siyaasadda dalka Afqanistaan, isagoo Madaxweynuhu arrintaas kulamo kala yeeshay saraakiil sarsare oo maamulkiisa ka tirsan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku-xigeenka, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo saraakiil kale, tallaabadaas oo Madaxweynuhu ku doonayo in la kala saaro Talipan iyo Al-Qaacida. (Sii akhri warka oo english ah)
- (2009-10-09)
- Madaxweyne Obama oo si lama filaan ah ugu guuleystay Abaalmarinta Nopel Peace Prize
-
OSLO 9 okt: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa maanta oo jimce ah bisha oktoober-na ay tahay 9, 2009 waxa uu si lama filaan ah ugu guuleystay abaalmarinta nabadda ee loo yaqaan NOPEL PEACE PRIZE, taas oo sanadkiiba mar la bixiyo.
Madaxweyne Abama ayaa abaalmarintaas caalamiga ah ee nabadda waxa uu ku muteystay dadaalka siyaasadeed ee uu u galay sidii ay bulshada caalamku isku kaashan lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada dunida islaamka iyo xakamaynta hubka wax gumaada ee nukliyeerka, sida ay warbixintooda ku xaqiijiyeen guddiga qiimeeya abaalmarintaan ee dalka Norway (Norwegian Nopel Committee) "Sii akhri warka oo english ah". - (2009-10-09)
- Sirdoonka Itoobiya oo dad Soomaali ah ku gawracay gudaha magaalada Gaalkacyo
-
Garowe 9 okt: Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii u horreysay saaka waxa uu Ciidammada Sirdoonka Itoobiya ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen 2 nin oo habeen hore lagu gowracay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
- (2009-10-09)
- Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah oo maanta ka shiray ammaanka dalka Soomaaliya
-
Muqdisho 8 okt: Golaha Wasiirada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo shir ku yeeshay maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa ay kaga wada hadleen ammaanka guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasi ay warbixinno ku aaddan nabadgelyada looga dhegeystay Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Ammaanka Qaranka Soomaaliya.
- (2009-10-08)
- Afhayeenka Booliiska Dowladda FKM oo sheegay inay ka war heleen qaraxyo lala damacsan yahay
-
Muqdisho 8 okt: AFhayeenka Taliska ciidamada Boliiska dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu sheegay in ay ka war heleen qorshe cusub oo kooxaha hubaysan ay qaraxyo kaga samaynayaan magaalada Muqdisho.
- (2009-10-08)
- 17 qofood oo ku dhimatay & 60 ku dhaawacantay Qarax is-miidaamin ah oo kak dhacay Kabul
-
Kabul 8 okt: Ugu yaraan 17 qofood ayaa ku dhimatay, 60 kalena waa ku dhaawacantay kaddib markii qarax is-miidaamin uu ka dhacay meel u dhow Safaaradda Indiya ku leedahay caasimadda dalka Afqanistaan ee Kabul sida ay caddeeyeen warar laga soo xigtay Booliiska dalkaasi. (Sii akhri warka oo English ah)
- (2009-10-08)
- Ruushka & Faransiiska oo iska kaashanaya tababar Jabuuti loogu qabanayo Ciidamo Soomaali ah
-
Paris 8 okt: Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Faransiiska, Bernard Couchner oo warbixin siinayey Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka dalka Faransiiska ayaa sheegay in dowladaha Faransiiska iyo Ruushku ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan sidii ay tababar u siin lahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kuwaasi loo la filayo inuu dhowaan fababar uga furmo saldhig ciidammada Faransiisku ku leeyihiin Jamhuuriyadda Jabuuti.
- (2009-10-08)
- Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo laga sii daayey xabsi ku yaal Ugandha
-
Kampala 7 okt: Afhayeenka u hadlay ciidamada dowladad Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay sii daayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ay xalay xabsiga u taxaabeen, isagoo ku sugnaa bartamaha magaalada Kampala.
- (2009-10-07)
- Wakaaladda Wararka Reuters oo ka faallooneysa xarigga Yuusuf Indha-cadde
-
Uganda security detains Somali minister of state
KAMPALA (Reuters) - Ugandan security forces bundled Somalia's state minister for defense into a car and detained him at an undisclosed location in the capital Kampala on Tuesday.
- (2009-10-07)
- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kampala oo caddeeyey in Indha-cadde ay hayso dowladda Ugandha
-
Kampala 6 okt: Danjiraha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha oo lagu magacaabo Siid Axmed oo goor dhow u warramayey telefishinka Universal ayaa caddeeyey in Yuusuf-Indhacadde ay gacanta ku hayaan ciidammada ammaanka Ugandha.
- (2009-10-06)
- Obama Team Says Zazi Case Illustrates Balanced Approach to Terror Threat
-
Tuesday, October 6, 2009
President Obama will make his first visit to the National Counterterrorism Center in McLean on Tuesday morning, telling intelligence officials that their recent successes have proved how effectively multiple agencies can perform when they work in concert.
- (2009-10-06)
- Yuusuf Indhacadde oo caawa lagu afduubtay magaalada Kampala oo uu safar caafimaad ku joogay
-
Kampala 6 okt: Wasiiru dowlihii Gaashaandhigga dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa caawa saacddu markey ahayd 7:40 daqiiqo lagu afduubtay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2009-10-06)
- 8 Sarkaal oo uu ka mid yahay madaxii Sirdoonka G/Dhexe ee Al-shabaab oo is casilay, baaqna soo saray
-
Saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Xarakatu Mujaahidiin Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin madaxii Sirdoonka gobolada dhexe, madaxii Xisbada Iclaamka, madaxii Tasmimta iyo xubno kale oo badan ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen ka mid ahaan-shihii Xarakatu Mujaahidiin Al-Shabaab, isla markaana fidno ku tilmaamay dhiigga lagu daadinayo dalka Soomaaliya, kaas oo ku yimid sida ay ku caddeeyeen baaqa hoos ku qoran oo ay wadajir u soo saareen Amiirada oo ka leexday waddadii jihaadka. Baaqa ay soo saareen Saraakiishaasi oo shabakaddaani ay ka heshay ilo xasaasi ah, waxa uu u qornaa sidatan:
- (2009-10-06)
- Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo sheegay inay dagaalkii xalay & shalay ku jebiyeen Al-Shabaab
-
Afhayeenka Golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam, Ismaaciil Cadoow ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii shalay iyo xalay dhex maray Ururkooda iyo Xarakada Al- Shabaab, kuwaasi oo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo.
- (2009-10-06)
- Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo Kismaayo ku dagaalamay, Muqdishona kula dagaalay AMISOM
-
Kismaayo 5 okt: Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Maliishiyooyinka Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ayaa galabta dib uga dillaacay qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyadoo Maamulka Al-Shabaab ee iminka ka taliya magaalada Kismaayo ay soo bandhigeen Maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalada ku qabteen.
- (2009-10-05)
- Madaxweyenaha Soomaaliya oo Associated Press axaddii waraysatay "muxuu ka hadlay?"
-
Somalia president condemns Minn. terror recruiting
ST. PAUL, Minn. -- The president of Somalia on Sunday denounced the recruiting of young men from Minnesota's huge Somali community for terrorist activity in his war-ravaged homeland, and said he plans to work with the U.S. government to bring those still alive back home.
- (2009-10-05)
- Wasiirka Arr/Gudaha DFKM oo sheegay inay taageero caalami ah u baahan yihiin & warar kale
-
Nairobi 5 okt: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda KMG ee Soomaaliya, C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in dowladda KMG aysan keligeed ka adkaan karin xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, isagoo arrintaas sabab uga dhigay in ciidammada dowladdu aysan awood badan lahayn, sidoo kalena ciidamada AMISOM ay ku kooban yihiin oo kali ah in ay is difaacaan.
- (2009-10-05)
- Concern Grows Over Recruitment of Somali Americans by Islamists
-
Washington 4 okt: The suspected involvement of a young Seattle man in a suicide bombing last month has refocused attention on the recruitment of Somali Americans by Islamist extremists in Somalia and the growing role of al-Qaeda, U.S. counterterrorism officials said.
- (2009-10-04)
- Leader Says Somalia's Plight Is Urgent
-
Washington 4 okt: The president of war-torn Somalia said Friday that he urgently needs help to beat back an insurgency linked to al-Qaeda, adding that he has received only a fraction of the $200 million pledged at a U.N.-sponsored donors conference last spring to support his fragile government's security forces.
- (2009-10-04)
- Toddobaadkan & Caalamka: Dhul-giriir, Dabaylo, Daadad, Duqeymo Madaafiic & warar kale
-
Toddobaadkan ayaa waxa uu ahaa mid ay daafaha caalamka ka dhaceen dhibaatooyin aad u waaweyn oo isugu jirey dhul-gariir, dabaylo, daadad, dagaalo iwm, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 5 kun oo qofood isla markaana ay ku dhaawacmeen kumannaan kun, halka ay ku barakaceen tiro aan la xisaabi karin.
- (2009-10-04)
- Madaxweyne Shariif oo la kulmay Guddoomiyaha Minnieapolis & Jaaliyadda Soomaalida
-
Minneapolis 4 okt: Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo booqanaya magaalada Minasoota ee dalka Maraykanka, ayaa halkaas kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda laga soo doorto magaaladaas ee ku jirta golayaasha kala duwan ee dalka Maraykanka, waxa uu kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Minneapolis oo ay degaan ahaan ku badan tahay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka,
- (2009-10-04)
- Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu dib u dhigayo kaalmadii la gaarsiin lahaa Qaxootiga Soomaalida
-
Muqdisho 3 okt: Sida ay faafisay shabakadda wararka www.shabelle.net oo soo xiganaysa wargeyska New York times, Saraakiil ka tirsan Qaraamada Midoobay ayaa dowladda Maraykanka waxaa ay ku eedeyeen in ay dib u dhigeyso Kaalmooyinka Bini’aadanimada ee loogu talagalay Barakacayaasha Soomaalida.
- (2009-10-03)
- Brazil oo u damaashaaday marti gelinta Cayaraaha Olymbikada & Madaxweyne Obama oo ka niyadjabay
-
Shirweynihii Guddiga Olymbikada Adduunka (IOC) oo lagu qabtay caasimadda dalka Denmark ee Kopanhegan ayaa waxa cod loogu qaaday magaalooyin waaweyn oo ku tartamayey marti gelinta tartanka cayaaraha Olymbikada Adduunka ee sanadka 2016.
- (2009-10-03)
- Maxkamad ku taal Canada oo xabsiyo dheer ku xukuntay dhallinyaro uu ka mid yahay wiil Soomaali ah
-
Cali Maxamed Diiriye oo ah wiil dhallinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, isla markaana haysta dhalashada dalka Canada ayaa Maxkamad ku taal dalka Kanada waxa ay ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyey in ku lug lahaa qorhse la doonayey in lagu weeraro meelo ka mid ah dalka Kanada.
- (2009-10-03)
- Dilal ka dhacay Bandiiradley & Odayaashii u gurmaday oo shil baabuur ay uga dhimatay 4 qofood
-
Mudug 2 okt: Guddoomiyaha koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka GALMUDUG, Xuseen Cabdulle Aw-Cali oo u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda codka Mareykanka (VOA) ayaa sheegay in ay 3 qofood ku dhimatay, labo kalena ay ku dhaawacantay weerar sida uu hadalka u dhigay ay soo qaadeen dabley ka soo jeeday degmada Cadaado, kuwaas oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday degaan miyi ah oo ku yaal meel 40-km u jirta magaalada Bandiiradley.
- (2009-10-02)
- Fadeexadii ugu cuslayd oo la soo daristay masuul ka tirsan xukumada Madaxweyne Rayaale iyo...
-
Hargeysa Friday 2 October: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Mr. Maxamed Diiriye, ayaa waxa la deristay fadeexad culus, kadib markii gelinkii hore ee shalay xafiiskiisa loogu geeyey ilmo bil iyo badh jiray oo la sheegay inuu sifo aan sharci ahayn uga dhalay gabadh ka dhalatay qoys danyar ah oo shaqaale-hoosaad ka ahayd wasaaraddiisa.
- (2009-10-02)
- Xisbul Islaam oo madaxii wacyigelinta looga dilay Beledweyne, kana digay dagaalada Kismaayo
-
Hiiraan 2 okt: War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa lagu dilay gudaha magaaladaasi mas´´uulkii dhinaca wacyi-gelinta u qaabilsanaa Ururka Xisbul Islaam, masúulkaas oo lagu magacaabi jirey Aadan Cabdisalaam Cabdi.
- (2009-10-02)
- Ciidammada AMISOM oo mar kale maanta xasuuqay shacabka Muqdisho
-
Muqdisho 2 okt: Ciidammada Cadowga ah ee ka kala socda dalalka Ugandha iyo Burundi ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa maalintii 3-aad waxa ay madaafiic ku xasuuqeen tiro ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo degaanka ku leh suuqa bakaaraha.
- (2009-10-02)
- Qaar ka mid ah Ciidammada AMISOM oo la xaqiijiyey inay nafaqo-darro u dhinteen
-
Muqdisho 2 okt: Sida aanu ka soo xiganay shabakadda wararka Hiiraan.com Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Uganda, Crispus Kiyonga ayaa sheegay in Midowga Yurub uu hakiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
- (2009-10-02)
- Shirkad ay ilaalo ka yihiin Ciidammada Itoobiya oo Macdan ka qodanaysa gudaha Soomaaliya
-
Cabudwaaq 2 okt: Guud ahaan Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa si wadajir ah waxa ay qaylo-dhaan uga soo saareen boob iyo dhac bareer ah oo Ciidammada Itoobiya ay ku hayaan khayraadka dabiiciga ah ee degmadaasi.
- (2009-10-02)
- Dagaaladii Kismaayo oo qaboobay iyo dhaawacyo aad u badan oo la gaarsiiyey Isbitaalada
-
Kismaayo 1 oktober: Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay magaalada Kismaayo oo ay saaka ku dagaalameen qaar ka mid ah dagaal-oogayaasha adeegsanaya magacyada diinta oo bilihii ugu dambeeyey marba gobol ku xasuuqaya shacabka degaanka ayaa muujinaya in ay deggan tahay magaaladu.
- (2009-10-01)
- Wasiirada Difaaca Midowga Yurub oo isku raacay qorshe ciidamo loogu tababarayo Soomaaliya
-
Göteburg 30 sept: Madaxdii ka qeyb-gashay shirkii Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay isku raaceen qorshe ay ku tilmaameen mid heer Caalami ah oo dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ciidamo loogu soo tababarayo dalalka dibedda.
- (2009-09-30)
- Rasaas xoog leh oo laga maqlayo caawa bartamaha magaalada Kismaayo
-
Kismaayo 29 sept: Daryaanka rasaas aad u culus ayaa mar qura caawa ka billaabatay gudaha magaalada Kismaayo oo malmihii ugu dambeeyey ay ka jirtey xiisad colaadeed oo u dhexeysa maamulkii hore ee magaaladaasi oo iyagu sheegay maalmo ka hor inay la midoobeen Ururka Al-Shabaab iyo xoogag taabacsan Xisbul Islaam iyo Mucasarka Raaskambooni oo uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Axmed-Madoobe oo ka tirsanaan jirey Midowgii Maxkamadihii Islaamiga.
- (2009-09-29)
- Well-loved Japanese table tennis player Ai Fukuhara shoots ads in China
-
Ai Fukuhara, a Japanese female table tennis player who is very popular in both Japan and China, came to China to shoot an advertisement for a Japanese company. The company is not well known in China, and therefore it chose Fukuhara as its Chinese spokesperson because she is a household name in China.
- (2009-09-29)
- Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo cambaareeyey xasuuqii Askarta AMISOM geysteen shalay
-
Muqdisho 29 sept: Odayaal Dhaqameedyo ka kala socday beelaha Soomaaliyeed oo maanta shir degdeg ah isugu yimid ayaa waxa ay si weyn cambaareeyeen duqayntii arxan darada ahayd ee ay shalay Ciidammada AMISOM u geysteen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo lo cuskan karay duqeyntaasi oo u muuqatay inay ujeeddadeedu ahayd in la laayo shacabka Soomaaliyeed oo keli ah.
- (2009-09-29)
- What Kind Of Problems is The National Football Squad Facing?
-
MOGADISHU: The Somali football team players are warming themselves up at the open grounds of the Somali police force academy, preparing for [CECAFA senior Challenge Cup] which will be held in the Kenyan capital Nairobi.
It was one early morning when staff from Isboorti.com have visited at the grounds were the Somali national team is having its training, - (2009-09-28)
- Al-Shabaab oo maanta xerada Maslax ku toogtay 2 nin oo ay Basaasnimo ku eedeeyeen
-
Muqdisho 28 sept: Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta waxay xeradii Ciidammada Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha ku toogatay labo nin oo ay eedeeyeen falal basaasnimo, kuwaas oo ay sheegeen inay u basaasayeen Ciidammada Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa AMISOM.
- (2009-09-28)
- Wasiirada Gaashaandhigga Midowga Yurub oo ka shiraya tababar-siinta Ciidammada Soomaaliya
-
Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhigga qaar ka mid ah dalalka reer Yudub ayaa la sheegayaa in ka fiirsanayaan tababarsiinta ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya, kuwaas o loo diyaarinayo inay la dagaalamaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah.
- (2009-09-28)
- Iiraan oo Gantaalaha riddada gaaban tijaabisay
-
Iran ayaa sheegtay in ay si guul ku dhammaatay u tijaabisay gantaallo riddo gaaban, taas oo qeyb ka ahayd cayaarsiis militeri oo ay sameeyeen Ilaalada Kacaanka ah.
- (2009-09-27)
- Kismaayo oo la sheegay inay la wareegeen Ciidamo taabacsan Xasan-Turki (Xigasho Somaliweyn.com)
-
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la wareegay ciidamo taabacsan Sheekh Xasan Tukey oo ka mid ah mas'uuliyiinta ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira dowladda Somalia si ay xukunka uga tuuraan.
- (2009-09-27)
- Jaamacadda Carabta oo sheegtay in aan hal dhinac xallin karin dhibaatada Soomaaliya
-
Addis-Ababa 27 sept: Wakiilka Ururka Jamaacadda Carabta u fadhiya magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya islamarkaana u qaabilsan arrimaha Ururka Midowga Africa, Axmed Salaaxudiin ayaa baaq uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaalka dib u heshiisiineed ee ku wajahan xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo uu caddeeyey in aysan suurto gal ahayn in hal dhinac isku koobo xallinta dhibaatada Soomaaliya oo uu sheegay inay muddo dheer soo jiitamaysay.
- (2009-09-27)
- Booliiska Puntland oo qaaday Meydadka dhallinyaro xalay lagu dilay Gaalkacyo
-
Gaalkacyo 27 sept: Subaxnimadii hore ee saaka ayaa lagu arkay labo nin oo Meyd ah Qabuuraha lagu magacaabo Cirjiife ee ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kuwaasi oo la sheegay in la soo dhigay habeenkii xalay ahaa, iyadoo korkooda ay ku taal rasaas.
- (2009-09-27)
- Xiriirka K/Cagta oo qurbaha ka soo xushay ka qeyb-galayaasha seminaarka FIFA ku qabanayso Jabuuti
-
Muqdisho 26 sept: Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta oo ka faaiideysanaya barnaamijka horumarinta farsamada Kubbadda Cagta ee Xiriirka K/Cagta Adduunka (FIFA) ugu talo galay Qaaradda Africa, ayaa la sheegay inuu soo dhameystiray qorshe seminaar loogu qabanayo tababarayaal Soomaaliyeed dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
- (2009-09-26)
- Caasha Xaaji oo ka mid noqotay 6 qofood oo la guddoonsiiyey abaalmarino caalami ah
-
Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Bill Clinton, ayaa abaal-marinta Glopal Citizenship waxaa uu guddoonsiiyay ilaa lix qofood oo ay hey'addiisu ku qiimeysay in ay muujiyeen geesinnimo iyo hoggaan wanaagsan.
- (2009-09-26)
- Guddoomiyaha G/Hiiraan oo sheegay inuu ku biiray Ururka Xisbul Islaam
-
Hiraan 24 sept: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/raxmaan Ibraahim Macow oo dhowaan ku dhawaaqay in isaga iyo maamulkiisu ay taageeradii kala noqdeen dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray Ururka Xisbul Islaam., isagoo go'aankiisa ku sababeeyey mid uu ugu daneynayo shacabka reer Hiiraan.
- (2009-09-24)
- Golaha Guurtida Somaliland oo berri ka doodaya muddo kordhinta Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisa
-
Hargeysa 24 sept: Kal-fadhigii maanta ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo looga doodayey muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa waxaa lagu ballamay in ay berito oo Jimca ah mar kale la isugu yimaado si ay halkaasi uga sii socoto doodda ku saabsan ajandahaaasi.
- (2009-09-24)
- Xasan-Turki oo ka soo horjeestay mamulka Kismaayo looga dhawaaqay & Al-Shabaab
-
Khamiis 24 sept: Xasan C/laahi Xirsi (Xasan-Turki ) oo ka mid ah hoggaamiye diimeedyada sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’iid oo dhinaca qadka taleefoonka u qabtay qaar ka mid ah bahda saxaafadda gudaha ayaa waxa uu sheegay in uu si wayn kaga biyo diidsanyahay oo uu ka soo horjeedo hadal shalay ka soo baxay Maamulka gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo iyagu sheegayay in ay la midoobeen Maamulada kale ee ka jira gobolada Jubooyinka ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shaab.
- (2009-09-24)
- Madaxweyne Obama oo markii ugu horreysay hadal ka jeediyay Golaha Guud ee Qarammada Midoobay
-
New-York 23 sept: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Omaba ayaa markii u horreysay waxa uu khudbad ka jeediyey fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ballan qaaday in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu bog cusub u furo iskaashi caalami ah.
- (2009-09-23)
- Golayaasha Somaliland oo maanta shirar xasaasi ku yeeshay Hargeysa
-
Hargeysa 23 sept: Golayaasha Guurtida iyo kan Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta shirar ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay kaga doodeen mooshin ku saabsanaa xil ka qaadis ay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in lagu sameeyo Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin.
- (2009-09-23)
- India ayaa hawada sare u dirtey Roket xambaarsan 7 dayax gacmeed
-
Bambai 23 sept : Dowladda India ayaa hawada sare u dirtey markii 16-aad Roket xambaarsan 7 dayax-gacmeed oo mid ka mid ah ay iyadu leedahay, kaas oo ah nooca hawada fog wax ka dareema, iyadoo ay wehliyeen dayax-gacmeedka Indiya tiro kale oo dayax-gacmeedyo yar yar oo ay leeyihiin dalalka Turkiga, Jarmalka iyo Switzerland.
- (2009-09-23)
- Dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya & Mucaaradka oo iksu eedeeyey dagaladii & duqeyntii shalay
-
Muqdisho Dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa midba midka kale dusha u saaray khasaaraha dagaaladii shalay gelinkii danbe ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.
- (2009-09-23)
- Guddoomiyaha Olymbikada Soomaaliya oo weli ku guda jira kulamadii qurba-joogta isboortiga
-
Talaado 22 sept: Guddoomiyaha Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed,Adan Xaaji Yabarow (Wiish) iyo wafdi isboorti oo uu hoggaaminayo oo beryahaan booqanayey qaar ka midi ah dalalka waqooyiga Yurub ayaa shalay waxa uu magalaada Stockholm kula kulmay bahda isboortiga Soomaalida ee ku nool dalka Sweden, isagoo kala hadlay horumarinta isboortiga iyo wax wada qabsiga dhexdooda ah iyo weliba sidii ay u caawin lahaayeen bahweynta isboortigha Soomaaliyeed ee ku howlan horumarita cayaaraha gudaha dalka Soomaaliya.
- (2009-09-22)
- Dad Soomaali u badan oo ku baabaáy Doonyo kula degay xeebaha Yemen
-
Talaado 22 sept:Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxooti tiradoodu kor u dhaaftay 60 qofood ay ku dhinteen xeebaha dalka Yemen kaddib markii ay la degeen Doonyihiin ay la socdeen markii ay gaareen biyaha gacanka cadmeed.
- (2009-09-22)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Guurka & Cuntada ku saabsan
-
Guurka & Adaabta Cuntada:
Suáal 331-aad: Maxaa laga faaíideysanayaa xaddiiska Cumar ibn Abii-Salama ee Nabigu (s.c.w.) ku yiri midigta wax ku cuna, meesha ku xigtana ka cun?
Jawaab 331-aad: In Sharcigu aad ugu dadaalayo in carruurta yar-yar la baro adaabta Islaamka. (Daliil: Xaddiiska 901-aad cutubka Waliimada). - (2009-09-21)
- Madaxweynaha Dowladda FKM & wafdi la socda oo u socdaalay Sacuudiga iyo dalal kale
-
Muqdisho 21 sept: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka booqasho tacsi ah ugu tegay saraakiisha iyo ciidammada AMISOM ee ku sugan dugsigii tababarka Xalane ee duleedka garoonka diyaraadaha magaalada Muqdisho ka hor intii uusan u ambabixin socdaal uu dibedda ugu ambabaxay maanta.
- (2009-09-21)
- Kooxaha Mucaaradka oo saaka weeraray ciidammada dowladda oo ku sugnaa degaanka Xoosh
-
Muqdisho 21 sept: Salaaddii subax ee waqtiga magaalada Muqdisho ayaa kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen goob ay fariisin ku lahaayeen ciidammada dowladda, halkaas oo uu ka bilowday dagaal la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
- (2009-09-21)
- Madaxweynaha dowladda FKM & Guddoomiyaha Xisbul Islaam oo hadalo jeediyey munaasabadda Ciidda
-
Muqdisho 20 sept: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo la hadlayay Bahda Warbaahinta ayaa waxa uu hambalyo farxadeed hawada u mariyey dhammaan shucuubta muslimiinta, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda kala duwan.
- (2009-09-20)
- Ciid Mubarak (Soomaaliya oo laga arkay bisha) "Xigasho shabelle.net"
-
Goobjoogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa goordhow Idaacada Shabelle u sheegay in ay arkeen galabta Bisha Soon fureed taasoo ka dhigaysa in Malinta Berri ah ay tahay Maalin Ciidaad.
- (2009-09-19)
- Ururka Midowga Africa oo caalamka ka codsaday in hub dheeraad ah la siiyo dowladda Soomaaliya
-
Addis-Ababa 19 sept: Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay beesha caalamka in hub dheeraad ah loo diro dowladda KMG ah ee Soomaaliya, si looga caawiyo inay la dagaallanto kooxaha Islaamiyiinta ee soo horjeeda jiritaanka dowladda iyo joogitaanka ciidammada Africa.
- (2009-09-19)
- Taliyayaasha Ciidammada DFK Soomaaliya oo ka warbixiyey qaraxyadii lagu laayey askarta AMISOM
-
Muqdisho 19 sept: Talisyada Ciidammada Militeriga iyo kuwa Booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sharraxaad ka bixiyeen Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee dhowaan lala beegsaday Xarunta Ciidammada AMISOM ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen inta la hubo 21 qofood oo 17 ka mid ahi ahaayeen Saraakiil iyo askar ka tirsan AMISOM, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afartameeyo qofood oo isugu jira saraakiil Ciidammada Booliiska dowladda kumeelgaaerka ah iyo ciidammada AMISOM.
- (2009-09-19)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Guurka ku saabsan
-
Guurka:
Suáal 321-aad: Muxuu sameyn karaa qofka markuu guursado kaddib ogaada cudur aanan horay loogu sheegin?
Jawaab 321-aad: Qof walba guurka wuu ka noqon karaa cudur awgiis. (Daliil: Xaddiiska 864-aad cutubka Kufta iyo Doorashada) - (2009-09-18)
- Gaffel Nkolokosa "qaraxyadii shalay waxaa ku dhintay 17 askari oo AMISOM ah & 4 Soomaali ah"
-
Muqdisho 18 sept: Afhayeenka dhanka Howlgalada Ciidammada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, Gaffel Nkolokosa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay 21 qofood ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta aha ee shalay lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
- (2009-09-18)
- Booliiska Ingiriiska oo qabtay daroogo fara badan & warar kale oo caalamka ku saabsan
-
London 18 sept: Ciidammada Ilaalida Kastamada dalka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay daroogadii ugu badnayd ee taariikhda laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London.
- (2009-09-18)
- 9 Sarkaal oo ka tirsan ciidmmada AMISOM oo ku dhintay Qaraxii maanta
-
Muqdisho 17 sept: Sagaal ka mid saraakiisha AMISOM ayaa maanta ku dhintay Muqdisho, ka dib markii Shabaab ay laba weerar oo is qarxin ah ay ku qaadday xarunta AMISOM oo ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo qaar Soomaali ah.
Taliyaha xigeenka ciidammada AMISOM, ayaa ka mid ah saraakiishaku dhintay weerarka.
- (2009-09-17)
- Dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho
-
Muqdisho 17 sept: Dagaal loo adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ay barbar socoto duqeyn aad u culus ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee koonfurta magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xoogagga hubaysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda & joogitaanka ciidammada AMISOM ee dalka Soomaaliya.
- (2009-09-17)
- Al-shabaab oo sheegatay qaraxyadii maanta lala beegsaday xarunta AMISOM ee Muqdisho
-
Muqdisho 17 sept: Xarakada Al-Shabaab, ayaa qiratay in ay ka dambeeyeen weerar isqarxin ah oo loo adeegsaday laba baabuur oo lagu qaaday xarunta dugsigii tababarka Xalane ee saaran garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ahayd saldhigga ugu wayn ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
- (2009-09-17)
- Xarunta AMISOM oo la qarxiyay
-
Muqdisho 17 sept: Xarunta AMISOM, ee garoonka dayaaradaha ee Muqdisho ayaa saaka goor dhow waxaa ka dhacay laba qarax oo aad u culus.
Dad agagaarka ka dhowaa ayaa BBC-da u sheegay in la arkayay qiic ka baxaya meesha qaraxu ka dhacay qiicaas oo gaaray xaafado kale.
- (2009-09-17)
- Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyey koobkii Ramadaanka ee Kubbadda Miiska
-
Waxaa la soo gebogebeeyey tartankii koobka kubbadda miiska ee ciyaartoyda kala duwan ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo ciyaartoydii kaalimaha fiican ka soo galay la guddoonsiiyey Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar. Kaalinta 1-aad ee wiilasha waxaa galay Abdirizak Farah, kaalinta 2-aad Nuradin Jamal, 3-aadna Ibrahim Omar, halka lammaanaha wiilasha ay ku guuleysteen Hassan Ahmed & Amin Mahdi. Kaalinta 1aad ee gabdhaha waxaa galay Yasmin Farah, 2aad Asma Abdirahman, 3aadna Roda Zakariya.
Dalka Jabuuti ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxa uu horumar weyn ka gaaray ciyaarta kubbadda Miiska, taas oo ku timid dadaalka aan kala joogsiga lahayan ee Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Miiska Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Farah Hassan Farah oo lagu tilmaamo inuu yahay aas-aasihii Kubbadda Miiska Jabuuti.
Farah waxa uu iminka xubin ka yahay Golaha Kubbadda Miiska Qaaradda Africa, waana nin habeen iyo maalin u soo jeeda horumarinta Kubbadda Miiska Jabuuti. (daawo sawirada koobkii Ramadaanka).
- (2009-09-17)
- Qaramada Midoobay oo baaraysa Abuukar Cadaan, Maxamed Deylaaf & C/qaadir Enow (Xigasho VOA)
-
New York 17 sept: Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka xadgudubyada ka dhanka ah cunaqabateynta caalamiga ee xagga hubka, ayaa baaritaan ku sameynaya ugu yaraan saddex ganacsade oo Somaali ah, ganacsatadaas ayaa qandaraaska ka qaata hey’ado ay kamid tahay WFP.
Ganacsatada ayaa looga shakisan yahay inay raashinka deeqda ah iyo waliba taageero kale siiyaan kooxaha dagaalka kula jira DKMG ah iyo AMISOM.
- (2009-09-17)
- Xarakatu Al-Shabaab oo soo bandhigay shuruudo ku saabsan sii deynta Sarkaalkii Faransiiska ahaa
-
Muqdisho 17 sept: Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xarakatul Mujaahidiin Al-Shabaab ayaa waxa ay soo saareen war saxaafadeed qoraal ah oo ay kaga hadlayaan sii deynta sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay gacanta ku hayeen bilihii la soo dhaafay kaddib markii isaga iyo sarkaal kale oo isna Faransiis ahaa oo u yimid Muqdisho inay dowladda kumeelgaarka ah u tababaraan ciidamo gaar ah laga qafaashay hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho, iyadoo war saxaafadeedka Xarakatu Mujaahidiin Al-Shabaab uu u qornaa sidatan:.
- (2009-09-17)
- Afhayeenka AL-Shabaab "Abuu Yuusuf & Ilaaladiisa iyagoo dhaawac ah ayey wateen Ciidanka Mareykanku"
-
Muqdisho 16 sept: Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in uusan dhiman Saleh Cali Saleh Nabhan oo ay Ciidamada Mareykanka duqeeyeen baabuur uu saarnaa oo marayey meel u dhow magaalada Baraawe 3 maalmood ka hor.
- (2009-09-16)
- Madaxweynaha DFKM oo kulan xasaasi ah la yeeshay Raíisul Wasaaraha & Golihiisa Wasiirada
-
Muqdisho 16 sept: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kula qaatay kulan xasaasi ah Golaha Wasiirada ee dowladdiisa, kulakaasi oo looga hadlayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay ammaanka iyo nabadgelyada dalka.
- (2009-09-16)
- Wasiirka Arrimaha Guaha DFKM oo sheegay inay wax ka qabanayaan ammaan laáanta dalka ka jirta
-
Muqdisho 15 sept: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda KMG Soomaaliya, Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo maanta Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay ammaan darida ka jirta dalka Soomaaliya.
- (2009-09-15)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Guurka ku saabsan
-
Suáal 316-aad: Muxuu ninku ka sameyn shardiga ay gabadhu qabsatay markii la nikaaxinayay?
Jawaab 316-aad: Waa in loo oofiyaa shardigaas haddii uusan Sharciga ka hor imaanayn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 847-aad qaybta Guurka).
- (2009-09-15)
- Telefishinkak ABC-news oo sheegay in Mareykanku ku dileen weerarkii shalay Saleh Ali Babhan
-
Talaado 15 sept: Telefishinka ABC oo soo xiganayey saraakiil dhinaca sirdoonka dalka Mareykanka ah oo ka warbixinayey weerarkii shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ku qaadeen gaadiid marayey waddada isku xirta gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya ayaa shaaaca ka qaaday in ay Ciidamada Kumaandoosta Mareykanka ay weerarkas ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Qaacidda oo FBI-da Mareykanka ugu jiray liiska argagixisada.
- (2009-09-15)
- Diyaarado aan la aqoon oo duqeeyey baabuur marayey agagaarka Baraawe
-
Baraawe 14 sept: Dhowr diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen baabuur marayey waaddada laamiga ah ee isku xirta Baraawe iyo Kismaayo, iyadoo wararku xaqiijinayaan in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 2 qof oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo duqeynta kaddib ay diyaaradahaasi dhulka u soo degeen isla markaana qaateen meydadkii raggii ay ku dileen duqeynta, iyadoo warkaan oo ay faafiyeen wakaaladaha wararka adduunka qaarkood uu u qornaa sida hoos ku qoran iyadoo xogta qaarkeed aan ka soo xiganay dad ku sugan magaalada Baraawe, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in weerarkaasi uu ku dhintey sarkaal ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya. Sii akhri warka wakaaladaha oo english ah.
- (2009-09-14)
- UEFA Champions League preview
-
The race for a place in next May's UEFA Champions League final at the Estadio Santiago Bernabeu begins on Tuesday evening, when the group phase gets under way. With the exception of Roma and Valencia, all the continent's major clubs are in contention for a title that was won in thrilling fashion by Barcelona last season.
- (2009-09-14)
- Iiraan oo oggolaatay in hubkeeda nukliyeerka laga wada hadlo bisha oktoober 2009
-
Tehran 14 sept: Dowladda dalka Iiran ayaa shaaca ka qaaday in bisha soo socota ee oktoobar ay albaabada u fureyso wada hadalo dhinaca hubkeeda Nukliyeerka ah oo ay la yeelanayso lixda dal ee caalamka ugu awoodda badan, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo dalalka awooda badan.
- (2009-09-14)
- Mudane ka tirsan Xisbiga Udub oo eedeyn u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland
-
Hargeysa 14 sept: Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo waraysi siinayey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Mudanayaasha Somaliland ay ku howlan yihiin diyaarinta mooshin xilka looga wareejinayo Madaxweynaha maamulka Somalialand, Mr. Daahir Riyaale Kaahin,.
- (2009-09-14)
- Rabshadihii dalka Ugandha oo lagu dilay 14 qof, 82 lagu dhaawacay 640 kalena xabsiyada la dhigay
-
Kampala 13 sept: Ilaa 14 qofood ayaa Ciidammada Booliisku dileen isla markaana 640 qofood oo kale ayaa xabsiyada la dhigay magaalooyinka Kampala iyo Kasubi ee dalka Ugandha oo ay hareeyeen dibadbaxyo rabsho wata labadii maalmood ee la soo dhaafay sida lagu helayo warar ka soo baxay dhinaca Booliiska dalkaasi.
- (2009-09-13)
- Ciidammada AMISOM oo xalay laayey Geel aan hubeysnayn
-
Muqdisho 13 sept: Ciidammada Ururka Midowga Africa ee howlgalka loo bixiyey AMISOM ku jooga qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa xalay weerar hubeysan ku qaaday Geel Soomaaliyeed oo aan hubeysnayn isla markaana weerarkaas ku dilay 11 neef oo Geel ah.
- (2009-09-13)
- Rabshado ka dhacay magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen 2 qof, 7 kalena ku dhaawacmeen
-
Hargeysa 12 sept: Maanta magaalada hargeysa waxaa ku dhintay laba ruux, ka dib markii ay booliisku rasaas ku fureen dad muddaaharaadayay oo taageersan mucaaradka.
- (2009-09-12)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Guurka ku saabsan
-
Guurka:
Suáal 311-aad: Galmada dhex martay nin iyo haweenay wali laáan isguursaday, ma lagu tilmaami karaa ZINO?
Jawaab 311-aad: Maya, laakiin nikaaxoodu waa baadil. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
- (2009-09-12)
- Dagaal Madaxtooyada ka dhacay saaka & Xildhibaano eedeeyey Wasaaradda Maaliyadda DFKM
-
Muqdisho 12 sept: 2 Qofood ayaa ku dhimatay 5 kalena waa ku dhaawacntay dagaal maanta ka dhex dillaacay ciidammada Ilaalada Madaxtooyada dowladda kumeelgarka ah ee Soomaaliya iyo Ciidammada Milateriga isla dowladda ku meelgaarka ah.
- (2009-09-12)
- War degdeg ah (Xasuuq caawa loo geystay Maatidii ku jirtey Isbitaalka Martiini ee Muqdisho
-
Muqdisho 11 sept: War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 6 qofood ay ku dhimatay isla markaana 10 kale ku dhawacantay kaddib hoobiyeyaal ku soo dhacay Isbitaalka Martiini oo hooy u ahaa maati badan oo ay ka mid ahaayeen Naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xaasaskoodii.
rasmi ahaan looma oga cidda ka dambeysa xasuuqaan caawa loo geystay Maatidii ku jirtey Isbitaalka Martiini, hase yeeshee waxaa cad in hoobiyahaas ay soo rideen dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo caadeystay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
- (2009-09-11)
- Booliiska G/Banaadir oo u hanjabay Mucaaradka & warar ku saabsan Hiiraan, Sh/Dhexe & Galgaduud
-
Muqdisho 11 sept: Taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa uu sheegay in aysan kuwada sugnaanayn Magaalada Muqdisho iyaga iyo xoogagga ka soo horjeeda dowladda.
- (2009-09-11)
- Bartamaha Washington oo Dooni lagu rasaaseeyey & Pakistan oo xabsiga dhigtey saraakiil Talipan ah
-
Washington 11 sept: Iyadoo maanta dalka Mareykanka looga baroor-diiqayey dadkii tirada badnaa ee ku dhintey qaraxyadii magaalooyinka New York iyo Washington 11 september sanadkii 2001 oo ay ka soo wareegatay 8 sanadood ayaa Ciidammada Ilaalada Xeebaha dalka Mareykanku waxa ay rasaas huwiyeen maanta Dooni maraysay bartamaha magaalada Washington kaddib markii ay ka shakiyeen.
- (2009-09-11)
- Midowga Africa oo soo saaray war saxaafadeed ku saabsan khilaafka doorashooyinka Soomaaliland
-
Addis-Ababa 11 sept: War murtiyeed laga soo saaray xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nikolas Buwakira ayaa si weyn loogu cambaareeyay is-qabqabsiga ka dhexeeya Xisbiyada siyaasadeed ee isku maan-dhaafsan qaabka loo qabanayo doorashooyinka Madaxtinimada Maamulka Somali-land, kaas oo dhawr dib loo dhigay.
- (2009-09-11)
- Aadan Garaase oo ka warbixiyey shirkii Matabaan ay kula yeesheen Ahlu Sunna Waljameeca
-
Hiiraan 11 sept: Xubnihii maamulka dowladda KMG Soomaaliya oo wararka qaar sheegayaan inay baqo-carar uga baxeen magaalada Baladweyne ayaa waxa ay shir kula yeesheen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan maamulka & saraakiisha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee iyagu ka taliya inta badan gobolka Galgaduud.
- (2009-09-11)
- Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya oo maanta gaaray Soomaaliland
-
Hargeysa 10 sept: Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray caasimadda Soomaaliland ee Hargaysa.
- (2009-09-10)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Guurka ku saabsan
-
Guurka:
Suáal 302-aad: Guurka xukunkiisa waa sidee?
Jawaab 302-aad: Wuxuu waajib ku yahay dhallinyarada muslimiinta ee awoodda guurka. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 824-aad qeybta guurka). - (2009-09-10)
- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa sheegay in Soomaali badan laga sii daayey xabsiyada
-
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa sheegay war ay aad ugu farxeen waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo caruurtoodii muddo dheer ku jireen xabsiyada dalka Liibiya, hase yeeshee uu Safiirku sheegay in oodda laga qaaday 502 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo uu sheegay in badankooda laga qab-qabtay gudaha dalka iyagoo doonayey inay Doonyo ka raacaan si ay ugu tallaabaan qaaradda Yurub.
- (2009-09-10)
- Dowlado kala saxiixday heshiis lagula dagaalamayo burcad-badeedda Soomaaliya & warar kale
-
Dowladaha Maraykanka, Britain, Jabaan, Singabuur iyo Jasiiradda Qubrus ayaa wararku sheegayaan inay saxiixdeen qorshayaal caalami ah oo ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dalalkaasi ay sheegeen in ay khatar ku hayaan Maraakiibtooda isticmaasha marinka xeebaha dalka Soomaalaiyeed iyo weliba gacanka cadmeed.
- (2009-09-10)
- Madaxweynaha DFKM Soomaaliya & wafdi la socda oo Jabuuti u dhoofay
-
Muqdisho 9 sept: Madaxweynaha dowladda dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya , Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maata waxa ay ka ambabaxeen garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay u dhoofeen Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay kulan kula qaadan doonaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
- (2009-09-09)
- UK reporter freed in Afghanistan (NATO oo xoog ku soo furatay weriyihii New-york times)
-
Weriye u dhashay dalka Britain oo isaga iyo turjumaankiisa oo u dhashay dalka Afqanistaan afduub loogu haystay dalka Afqanistaan ayaa ciidammada NATO waxay ku soo furteen si xoog ah.
Weriyahaan oo lagu magacaabo Stefen Farrell oo u shaqeynayey wargeyskak New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka waxaa isaga iyo turjumaankiisa oo reer Afqanistaan ah lagu qafaashay dalka Afqanistaan maalinimadii sabtida ee aanu soo dhaafnay, iyagoo isku deyayey inay booqdaan goobaha ay ciidammada NATO ka fuliyeen duqeynta dhanka cirka ah, hase yeeshee turjumaankii reer Afqanistaan waxaa dilay dagaalyahanada Talipan intii uu socday howlgalku, waa sida ay ku warrameen warfaafinta dibedda dalka Afqanistaan. Sii akhri warka oo english ah - (2009-09-09)
- Ciidammada Badda dowladda KMG oo tababar loo soo xirey & kuwo cusub oo tababar loo fureyo
-
Muqdisho 8 sept: Taliska ciidamada Badda ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay tababar u soo gaba gabeeyeen dhallinyaro gaaraysa 500 oo askari oo loo diyaairyey inay aas-aas u noqdaan ciidamada Badda ee dowladda KMG ee soomaaliya isla markaana ay la dagaalamaan burcad-badednimada ku baahday xeebaha dalka Soomaaliya.
- (2009-09-08)
- Kalfadhigii G/Wakiilada Somaliland oo buuq & gacan ka hadal ku dhammaaday maanta
-
Hargeysa 8 sept: Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta ayaa waxa uu ku bilowday kuna dhammaaday buuq iyo qaylo gacanta la iskula tegay oo ay Mudanayaashu u kala safteen dhinacyada xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaradka.
- (2009-09-08)
- Beckham talks return to Europe
-
David Beckham has opened the door for a return to the Premier League. The 34-year-old will win his 114th England cap tomorrow night if introduced during the 2010 FIFA World Cup South Africa™ qualifier with Croatia at Wembley.
But if he is to remain at the forefront of Fabio Capello's plans for the world finals, Beckham knows he must return to Europe. A short-term deal is already in place for the midfielder to join AC Milan once more.
- (2009-09-08)
- Ciidammada Badda Jarmalka oo xeebaha Soomaaliya ku diley nin Soomaali ah
-
Talaado 8 sept: Ciidamada badda ee dalka Jarmalka oo ka mid ah ciidammada caalamaiga ah ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa rasaas ay ku fureen Dooni ay saarnaayeen dad Soomaali ahi waxa ay ku dileen hal nin oo Soomaali ah, kaas oo ay sheegeen inay uga shakiyeen burcad-badeednimo.
- (2009-09-08)
- Tehran 'ready for global talks'
-
Iran's president has ruled out any discussion of its "undeniable" right to nuclear energy, but proposed talks with global powers on its peaceful use.
Speaking at a news conference, Mahmoud Ahmadinejad also proposed a public debate with President Barack Obama of the United States, Iran's main foe.
- (2009-09-07)
- Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ramadi oo geystay 7 qof oo dhimasho ah & dhaawacyo badan
-
Ramadi 7 sept: Ugu yaraan 7 qofood ayaa ku dhimatay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo qof is-miidaamiyey ku qarxiyey magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq sida laga soo xigtay ciidammada Booliiska dalkaasi.
- (2009-09-07)
- Raiisul Wasaaraha DFKM Soomaaliya & wafdi la socda oo Muqdisho ku soo laabtay maanta
-
Muqdisho 5 sept: Raiisul Wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cuar Cabdirashiid iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta gelinkii dambe waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Caden-cadde.
- (2009-09-06)
- Baro Tobanka Asxaabi ee Jannada loogu bishaareeyey (Alle ha ka raali noqdee dhammaantood):
-
Walaalka/Walaasha Soomaaliyeed ee muslimka ahoow, waa muhiim inaad barato magacyada Rusushii Alle, taariikhdooda iyo weliba saxaabadii iyagoo nool loogu bishaareeyey Jannada Alle ee aan qof kasta heli karin. Ha ku mashquulin barashada jilayaasha aflaanta, ciyaartoyda iyo kuwa dharka xayeysiiya ee ku mashquul oo baro saxaabada iwm.
- (2009-09-06)
- Wasiirka Gaashaandhigga Ugandha oo sheegay in Ciidankoodu weerari karo mucaaradka Soomaalida ah
-
Kampala 6 sept: Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Midowga Africa uu dib u eegis ku sameeyey awoodda howlaha military ee Ciidammada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya, waxa uuna u ogolaaday ciidamada Uganda in ay weerari karaan Xoogagga Hubaysan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada shisheeye ee dalka Soomaaliya.
- (2009-09-06)
- 800 dalxiise oo laga soo badbaadiyey & 88 kale oo lagu laýahay Markab kula degay dalka Filipiin
-
Zamboanga 6 sept: Markab nooca rakaabka ah oo ay saarnaayeen ilaa 900 oo qofood oo dalxiisayaal ah ayaa xalay waxa uu ku degay koonfurta dalka Filipiin.
- (2009-09-06)
- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sheegay in wada hadalo u socdaan Mucaaradka
-
Muqdisho 5 sept: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay ku soo biireen qaar ka mid ah xoogagga hubaysan ee ka soo horjeeda iyadoo sidoo kalana tilmaamtay in wax laga badalayo sharcigii AMISOM ay ku joogeen Soomaaliya.
- (2009-09-05)
- Madaafiic saaka dad ku dhaawacday Holwadaag & xaafadihii xalay lagu dagaalamay oo la isku horfadhiyo
-
Muqdisho 5 sept: Waxaa weli rasaas goos goos ah laga soo sheegayaa goobihii ay xalay ku dagaalameen ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogagga mucaaradka hubeysan ah ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda iyo joogitaanka ciidammada shisheeye ee dalka Soomaaliya.
- (2009-09-05)
- Bonus row opens up G20 divisions
-
Deepening divisions are appearing among international finance ministers, meeting in London, about how to curb excessive bank bonuses.
French Finance Minister Christine Lagarde has promised to launch an "onslaught" against large payouts.
The UK has dismissed the idea, while other countries remain concerned about how best to recover from the recession.
The issues are set to dominate a meeting of the G20 group of leading developed and emerging economies.
- (2009-09-05)
- Man charged on US trailer deaths
-
Police have charged a man with killing eight people - including seven of his relatives - at a mobile home in the US state of Georgia.
The suspect, Guy Heinze Jr, 22, had called the emergency services to say he found the bodies on returning home.
Glynn County Police Chief Matt Doering said he was charged with the killings after new evidence came to light, but would not go into details.
- (2009-09-05)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Salaadaha ku saabsan
-
Suáal 128-aad: Waw maxay sababta looga dhigay salaadda Fajarka 2 rakcadood?
Jawaab 128-aad: In Quráanka lagu tukanayo la dheereeyo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 341-aad cutubka salaadda safarka & qofka xannuunsan). - (2009-09-05)
- Golaha Dhaqanka Hawiye oo xabbad joojin ugu baaqay maliishiyooyinka degaanka Xarardheere isku haya
-
Muqdisho 4 sept: Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye u qaabilsan dhinaca Dhaqanka, Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ku hadlayey magaca golahaasi ayaa ugu baaqay xabbad joojin dhinacyada ku dagaalamaya degaano hoos taga degmada Xarardheere, isagoo yiri "ma jirto wax faa’iido ah oo dagaal lagu gaarayo ee xabbada joojiya, kuwii idinka horreyeey ayaa faaíido ku gaari waayey dagaal".
- (2009-09-04)
- Norway oo qofkii u horreyey ugu dhintey H1N1, Sweden oo qofkii 2aad u dhintey & Warar kale
-
Oslo 4 sept: Iyadoo uu weli daafaha dunida uu ku sii fidayo hergabka H1N1 ayaa dalka Norway waxa u geeriyooday cudurkaas qofkii ugu horreeyey tan iyo markii uu hergabkaasi dunida ka dillaacay bishii May ee la soo dhaafay.
- (2009-09-04)
- Shacab fara badan oo lagu laayey dagaal caawa maqribkii ka qarxay Muqdisho
-
Muqdisho 3 sept: Dagaal aad u culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid tahay Madaafiicda waaweyn ayaa maqribnimadii caawa ka qarxay Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad kaddib markii xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda kumeelgaarka ah iyo joogitaanka ciidammada shisheeye ay weerar la beegsadeen fariisin ciidan oo ay halkaasi ku leeyihiin Ciidammada Burundi.
- (2009-09-03)
- Denmark oo dib u celisay 22 qofood oo qaxooti ah
-
Kopenhegan 3 sept: Dhowr bilood oo buuq, rabshado iyo jahwareer siyaasadeed ah kaddib ayey habeenimadii arbacada meelmariyeen masúuliyiinta dalka Denmark inay dib ugu celiyaan dalkoodii 22 qofood oo qaxooti Ciraaqiyiin ah.
- (2009-09-03)
- 84 qof oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo badbaadiyey Dooni kula degtay Badda Malta
-
Malta 3 sept: Ciidammada Badda Jasiiradda Malta ayaa ku guuleystay inay soo uruuriyaan oo soo badbaadiyaan 84 qofood oo tahiirabyaal Soomaaliyeed ah, kuwaas oo Dooni yar oo ay wateen kula degtay badda.
- (2009-09-03)
- Danjiraha DJibouti u fadhiya Mareykanka oo sheegay in dalkiisu Ciidamo u dirayo Soomaaliya
-
Djibouti 2 sept: Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Rooble Colhaye ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda Jabuuti Ciidamo ku biirineyso Ciidammada Africa ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.
- (2009-09-02)
- Madaxweynaha Filipiin oo ku dhawaaqday inay tababarayaal ciidanka Badda ah u soo direyso Soomaaliya
-
Arbaca 2 sept: Madaxweynaha dalka Filipiin, Gloria Arroyo oo hadal ka jeedisay kulankii madaxda dalalka Midowga Africa ee lagu qabtay dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegtay in dowladeedu ay diyaar u tahay inay ka caawiso dowladda KMG ee Soomaaliya tababar la siinayo ciidamadda badda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda ah.
- (2009-09-02)
- Dadka ku nool agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo Madaafiic lagu afuriyey
-
Muqdisho 1 sept: Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka ciidammada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maqribnimadii caawa waxa ay weerar ku ekeeyeen fariisin Ciidamada Burundi ay ku leeyihiin Xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee koonfurta magaalada Muqdisho.
- (2009-09-01)
- Madaxweynaha Soomaaliya & wafdigiisa oo wada hadalo la yeeshay Madaxweynaha Imaaradka Carabta
-
Abu-dubay 1-da sept: Madaxweynaha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta Midoobey, Sheekh Khalifa Bin Zaayid Al-Nahyaan ayaa qasriga Madaxtooyadiisa ku qaabiley wafdiga uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed oo boooqasho uga billaabatay dalka isku-tagga imaardaka Carabta midoobey.
- (2009-09-01)
- Dabkii ku qabsaday Markabka MC-Star agagaarka dekedda Berbera oo la baqtiin waayey
-
Berbera 1 sept: Dabkii shalay gelinkii dambe qabsaday Markabka MC-Maryam Star oo taagnaa duleedka dekedda magaalada Berbera ayaa wararku sheegayaan in lagu guul-daraystay baqtiinta dabkaasi.
- (2009-09-01)
- Kutubka Buluuqul Maraam Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Soonka ku saabsan
-
Soonka:
Suáal 209-aad: Ma la yaqaan taariikhda inta ay aheyd maalinta uu Nabigu (SCW) dhashay? Mawliidse la sameeyo waa sidee?
Jawaab 209-aad: Maya, dabaaldag & Mawliid in la dhigo waa bidco lala yimid 7 qarni kaddib Nabiga S.C.W. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 552-aad cutubka Soonka sunnaha) - (2009-09-01)
- Dagaal qaraar oo isgoyska Sayidka ku dhexmaraya Ciidammada dowladda & Mucaaradka hubeysan
-
Muqdisho 1 sept: Dagaal qaraar oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid tahay Madaafiicda waaweyn ayaa saaka waxa uu ka qarxay qaybo ka mid ah degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Isgoyska taalladii Sayidka ee magaalada Muqdisho.
- (2009-09-01)
- Sweden oo qofkii u horreeyey ugu geeriyooday Hergabka H1N1 oo fiditaankiisu kor u kacay maalmahaan
-
Stockholm sept 1: Dalka Sweden ayaa la xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey u geeriyoodey Hargabka H1N1 tan iyo markii hergabkaasi ka dillaacay dunida bishii may ee la soo dhaafay.
- (2009-09-01)
- Talyaaniga oo Dooni siddey Tahriibayaal Soomaaliyeed ku celiyey dalka Liibiya
-
War ay faafisay Wakaaladda Wararka dalka Talyaaniga ee magaceeda loo soo gaabiyo (ANSA) ayaa waxaa lagu sheegay in 75 qofood oo Tahriibayaal Somaaliyeed ah dib loogu celiyey dalka Liibiya oo ay markii hore ka soo tahriibeen.
- (2009-08-31)
- Xildhibaan Furux oo si kulul u dhaliilay qaabka loo maamulo dekedda Muqdisho
-
Muqdisho 31 august: Maxamed Jaamac Furux oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana mar gacanta ku heyn jiray Dekedda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho qaab beeleed loo maamulo iminka.
- (2009-08-31)
- Go! Sandra Go! An inspiration to all of us (Sandra waa ciyaartoy caan ku ahayd K/Miiska oo shil...
-
A few days ago, encouraged by reports that she was doing better, I decided to visit Sandra Paovic in Nottwil, Switzerland. I had been guilt-ridden ever since she had her very unfortunate accident, and felt extreme pain and sadness about the outcome of the accident for Sandra. However, Sandra’s spirit and determination coupled with an abundance of positive attitude gives her the fortitude necessary to cope with such a tragedy.
- (2009-08-31)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Soonka ku saabsan
-
Soonka:
Suáal 201-aad: Muxuu noqon xukunka qofka maalin Ramadaan galmo la yimaada?
Jawaab 201-aad: Soonku waa ka jabayaa, qallana way ku waajibaysaa maalintaas, toobad keen iyo kafaaro-gudna way ku waajibaysaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 549-aad qaybta Soonka). - (2009-08-30)
- Muuse Caraale "Soomaaliya waa lagu loolamayaa waxaana laga soo gelayaa afarta dhinac" shir jaraaid
-
Muqdisho 30 august: Xoghayaha Gaashaandhigga Urur Diimeedka hubeysan ee Xisbul Islaam, Muuse Cabdi Caraale oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in lagu loolamayo dalka Soomaaliya islamarkaana laga soo gelayo afarta dhinac isagoo tusaale u soo qaatay gobolka Hiiraan oo qeybo ka mid ah ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya oo uu sheegay in hadda lagu soo wajahanyahay.
- (2009-08-30)
- Al-Shabaab oo xalay isaga baxay galbeedka Beledweyne & Askarta Itoobiya oo baaritaano ka wada saaka
-
Hiiraan 29 august: Gudaha magaalada Baladweyne ayaa saakay waxaa lagu arkayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo inta badan wadooyinka magaaladaasi saldhigyo ka dhigtay islamarkaana baaritaan ku sameenaya gaadiidka, iyadoo Ciidamada Itoopiyaankana ay meelo kooban kaga suganyihiin gudaha magaalada sida Saldhiga Booliska,
- (2009-08-29)
- Bankiyada Mareykanka ee ay soo wajahday burburka dhaqaale oo sii kordhaya
-
California 29 august: Bankiyada dalka Mareykanka ee dhaqaale ahaan salkacay ayaa gaaraya 84 Banki sanadkan oo keliya, kuwaas oo saddexdii Banki ee ugu dambeysay shalay albaabada la isugu dhuftey.
- (2009-08-29)
- Faransiiska oo mar kale Tababarayaal Ciidan u soo diraya Dowladda FKM ee Soomaalia
-
Paris 29 august: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Faransiiska, Bernard Koshnear oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Paris ayaa shaaca ka qaadey in dalkiisu uu doonayo in ay saraakiil ciidan oo la taliyayaal ah ay u soo diraan Soomaaliya isaga oo intaa ku darey in saraakiishaasi ay tababar siin doonaan ciidamada Booliska dowladda kumeelgaarkak ah ee Soomaaliya islamarkaana ay kaalin weyn ka qaadan doonaan howlaha sugidda ammaanka dalka Soomaaliya.
- (2009-08-29)
- C/raxmaan Cumar Cosoble "Hargabka A/H1N1 waxaa lagu gartaa Qufac, Dhuun xannuun, Daal..."
-
Qeybta caafimaadka ee shabakadda wararka www.somaanta.com waxa ay qormadaan idinkugu soo gudbineysaa waraysi ku saabsan cudurada faafa oo inta badan la is qaadsiiyo xilliga qaboobaha ah ee iminka billaabanaya iyo weliba faahfaahin ku saabsan cudurka dunida ku cusub ee loo yaqaan HERGAB-DOOFAAREEDKA A (H1N1).
- (2009-08-28)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Soonka ku saabsan
-
Soonka:
Suáal 193-aad: Waa sidee in la soomo 1 ama 2 maalin ka hor bisha Ramadaan dhalashadeeda?
Jawaab 193-aad: Waa mamnuuc qofkii uu u socon jiray soon taxane ah mooyee. (Daliil: Xaddiiska 527-aad qaybta Soonka). - (2009-08-28)
- Missing US girl bore two children (xigasho BBCnews)
-
A US woman found after being abducted as a girl in 1991 gave birth to two children fathered by her alleged kidnapper - the first when she was 14.
Jaycee Lee Dugard and her daughters, 11 and 15, were kept in a "hidden backyard within a backyard", police say.
Alleged kidnapper Phillip Garrido, 58, and his wife Nancy Garrido, 54, are being held in custody in California.
DNA tests are being done to confirm Ms Dugard's identity, but meanwhile she has been reunited with her mother.
- (2009-08-28)
- South Africa to fire striking troops
-
South Africa's defence minister could dismiss more than 1,000 soldiers who went on the rampage in the capital Pretoria on Wednesday, officials say.
The troops left their barracks and marched to the Union Buildings, insisting on seeing President Jacob Zuma to seek a 30% pay rise.
Police used rubber bullets and teargas to disperse the marchers who reportedly became unruly and trashed police cars.
Mr Zuma condemned the violent protest as "unacceptable".
- (2009-08-28)
- Dagaal qaraar oo Ex kontarool Afgooye ku dhex maray Maliishiyooyinka dowladda & kuwa Islaamiyiinta
-
Muqdisho 27 august: Dagaal aad u qaraar ayaa saaka ka dhex qarxay maliishiyooyinka dowladda ku meelgaarkak ah iyo kuwa Islaamiyiinta loogu yeero ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda ku meelgaarka ah iyo joogitaanka ciidammada shisheeye ee dalka Soomaaliya.
- (2009-08-27)
- Somalia hostage tells of escape (Xigasho bbcnews.com)
-
A French security adviser seized by Islamist militants in Somalia has told the BBC how he escaped from his captors without a struggle while they slept.
Marc Aubriere was kidnapped from a hotel in the capital, Mogadishu, along with a colleague last month.
He told the BBC Somali Service that after fleeing his Hizbul-Islam captors he walked for five hours until he reached the presidential palace.
- (2009-08-26)
- Wasiirka Warfaafinta DFK oo caddeeyey in mid ka mid saraakiishii Faransiiska uu u soo gacan galay
-
Muqdisho 26 august: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda ku meelgarka ah ee Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo maanta la hadlayay warfidiyeenada gudaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in mid ka mid ah labadii sarkaal ee Faransiiska ahaa ee hore loog qafaashay hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ay marti ugu ahaayeen dowladda ku meelgaarka ah uu iminka gacanta dowladda soo galay.
- (2009-08-26)
- Senator Edward Kennedy oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynihii hore ee Marekanka oo geeriyooday
-
Senator Edward Kennedy oo ahaa mudane ruug-caddaa ah oo ka tirsanaa aqalka senatka dalka Mareykanka isla markaana ay walaalo ahaayeen Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka John F Kennedy ayaa isagoo 77 sano jir ah ku geeriooday dalka Mareykanka, kaddib markii uu ku dhacay xannuun dhanka maskaxda ah (brain tumour).
- (2009-08-26)
- Howlgal hal nin ku dhintey oo Degmada Cadaado ay ka fuliyeen Ciidanka Maamulka Ximan & xeeb
-
Cadaado 25 august: Afhayeen u hadlay maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Cilmi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay fuliyeen waaberigii hore ee saaka Ciidammada Ammaanka ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Degmada Cadaado uu ku geeriyooday hal nin oo dadka degaanka ka tirsanaa.
- (2009-08-25)
- Beelihii ku dagaalay Cadale oo xabbad joojin gaaray & dagaal Muqdisho ka dhacay saaka
-
Muqdisho 25 august: Waddada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeeyey wehel u ahayd qaraxyo miino iyo weeraro hubeysan oo ay isaga soo hor jeedaan ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga mucaaradka oo iyaguna dhinac ah ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
- (2009-08-25)
- Afuri qof sooman ajirkiisa oo kale aad heshide (maalintii 20 kr ugu dhiib Heyádda Kafaalo)
-
Hay’adda Kafaalo waxa ay ka codsaneysaa dhammaan walaalaha khayrka jecel ee Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan mashruuca afurinta ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
- (2009-08-25)
- Sida la isaga ilaaliyo Hargabka H1N1
-
Akhristow sida aad Idaacadaha iyo Wargeysyada caalamka ku aragtay waxaa dadweynaha dunida halis weyn ku haya Hargabka cusub ee loo yaqaan Hargab-Doofaareedka (H1N1), kaas oo daaweyntiisa ay ka sahlan tahay ka hortaggiisa haddii Alle ina waafajiyo isla markaana la raaco talooyinka hoos ku qoran oo ka soo baxay heyádaha ka hortagga cudurada faafa:
- (2009-08-24)
- Ugandha oo 2 askari looga dilay qarax miino oo Muqdisho ka dhacay
-
Muqdisho isniin: Qarax Miino oo lala beegsaday Ciidammada Afrikaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inuu geystay geerida 2 askari oo Ciidanka AMISOM ka tisan.
- (2009-08-24)
- CIA 'torture report' release due
-
Some classified sections of a CIA report into the torture of US terrorism suspects are due to be made public.
US newspapers claim they will reveal the use of mock executions and an electric drill to frighten detainees.
A heavily-censored version of the 2004 internal CIA review was released last year.
- (2009-08-24)
- Xasan Daahir "Soomaalida oo dhan waa Ahlu Sunna, kuwa nala diriraya waxaa soo hubeeya cadowga"
-
Muqdisho 23 august: Col. Xasan Daahir Aweys oo hoggaamiya Urur Diimeedka Mucaaradka hubeysan ah ee Xisbul Islaam oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa carrabka ku adkeeyey in dhankooda ay guul ugu jirto in bisha Ramadaan ay sii socdaan dagaalada ay kula jiraan dowladda ku meelgaarka ah iyo Ciidammada AMISOM.
- (2009-08-23)
- Mareykanka oo u hanjabay Al-Shabaab isla markaana taageero u muujiyey dowladda KMG ah
-
Qoraal dheer oo ka soo baxay Taliska Ciidammada dalka Mareykanka ayaa loogu hanjabay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo hanjabaadda ay barbar socotay taageero loo muujiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.
- (2009-08-23)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo salaadaha ku saabsan
-
Suáal 121-aad: Haddii uu imaamku ku billaabo salaadda fadhi, maxay samaynayaan dadka ku daba tukanaya?
Jawaab 121-aad: Waxaa waajib ku ah iyagana inay fadhi kula tukadaan imaamkooda.(Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 320-aad cutubka Saladda Jameecada & Imaamnimada). - (2009-08-23)
- Dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho oo shacabka u geystay dhimasho & dhaawac badan
-
Muqdisho 23 august: Habeenimadii xalay ayaa dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxa uu ku dhexmaray degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan ee Koonfurta magaalada Muqdisho, Ciidammada Dowladda kumeelgaarka ah iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.
- (2009-08-23)
- Muqdisho oo ay sii kordhayso dhimashada & dhaawaca dagaalada xalay ka bilowday u geysteen shacabka
-
Muqdisho 21 august: Dagaaladii xalay ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ilaa saaka socda ayaa waxaa ku naf waayey ugu yaraan 15 qofood isla markaana waxaa ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 40 qofood oo rayid ah.
- (2009-08-21)
- Maxkamadda Sacuudiga oo goáamisay in berri la buuxiyo 30 Shacbaan
-
Riyadh 20 august: War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee dalkaasi goáamisay in berri aysan soon aheyn.
- (2009-08-20)
- Beled Weyne ayaa caawa u kala qeybsan dowladda iyo mucaaradka (Xigasho BBC)
-
Hiiraan 20 august: Iyadoo dagaalada xarig-jiidka ah ee u dhexeeya dhinacyada isku haya talada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan isla markaana labadii maalmood ee ugu dambeysay kooxba mar laga qabsanayey goobihii ay gacanta ku haysay ayaa caawa magaalada Beledweyne ay u kala qeybsan tahay dowladda kumeelgaarka ah oo dhinac ka fadhisa iyo xoogagga mucaaradka oo dhinac kale ka fadhiya.
- (2009-08-20)
- Dagaalo culus oo ka socda Muqdisho iyo Buulo-Burde
-
Muqdisho 20 august: Dagaal aad u qaraar oo u dhexeeya Ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah oo dhinac iyo xoogagga mucaaradka hubeysan ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ah ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa uu ka qarxay qeybo ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho.
- (2009-08-20)
- Al-Shabaab oo ku rogaalceliyey Beled-Xaawo
-
Beled-Xaawo 19 august: Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin ayaa dagaal muddo gaaban socday ku qabsaday magaalada Beled-Xaawo oo ay shalay gacanta ku dhigeen Ciidammada Ahlu Sunna Waljameeca.
- (2009-08-19)
- Booliiska & Dab-damiska Sweden oo khamiista ka warbixinaya dabkii ay ku dhinteen qoyska Soomaaliyeed
-
Stockholm 19 august: Maalinimada khamiista ee ay taariikhdu tahay 20 bisha august 2009 saacaddu markey tahay 18:00 waxaa xaafadda Rinkeby ee waqooyiga magaalada Stockholm lagu qaban doonaa shir ballaan oo looga hadlayo musiibadii ku dhacday qoyskii Soomaaliyeed ee ku baa´bay dabkii ka dhacay Stockholm.
- (2009-08-19)
- Maamulka Kismaayo oo Itoobiya ku eedeeyey dagaalada ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya
-
Kismaayo 19 august: Masúulka dhinaca warfaafinta u qaabilsan maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaalada Kismaayo, Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadlayey dhaqdhaqaaqyada mileteri ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa ku tilmaamay arrintaas mid ay ka dambeyso dowladda Itoobiya.
- (2009-08-19)
- Degmada Luuq oo saaka ku waabariisatey gacanta maliishiyo taabacsan dowladda FKM
-
Luuq 19 august: Col. Maxamed Cismaan oo sheegay inuu taliye u yahay ciidamo hubeysan oo aroornimadii hore ee saaka qabsaday degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey inay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada Luuq.
- (2009-08-19)
- Ogeysiis muhiim ah oo ku socda Soomaalida deggan Stockholm & hareeraheeda
-
Waxa la ogaysiinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden iyo agagaarkeeda in la qaban doono shir weyne ku saabsan :
” Qoyskii ay musiibada gubashada ahi ku habsatay”
Shirkaa waxa uu ku saabsanaan doonaa:
- (2009-08-18)
- Xisbul Islaam oo ku hanjabay inay dagaalka sii wadeyaan & Odey geed hoostiis uga jawaabay arintaas
-
Muqdisho 18 august: Afhayeenka Qeybta Howlgalada Ururka Xisbul Islaam, Maxamed Cismaan Caruus oo maanta Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu caddeeyey in ay sii wedayaan dagaalada ay kula jiraan ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ku meelgaarkak ah ee Soomaaliya, isagoo ku hanjabay inay weliba sii laba-jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.
- (2009-08-18)
- Madaxweynaha & Raíisul Wasaaraha oo isku afgartay isku-shaandheynta Wasiirada
-
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa faafisay maanta in ay heshay xog rasmi ah oo ku saabsan isbeddel lagu sameeyey Golaha Wasiirada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo warka idaacaddu u qornaa sidatan:
- (2009-08-17)
- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay qarax bam oo ka dhacay Saldhig Booliiska Ruushkau leeyihiin
-
Isniin 17 august: Ugu yaraan 20 qofood ayaa lagu dilay 60 kalena waa lagu dhaawacay qarax bam oo aad u xooggan oo ka dhacay saldhig ciidammada Booliiska dalka Ruushka ay ku leeyihiin koonfurta dalkaasi, sida lagu helayo warar laga soo xigtey saraakiisha ammaanka iyo kuwa caafimaadka, qaraxaasi oo ahaa mid is-miidaamin ah. (Sii akhri warka oo english ah)
- (2009-08-17)
- Ahlu-Sunna Waljameeca oo weerar aan dhiig ku daadan ku qabsadey Beled-Xaawo
-
Gedo 17 august: Warar hordhac ah oo shabakadda wararka www.somaanta.com ay ka heshay gobolka Gedo ee koonfurta Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee la baxay Culumaa’udiinka Ahlu -Sunna Waljeemca ay weerar aan dhiig ku daadan ku qabsadeen degmada Belad-Xaawo isla markaana ay laga cabsi qabo in ay ku sii fidaan degmada Luuq.
- (2009-08-17)
- 115 Qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo xalay laga soo badbaadiyey Badda Malta
-
Malta 17 august: Ciidammada Milateriga Jasiiradda Malta ayaa xalay waxa ay ku guulyesteen inay soo badbaadiyey 115 qofood oo mujaahiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dooni yar oo ay saarnaayeen kula degtay bannaanka badda dalka Malta.
- (2009-08-17)
- Britain oo ay howlgalada dalka Afqanistan uga dhimatey 201 askari
-
Axad 16 august: Iyadoo labo askari oo kale oo ka tirsan ciidammada dalka Ingiriiska ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray ayaa tirada guud ee askarta Britain uga dhimatay howlgalada ay ka wadaan dalka Afqanistaan tan iyo sanadkii 2001 waxa ay gaartey 201 askari. Sii akhri warka oo english ah)
- (2009-08-16)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Salaadaha ku saabsan
-
Suáal 111-aad: Salaadaha sunnada ah middee ugu fadli badan?
Jawaab 111-aad: Salaatul Leylka. (Daliil: Xaddiiska 292-aad cutubka Salaadaha sunnada). - (2009-08-15)
- Madaafiic aan la aqoon ujeeddada loo soo ridey oo dad ku dhaawacday Xamarweyne & X/Jajab
-
Muqdisho 15 august 2009: Madaafiic aan la aqoon ujeeddada loo soo ridey iyo cidda soo ridey midna ayaa galabta ilaa iyo caawa khasaare isugu jira dhaawacyo kala duwan ugu geystay dadka ku dhaqan xaafado ka tirsan gobolka Banaadir.
Maanta gelinkii dambe ayaa Madfac ku soo dhacay degmada Xamarweyne waxa uu dhaawacay dad gaaraya ilaa 4 qofood oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa degaanadooda, sida lagu helayo warar laga soo xigtey dadka degaanka, kuwaas oo itaas ku daraya in Madfac kale oo ku dhacay degmada Xamar-Jajab uu geystay dhaawaca illaa 3 qofood oo kale oo rayid ah.
www.somaanta.com - (2009-08-15)
- رئيس المخابرات الصومالية يحذر من قيام Xigasho www.alarabia.net
-
المقاتلون الأجانب
اتصالات ثنائية
آلاف من المقاتلين الأجانب يحاربون في الصومال
آلاف من المقاتلين الأجانب يحاربون في الصومال
القاهرة - خالد محمود
قال رئيس جهاز المخابرات الصومالية الجنرال محمد شيخ حسن إنه ما لم تحصل حكومته على دعم لوجستى ومالي وعسكري عاجل من المجتمع الدولي، فإنها قد تخسر المعركة ضد المتمردين الإسلاميين الذين يسعون للإطاحة بنظام حكم الرئيس الصومالي شيخ شريف أحمد، ما يؤدي إلى قيام إمارة طالبان جديدة.
- (2009-08-15)
- Wasiirada Arrimaha Dibedda Djibouti & Uganda oo ka wada hadlay nabadda ilaalinta Soomaaliya
-
Djibouti 15august 2009: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa sheegay in ay ciidamo u soo diri doonaan dalka Soomaaliya.
- (2009-08-15)
- Saldhigga NATO ee magaalada Kabul oo la weeraray, Bank USA oo kacay & Colombia oo USA saldhig siisay
-
Kabul 15 august 2009: Ugu yaraan sagaal qofood ayaa ku dhimatay, sagaashan kalena waa ku dhaawacantay kaddib weerar uu qof isi qarxiyey ku qadaay saldhi ciidammada NATO ay ku leeyihiin magalaada Kabul ee caasimadda dalka Afqanistaan.
Saldhiggaan oo ku yaal bannaanka magalaada Kabul waxa weerarka is-qarxinta ah lala beegsaday subaxnimadii hore ee maanta, - (2009-08-15)
- Maamulka Hiiraan ee DFKM oo soo bandhigay 50 askari oo ka soo baxsatay Xisbul Islaam
-
Beledweyne 14 august 2009: Xaflad lagu soo bandhigay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta ka dhacday magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraa, iyadoo goobta lagu soo bandhigay Ciidamada iyo 3 saraakaal oo hoggaaminayey ay hadal ka jeediyeen mas’uuliyiin isugu jirey Xildhibaano, Saraakiil iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
- (2009-08-14)
- Aden-Madoobe oo caddeeyey in dhibaato ka haysato dhaarinta Xildhibanaada harsan
-
Muqdisho 14 august 2009: Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Aden Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in uu dhibaato kula kulmay dhaarinta Xildhibaanada ka harsan Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.
Aden-Madoobe oo shir albaabada loo xirey kula yeeshay shalay Madaxtooyada Villa Soomaaliya guddoomiyayaasha guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyin ay kala kulmeen dhaarinta Xildhibaanadii haray isagoo Saxaafada u sheegay in xallinta arrintaas loo magacaabay guddiiyo ka soo shaqeeya dhaarinta Xildhibaanada haray.
- (2009-08-14)
- Al-shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca oo isku eedeeyay dilkii culimada Tabliiqa ee shalay
-
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo dhaq-dhaqaaqa Hubaysan ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxay is waydaarsadeen weerar dhinaca afka ah iyagoo midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Shan wadaad oo Tabliiq ah oo dhalashadoodu tahay Pakistan. (Xigasho www.xog-waran.com)
- (2009-08-13)
- Philippines clashes leave 43 dead
-
At least 43 people - including 23 soldiers and 20 militants - have been killed in clashes in the southern Philippines, an army commander says.
Maj Gen Benjamin Dolorfino said 400 troops launched coordinated attacks on a camp belonging to Abu Sayyaf rebels on the southern island of Basilan.
He said soldiers recovered home-made bombs and 13 high-powered firearms.
- (2009-08-13)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo salaadaha ku saabsan
-
Suáal 101-aad: Salaad ma ku waajibaysaa qofka hadduu qabo baaba-siir ama cudur kale oo daran?
Jawaab 101-aad: Mar haddii qofku uu caqli leeyahay, waxna fahmayo uma bannaana salaadda inuu ka tago, xannuun kasta ha qabee. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 260-aad cutubka qaabka loo tukado). - (2009-08-12)
- Amnesty oo dhaleecaysay Maraykanka
-
Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa dhaleecaysay dhawaaqii Maraykanka ee dhowaan uu sheegay in uu labalaabayo hubka la siiyo dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-08-12)
- Culimo Tabliiq reer Pakistaan ah oo lagu laayey Gaalkacyo
-
Gaalkacyo 12 august 2009: War goor dhow aanu ka helnay magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaadaya in ugu yaraan 5 ka mid ah Culimada Tabliiqa lagu dilay halkaasi, isla markaana lagu dhaawacay 3 kale, kuwaas oo dhammaantood Pakistaaniyiin ah.
- (2009-08-12)
- Dhul Gariir xoog leh oo ka dhacay Aasiya & Ruushka oo sharci cusub soo saaray
-
Tokyo: Ugu yaraan 110 qofood ayaa ku dhaawacantay dhul gariir xoog leh oo qaddar aan ka badnayn 10 daqiiqo ka dhacay dalalka Japan iyo India ee Qaaradda Aasiya.
Dhulka Gariirka ku dhuftey dalka Japaan waxa uu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Tokyo, kaas oo qiyaastiisa lagu sheegay 6,4, kaas oo hakiyey dhammaan socodkii gaadiidka Tareenada dalkaasi, - (2009-08-12)
- Ciidammada Badda Turkiga oo gacanta ku dhigey 5 nin oo Soomaali ah & Doontii ay wateen
-
Arbaco 12 august 2009: Ciidammada Badda dalka Turkiga ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidammada Isbahaysiga NATO ay fuliyeen howlgal ay ku soo qabteen koox burcad-badeed Soomaali ah xilli ay isku dayayeen in Dooni yar oo ay wateen ay ku weeraraan labo Markab oo nooca ganacsiga ah.
- (2009-08-12)
- Jen. Galaal "Shirkii Washington waxaa la isugu geeyey saraakiil hal dhinac ah..."
-
Talaado 11 august 2009: Jen. Maxamuud Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramayey Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay shir ay ka qeybgaleen dhowaan Saraakiishii Ciidamadii hore e Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
- (2009-08-11)
- Nazi war criminal jailed for life
-
A former German infantry commander has been jailed for life for his role in the killing of 14 civilians in an Italian village during World War II.
A Munich state court found 90-year-old Josef Scheungraber guilty of ordering the killings, in what was one of the last Nazi crimes trials in Germany.
- (2009-08-11)
- Ciyaartoyda K/Miiska DJibouti oo wacdaro ka dhigey tartamadii Carabta & Africa
-
Djibouti 10 august 2009: Ciyaartoyda Kubbadda Miiska ee ay da´doodu ka yar tahay 21 sano ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa wacdaro ka muujiyey tartamadii Qaaradda Africa iyo Jaamacadda Carabta ee dhowaan lagu kala qabtay dalalka Marooko iyo Masar.
- (2009-08-10)
- Dhex-dhexaadin laga dhex billaabayo beelihii ku dagaalamay Xarardheere & warar kale
-
Xarardheere 10 august 2009: Waa-waan nabadeed ayaa laga dhex billaabay beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.
Odayaal-dhaqameedyo, Waxgarad, Culumaa’udiin iyo xubo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u ambabaxay degamada Xarar-dheere ee gobolka Mudug si ay uga qeyb-qaataan dhex-dhexaadinta colaadda u dhaxayasa beelaha ku dagaalamay deegaankaasi.
- (2009-08-10)
- Ould-Abdalla railroaded Obama Administration into failed strategy for Somalia
-
The UN Envoy for war-torn Somalia (SRSG), Ahmedou Ould-Abdalla has brazenly railroaded Obama Administration into failed strategy for Somalia and is forcing to add Somalia to the “Axis of evil” countries-Iran, Iraq and North Korea. He is engaged in aggressive political campaign based on war on terror because it attracts huge resources and guarantees impunity for all sorts of abuses. The critical issues for the Somali people like the “responsibility to protect innocent civilians”, conflict resolution and state-building, national sovereignty, territorial integrity, security, dignity, transparency and accountability are all antithetical to Ould-Abdalla agenda.
- (2009-08-09)
- Xabbad joojin ka dhaqan gashay Xarardheere & Maamulka Gedo oo ka digay abaabul dagaal
-
Xarardheere 9 august 2009: Degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda ayaa saaka deggan kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo ku dhex mareen labo maliishiyo beeleed oo halkaasi wada dega.
Deganaanshaha saaka laga dareemayo degaankii lagu dagaalamay ee degmada Xarardheere ayaa yimid kaddib markii lagu guuleystay xabbad joojin ay labada beeleed kala dhex dhigeen Culumaa’udiin ku howlanaa xallinta xiisadihii dhalayey iska horimaadka. - (2009-08-09)
- Dagaalkii Xarardheere oo lagu dilay 17 qof & Duqeyntii Bakaaraha oo 9 qof ku dhimatey
-
Xarardheere 8 august 2009: Dagaal beeleedkii ku dhexmarayey degmada Xarardheere beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir oo galay maalintiisii 2-aad ayaa wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in ay ku dhinteen 17 qofood isla markaana ay ku dhaawacmeen 30 qofood oo kale, kuwaas oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo shacabka degaanka.
- (2009-08-08)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah ) oo Salaadda ku saabsan)
-
Suáal 91-aad: Waa sidee akhrinta Faatixada salaadda dhexdeeda?
jawaab 91-aad: Waa tiir ka mida tiirarka salaadda, qofkii yaqaan oo ka tagana salaadda ka ansixi meyso. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 218-aad cutubka qaabka loo tukado). - (2009-08-08)
- Hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo Mareykanka ugu baaqay inuu wax ka beddelo siyaasaddiisa Soomaaliya
-
Muqdisho 8 august 2009: War saxaafadeed uu soo saaray Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu Sheegay in uu si weyn uga soo soo horjeedo siyaasadda Maraykanka ee ku dhisan waxa uu ugu yeeray cadowtooyada iyo kicinta qalalaase siyaasadeed oo laga abuuro gudaha dalka Soomaaliya.
- (2009-08-08)
- Dagaal ka qarxay Xarar-dheere & Madaafiic dad ku dishey Muqdisho
-
Muqdisho 7 august 2009: Ugu yaraan shan qofood ayaa wararku sheegayaan in ay ku naf waayeen Madaafiic galabta loo gaystay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dhimashada ugu badan ee Madaafiicdaasi ayaa ka dhacday Xaafadda Xamar-Bile ee degmada Wardhiigleey oo la xaqiijiyey in ay ku dinteen 5 qoofood oo rayid ah isla markaana ay ku dhaawacmeen inta ilaa iminka la ogyahay 2 qofood oo kale, - (2009-08-07)
- Madaxweynaha DFKM Soomaaliya & Xoghayaha Arr/Dibedda Mareykanka oo shir jaraaíd wada qabtay
-
Nairobi 6 august 2009: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa maanta magaalada Nairobi ku yeeshay shir albaabada loo xiray.
Kulanka markii uu dhammaaday kaddib ayaa Shariif Sheekh Axmed iyo Hillary Clinton waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa'id oo ay kaga hadleen qodobadii ay kulankooda uga wada hadleen. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Hilary Clinton, - (2009-08-06)
- Clinton to hold key Somalia talks
-
US Secretary of State Hillary Clinton is due to hold talks with Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed in Kenya's capital, Nairobi. She is expected to confirm America's backing for Somalia's beleaguered transitional government.
Much of Somalia is in the hands of opposition forces, including the Islamist insurgent group al-Shabab.
More than 250,000 Somalis have fled their homes because of the fighting over the past three months.
Mrs Clinton will hold talks with the UN-backed Somali leader on the second day of her African tour.
- (2009-08-06)
- Dalxa oo sheegay in loo diidey inuu soo dhoweeyo Madaxweynaha DFKM (Xigasho www.shabelle.net)
-
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Bralamanka KMG ee Soomaaliya Max’ed Cumar Dalxa ayaa maanta waxaa laga hor istaagay in uu hogaamiyu wafuuda soo dhaweynaysa Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Nairobi.
- (2009-08-06)
- Cabdiraxmaan Muuse oo ka warbixinaya waxqabadka Heyádda Ibn Rushd ee dalka Sweden
-
Cabdiraxmaan Jaamac Muuse, waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka howlgala heyádda Ibn Rushd ( Studieförbund ) oo ka shaqeysa adeegyada kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhinacyada kor uqaadidda waxbarashada, xirfadda shakhsiyeed iyo tan bulsho, waxaana la yeelannay waraysi si ay bulsho-weynta Soomaaliyeed wax uga ogaato howlaha heyáddaani iyo waxyaabaha ay ka caawin karto ururada ay leeyihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dibedda.
- (2009-08-05)
- Madaxweynaha DFKM oo saxaafadda la hadlay intii uusan ka duulin garoonka Muqdisho
-
Muqdisho 5 august 2009: Madaxweynaha Dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow waxaa uu ka duulay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
- (2009-08-05)
- 3 Dhallinyaro ah oo saaka laga qabtey degmada Dharkenleey
-
Muqdisho 5 august 2009: Ciidamada dowladda ku meelgaarka ah ee soomaaliya ee ku sugan degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay dad ku soo qabqabteen waxa ay ka fuliyeen degaankaasi.
- (2009-08-05)
- Bill Clinton has left North Korea with two US reporters whose release he has helped to secure
-
Arbaca 5 august 2009: His spokesman said they were flying to Los Angeles where the journalists would reunite with their families. North Korean leader Kim Jong-il issued a special pardon to the journalists after meeting Mr Clinton on Tuesday. Laura Ling and Euna Lee had been found guilty of entering illegally in March. Mr Clinton offered no apology for the reporters' conduct, a US official said.
- (2009-08-05)
- Booliiska Australiya oo xabsiga dhigay rag Soomaali & Lubnaaniyiin isugu jira
-
Talaado 4 august 2009: Ciidamada Booliska dalka Australiya ayaa xabsiga dhigay afar nin oo labo ka mid ah ay yihiin Soomaali, isla markaana looga shakisan yahay in ay abaabulayeen weerar ay ku qaadaan saldhig mileteri oo ku yaalla gudaha Australiya.
- (2009-08-04)
- Maxkamadda Sare ee Itoobiya oo xabsi daa´in ku xukuntay nin Somali-Canadian ah
-
Addis-Ababa 3 august 2009: Bashiir Axmed Maqtal oo ah Soomaali haysta dhalashada dalka Canada kana soo jeeda dhulka Soomaalida ee ay haysato Itoobiya ayaa Maxkamadda sare ee dalka Itoobiya waxaa ay ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaadanayay waxa loogu yeero howlo argagixisinimo.
- (2009-08-03)
- Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa? (Qore Abdibashiir)
-
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeen Nebi Maxamed (scw) iyo intii isaga raacday. Aamiin.
Muran badan ayaa ka dhashay calanka madow ee ururada islaamiga ahi ay ka taagaan goobaha ay joogaan. Dad badan ayaa ka qarracma marka ay arkaan calankaas oo babanaya. Laakiin qaar kale ayaa ku farxa oo ilaahay weyneeya, ayaga oo leh ”Allaahu akbar”. Qaar ayaa dejiya haddii ay awood u yeeshaan. Qaar kale ayaa dhaleeceeya oo cay iyo dacaayad isugu dara. - (2009-08-03)
- Burcad-badeedda oo 7 bilood kaddib sii deysay Dooni laga leeyahay dalka Malaysiya
-
Isniin 3 august 2009: Sarkaal u hadlay Ciidammada Badda dalalka midowga Yururb ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad-badeedda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in burcadbadeeddu ay sii daayeen doon kuwa Maraakiibta ku soo jiida Dekedahaah oo laga leeyahay dalka Malaysiya, taas oo gacanta ugu jirtay burcad-badeedda Soomaaliyeed ilaa 7 bilood.
- (2009-08-03)
- Booliiska Kenya oo laayey burcad dhibaato ku haysay xaafadda Soomaalidu degto ee Islii
-
Nairobi 2 july 2009: Ilaa sadex qof ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen Ciidamada Booliiska dalka Kenya kaddib howlgal ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ahi.
- (2009-08-03)
- 3 Nin oo saakak koox hubeysani ku dishay degaanka Dhabbad ee G/Galgaduud
-
Cabuudwaaq 2 august 2009: Kooxo hubeysan ayaa aroornimadii hore ee saaka waxa ay saddex nin ku dileen degaan ka tirsan Tuulada Dhabbad ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo aan ilaa hadda la heyn cadeymo buuxa oo ku saabsan sababta dilkaasi keentay, hase yeeshee loo malaynayo inay salka ku hayso arrimo qabiil.
- (2009-08-02)
- Wararka caalamka oo kookooban
-
Tel-Aviv 2 august 2009: Seddex qofood ayaa ku dhimatay rasaas uu nin dabley ahi ku furey xalay goob ay ku caweeyaan ragga dhallinyarada ah ee aan aqlaaqdoodu wanaagsanayn (Gay teenagers) ee dalka Israíil, iyadoo illaa iminka aysan soso bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta uu ninkasi ula beegsaday rasaasta goobtaasi, hase yeeshee ay goobta u soo gurmadeen ciidammada nabad-sugidda dalka Israíl.
- (2009-08-02)
- Mudenayaasha Baarlamaanka DFKM oo cod waddaniyad ku jirto ku diidey heshiiskii Badda
-
Muqdisho 1 august 2009: Fadhigii Golaha Baarlamaanka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta looga dooday heshiiskii badda ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa cod buuxa ku diidey meelmarinta heshiiskaasi.
- (2009-08-01)
- Booliiska dalka Malaysiya oo Gaaska qallalan u adeegsaday bannaanbaxyada ka socda dalkaasi
-
Sabti 1 august 2009: Ciidammada Booliiska dalka Malaysiya ayaa xabsiyada dhigay 175 qofood oo ka mid ahaa dadweyne ka qeyb-qaadanyey bannaanbaxyo waaweyn oo maanta hareeyey dalkaasi.
- (2009-08-01)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Salaadda ku saabsan)
-
Suáal 86.-aad: Halkee gacmaha la dhigayaa marka la sujuudayo?
Jawaab 66-aad: Madaxa ayaa lala simayaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 216-aad & 210-aad cutubka qaabka loo tukado). - (2009-08-01)
- Burcad dad ku dishay degaanka Raage-Ceelle
-
Jowhar 1 august 2009: Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay weerar rasaas loo adeegsaday oo koox hubeysani la beegsadeen baabuur nooca xamuulka qaada ah oo marayey degaanka Raage-Ceel ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
- (2009-08-01)
- Burcad-badeed Soomaali ah oo lagu qabtay Gacanka Cadmeed
-
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Turkiga isla markaana ka mid ahaa Ciidammada Gaashaan-buurta NATO ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa shalay gacanta ku dhigay Dooni ay wateen koox la sheegay inay yihiin Burcad-badeed Soomaaliyeed kaddib markii kooxdaasi isku dayeen in ay weerar ku qabsadaan mid ka mid ah Maraakiibta marayey Xeebaha u dhexee dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.
- (2009-08-01)
- BBC has seen images of the dead body of Mohammed Yusuf
-
A Nigerian government minister has expressed relief at the death of an Islamic sect leader, Mohammed Yusuf.
Yusuf's body was shown to journalists on Thursday just hours after police said they had captured him.
Human rights campaigners alleged he had been executed, but police said on Friday that he died in a shoot-out following days of bloody fighting.
- (2009-07-31)
- Midowga Yurub oo tababar & mushaar u fidinaya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya
-
Brusel 31 july 2009: Madaxa Xafiiska Siyaasada Ururka Midowga Yurub, Havier Solana ayaa ku dhawaaqay qorshe Ururka Midowga Yurub ay ku tababarayaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Dalka Soomaaliya, si dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya ay ugu suurto gasho la dagaalanka burcad-badeedda.
- (2009-07-31)
- Wiil kale oo Soomaalida Reer Sweden ah oo lagu diley dagaalada ka socda Soomaaliya (xog-waran.com)
-
Booliiska Sirdoonka ee wadanka Sweden oo magacooda marka la soo gaabsho loo yaqaan Säpo ayaa maalintii shaley faafisey in bilowgii bishan Juley magaalada Muqdisho lagu diley wiil kale oo kamid ah Soomaalida haysata dhalashada wadanka Sweden kasoo da'diisu lagu qiyaasey in ay u dhaxeysey 25 ilaa 30 jir, wuxuuna ka tagey magaalo ku taal bartamaha dalka Sweden.
- (2009-07-30)
- Mareykanka oo waqti gaaban u qabtay Ereteriya inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya
-
Newyork 30 july 2009: Xubno ka tirsan guddiga Golaha Congress-ka dalka Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga walaacsanyahay faragelinta dalka Eriteriya ee arrimaha gudaha dalka Soomaaliya taas oo guddigu uu sheegay in ay wiiqayso Ammaanka dalka Soomaaliya oo ay caddeeyeen in Mareykanka iyo Qaramada Midoobey aysan u dulqaadan karin sii socoshada falalka Eriteriya ay ku hayso Soomaaliya.
- (2009-07-30)
- Kulankii Golaha Ammaanka ee Arr. Soomaaliya oo la soo gebogebeeyey & warar kale
-
Newyork 30 july 2009: Kulan ay xalay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ay ku yesheen Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay oo looga hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya ayaa la soo gaba gabeeyay.
Kulankaan oo ay ka soo qeyb ka galeen 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka shirayeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya. Iyadoo kulanka uu ka qeyb galay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibedda dowladda KMG ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Oomaar uu halkaasi ku soo bandhigay warbixin ku saabsan dhacdooyinkii seddaxdii bilood ee la soo dhaafay ay wajahday dowladda KMG ee Soomaaliya. - (2009-07-30)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah
-
Suáal 81-aad: Waa sidee in Masjidka dhexdiisa alaab luntay lagu naadiya ama ganacsi lagu sameeyo?
Jawaab 81-aad: Waa xaaraam. (Daliil: Xaddiiska 199-aad cutubka Masjidka). - (2009-07-29)
- Golaha Ammaanka oo ka shiraya Soomaaliya
-
Newyork 29 july 2009: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalad New York kullan gaar ah kaga yeelanaya xaaladda waddanka Soomaaliya uu ku sugan yahay.
- (2009-07-29)
- UK hostages likely to be dead
-
Two more of the British hostages held in Iraq are now thought "very likely" to be dead, the BBC has learned. Security guards Alan McMenemy, from Glasgow, and Alec Maclachlan, from south Wales, were kidnapped in 2007 along with three other Britons.
The bodies of two of the other men were found last month with gunshot wounds.
The condition of the fifth man, Peter Moore, from Lincoln, is unknown. The five families said in a statement they were undergoing a "terrible ordeal".
- (2009-07-29)
- Somalis fleeing to Yemen to escape violence
-
Since May 7, about 12,000 people have fled to Bossaso in northern Somalia where they await "the first opportunity offered by smugglers to take the perilous journey across the Gulf," the U.N. agency said.
The people are among 232,000 Somalis who have fled their homes since early May because of fighting in Mogadishu between government forces and the Al-Shabaab and Hisb-ul-Islam militia groups.
- (2009-07-29)
- Gurmad degdeg ah oo loo fidiyo qoyska ay musiibadu ku habsatay
-
Waxa habeenkii axaddii ee 26 july 2009 dhacday musiibo weyn oo ay ku naf waayeen 7 qof oo soomaalida reer Iswiidhan ah. Waxa ay ahaayeen hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay iyo gabadh qaraabo ah. Geeridaas naxdinta leh waxa sababay dab qabsaday gurigii ay degenaayeen . Aasku wuxu dhici doonaa khamiista 30-07-2009, 2:da duhurnimo. Haddaba Jaaliyadaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Iswiidhan oo ay hormood u yihiin labada Masaajid ee Rinkeby ee Soomaalida iyo ururka Baddacas, waxay maanta oo ay taariikhdu ahayd 28-07-2009, soo saareen baaq ku saabsan :
- (2009-07-29)
- Halyeey Faarax Deeq oo xabsiga laga sii daayey iyo warar kale
-
London 28 july 2009: Waxaa xabsi ku yaal dalka Ingiriiska shalay laga sii daayey mid ka mid ahaa geesiyaashii Soomaaliyeed ee u istaagay quudinta agoonta Soomaaliyeed kaddib markii lagu waayey wax dembi ah.
Faarax Deeq Siciid waxa uu ka mid ahaa labo nin oo Soomaaliyeed oo muddo 14 bilood ah ku jirey xabsi ku yaal dalka Ingiriiska, kaddib markii lagu eedeeyey inay kicinayeen shacabka Soomaaliyeed xilli ay iska difaacayeen ciidammadii cadowga Itoobiya ee ku soo duulay dalka Soomaaliya sanadkii 2006, - (2009-07-28)
- Hillary Clinton oo Nairobi kula kulmeysa Sheekh Shariif & Midowga Yurub oo tababaraya ciidanka Badda
-
Xoghaya Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton oo dhowaan booqan doonta dalal ku yaal Qaaradda Africa ayaa sheegtay in ay ku talo jirto in magaalada Nairobi ay kula kulanto Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ay go’aansatay in Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay la kulanto inta ay ku guda jirto socdaalka ay ku mari doonto 7 dal oo ku yaal Qaaradda Africa todobaadka soo socda.
- (2009-07-28)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Suáal 71-aad: Qof salaad ku jira haddii la salaamo ma ka jawaabi karaa?
Jawaab 71-aad: Haa, laakiin gacanta ayuu salaanta ku qaadayaa. 8Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 177-aad cutubka shuruudda salaadda). - (2009-07-27)
- Sheekh Shariif oo ka hadlay kulankii Baarlamaanka
-
Muqdisho 27 july 2009: Iyadoo saaka kulankii Baarlamaanka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya uu ku yeeshay xarunta gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne lagu kala cararay kaddib markii Madaafiic lala beegsaday ayaa Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu guulo ka sheegtay dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo uu sheegay in xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladdiisa ay ku guul dareysteen afgambiga dowladda KMG.
- (2009-07-27)
- 7 qof oo ku dhimatay Madaafiic ku dhacday Suuqa Bakaaraha iyo Warar kale
-
Muqdisho 27 july 2009: Waxaa mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho dagaalo u dhexeeya ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac iyo xoogagga mucaaradka.
- (2009-07-27)
- Macalin Xaashi oo noqday Guddoomiyaha Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir
-
Muqdisho 27 july 2009: Hoggaamiyeyaasha Ururka Xisbul Islaam oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhawaaqeen maamul cusub oo ay u magacaabeen gobolka Banaadir, kaas oo hoos tegaya ururka Xisbul Islaam.
- (2009-07-27)
- Sarkozy falls ill while jogging
-
French President Nicolas Sarkozy has been taken to hospital after becoming ill while jogging, his office said.
The 54-year-old president began "feeling faint". Aides later told AFP news agency that he was suffering from a "minor" nerve complaint.
- (2009-07-26)
- Ciidammada dowladda FKM oo la wareegay Beledweyne (Xigasho Hiiraan.com)
-
Beledweyne 26 july 2009: Subaxnimadii hore ee saakay ayaa waxaa mar kaliya dadka ku dhaqan Magaalad Beledweyne maqleen rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda kadib markii Ciidamada Dowladu weerar ku qaadeen Saldhigyo Xaafada Howl-wadaag ku la haayeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
- (2009-07-26)
- Dalka Filipiin oo ku dhawaaqay inay ka qeyb-qaadanayaan qaaraanka loo ururinayo Soomaaliya
-
Wasaaradda Arrimiaha dibedda ee dalka Filipiin ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb-qaadaynayso uruurinta qaaraan deeq lacageed ah oo loo uruurinayo dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, deeqdaas oo wax looga qabanayo dhisidda ciidamo awood u leh inay sugaan ammaanka.
- (2009-07-26)
- Guddi 3 geesood ah oo looga dhawaaqay Muqdisho
-
Muqdisho 26 july 2009: Wasiirka Wasaaradda Arrimiha Gudaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa ka war bixiyay u jeedooyinkii loo dhisay guddiga Seddax-geesoodka ah ee ka kooban dowladda KMG ah, Qaramada Midoobay iyo Ciidammada AMISOM.
- (2009-07-26)
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buuxdhaafiyey isgoyska Kalabeyrka iyo magaalada Balanballe
-
Hiiraan 25 july 2009: War degdeg ah oo shabakadda www.somaanta.com iminka soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay soo galeen isgoyska Kalabeyrka ee degaanka Jawiil oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
- (2009-07-25)
- Hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo hadal ka jeediyey Masjidka Abuu-Hureyra ee magaalada Muqdisho
-
Muqdisho 24 july 2009: Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ee dalka Soomaaliya Col. Xasan Daahir Aweys oo maanta Salaaddii Jimcaha kaddib khudbad ka jeediyey Masjidka Abuu-Hureyra ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaal dadaalo lagu mideynayo Ururkiisa iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.
- (2009-07-24)
- Laanta Afka Soomaaliga BBC-da oo arrimaha Soomaaliya ka waraysatay Phillip Carter
-
Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Phillip Carter ayaa wareysi dheer oo uu BBC siiyay waxa uu uga waramay arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.
Phillip Carter oo aan ku wareysanay magaaladatan London, waxaan ugu horeyn weydiinay argagixisada lagu sheego Soomaaliya qatar intee le'eg ayay leedahay?
- (2009-07-24)
- Banki Moon iyo Mwai Kibaki oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha Soomaaliya
-
Nairobi 24 july 2009: Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG in hub sharci darro ah ay soo geliyaan gudaha dalka Kenya,isagoo intaas sii raaciyey in dowladda Kenya ay waddo dhaq-dhaqaaq ay ku sugayso Ammaanka xadka dalka Kenya uu la wadaago dalka Soomaaliya,
- (2009-07-24)
- US corruption probe nets dozens
-
More than 40 people, including politicians, officials and several rabbis have been arrested in a major FBI operation the US. Three mayors from the state of New Jersey and two members of the state legislature were among those held.
One man is accused of alleged kidney trafficking involving Israeli donors.
Three hundred FBI agents raided dozens of locations in New Jersey and New York as part of a 10-year probe into corruption and money laundering.
- (2009-07-24)
- US Vice-President has told the BBC that the war in Afghanistan is in the interests of the US & UK
-
"It is worth the effort we are making," he said, warning that the terror groups on the border with Pakistan could "wreak havoc" on Europe and the US.
The number of foreign troop deaths has jumped recently, sparking questions in the UK over its involvement in the war
Mr Biden suggested more sacrifice would have to be made during what he termed the "fighting season".
- (2009-07-23)
- Askar Burundi ah oo ku geeriyootay Muqdisho & dagaalo ka kala dhacay Galgaduud, Hiiraan & Muqdisho
-
Galgaduud 23 july 2009: Dagaal aad u xooggan ayaa ka dhex qarxay mar kale Maliishiyooyinka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Ahlu Sunna Waljamaaca barqanimadii maanta tuulada Warxoolo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
- (2009-07-23)
- Dagaalo & Duqeyn Madaafiic culus oo shalay ilaa saaka ka socota Muqdisho
-
Muqdisho 23 july 2009: Qeybo ka tirsan Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka waaberigii hore lagu billaabay duqeyn aad u culus, taas oo daba socotay dagaal xalay ka dhacay isgoyska KM4 ee koonfurta magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalada iyo duqeyntuba ay u dhexeyso dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho.
- (2009-07-23)
- Maraakiib & Diyaarado dagaal oo gaafwareegaya Xeebaha Muqdisho & Marka
-
Muqdisho 22 july 2009: Iyadoo maalinimadii shalay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Faransiiska oo ka hadlayey Saraakiisha looga haysto dalka Soomaaliya uu sheegay inay ka fiirsanayaan tallabadii ay qaadi lahaayeen ka dowlad ahaan ayaa maanta xeebaha Muqdisho & Marka lagu arkay Maraakiib dagaal oo ay ka dul kacayaan diyaraadaha wax duqeeya ee qumaatiga u kaca.
- (2009-07-22)
- Cudurka A/H1N1 ayaa la caddeeyey inay kala qaadi karaan dadka & Doofaarada (warar goos goos ah)
-
Arbaco 22 july 2009: Iyadoo uu weli ku si fidayo dunida cudurka Hergab-Doofaareedka H1N1 ayaa waxaa jira calaamado muujinaya in cudurkaasi ay kala qaadi karaan baniáadamka iyo Xayawaanka Doofaarka (Khaansiirka).
- (2009-07-22)
- Kenya has promised to reinforce its border with Somalia after several abductions near the frontier
-
Officials have been discussing how to stop incursions since the weekend, when militants snatched three foreign aid workers from the town of Mandera.
A defence spokesman promised to try to stop the militants, but said it was often difficult to identify them.
Meanwhile, Kenyan President Mwai Kibaki blamed Somali insurgents for an influx of illegal weapons into his country.
- (2009-07-22)
- Taliyayaashii Socdaalka & Nabadsugidda DFKM oo xilalkii laga qaaday & Faransiiska oo hanjabay
-
Muqdisho 21 july 2009: Madaxweynaha Dowladda KMG e Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmmed ayaa sida laga soo xigtey ilo xog-ogaal ah waxa uu maanta Xilalkii ka qaaday Genaraal C/laahi Maxamuud Gaafow Taliyihii Waaxda Socdaalka dowladda KMG, Taliyihii Ciidanka Nabad Sugidda Maxamed Sheekh iyo Ku-Xigeenkiisii Nuur Shirbow.
- (2009-07-21)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo Salaadaha ku saabsan
-
Suáal 66-aad: Meelahee ayay mamnuuc ka tahay in salaad lagu tukado?
Jawaab 66-aad: Qubuuraha, Musqulaha iyo Geela sabadiisa (meesha Geelu fariisto). (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 168-aad cutubka Shuruudda Salaadda). - (2009-07-21)
- Afhayeenka Maxkamadaha oo cambaareeyey goáankii Al-Shabaab iyo Maamulka Kismaayo oo soo dhoweeyey
-
Muqdisho 21 july 2009: Kusimaha Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah, garabka ku biiray dowladda ku meelgaarka ah, Cabdirisaaq Maxamed Qeylow ayaa si kulul uga soo horjeestay goáankii ay shalay Xarakatul Shabaabul Mujaahidin ku mamnuuceen howlihii ay Soomaaliya ka wadeen Heyádaha UNDP, UNPOS & UNDSS.
- (2009-07-21)
- US terror policy report delayed
-
A key report on the detention of terrorism suspects ordered by US President Barack Obama will be delayed by six months, officials have said.
President Obama commissioned the report as part of his efforts to close the US detention centre at Guantanamo Bay by the beginning of next year.
- (2009-07-21)
- Joe Biden oo booqanaya Ukraine iyo warar kale oo kookooban
-
Talaado 21 july 2009: Madaxweynaha Ku-xigeenka dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa booqasho 3 maalmood ahi uga billaabatay dalka Ukraine, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay hoggaamiyayasha dalka Ukraine oo ay ka wada hadlayaan nabadgelyada gobolka, sida uu ku warramay saaka Telefishinka Dalka Ruushka oo soo xiganyey booqashada Madaxweyne Ku-Xigeenka.
- (2009-07-21)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo salaadda ku saabsan
-
Suáal 61-aad: Imisa Aadaan iyo Iqaamadood ayay yeelanayaan labo salaadood oo la jamcinayo (Kulminayo)?
Jawaab 61-aad: Waxay leeyihiin hal aadaan iyo labo iqaamadood. (Daliil: Xaddiiska 150-aad cutubka Aadaanka). - (2009-07-20)
- 34 Markab dagaal oo ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad-badeedda
-
Isniin 20 july 2009: Weerarada burcad-badeeda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hoos u dhaceen bilihii la soo dhaafay, kaddib markii in ka badan 34 Markab oo dagaal ay iska kaashadeen la dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliyeed.
Wargeyska Financial times oo faahfaahin ka bixinayey tirada guud ee Maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalalka Midowga Yurub ay ka joogaan 12 Markab oo dagaal, - (2009-07-20)
- Xarakatu Shabaabul Mujahidiin oo UNDP & Heyádo kale ka mamnuucday Soomaaliya
-
Muqdisho 20 july 2009: Xafiiska Siyaasadda iyo Arrimaha Gobollada ee Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta war saxaafdeed uu soo saaray ku mamnuucay howlihii ay Soomaaliya ka wadeen heyádaha kala ah UNDP, UNPOS & UNDSS.
- (2009-07-20)
- Hergab-Doofaareedka oo fara baán ku haya Ingiriiska, La heystayaashii Faransiiska & warar kale
-
London 20 july 2009: Dadka ku nool dalka Ingiriiska ayaa noqday kuwa ugu badan Qaaradda Yurub ee uu ku faafay cudurka loo yaqaan Hergab-Doofaareedka H1N1.
Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya waxaa cudurkaas qaaday 55,000 oo qofood oo ka mid ah dadka ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo arrintaasi ay saameysay rakaabka diyaaradaha, gaar ahaan Shirkadda British Airways oo soo saartay nidaam lagu adkeynayo faafidda cudurkaasi, kaas oo oggolaanaya in qofkii lagu arko cudurkaasi la hakin karo safarkiisa si loo siiyo talooyin caafimaad.
- (2009-07-20)
- Kenyan mosque jams mobile calls (Xigasho BBC) Masaajidyada oo ka cabanaya mobile-da
-
A device which blocks mobile phone signals has answered the prayers of some Kenyan Muslims. Imams in Kenya have long complained that mobile phones constantly rang during prayers, disrupting services.
Imam Hassan Kithiye says he bought the machine in Dubai and it has been well received by his congregation. - (2009-07-19)
- Dagaal caawa ka bilowday Waddada Dabka & Madaafiic ku dhacaysa Suuqa Bakaaraha
-
Muqdisho 19 july 2009: Goordhow oo caawa ah ayaa dagaal qaraar waxa uu ka dhex qarxay ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa Midowga Africa oo isku dhinac ah iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda iyo joogitaanka ciidammada shisheeye ee dalka Soomaaliya ku sugan.
- (2009-07-19)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah) oo salaadaha ku saabsan
-
SALAADDA:
Suáal 56-aad: Mala tukan karaa salaado sunno ah markii ay soo gasho salaadda subax?
Jawaab 56-aad: Ma jirto salaad la tukan karo oo aan ka aheyn labada rakco ee sunnada fajriga ah mooyee. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 142-aad cutubka Wakhtiyada Salaadda). - (2009-07-19)
- Kenya oo ciidamo soo dhoobtey xadka ay la leedahay Soomaaliya
-
Mandheera 19 july 2009: Ciidamo aad u tiro badan isla markaana ku hubeysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa dowladda Kenya soo dhoobtey xadka ay la leedahay dalka Soomaaliya.
- (2009-07-19)
- Ereteriya oo laga codsaday inay gacan ka geysato sii deynta Saraakiisha Faransiiska ah
-
Paris 18 july 2009: Wasiirka Arrimaha Bulshadda ee DFKMGS, Maxamed Cali Ibraahim oo galabta Wareysi siinayey kanaalka 24 ee Telefishinka dalka Faransiiska ayaa sheegay inay Dowladda Faransiiska cadaadis ku saarayso Dowladda Eritrea sidii Xarakatul Mujaahidiin Al-Shabab loogu qancin lahaa sidii loo soo deyn lahaa labada Nin ee ka tirsan Sirdoonka Faransiiska, kuwaas oo dhowaan laga qafaashay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
- (2009-07-18)
- Ciidammadii Itoobiya ka baxay Yeed, Sarkozy & Ban Ki- moon oo kulmay & warar kale
-
Bakool 18 july 2009: Ciidamadii Itaabiyaanka ahaa ee ku sugnaa degaano ka mid ah gobokla Bakool ayaa ka baxay halkaasi, iyagoo u dhaqaaqay dhanka xadka labada dal u dhexeeya.
Ciidammadaan oo wata gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan waxay ku sugnaayeen magalaada Yeed ee Gobolka Bakool bilihii ugu dambeeyey, - (2009-07-18)
- Extremists 'have French hostages' (Sarkaalkii 2aad ee Faransiiska oo lagu wareejiyey Al-shabaab)
-
Ururka Xisbul Islaam ayaa Sarkaalkii 2-aad ee Faransiiska ahaa oo maalinimadii Talaadada ay Hoteel Saxafi ka afduubteen rag ku lebisnaa dharka milateriga dowladda ku meelgaarka ah kaddibna ay kala wareegeen Ururka Xisbul Islaam maanta ku wareejiyey Ururka Al-Shabaab. Sii akhri warkaas oo ay faahfaahinayaan laamaha BBC-du.
- (2009-07-17)
- Agaasime Ku-Xigeenka Isbitaal Madiina oo iska fogeeyey eedeymihii Afhayeenka Boliisku u soo jeediyey
-
Muqdisho 17 july 2009: Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madina, Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa si kulul u beeniyey eedeyn kaga timid Afhayeenka Ciidanka Booliiska dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan Bariise oo sheegay in wareegto xilkii looga qadaay Daahir Dheere.
- (2009-07-17)
- Qaraxyo ka dhacay Indonesiya, Xaaladda Muqdisho & warar kale oo Soomaaliya ku saabsan
-
Jakarta 17 july 2009: Hoteelo waaweyn oo ku yaal dalka Indonesiya ayaa qaraxyo is daba joog ah oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen lala beegsaday.
Wararkii ugu horreeyey ee ka soo baxay khasaraaha ay geysteen qaraxyadaasi ayaa sheegaya inay ku dhinteen 10 qofood, isla markaana ay ku dhaawacmeen 40 qofood oo kale, iyadoo qaraxa 1-aad lala beegsaday hoteelka RITZ CARALTON oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Jakarta, - (2009-07-17)
- Islamists 'share French hostages'
-
Two French security advisers seized in Somalia this week have been split up and are now being held by two different hard-line groups, reports say.
The pair were snatched by gunmen from a Mogadishu hotel on Tuesday and were being held by the Hizbul-Islam group.
But officials say the al-Shabab group wanted them and after a row, Hizbul-Islam handed one of the men over.
- (2009-07-16)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Suáasha 51-aad: Maxaa mamnuuc ka ah Haweeneyda dhiigga qabta (Xaydka)?
Jawaab 51-aad: Inay dawaafto Kacbada, Soonka, Salaadda & Galmada. (Daliil: Axaaddiista 125-aad & 126-aad cutubka Dhiigga Haweenka).
- (2009-07-16)
- War degdeg ah: Labadii Sarkaal ee Faransiiska ahaa oo ay kala qeybsadeen Al-Shabaab & Xisbul Islaam
-
Muqdisho 16 july 2009: War degdeg ah oo iminka na soo gaaray ayaa sheegaya in labadii Sarkaal ee Faransiiska ahaa oo dhowaan lagu afduubtey magaalada Muqdisho, iyagoo marti u ahaa dowladda ku meelgaarka ah la kala qeybiyey oo midba meel la geeyey.
- (2009-07-16)
- Ciidammadii Itoobiya oo ka baxay Hiiran & Xisbul Islaam oo loo gacan geliyey Saraakiishii Faransiska
-
Muqdisho 16 july 2009: Warar lagu kalsoon yahay oo shabakaddaani heshay ayaa muujinaya in labadii Sarkaal ee dhalashadoodu ahayd Faransiiska ee dhowaan laga afduubtey Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho in loo gacan geliyey Ururka Xisbul Islaam oo isgau dagaalo kula jira dowladda ku meelgaarka ah.
- (2009-07-16)
- Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay dilkii Natalya Estemirova & Warar kale oo kookooban
-
Beledweyne 16 july 2009: Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidammada Itoobiya ee ku sugan halka lagu magacaabo Kala bayrka ay xabsiga ka sii daayeen dhallinyaro Soomaali ah oo ay hore ugala degeen gaadiidka isaga goosha gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka Soomaaliya.
- (2009-07-16)
- PwC’s Contract empowers “The Smartest Guys in the Room” in Somalia
-
Two weeks ago, in the midst of tragic deaths, destruction, and massive displacement of people caused by the fighting of two forces marketed as “terrorists-local and International” and “apostates with crusaders”, Somali websites reported without details the signing of contract between the Ministry of Finance of the Transitional Federal Government of Somalia (TFUG) or Mogadishu Government and PricewaterhouseCoopers (PwC) - Audit, Tax and Consultancy Firm.
- (2009-07-15)
- Diyaarad ay saarnaayeen 168 qofood oo ku burburtey dalka Iiraan
-
Tehran 15 july 2009: Rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa loo malaynayaa in ay dhammaantood dhinteen kaddib markii ay burburtey diyaaraddaasi.
- (2009-07-15)
- Dagaal dad ku dhinteen oo ka dhacay isgoyska Dabka
-
Muqdisho 15 july 2009: Goob ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ayey weerar ku soo qaadeen xoogagga mucaaradka ah, halkaas oo ay rasaas xoog leh isku dhaafsadeen labada dhinac.
- (2009-07-15)
- Janaqow oo la kulmay Jaaliyadda Stockholm iyo warar kale oo Soomaaliya & caalamka ku saabsan
-
Stockholm 15 july 2009: Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ee dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Janaqow oo booqasho ku jooga dalka Sweden ayaa xalay waxa uu hadal dheer u jeediyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm, kulankaasi ka hor ayuu kulamo kale oo khaas ah uu la soo yeeshay Waxgarad ku dhaqan magaalada Stockholm.
- (2009-07-15)
- Labo nin oo Faransiis ah oo lagu qafaashay Muqdisho
-
Muqdisho 14 july 2009: War degdeg ah oo iminka na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in labo nin oo la sheegay inay Faransiis ahaayeen ay kooxo hubeysani ka soo qafaasheen hoteelka Saxafi ee koonfurta magaalada Muqdisho.
- (2009-07-14)
- Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Nairobi
-
Nairobi 14 july 2009: Shir looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya ayaa maanta uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Saraakiil ka kala socota dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Mareykanka, Ururada Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Ciidammada AMISOM.
- (2009-07-14)
- Warar goos goos ah
-
Muqdisho 14 july 2009: Dagaaladii xalay ku dhex maray ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, degmooyika Wardhiigley iyo Howlwadaag ayaa shaqaalaha caafimaadku xaqiijiyeen inay geysteen dhaawacyo kor u dhaafaya 20 qofood oo rayid ah.
- (2009-07-14)
- Sheekh Shariif oo Heyádaha Samafalka ugu baaqay inay gargaar la soo gaaraan dadka barakacay
-
Muqdisho 13 july 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku baaqay in gargaarg baniáadnimo lala soo gaaro dadka ku barakacay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.
- (2009-07-13)
- Wasiirka Cadaaladda DFKM Soomaaliya & Wafdi uu hogaaminayo oo ka degay Stockholm
-
Stockholm 13 july 2009: Wasiirka Cadaaladda ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta saacaddu markey ahayd 11:00 barqanimo ka degay garoonka diyaaradaha Arlanda ee magaalada Stockholm.
- (2009-07-13)
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Ciidankoodu tegi karo Baydhabo & Kismaayo
-
Muqdisho 13 july 2009: Afhayeenka Ciidammada AMISOM, Brighye Bohuko oo shalay si is daba joog ah ugu celcelinayey in aysan ciidankoodu ka qeyb gelin dagaalkii ka dhacay waqooyiga Muqdisho, hase yeeshee ay saxaafaddu soo bandhigtey Taangiyada AMISOM oo ka qeyb-qaadanaya dagaaladii shalay ayaa shaaca ka qaaday hadal ka duwan kii hore, isagoo markaan caddeeyey in ay fasax u haystaan inay tegi karaan meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah, sida Baydhabo, Kismaayo iwm.
- (2009-07-13)
- Madaxweynaha DFKM oo guulo ka sheegtay dagaaladii maanta
-
Muqdisho 12 july 2009: Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraaíd oo uu qabtay waxa uu guulo ka sheegtay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo beeniyay in ciidamada AMISOM ay ka qeyb galayaan dagaaladaas, isagoo carrabka ku adkeeyey in ay wiiqeen awooddii kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladdiisa isla markaana ay ka qabsadeen goobo ay ku sugnaayeen mucaaradku..
- (2009-07-12)
- Ciidammada AMISOM oo ka qeyb-qaatay dagaalka maanta & Madaafiic dad ku dishey Cali-Kamiin
-
Muqdisho 12 july 2009: Mar kale ayaa saaka aroortii dagaalo qaraar dib uga bilowdeen qeybo ka mid ah xaafadihii waqooyiga Muqdisho ee shalay ay ku dagaalameen Ciidammada Dowladda kumeelgaarka ah iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.
- (2009-07-12)
- Dr. Cabdisalaam Hussein oo faahfaahinaya Cudurada ku dhaca Afka, Ilkaha & Bushimaha
-
Iyadoo aan weli ku guda jirno waraysiyadii aannu la yeelanaynay Dr. Cabdisalam Hussein Awale oo ku takhasusay caafimaadka Afka, isla markaana uu Dhakhtarku hore inoogu soo faahfaahiyey cudurada ku dhaca Ilkaha, Ciridka iyo sida loo daryeeli karo caafimaadkooda, ayaanu toddobaadkana ka waraysanaynaa Dhakhtarka bal inuu faahfaahin guud naga siiyo guud ahaan cudurada ku dhaca Afka, waxa keena iyo in cuduradaas ku yimaadaan qaab dhaxal ama hide ah iyo in kale.
- (2009-07-12)
- Nuur Daqle oo la xaqiijiyey inuu ku dhintey dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho
-
Muqdisho 11 july 2009: Dagaaladii maanta ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan inuu ka mid yahay dadkii ku geeriyooday Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) oo dhinaca ammaanka u qaabilsanaa maamulka gobolka Banaadir.
- (2009-07-11)
- Obama oo tegay Ghana, Askar British ah oo lagu laayey Afqanistaan & warar kale
-
GHANA 11 july2009: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa booqasho si weyn loo sugayey ku tegay dalka Ghana, isagoo meel fagaare ah kala hadli doona dadweynaha.
- (2009-07-11)
- Degmada Cabdulcasiis oo dagaal ka socdo
-
Muqdisho 11 july 2009: Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dagaal qaraar oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxa uu ka bilowday qeybo ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeya ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogagga mucaaradka ah.
- (2009-07-11)
- Ghana, Nigeria, Siralyoon, Kenya & DJibouti oo la shaaciyey inay ciidamo ula diyaar yihiin Somaaliya
-
Addis-Ababa 11 july 2009: Shir ay shalay ku yeesheen Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD Magaalada Addis Ababa oo lagu sheegay inuu ahaa mid hore loogu sii ambaqaadayey go’aamadii ka soo baxay shir madaxeedkii Midowga Africa ee ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Liibiya iyo sidi wax looga qaban lahaa ayaa Wasiirada arrimaha dibedda IGAD waxa ay ka wada hadleen suurta galnimada sidii wadamada Africa ay ciidamo ugu soo diri lahayaeen dalka Soomaaliya.
- (2009-07-11)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Suáal 46-aad: Ninka iyo haweeneyda isqaba ma isla qubeysan karaan? Mase arki karaan Cawrada midba midka kale?
Jawaab 46-aad: Haa, waa arrin bannaan oo xataa way isku qubeyn karaan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 106-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada). - (2009-07-10)
- G8 pledges to boost food supplies
-
Leaders of the G8 developed nations have pledged $20bn (£12bn) for efforts to boost food supplies to the hungry, on the final day of a summit in Italy. The investment, which is $5bn more than had been expected, will fund a three-year initiative to help poor nations develop their own agriculture. US President Barack Obama said the issue of food security was of huge importance to all nations in the world.
- (2009-07-10)
- Afhayeenka Boliiska DFKM oo sheegay inay Bakaaraha ilaali u sameynayaan & Qarax ka dhacay Wadajir
-
Muqdisho 10 july 2009: Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu kaga hadlay xog uu sheegay in ay heleen oo ku aadan in Ciidamadii Ilaalada ee Suuqa Bakaaraha ay kala direen Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.
- (2009-07-10)
- UN Envoy for Somalia blasts Experts for their reality-based assessments (Mr. Mohamud M Uluso)
-
The search for alternative solution for the intractable Somali conflict has hit a roadblock after the Special Representative of the United Nations Secretary General (SRSG), Ahmedou Ould-Abdallah,
- (2009-07-09)
- Dagaal qaraar oo Madaafiic la isku garaacayo ayaa ka qarxay degmada Dharkenleey
-
Muqdisho 9 july 2009: Dagaal qaraar oo ay la socoto Madaafiic culculus ayaa goor dhow ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeya Ciidammada Dowladda kumeelgaarka ah iyo xoogagga mucaaradka ku ah.
- (2009-07-09)
- Madaxweyne Obama oo lagu soo dhoweynayo dalka Ghana
-
Ghana 8 july 2009: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama oo lugtiisii 2-aad ee uu ku tago Qaaradda Africa uga billaabanayso dalka Ghana ayaa soo dhoweyntiisa aad loogu howlan yahay.
- (2009-07-08)
- Shir madaxeedkii dalalka G-8 oo maanta furmay dalka Talyaaniga
-
Rome 8 july 2009: Shir madaxeedkii dalalka dunida ugu horumarsan ayaa maanta waxaa uu ka furmay dalka Talyaaniga, shirkaas oo looga hadlayo qodobo dhowr ah.
- (2009-07-08)
- Turkiga oo maanta Markab ganacsi looga qafaashay xeebaha Soomaaliya
-
ANKARA 8 july 2009: Kooxaha BUrcad badeedda Soomaalida ah ayaa la sheegayaa inay maanta gacanta ku dhigeen oo ay qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Turkiga.
- (2009-07-08)
- Madaxda Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya oo faahfaahin ka bixiyey kulankoodii Addis-Ababa
-
Addis-Ababa 8 july 2009: Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay kadib markii Wadahadal Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya uu kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi iyo Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya iyo
- (2009-07-08)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Qeybtii 7-aad:
Suáal 41-aad: Waxyaalahee mamnuuc ah in lagu istijoodo?
Jawaab 41-aad: Lafaha & Saalada Xoolaha, Waraaqaha dadku wax ku qortaan iyo wax walba oo ay dadku faaíido ka helaan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 88-aad cutubka Adaabta Kortagga). - (2009-07-07)
- Mareykanka & Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya
-
Addis-Ababa 7 july 2009: Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Africa Mr. Jammie Carlson ayaa booqasho ku tegay magaalada Addis-Ababa isagoo halkaasi kula kulmay Raíisul Wasaaraha Itoobiya.
- (2009-07-07)
- Madaxweynaha DFKM & wafdi la socda oo gaaray Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya
-
Addis-Ababa 6 july 2009: Madaxweynaha Dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.
- (2009-07-06)
- Sheekh Muqtaar Abuu Subeyr oo ciidammada dowladda FKM ugu baaqay inay hubka dhigaan
-
Sida aan ka soo xiganay shabakadda wararka www.shabelle.net Amiirka Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Muqtaar Abuu Subeyr oo farriin u soo diray qalabka Warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay qodobo dhowr ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen arrimaha Mareykanku uu ka damacsanaa wadanka Soomaaliya .
- (2009-07-06)
- Dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho oo ay ku dhinteen 35 qof & Obama oo Ruushka booqanaya
-
Muqdisho 6 july 2009: Dagaaladii iyo duqeymihii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wararku xaqiijinayaan inay geysteen dhimashada 35 qofood oo rayid ah iyo dhaawaca in ka badan 300 oo qofood.
- (2009-07-06)
- Kutubka Buluuqul Maraam (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Qeybtii 6-aad
Suáal 36-aad: Waa maxay sababta loo reebay in lagu istijooda saalada xoolaha hilibkooda la cuno, caanahoodana la cabbo & lafaha?
Jawaab 36-aad: Waxaa ka faaiidaysta walaalaheen jinka muslimka ah. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 88-aad cutubka Adaabta Kortagga). - (2009-07-05)
- Madaxweynaha DFKM Soomaaliya oo goor dhow ka degay Jabuuti & warar kale
-
Djibouti 5 july 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Djibouti.
- (2009-07-05)
- Madaafiic lagu garaacay Muqdisho & Raíisul Wasaraha DFKM oo sheegay in AMISOM difaaci doonto dowlada
-
Muqdisho 5 july 2009: Madaafiic aad u badan oo is daba joog ah ayaa lagu garaacay maanta qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho, goobahaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin xooxgagga hubeysan ee dagaalada kula jira dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidammada Africa.
- (2009-07-05)
- Mareykanka oo laga yaabo inuu weeraro cirka ah kaga qeyb-qaato dagaalada ka socda Soomaaliya
-
Washington 5 july 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo ilo ku dhow dhow xukuumadda Mareykanka ayaa muujinaya in haddii kooxaha mucaaradka ku ah dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ay khatar geliyaan jiritaanka dowladda ay suurto gal tahay in Mareykanku qaado weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka hubetysan ee Soomaaliyeed.
- (2009-07-05)
- Afhayeenka Maxkamadaha oo guulo ka sheegtay dagalaada ka socda Muqdisho
-
Muqdisho 4 july 2009: Kusimaha Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ku biiray dowladda KMG Sheekh Cabdirisaaq Qeylow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay dagaaladii Maalmihii la soo dhaafay ka socday qeybo ka nmid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
- (2009-07-04)
- Saraakiishii Maxkamadaha Islaamiga ee G/Hiiraan oo ku dhawaaqay in uu burburay Mamulkii Maxkamadaha
-
Saraakiishii Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay saacado ka hor in uu burburay Mamulkii Maxkamadaha ee gobolka Hiiraan. (Xigasho shabelle.net)
- (2009-07-04)
- Culumo waaweyn oo bayaan ka soo saaray dagaalada ka socda Soomaaliya (Bayaanka oo Carabi ah)
-
والجنوح للسلم
السبت 20 جمادى الآخرة 1430 الموافق 13 يونيو 2009الإسلام اليوم / خاص
دعا العلامة عبدالله بن الشيخ المحفوظ بن بيه رئيس المركز العالمي للتجديد والترشيد، والدكتور عبدالله عمر نصيف رئيس مؤتمر العالم الإسلامي في بيان لهما، الإخوة الصوماليون المتقاتلون إلى إيقاف الحرب والجنوح إلى السلم.
- (2009-07-03)
- 15 qofood oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhimatay dagaal maanta ka dhacay Muqdisho
-
Muqdisho 3 july 2009: Dagaalo aad u qararaar oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qofood oo rayid ah ayaa maanta oo jimce ah ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
- (2009-07-03)
- Kooxaha Banaadir Telecom (Somalia) iyo TP Mesembe (Cong) oo caawa wada ciyaaraya
-
Khartoum 3 july 2009: Kooxda Kubbadda Cagta Banaadir Telecom ee dalka Soomaaliya oo ka qeyb geleysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa uga socda dalka Suudaan ayaa caawa kulankeedii 2-aad la yeelanaysa kooxda TP esembe ee dalka Congo oo ay ku wada jiraan qeybta (group-B).
- (2009-07-03)
- Shir madaxeedkii Africa oo la soo gebogebeeyey
-
Sirta 3 july 2009: Shir madaxeedkii dalalka midowga Africa uga socday dalka Liibiya ayaa maanta lagu soo gebogebeeyey magaalada Serta iyadoo laga soo saaray qodobo qaarkood ku saabsan yihiin dalka Soomaaliya, iyado ay kulanka ka qeyb galeen in ka badan 50 dowladdood.
- (2009-07-03)
- Dagaal culus oo ka socda qeybo ka mid ah degmada Kaaraan
-
Muqdishi 1-da july 2009: Dagaal culus oo maanta gelinkii dambe ka dillaacay qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 8 qofood oo rayid ah.
- (2009-07-01)
- Kooxda Banaadir Telecom oo wacdaro ka dhigtey Horyaalada Bariga & Bartamaha Afrika
-
Khartoum 1-da july 2009: Kooxda Kubbadda Cagta Banaadir Telecom oo dalka Soomaaliya u metelaysay tartanka horyaalada dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa oo shalay ka furmay dalka Suudaan ayaa galabta wacdaro ka muujisey kulankeedii 1-aad ee ay la yeelatay kooxda Prisons ee dalka Tanzania.
- (2009-07-01)
- Sheekh Shariif & Meles Zenewi oo kulan gaar ah ku yeeshay Liibiya
-
SIRTA 1-da july 2009: Warar hordhac ah oo ka soo baxaya madasha uu ka socdo shir madaxeedka dalalka Midowga Africa ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ay kulan gaar ah halkaasi ku yeesheen madaxda IGAD, kuwaas oo kulankooda ku lafa gurayey arrimaha dalka Soomaaliya.
- (2009-07-01)
- Natiiajdii ciyaarihii CECAFA ee xalay & kulanka caawa ee Banaadir Telecom Vs Prison
-
SUDAN: Waxaa shalay si rasmi ah uga furmay dalka Suudaan tartanka kubbadda cagta horyaalada dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa oo ay Soomaaliya uga qeyb-geleyso kooxda kubbadda cagta ee Banaadir Telecom. Kooxda haysata horyaalnimada dalka Soomaaliya ee Banaadir Telecom oo muddo tababar ku qaadanaysay dalka Kenya waxa ay kulankeeda ugu horreeya la yeelan doontaa maanta kooxda Prisons ee dalka Tanzaniya oo ay ku wada jiraan qeybta (group-B).
- (2009-07-01)
- Warar kookooban oo caalamka ah
-
USA: Arbaco 1 july 2009: Laba nin oo hubeysan ayaa weerar rasaas ah oo ay ku dhaawacmeen toddoba qof ku qaaday meel basaska laga raaco dalka Mareykanka.
Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa dhammaantood ahaa dhallinyaro da´doodu u dhaxayso 14 sano jir ilaa 17 sano jir kuwaas oo saddex ka mid dhaawacoodu halis yahay. - (2009-07-01)
- Madaxweynaha DFKM oo hambalyo direy & Aaden Madoobe oo cadeeyey in ciidamo lala soo gaarayo dowladda
-
Talaado30 June 2009: Madaxweynaha Dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan maalintii gobollada Koonfurta Soomaaliya ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.
- (2009-06-30)
- Degmooyinka Yaaqshid & Kaaraan oo Madaafiic ku dhacayso & Shiinaha oo lacag ugu deeqay AMISOM
-
Muqdisho 30 june 2009: Maanta gelinkii dambe ayaa mar kale dagaal goos goos ah ka dhex qarxay Ciidammada Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda, dagaalkaas oo ka dhacay qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.
- (2009-06-30)
- Madaxweynaha Ugandha oo ku baaqay in la taageero dowladda KMG ee Soomaaliya
-
Kampala 30 june 2009: Yoweri Museveni, Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa si weyn u soo dhoweeyey deeqdii hubka iyo rasaasta ahayd ee dowladda Mareykanku u fidisey dhowaan dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-06-30)
- Maamulada Islaamiga ee Kismaayo & Bay/Bakool oo soo saaray hanjabaaddii ugu kululeyd
-
Talaado 30 june 2009: Maamulada Islaamiga ah ee Xarakatul AL-Shabaab ay ka dhiseen gobollada Jubbooyinka iyo Bay/Bakool ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalada ay uga soo horjeedaan dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo weliba dalalka Kenya iyo Itoobiya oo iyagu taageera dowladda Soomaaliya.
- (2009-06-30)
- Dr. Cabdisalaam Xuseen oo ka warbixinaya cudurada ku dhaca CIRRIDKA & Daaweyntooda
-
Haddii aan isku dayno in aan faah-faahin ka bixino xannuunada ku dhaca cirridka iyo waxyaabaha keena
guud ahaan, dad badan oo ku nool dunida ayaa waxa ay inta badan cabasho joogta ah ka muujiyaan
Dhiiga ka yimaada Afka ama Ilkaha, Ur Qadhmuun oo ay ka dareemaan Afka, Cadayga oo ka dhiijiya (dhiig ka keena) Afka,
Neef Qadhmuun oo qofku uu dhibsado iyo Cuntooyinka kulul oo dhiba. - (2009-06-30)
- KUTUBKA BULUUQUL MARAAM (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Suáal 26-aad: Waa imisa wakhtiga loogu tala galay masixidda Khufeynka qofka muqiimka?
Jawaab 26-aad: Hal habeen iyo hal maalin , haddii aysan ku dhicin Janaabo ama Xayd. (Daliil: Xaddiiska 60-aad cutubka Masixidda Buudka). - (2009-06-29)
- 5 Qof oo ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay dalka Norway
-
Oslo 29 june 2009: Shan qofood ayaa ku dhimatay shil baabuur oo habeenimadii axadda ka dhacay waddo dhulka hoostiisa marta oo ku taal buundada lagu magacaabo Eiksundtunnel ee dalka Norway.
- (2009-06-29)
- Xoghayaha Gaashaandhigga Xisbul Islaam & Guddoomiyihii hore ee Baydhabo oo hadalo jeediyey
-
Isniin 29 june 2009: Guddoomiyihii hore ee degmada Baydhabo, Xasan Maxamed Biikole ayaa sheegay inay wadaan abaabul dagaal oo ay la kaashanayaan ciidamo shisheeye si ay u qabnsadaan Gobollada Bay iyo Bakool.
- (2009-06-29)
- Brazil oo la hoyatey koobkii K/Cagta Qaaradaha (FIFA Confederations Cup) 2009
-
Kulankii ugu dambeeyey ee tartankii K/Cagta Qaaradaha oo ay isugu soo hareen xulalka Brazil iyo Mareykanka oo caawa ka dhacay dalka Koonfur Africa ayaa ku soo gebogeboobey 3:2 gool oo ay guushii ku raacday Brazil, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2:0 ay Mareykanku ku horreeyeen. Dhinaca kale kaalinta 3-aad ayaa Spain 3:2 kaga badisey xulka K/Africa. Sii akhri warka oo english ah.
- (2009-06-28)
- Sheekh Shariif "Saaxiibkeygii hore Sheekh Xasan wuxuu ku socdaa qad aan laga soo noqon karin..."
-
Muqdisho 28 june 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraaíd oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxa uu kaga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo dagaalada ka socda.
- (2009-06-28)
- Burcad-badeedda Soomaalida oo 254 weerar ku qabsaday 73 Markab
-
Axad 28 june 2009: Markab lagu magacaabo MV POMPEI oo laga leeyahay dalka Biljamka ayaa maanta ay sii daayeen burcad-badeed Soomaaliyeed kaddib markii ay ka qaateen lacag gaaraysa 3 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
- (2009-06-28)
- Madaafiic culus oo lagu garaacay xaafado ka mid ah Degmada Hodan ee M/Muqdisho
-
Muqdisho 28 june 2009: Madaafiic aad u xooggan iyo duqeyn ayaa ku socota qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen xoogagga mucaaradka hubeysan ee ka soo hor jeeda dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
- (2009-06-28)
- Maxkamadaha Islaamiga & Al-Shabaab oo mar kale ku dagaalamay Tuulada Ceel-Baraf
-
Jowhar 28 june 2009: Saaka ayaa mar kale dagaal ka qarxay degaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dalka Soomaaliya, dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Maxkamadihii hore oo taageersan dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo xoogagga ka soo horjeeda ee Al-Shabaab, kuwaas oo horey ay u dhex mareen dagaalo soo noq-noqday.
- (2009-06-28)
- Barnaamijka Xifdinta Quraanka kariimka
-
Waxaa hubaal ah in dad aad u fara badan ay isku dayayaan in ay xifdiyaan Quraanka kariimka ah. Waxaan rabaa in aan idin soo gudbiyo jadwal idin fududeenayo sida aad Quraanka u xifdin laheedeen
- (2009-06-27)
- Qaar ka mid ah dowladaha Carabta & reer galbeedka oo taageero hub ah u balanqaadey dowladda Somaliya
-
London 27 june 2009 Wargeyska Asharqal-Awsat ee ku soo baxa luuqadda Carabiga kana soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa daabacay in Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed uu uga mahada celiyey dowladda Mareykanka taageeradii hubka iyo rasaasta ahayd ee dhowaan ay ugu deeqday.
- (2009-06-27)
- Wasiirka Arr/Dibedda Talyaanga oo sheegay inay Dowladda Soomaaliya Ciidamo u tababarayaan
-
Rome 27 june 2009: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Talyaaniga Franttine Franco ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu gacan buuxda ka geysanayso howl-galada lagula dagaalamayo burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2009-06-27)
- Madaxweyne Shariif oo dhambaal hambalyo ah u direy Madaxweynaha & Shacabka Jabuuti
-
Muqdisho 27 june 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah u direy Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti.
- (2009-06-27)
- IOC President Rogge Launches Table Tennis Meeting in Lausanne, Switzerland
-
The ITTF Executive Committee hold a meeting at the IOC headquarters in Lausanne, Switzerland. IOC President Jacques ROGGE himself opened the almost eight hours session and expressed his satisfaction of table tennis in the Olympics. The Executive Committee (EC) made decisions about its own TV channel, the racket control system, the next World Championships and about the eligibility of players from Hong Kong.TV Viewership Doubled in Two Years
- (2009-06-27)
- Afhayeen u hadlay Mareykanka oo faahfaahiyey sababta ay hubka & rasaasta ugu direen Soomaaliya
-
Washington 26 june 2009: Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Mareykanka, Keyli Eyan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanku ay aad uga walaacsan tahay dagaalada ku dhex maraya magaalada Muqdisho dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka dowladda.
- (2009-06-26)
- KUTUBKA BULUUQUL MARAAM (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Qeybtii 5-aad
Suáal 21-aad: Waa sidee in Weyso-qaadka Bisinka loo qabto?
Jawaab 21-aad: Waajib. (Daliil: Xaddiiska 46-aad cutubka Waysada).
Suáal 22-aad: Maxaa laga rabaa qofka Tukada isaga oo aanan Weyso ama Dahaaro qabin?
Jawaab 22-aad: Inuu Salaadda ku soo celiyo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 50-aad cutubka Waysada).
- (2009-06-26)
- Warar goos-goos ah oo ku saabsan Caalamka & Soomaaliya
-
Jimce 26 june 2009: Qeybo ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub ayaa waxaa ku soo rogmaday Fatahaado iyo Daadad xoog leh oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad aad u badan, kaddib markii maalmihii la soo dhaafey ay dalalkaasi ka daéen Roobab lixaad leh.
- (2009-06-26)
- Final-ka FIFA Confederations Cup oo ay isugu soo hareen Brazil Vs Mareykanka
-
Johannesburg 25 june 2009: Kulankii 14-aad ee tartanka Kubbadda Cagta Koobka Qaaradaha ayaa xalay Garoonka Ellis Park ee magaalada Johannesburg ku dhex maray xulalka Brazil iyo Koonfur Africa.
- (2009-06-26)
- Fannaankii Caanka ahaa Micheal Jackson oo ku geeriyoodey Los Angeles
-
LOS ANGELES 26 june 2009: Xiddiggii caanka ahaa ee Heesaha Boobka, Micheal Jackson ayaa ku geeriyooday habeenimadii Khamiista Isbitaal ku yaal magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.
- (2009-06-26)
- Suuqa Bakaaraha oo Madaafiic lagu garaacay & Shirqool lagu dilay Wadihii Gaadidka Gurmadka degdega
-
Muqdisho 25 june 2009: Gelinkii dambe ee maanta ayaa Madaafiic waaweyn lala beegsaday qeybo ka mid ah degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, Madaafiicdaas oo geysatay khasaare xoog leh oo soo gaaray dadka rayidka ah.
- (2009-06-25)
- Dagaal ka dhacay degaanka Mahaddaay & Al-Shabaab oo fulisay xukun gacmo & lugo geyn ah
-
MAHADDAAY 25 june 2009: Maanta ayey mar kale Xarakada Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamig ah ee taageersan dowladda kumeelgaarka ah waxay isku fara-saareen degaano ka tirsan degmada Mahaddaay.
- (2009-06-25)
- Mareykanka oo shixnado hub iyo rasaas ah u direy Dowladda Soomaaliya ( xigasho Washington post)
-
KHAMIIS 25 june 2009: Wargeyska Washington Post oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer wargeysyada caalamka ayaa faafiyey war sheegaya in Dowladda Mareykanka ay hub iyo rasaas kala duwan ku taageertay dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo kooxaha hubeysan ee dagaalada kula jira.
- (2009-06-25)
- Meles Zenawi oo sheegay in aysan Ciidamo u soo direyn Soomaaliya & kulan ka dhacay Kala-beyrka
-
ADDIS-ABABA 25 june 2009: Raíisul Wasaare Zenawi-ga Itoobiya ayaa sheegay inay dhowaan wada hadleen Madaxwenaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo uu caddeeyey inay isla soo qaadeen qodobo badan oo dhammaantood ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya iyo sida loo taageeri karo dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed oo Meles Zenawi sheegay inay taageersan yihiin.
- (2009-06-25)
- Riyadii xulka K/Cagta Mareykanka oo rumowday & Spain oo guul-darro lama filaan ah la hoyatay
-
Mangaung/Bloemfontein 24 june 2009: Xulalka Kubbadda Cagta Mareykanka iyo Spain ayaa galabta ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan semi-final-ka Koobka Qaaradaha ku yeeshay Garoonka Kubbadda Cagta Caalamiga ah ee lagu magacaabo Free State Stadium ee dalka Koonfur Africa.
- (2009-06-24)
- Waaxda Arr/Dibedda Sweden oo sheegtay in la qabtey nin qarax la damacsanaa safaaraddooda Islamabad
-
ISLAMABAD 24 june 2009: Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden ayaa sheegay in magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Bakistaan lagu qabtay nin lagu eedeeyey inuu qorsheynayey inuu gubo Safaaradda Sweden ee ku taal magaalada Islamabad iyo weliba Safarado kale oo reer galbeedku ku leeyihiin dalkaasi.
- (2009-06-24)
- Sandra Paovic oo caafimaadkeedu ka soo raynayo
-
Sandra Paovic waa gabar 26 sano jir ah oo u dhalatay dalka Croatia isla markaana ka mid ahaan jirtey ciyaartoyda xulka Qaranka Kubbadda Miiska dalkaasi, hase yeeshee waxa ay shil baabuur gashay dabayaaqadii bishii jannaayo ee sanadkan 2009.
- (2009-06-24)
- Semi final-ka FIFA Confederations Cup (kulamada caawa & habeen dambe)
-
Mangaung/Bloemfotein 24 june 2009: Kulankii 13-aad ee cayaaraha kubbadda cagta koobka Qaaradaha (FIFA Confederations Cup) qeybtiisa semi final-ka oo ay isaga hor imaanayaan xulalka Spain iyo Mareykanka ayaa caawa lagu qabanayaan garoonka Free state Stadium ee magaalada Mangaung/Bloemfontein ee dalka Koonfurta Africa.
- (2009-06-24)
- Wararka Gobollada & Maanta
-
Beledweyne 24 june 2009: Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo ka mid ah masúuliyiinta dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay u dirtey gobolka Hiiraan kaddib geridii Wasiirkii Amniga Qaranka ayaa sheegay inay doonayaan wada hadalo ay la yeeshaan Kooxaha Xisbul Islaam iyo Xarakatul Mujaahidiin Al-Shabaab ee gobolkaas qeybo ka mid ah ka ka taliya.
- (2009-06-24)
- Askartii DFKM Soomaaliya uga dhaawactay dagaalada Muqdisho oo laga dejiyey dalka Jabuuti
-
DJibouti 23 june 2009: Askartii dowladda ku meelgaarka ah ee ku dhaawactay dagaaladii ugu dmabeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galabta laga dejiyey magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
- (2009-06-23)
- Ciidamadii Itoobiya oo la sheegay inay dad ka qabqabteen Ceelbarde dibna ugu laabteen xadduudda
-
Talaado 23 june 2009: Rasaas goos goos ah iyo Madaafiic mar mar la ridayo ayaa laga maqlayaa maanta qaar ka mid ah xaafadihii lagu dagaalamay maalmihii la soo dhaafay ee waqooyiga magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay weli goobaha dagaalka isaga soo horjeedaan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyey.
- (2009-06-23)
- Mareykanka oo qaadaya Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryaha dalka Itoobiya
-
Talaado 23 june 2009: Sarkaal sare oo Heyádda UNHCR ee Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay u jooga xeryaha qaxootiga Soomaalida ee magaalada Jigjiga, Bakele Negash ayaa shaaca ka qaaday in UNHCR ay diyaarineyso inay dalka Mareykanka u daabusho qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryahaasi.
- (2009-06-23)
- Ururada Jaamacadda Carabta & Midowga Africa oo loogu baaqay kulan ay uga hadlaan Arrimaha Soomaaliya
-
Talaado 23 june 2009: Guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta Hadiya Bin Caamir ayaa baaq qoraal ah oo ay soo saartey ku sheegtay in loo baahan yahay in Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afica ay qabanqaabiyaan shir heer Wasiir ah oo looga hadlayo arrimaha sii xumaanaya ee dalka Soomaaliya.
- (2009-06-23)
- Qax aad u weyn oo ka socda Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Boondheere
-
Muqdisho 22 june 2009: Xaafadihii magaalada Muqdisho ee lagu dagaalamay maalmihii la soo dhaafay ayaa maanta xasilloon, inkastoo ay weli is hor fadhiyaan kooxihii dagaaladu u dhexeeyeen oo aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo inay heshiis xabbad joojin ah gaaraan.
- (2009-06-22)
- Wareegga 2-aad ee FIFA Confederations Cup oo ay isugu soo hareen (Spain Vs USA, RSA Vs Brazil)
-
Axad 21 june 2009: Iyadoo uu si xiiso leh uga socdo garoomada kubbadda cagta dalka Koonfurta Afrka tartanka K/Cagta Qaaradaha oo ay wareeggiisa hore ku baratamayeen 8 kooxood oo kala metelayey Qaaradaha Adduunka, kooxahaas oo loo kala qaybiyey labo group oo (A) iyo (B) ah ayaa maanta gelinkii dambe la ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee loogu soo baxayey qeybta 2-aad ee tartanka.
- (2009-06-21)
- KUTUBKA BULUUQUL MARAAM (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Qeybtii 4-aad
Suáal 16-aad: Dhiigga ka yimaada farjiga haweenka xukunkiisu muxuu yahay?
Jawaab 16-aad: Waa nijaas, lagumana tukan karo marada (dharka) uu gaadho in laga dhaqo mooyee. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 27-aad cutubka Daahirinta Nijaasada).
- (2009-06-21)
- Madaafiic dad rayid ah ku dishey Muqdisho & Itoobiya oo shuruud ku xirtey Ciidankeeda
-
Muqdisho 21 june 2009: Dagaal la isku weydaarsanayo Madaafiicda MP-ka iyo Hoobiyaha ayaa mar kale maanta ka socda qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
- (2009-06-21)
- Xisbul Islaam, Al-Shabaab & M/Kismaayo oo si isku mid ah ugu hanjabay ciidammada ay dalbatay DFKM
-
Muqdisho 21 june 2009: Guddoomiyaha Urur-diimeedka hubeysan ee Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaciyey inay la dagaalamayaan ciidan kasta oo ajnabi ah oo ku yimaada dalka Soomaaliya dalabka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aysan ka goín talada dalka Soomaaliya isla markaana u adeegta dano dalal shisheeye.
- (2009-06-21)
- FIFA Confederations Cup & kulamadii xalay (Xulka Spain oo la loodin laýahay)
-
Johannesburg 21 june 2009: Kulankii xulalka Kubbadda Cagta ee dalalka Spain iyo Koonfur Africa oo ay ka qeyb galeen taageerayaal kor u dhaafayey 23 kun oo qofood oo reer koonfur Africa ah ayaa ku soo dhammaaday 2:0 ay guushii ku raacday xulka Spain oo 3-dii kulan ee uu yeeshay aan marna dhiniciisa dhulka la dhigin.
- (2009-06-20)
- Kenya oo ciidamo soo dhoobtey xadka ay la leedahay Soomaaliya
-
Muqdisho 20 june 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee shabakaddaani ka heshay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa cadeynaya dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh oo halkaasi ka socda maanta.
- (2009-06-20)
- Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM oo Qeylo-dhaantii ugu weynayd u direy dalalka deriska la ah Soomaaliya
-
Muqdisho 20 june 2009: Guddoomiyahah Baarlamaanka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Aaden Maxamed Nuur (Aaden-Madoobe) ayaa qaylo-dhaantii ugu weynayd u direy dalalka deriska la ah Soomaaliya, kaddib dagaalo qaraar oo Mucaaradku uga qabsadeen Ciidanka dowladda qeybo ka mid ah degmada Kaaraa.
- (2009-06-20)
- Maanta iyo kulamada FIFA Confederations Cup
-
20 june 2009: Iyadoo si aad u xiiso badan uu uga socdo dalka Koonfur Afrika tartankii Qaaradaha ee FIFA Confederations Cup ayaa kulamada maanta gelinka dambe u dhacayaan sidatan:
- (2009-06-19)
- Xoogagga Mucaarad Diimeedka hubeysan oo qabsaday Saldhigga Boliiska & Degmada Kaaraan
-
Muqdisho 19 june 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii maanta gelinkii dambe ka qarxay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogagga mucaarad diimeedka hubeysani ay qabsadeen saldhigga Boliiska iyo degmada Kaaraan.
- (2009-06-19)
- Magacyada Saraakiishii, Nabaddoonadii & Aqoonyahandii lagu dilay qaraxii shalay oo la shaaciyey
-
Muqdisho 19 june 2009: War qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Ra´iisul Wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa lagu soo bandhigay tirada iyo magacyadii Saraakiishii & waxgaradkii kale ee ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay Ururka Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Beledweyne.
- (2009-06-19)
- Dagaal qaraar oo ka socda Waqooyiga Muqdisho & Xildhibaan Caddow oo ku geeriyooday
-
Muqdisho 19 june 2009: Dagaal aad u qaraar ayaa ka qarxay waqooyiga magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku geeriyooday rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow oo ka tirsanaa Baarlamaanka DFKM.
- (2009-06-19)
- Aaden Madoobe oo beesha caalamka ka codsaday in la soo farageliyo Soomaaliya
-
Muqdisho 19 june 2009: Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabad loogu baroor-diiqayey Wasiirkii Amniga Soomaaliya, Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Siyaasiyiintii kale shalay ku naf waayey qarixii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Hoteelka Madina ee bartamaha magaalada Beledweyne ayaa beesha Caalamka ka codsaday in ay soo farageliso Soomaaliya.
- (2009-06-19)
- Ururka Jaamacadda Carabta & Dowladda Itoobiya oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay B/weyne
-
19 june 2009: War saxaafadeed ku saabsan qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu dilay Wasiirkii Amniga Dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta laga soo saaray xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
- (2009-06-19)
- Kulamadii shalay & FIFA Confederations Cup
-
19 june 2009: Kulamdii shalay ee tartanka Kubbadda Cagta Qaaradaha (FIFA Confederations Cup) ee shalay lagu ciyaaray dalka Koonfurta Afrika ayaa kooxuhu u kala badiyeen Brazil Vs Mareykanka 3-0 ay guushii ku raacday xulka Brazil oo isagu leh 6 dhibcood iyo Masar Vs Talyaaniga 1-0 ay guushii ku raacday xulka Masar, iyadoo kooxaha Masar iyo Talyaanigu ay leeyihiin min 3 dhibcood.
- (2009-06-19)
- Madaxweynaha DFKM oo Shir Jaraaíd qabtay & Al-Shabaab oo sheegtay Qaraxii Beledweyne
-
Muqdisho 18 june 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay qaraxii maanta lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka, Col. Cumar Xaashi Aden iyo Siyaasiyiin kale oo dowladda KMG ka tirsanayd, kuwaas oo qarax is-miidaamin ah lagu qaarajiyey waqti ay ku sugnaayeen hoteel ku yaal magalaada Beledweyne.
- (2009-06-18)
- WASIIRKII AMNIGA DOWLADDA FKM & SIYAASIYIIN KALE OO KU GEERIYOODAY QARAX KA DHACAY B/WEYNE
-
BELEDWEYNE 18 june 2009: Qarax aad u xooggan oo uu fuliyey qof Is-miidaamiyey ayaa goor dhowayd lala beegsaday Hoteelka Madiina oo ku yaal magaalada Beledweyne oo xilliga la qarxiyey ay ku sugnaayeen Wasiirkii Amniga Qaranka ee dowladda FKM ah, Col. Cumar Xaashi Aadan iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
- (2009-06-18)
- Madaxweynaha DFKM oo saacadaha soo socda shir jaraaíd qabanaya
-
Muqdisho 18 june 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaalya, Shariif Sheekh Axmed oo hadda kulamo xasaasi ah kula leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya xubno ka tirsan Wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidammada ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda qabto shir jaraaid oo uu uga hadlayo dagaaladii maalmahaan ka dhacay Muqdisho.
Faahfaahinta shirka Madaxweynaha waxaad ku heli doontaan wararkeenna dambe.
- (2009-06-18)
- Dadweynaha Muqdisho oo maanta fursad u helay daaweynta dhaawacyadii shalay & dorraad
-
Muqdisho 18 june 2009: Dadweynaha ku dhaqan xaafidihii shalay iyo dorraad sida xun loogu dagaalamay ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay fursad u heleen inay daawo u raadiyaan dhaawacyadii dadka qaar oo ay guryaha ku hayeen, iyadoo dadka qaarna ay deganaanshaha yar ee jira saaka uga faaiideysanayaan inay isaga baxaan xaafadahaas.
- (2009-06-18)
- Xulalka K/Africa & Spain oo u soo baxay wareegga 2-aad ee FIFA Confederations Cup
-
South Africa 17 june 2009: Xulka Kubbadda Cagta dalka Koonfurta Africa (Bafana-bafana) oo marti loogu yahay dalkooda tartanka Qaaradaha dunida ee loo yaqaan FIFA Confederations Cup ayaa ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay la yeesheen galabta xulka dalka Newzealand waxa ay ugu awood sheegteen 2-0.
- (2009-06-17)
- Wararkii ugu dambeeyey dagaalada Muqdisho (3 weriye oo ku dhaawacmay dagaaladii maanta)
-
Muqdisho 17 june 2009: Waxaa isa soo taraya tirada dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah ee dagaalladii shalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warbixinadii ugu dambeeyey ee laga helay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho iyo Isbitaalada ay muujinayaan dhimashada 15 qofood oo qaarkood lagu laayey Masaajid ku yaal degmada Kaaran oo Madfac lala beegsday.
- (2009-06-17)
- Dr. Cabdisalaam oo ka hadlaya cudurada Afka ku dhaca, gaar ahaan (Suuska Ilkaha)
-
Boggeenna Caafimaadka ee toddobaadkan waxaanu ku soo qaadaneynaa warbixin faahfaahsan oo Dr. Cabdisalaam Xuseen Cawaale uu kaga hadlayo guud ahaan cudurrada ku dhaca Afka, sida Ilkaha, Ciridka Dibnaha (farruuryaha), Daamanka & Suuska (Caries), isagoo Dhaqtarku mid mid u soo qaadan doona, balse toddobaadkan waxa uu si gaar ah inoogu sharrixayaa xannuunka loo yaqaan SUUSKA (Caries) ee ku dhaca ILKAHA.
- (2009-06-17)
- Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir oo lagu dilay dagalaada Muqdisho ka qarxay saaka
-
Muqdisho 17 june 2009: Taliyihii Ciidammada Boliiska Gobolka Banaadir ee dowladda ku meelgaarka ah, Col. Cali Siciid ayaa wararka dagaalku sheegayaan in lagu dilay dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Muqdisho.
- (2009-06-17)
- Muqdisho oo dagaal qaraar & Madaafiic ku waabariisatey
-
Muqdisho 17 june 2009: Aroornimadii hore ee saaka ayaa dagaal aad u qaraar ka bilowday qeybo ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeya ciidammada dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa mucaaradka ah ee Xisbul Islaam & Al-shabaab.
- (2009-06-17)
- Ciidammada dowladda oo weerar rogaal-celis ah ku qaaday degaankii saaka laga qabsaday ee Galgalato
-
Muqdisho 16 june 2009: War degdeg ah oo iminka na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in markii labaad uu dagaal ku dhex marayo maanta Ciidammada Ururka Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda ku meelgaarka ah degaanka Galgalato ee duleedka waqooyiga magaalada Muqdisho.
- (2009-06-16)
- HEYÁDDA ELMAN OO WARBIXIN DHEER KA SOO SAARTAY XAALADDA CARRUURTA SOOMAALIYEED
-
MUQDISHO 16 JUNE 2009: Heyádda u doodda Xaquuqda Insaanka ee ELMAN ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ay uga hadlayso dhibaatada heysata carruurta soomaaliyeed iyo sababaha ay uga qeyb-qaataan dagaalada sokeeye iyo burburka dalka ka jira. Heyádda Elman waxa ay warbixintaan ku soo beegtay maanta oo ah maalinta loo aqoonsaday inay tahay maalinta xaquuqda carruurta Africa, iyadoo ay socdaan munaasabado waaweyn oo arrintaas ku saabsan.
- (2009-06-16)
- EU-da oo Waqtiga u kordhisay Maraakiibteeda ku sugan Xeebata Soomaaliya & Rabshadaha Iran
-
Talaado 16 june 2009: Wadammada Midowga Yurub ayaa isku raacay inay waqtiga u kordhiyaan howlgalka Atalanta ee Maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya si ay burcad-badeedda Soomaalida ah uga ilaaliyaan Maraakiibta maraysa Badda ku xeeran Soomaaliya.
- (2009-06-16)
- Brazil oo dirqi uga badisay Masar & Talyaaniga oo ku barbartay xulka Mareykanka
-
16 june 2009: Iyadoo tartankii FIFA Confederations Cup oo ay ka qeyb gelayeen 8 kooxood oo kala metelayey qaaradaha adduunka uu si habsami leh uga socdo dalka Koonfurta Africa ayaa kulamadii xalay kooxuhu u kala badiyeen sidatan:
- (2009-06-15)
- Qarax sababay dhimashada hal qof oo rayid ah & dhaawaca askar DFKM oo ka dhacay Muqdisho
-
Muqdisho 15 june 2009: Qarax aad u weyn ayaa lala beegsaday goob ay ka ag dhowaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
- (2009-06-15)
- WARAR GOOS GOOS AH
-
Isniin 15 june 2009: Xannuunka loo yaqaan Hergab-Doofaareedka H1N1 ee dunida ka dillaacay horraantii bishii may 2009 ayaa qofkii ugu horreeyey ugu geeriyooday Scotland, taas oo guud ahaan dadka u geeriyooday cudurkaas ka dhigeysa 150 qofood.
- (2009-06-15)
- Spain oo ku tumatay Newzealand & Ciraaq oo iska difaacday Bafana-bafana (FIFA Confederations Cup)
-
Johannesburg 14 june 2009: Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay dalka Koonfurta Afrika tartankii kubbadda cagta ee Xiriirada Qaaradaha (FIFA Confederations Cup) oo ay ku tartamayaan siddeedda kooxood ee kala ah: Brazil, Spain, Italy, Koonfur Africa, Masar, Ciraaq, Newzealand iyo Mareykanka.
- (2009-06-14)
- QEYBTII 3-AAD: KUTUBKII BULUUQUL MARAAM (Suáalo & Jawaabo Diini ah )
-
Qeybtii 3-aad
Suáal 11-aad: Ninka iyo haweenayda is-qaba midkood biyaha uu janaabada kaga qubeysto hanbada kasoo harta midka kale ma ku qubeysan karaa?
Jawaab 11-aad: Haa. (Daliil: Xaddiiska 7-aad cutubka biyaha).' - (2009-06-14)
- Dowladaha Itoobiya & Soomaaliya oo beeniyey soo gelitaanka Ciidanka Itoobiya ee Hiiraan & Galgaduud
-
Axad 14 june 2009: Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay qaar ka tirsan Ciidammada Itoobiya soo galeen degaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sidii caadada ui ahayd afhayeenno u kala hadlay labada dowladood beeniyeen jiritaanka arrintaasi.
- (2009-06-14)
- Taariikh Nololeedka Madaxweyne AXMADINEJAD & Siyaasiga Mucaaridka ah ee MIR MOUSAVI
-
TEHRAN 14 june 2009: In ka badan 100 ka tirsan siyaasiyiinta isbeddel-doonka ah ee dalka Iiraan ayey qabqabteen oo xabsiyada dhigeen booliska dalka Iiraan kaddib markii rabshado waaweyn ay ka dillaaceen caasimadda dalkaasi ee Tehraan.
- (2009-06-14)
- MADAXWEYNE AXMADINEJAD OO KU GUULEYSTAY DOORASHOOYINKII IIRAN
-
TEHRAN 13 june 2009: Wakaaladda wararka dalka Iiraan (IRNA) ayaa shaaca ka qaaday inuu doorashooyinkii madaxtinimada dalkaasi uu si rasmi ah ugu guuleystay Madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamuud Axmadinejad kaddib markii la tiriyey codadka 346 degmo oo ka mid ahaa 366 degmo ee ay doorashooyinku ka dhaceen, kuwaas oo 63% uu helay Axmadinejad.
- (2009-06-13)
- Blatter & Guddiga Qabanqaabada FIFA CONFEDERATIONS CUP oo kulan saxaafadeed qabtay
-
Johannesburg 13 june 2009: Ka hor 48 saacadood oo keliya bilowga tartanka Kubbadda Cagta Qaaradaha ee loo yaqaan CONFEDERATIONS CUP oo maalinta berri ah ka furmaya magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa kulan uu saxaafadda u qabtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka (FIFA), Joseph S. Blatter waxa uu caddeeyey in wax kasta oo ku saabsanaa qabanqaabada tartankaasi la dhammeystiray.
- (2009-06-13)
- Dadka degaanka Balanballe oo cabsi weyn ka qaaday soo gelitaankii Ciidammada Itoobiyaanka
-
GALGADUUD 13 june 2009: Qaar ka mid ah dadka degaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa weriyaha shabakadda wararka www.somaanta.com uga soo warama gobolka Galgaduud u sheegay in ay ku jiraan xaalad cabsi iyo qalqal ah kaddib markii ay shalay gelinkii dambe soo dageen duleedka magaalada Balanballe Ciidammada cadowga Xabashida oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.
- (2009-06-13)
- WAKAALADAHA WARARKA REER GALBEEDKA OO SHAACIYEY IN MADAXWEYNAHA IIRAAN LOOGA GUULEYSTAY DOORASHADA
-
TEHRAN 12 june 2009: Weriyayaasha Wakaalada Wararka AFP iyo Reuters ee ku sugan dalka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in doorshadii Madaxtinimada dalkaasi uu ku guuleystay ninka lagu magacaabo Muusawi, halka Wakaaladda Wararka dalka Iiran ay sheegtay war kaas ka duwan oo ah in uu doorashada ku guuleystay Madaxweynaha hadda talada haya ee dalkaasi Maxamuud Axmadi Najaad.
Wixii ku soo kordha natiijada doorashada dalka Iiraan ee ay ka soo baxeen wararka is khilaafsan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena dambe ee caawa.
Warqabadka somaanta.com - (2009-06-12)
- SAFAARADIHII DALALKA CARABTA & YURUB OO DIB LOOGA FURAYO SOOMAALIYA
-
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Axmed Waladu Abdala oo ka hadlayay Kulankii Kooxda Xariirka calamiga ee arrimaha Soomaaliya ee dhowaan lagu qabtay dalka Talyaaniga ayaa ku goodiyey In Beesha caalamku aysan aqbali doonin Wax uu ku tilmaamay dagaalada aan sharciga ahayn ee looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.
- (2009-06-12)
- Booliska Italy oo xabsiga dhigay 6 qofood, Maxkamad ku taal Sweden oo xukuntay 14 qof & Muqdisho...
-
ROME 12 june 2009: Ciidammada Ammaanka dalka Talyaaniga ayaa qabqabtay oo xabsiga dhigay lix qofood oo looga shakiyey inay qorsheynayeen weeraro argagixisinimo oo loo geysto shirka waddamada G-8 ee bisha soo socota ka furmaya dalka Talyaaniga.
- (2009-06-12)
- FIFA Confederations Cup OO Axadda furmaya & Madaxweynaha K/Africa oo ka hadlay K/Adduunka 2010
-
Kooxaha Qaramada Kubbadda Cagta dalalka Brazil, Masar, Talyaaniga, Ciraaq, New-Zealand, Koonfur Afrika, Spain & Mareykanka oo u diyaargaroobaya inay ku tartamaan Koobka Kubbadda Cagta Xiriirada Qaaradaha Adduunka ee loo yaqaan (FIFA Confederations Cup) oo maalinta Axadda ah furmaya. Guddoomiyaha FIFA oo arrintaas iyo koobka adduunka ee sanadka 2010 lagu qaban doono dalka Koonfur Afrika ka hadlaya ka akhirso halkaasn hoose, waraysiga oo english ah.
- (2009-06-11)
- TALYAANIGA OO DIB U FURAYA SAFAARADDIISII MUQDISHO & SOOMAALIYA OO LAGA CAFINAYO DEYNIHII HORE
-
Khamiis 11 june 2009: Raíisul Wasaaraha DFKM ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in guusha ugu weyn ee ay ka gaareen kulankii ay la yeesheen dowladda Talyaaniga iyo kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ay ahayd in laga saamaxayo deymihii lagu lahaa Soomaaliya, deymahaas oo uu sheegay inay caqabad ku ahaayeen taageerada ay u baahan tahay dowladdu.
- (2009-06-11)
- HERGAB DOOFAAREEDKA H1N1 OO KU FIDEY 74 DAL
-
Khamiis 11 june 2009: Hargeb Doofaareedka H1N1 oo dunida ku sii fidaya ayaa qarka u saaran in loo aqoonsado cudur saf-mareen ah caalamka oo dhan, kaas oo fara baán ku haya dadyowga caalamka oo dhan.
- (2009-06-11)
- WASIIRKII WAXBARASHADA SARE EE DALKA SWEDEN OO SHEEGAY INUU KA FARIISANAYO XILKA
-
Stockholm 11 june 2009: Wasiirkii Waxbarshada sare ee xukuumadda isbahaysiga ka kooban ee dalka Sweden, Lars Liejonborg ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo xilkii Wasiirnimo sidoo kale uu ka baxayo xubinimada Baarlamaanka dalkaasi.
- (2009-06-11)
- KULAMADII UGU DAMBEEYEY EE IS-REEBREEBKA KOOBKA ADDUUNKA & QAARADDA AASIYA
-
Arbaco 10 june 2009: Kulamadii dalalka Qaaradda Aasiya ee loogu soo baxayey koobka kubbadda cagta adduunka ee sanadka 2010 lagu qaban doono dalka Koonfurta Afrika ayaa kooxuhu u kala badiyeen sidatan:
- (2009-06-10)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad "Dagaalada ka socda Muqdisho waa kuwo micno darro ah"
-
Muqdisho 10 June 2009: Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in marar badan uu xiriiro kala duwan la sameeyey masúuliyiinta kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho isla markaana uu rajo ka qabo in ay najixi doonaan dadaalada nabad raadinta ah ee ka socda gudaha dalka iyo dibeddaba.
- (2009-06-10)
- Mexico oo lagu xiray 93 sarkaal oo Boliis ah & Qarax ka dhacay Pakistan oo ay ku dhinteen 14 qof
-
Pakistan 10 june 2009: Weerar loo adeegsaday rasaas iyo isqarixin ka dambeysay ayaa xalay lagu qaaday hotel weyn oo nooca loo yaqaan 5 star ah oo ku yaal magaaladaPershawar ee waqooyi bari dalka Bakistaan.
- (2009-06-10)
- Warfidiyeenno gaaraya 14 oo Muqdisho uga dhawaaqay shaqo joojin kaddib markii loo hanjabay
-
Muqdisho 9 june 2009: Iyadoo ay isa soo tarayaan hanjabaadaha sida tooska ah iyo sida dadban loo soo gaarsiinayo warfidiyeennada saxaafadda madaxa bannaan ee ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa maanta 14 suxufi oo isugu jira weriyayaal iyo tifaftirayaal waxa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin rasmi ah.
- (2009-06-09)
- WERIYAYAASHII UGU BADNAA EE WARFAAFINTA MUQDISHO OO LOO HANJABAY
-
Muqdisho 9 june 2009: Labo ka mid ah weriyayaashii shabakadda www.somaanta.com ee magaalada Muqdisho ayey soo gaartey farriinta cabsi gelinta ah ee loogu sheegayo in la dilayo haddii ay sii wadaan howsha saxaafadda.
Farriintaan waxashnimada ah waxaa loo adeegsaday qadka teleefoonada mobilka ah oo si toos ah loogu soo direy weriyayaasha shabakadda somaanta.com iyadoo aysan jirin wax si toos ah loogu eedeeyey isla markaana aan loo sheegin kooxda ama cidda ay ka socdaan ragga teleefoonada soo direy oo hadalkooda ku koobay ”waxaan idinkaga digeynaa inaad sii waddaan howsha saxaafadda”.
- (2009-06-09)
- Thailand oo lagu dilay 10 qof, Ergayga USA oo gaaray bariga dhexe & Xisbullah oo aqbashay natiijada
-
Weerar lagu qaaday Masjid ku yaal koonfurta dalka Thailand ayaa lagu dilay 10 qof isla markaana dhaawac loogu geystay dad kale oo badan. Koonfurta dalka Thailan oo ay ku nool yihiin qowmiyadda muslimiinta dalkaasi ayaa dil iyo tacadiyo kale hooy u ahayd illaa iyo sanadkii 1960-kii, iyadoo qowmiyadda laga tirada badan yahay ee muslimiinta dalkaasi ay doonayaan inay ka goáan dalka intiisa kale.
- (2009-06-09)
- RAIISUL WASAARAHA DFKM SOOMAALIYA & WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KA DEGAY MAGAALADA ROME
-
Rome 8 june 2009: Raíisul Wasaaraha dowladda ku melgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa maanta safar shaqo ku tegay dalka Talyaaniga si uu goob joogo uga noqdo shirka kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo maalinta berri ah ka furmi doona dalka Talyaaniga.
- (2009-06-08)
- SHEEKH XASAN DAAHIR OO AAN DHAAWAC AHEYN OO SHIR JARAAÍD KU QABTAY MUQDISHO
-
Muqdisho 8 june 2009: Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta, garabka Casmara isla markaana ah hoggaamiyaha Urur Diimeedka hubeysan ee Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta isagoo caafimaad qaba shir jaraaíd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii warar hore saxaafadda qaarkeed oo ay ugu horreyso wakaaladda wararka Reuoters faafisay inuu ku dhintey ama ku dhaawacmay dagaalkii Wabxo.
- (2009-06-08)
- KULAN ARRIMAHA SOOMAALIYA KU SAABSAN OO NAIROBI KA DHACAY & MID LA FILAYO INUU ROME KA DHACO BERRI
-
Isniin 8 june 2009: Wasiirka Gaashaandhigga dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi ayaa saxaafadda uga warbixiyey kulan ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya dhowaan ku yeesheen wakiilo ka kala socday dalalka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo dalalka ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya.
- (2009-06-08)
- Kuuriya oo xukuntay 2 weriye, Doorashooyinkii Lubnaan & Kuraasta EU-da ee Xisbiyada dalka Sweden
-
Maxkamad ku taal dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa min 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba weriye oo Mareykan ah, kuwaas oo lagu eedeeyey inay si sharci darro ah ku soo galeen dalka Kuuriyada Waqooyi.
- (2009-06-08)
- CODEYNTII KURAASTA BAARLAMANKA UE-da OO GEBOGEBO MARAYSA
-
SAWIRRADA QAABKII CODEYNTU UGA DHACDAY WADAMMADA EU-da



Waxaa saacadihihi ugu dambeeyey maraya cod bixintii doorashooyinka kuraasta Baarlamanka Yurub ay ugu tartamayaan Xisbiyada dalalka EU-da la isku yiraahdo, iyadoo doorashooyinku ay khamiistii ka dhaceen dalalka Britain iyo Netherland iyo Jimcihii oo laga codeeyey dalalka Ireland iyo Czech Republic.
- (2009-06-07)
- QOF U MUUQDEY INUU YAHAY SHEEKH XASAN DAAHIR OO SHEEGAY INUU SHIR JARAAÍD QABAN DOONO BERRI
-
Col. Sheekh Xasan Daahir Aweys Guddoomiyaha Urur Diimeedka Hubeysan ee Xisbul Islaam oo waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa beeniyey wararkii sheegayey inuu ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalladii dorraad ka dhacay tuulada Wabxo ee Gobolka Galgaduud e bartamaha Soomaaliya.
- (2009-06-07)
- HEYÁDDA KAFAALO OO DHISME MASJID KU DARTAY ISKUUL AY MAAMUSHO OO KU YAAL KISMAAYO
-
Kismaayo 7 june 2009: Heyádda Kafaalo oo ka mid ah heyádaha faro ku tiriska ah ee dhinaca samafalka bulshada kaalin muuqata ka qaadata, sida quudinta agoonta, indho u fiiqidda dadka aan awoodin dhaqaale ay Isbitaal ku tagaan si indhaha loogu fiiqo iyo weliba adeegyada kala duwan ee bulshada sida waxbarashada iwm ayaa dhowaan iskuul ay maamusho oo ku yaal magaalada Kismaayo waxa ay ka hirgelisay dhisme Masjid ay ku baxday lacag dhan 7,100 doollarka Mareykanka ah.
- (2009-06-07)
- DHAAWACA SHEEKH XASAN DAAHIR OO WARAR IS KHILAAFSAN KA SOO BAXAYAAN
-
Muqdisho 7 june 2009: Shariif Cali Axmed oo ah Afhayeen u hadlay Urur diimeedka hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii dorraad ay kula galeen kooxo diimeedyada kale ee hubeysan degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud uu ku dhaawacmay Sheekh Xasan Daahir Aweys o ah Guddoomiyiaha Ururka Xisbul Islaam.
- (2009-06-07)
- Agaasimihii Idaacadda Shabelle oo goor dhow lagu dilay Suuqa Bakaaraha
-
Muqdisho 7 june 2009: War goor dhow na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in kooxo hubeysan ay ku dileen Agaasimihii Idaacadda Shabelle gudaha Suuqa Bakaaraha.
- (2009-06-07)
- KUTUBKII BULUUQUL MARAAM (Suáalo & Jawaabo Diini ah)
-
Qaybtii 2-aad
Suáal 6-aad: Ma nijaasaa haddii biyaha Bisad (Mukulaal) afka ka cabto?
Jawaab 6-aad: Maya, waa daahir, waana lagu weyso qaadan karaa. (daliil: Xaddiiska 9-aad cutubka Biyaha).
- (2009-06-06)
- KULAMADII CAAWA IYO ISREEB-REEBKA KOOBKA K/CAGTA ADDUUNKA 2010
-
Kulamo kubbadda cagta ah oo aad u xiiso badan ayaa maanta gelinki dambe ka kala dhacay Qaaradaha Adduunka, kulamadaas oo kooxuhu ugu tartamayeen sidii ay ugu soo bixi lahaayeen koobka kubbadda cagta adduunka ee sanadka 2010 loo qorsheeyey in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Tartankan oo afartii sanoba mar la qabto ayaa waxaa xusid mudan in sanadka 2010 lagu qabanayo Qaaradda Africa oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay marti geliso koobka adduunka.
- (2009-06-06)
- GEN. BADMACEEYE OO KA WARBIXIYEY KULANKII SARAAKIISHA SOOMAALIDU LA YEESHEEN Q/MIDOOBAY
-
Washington 6 june 2009: Kulan uu soo qabanqaabiyey xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya oo maalinimadii shalay loogu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka Saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya oo iyagu isaga tegtay dalka markii ay burburtay Dowladdii hore ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan qaabka loo dhisi karo Ciidammo Soomaaliyeed oo tayo leh.
- (2009-06-06)
- CABSI XOOG LEH OO SOO FOODSAARTEY DADKA DEGAANKA KADDIB SOO GELITAAN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH
-
Muqdisho 6 june 2009: Cabsi aad u xooggan iyo qalqal ayaa soo food-saartay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Hiiraan iyo Bakool kaddib markii boqolaal askari oo ka tirsan Ciidammada Itoobiya oo ay la socdaan Maliishiyooyin Soomaali ah ay soo galeen qeybo ka tirsan gobolladaasi. - (2009-06-06)
- BAHWEYNTA ISBOORTIGA SOOMAALIYEED OO LOOGA TACSIYEYNAYO GEERIDII XAAJI CABDULLE MACALIN
-
Abdullahi Ahmed Tarabi, Mire Sh Omar, Abdulkadir Mahamud Abdulle (Cabdi Cadde), Sacad Omar Gedi, Hussen Hassan Bood, Mahamed Muqtar Shekh, Hassan Xaaji Haashi (Hassan Geele), Ahmed Hussen Omar( Ahmed Key) iyo Mahamed Mahamud Ali (Buubshe), Waxa ay tacsi u dirayaan guud ahaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo axsaabitii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar oo ahaa Xogahayihii Naadiga Cayaaraha Dekedaha isla markaana horey u ahaan jirey Guddomiyihii Olymbikada Gobolka Banaadir. Marxuumka waxa uu ku geeriyooday magalaada Muqdisho kaddib markii Madfac ka mid ahaa Madaafiicdii ay is weydaarsanayeen kooxaha ku dagaalamaya degmada Yaaqshiid uu ku habsaday gyurigiisa maalinimadii khamiista oo ay taariikhdu ahayd 4 june 2009, waxayna Alle ka baryayaan inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka oo ay dishay gacan ka xaq daran . Sidoo kale Maamulka iyo Weriyayaaha shabakadda www.somaanta.com ayaa diraya tacsi taas la mid ah.
- (2009-06-06)
- SHEEKH CALI DHEERE OO KA WARBIXIYEY DAGAALADII UGU DAMBEEYEY & QARAXYO URURKIISU U GEYSTAY AMISOM
-
Muqdisho 5 june 2009: Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa galabta ka hadlay dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaraxyo ay maanta la eegteen Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo Shir jaraa’id qabtay maanta waxaa uu kaga hadlay dhowr qodob oo ka hadlaya dagaalladi ugu dambeeyay ee ka dhacay degaanada ay kula dagaalamayaan dowladda FKM ah, ururka Ahlu-sunna & weliba qaraxyo ay u geysteen Ciidammada Afrikaanka ee ku sugan magalaada Muqdisho.
- (2009-06-05)
- DAGAALO MAANTA KA KALA DHACAY WABXO & YAAQSHIID
-
Galgaduud 5 june 2009: Dagaalo aad u qaraar oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey 10 qofood tiro kalena ay ku dhaawacantay ayaa maanta ka dhacay tulada Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, dagaalladan oo u dhexeeya kooxo diimeedyada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo dhinac ah iyo Ahlu-Sunna wal-jameeca oo dhinac kale ka soo jeeda.

- (2009-06-05)
- GUDDOOMIYIHII HORE EE OLYMBIKADA G/BANAADIR OO MUQDISHO LAGU DILEY
-
Muqdisho 5 june 2009: Madaafiicdii sida arxan darada ah ay shalay isku weydaarsanayeen kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ayaa dadkii ku naf waayey waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar oo ahaa Xoghayaha Naadiga Cayaaraha dekedaha, horena waqti dheer u ahaan jirey Guddoomiyaha Guddiga Olymbikada Gobolka Banaadir. Waxaa kaloo dagaalka shalay dhaawac ka soo gaaray Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud Faarax Cali Macalin.
- (2009-06-05)
- UK Minister quits, calls for Brown's resignation
-
LONDON, England (CNN) -- British Prime Minister Gordon Brown said Thursday he was "disappointed" over the resignation of his work and pensions secretary, the third Cabinet minister to step down in as many days.
- (2009-06-05)
- Inside story of Somali pirate attack (Weriye Rob Walker oo ka hadlaya Burcad-badeedda Soomaaliya)
-
Hargeysa 4 june 2009: Weriye lagu magacaabo Rob Walker ayaa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda la magacbaxday Soomaaliland waxa uu BBC-da qeybteeda afrka Ingiriisiga u diyaariyey warbixin aad u dheer oo uu uga faalloonayo arrimaha burcad-badeedda Soomaalida iyo weerarada ay u geystaan Maraakiibta ganacsiga ee ku safarta inta u dhexeysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Soomaaliya, isagoo ilo kala duwan ka xusaya maclumaadka burcad-badeedda. Halkaan hoose ka sii akhri faalladaas oo english ah.
- (2009-06-04)
- DAGAALLADII MAANTA KA DHACAY MUQDISHO & MAHADDAAY OO KHASAARE SHACAB GEYSTAY
-
Muqdisho 4 june 2009: Dagaalladii xarig jiidka ahaa ee u dhexeeyay dowladda ku meelgaarka ah ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti iyo mucaarad diimeedka hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa mar kale maanta dib uga bilowday xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.
- (2009-06-04)
- Madaxweyne Obama oo khudbaddii uu maanta jeediyey badankeeda uga hadlay dunida muslimka
-
Qaahira 4 june 2009: Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ku guda jira safarkiisii bariga dhexe ayaa maanta khudbad aad u dheer ka jeediyey magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo inta badan ku soo qaatay khudbaddiisa dunida muslimka iyo xiriirka dalka Mareykanka.Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan dagaal kulal jirin muslimiinta isla markaana aysan dooneyn in ciidammada Mareykanku ay iska sii joogaan dalka Afqanistaan isagoo ku celceliyey in uu doonayo in ama uu jeclaan lahaa in wiilasha iyo gabdhaha ciidammada dalkiisa ka tirsan ay mar dib ugu soo laabtaan dalkooda.Halkaan hoose kala soco khudbadda oo english ah.

- (2009-06-04)
- RAÍISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO CODSADAY FARAGELIN & KENYA OO KA HADASHAY ARRINTAASI
-
Nairobi 4 june 2009: Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha dowlada kmg Soomaaliyaoo ka hadlayay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ugu baaqay wadamada deriska la ah wadanka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan xaaladaha ka taagan wadanka Soomaaliya isla markaana ay dhaqan galiyaan qodobadii laga soo saaray magaalada Addis Ababa kaasi oo ahaa in xanibaad lagu soo rogo garoomada iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga dowlada ka soo hor jeeda.
- (2009-06-04)
- BOQORKA SACUUDIGA OO BILLAD DAHAB AH QOORTA U GELSHAY MADAXWEYNAHA MAREYKANKA (Wararka subaxnimo)
-
Dagaaladii shalay iyo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wakaaladaha wararku xaqiijiyeen inay ku dhinteen 14 qofood oo rayid ah, iyadoo dhaawaca uu aad u fara badan yahay, iyadoo sarkaal sare oo dowladda Mareykanka uga hadlay magalaada Nairobi uu maalintii shalay uu sheegay in 2 milyan oo qof oo Soomaali ahi ay u baahan yihiin gargaar baniáadnimo, isagoo sheegay in dowladda Mareykanku ay taageersan tahay natiijadii ka soo baxday shirkii Soomaalida ee lagu qabtay dalka Jabuuti iyo weliba baaqyada Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD.
- (2009-06-04)
- CIIDAMMADA AMISOM OO LA SHEEGAY INAY QEYB KA AHAAYEEN DAGAALKII XALAY KA DHACAY DHARKEENLAY
-
Muqdisho 3 june 2009: Dagaalo iyo duqeymo culus oo u dhaxeeyay ciidammada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhan ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa xalay mar kale ka dhacay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.
- (2009-06-03)
- Siyaasiyiintii dowladda ee shalay gaartey Beledweyne oo ka hadashay sababta ay u tageen Gobolkaasu
-
Beledweyne 3 june 2009: Masuuliyiintii dowladda KMG Soomaaliya ee shalay gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa faah faahin waxaa ay ka bixiyeen sababaha ay u tageen gobolkaasi.
- (2009-06-03)
- Dablay xalay afduubtay Culumo ku sugnayd degmada Huriwaa ee Muqdisho
-
Muqdisho 3 june 200: Kooxo hubaysan ayaa xalay labo wadaad oo caan ka ah magaalada Muqdisho waxaa ay ka kaxeeysteen Xaafadda Waxarad Cadde degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
- (2009-06-03)
- Maxkamadaha oo ka warbixiyey bandowgii ay xalay kusoo rogeen Beledwayne
-
Beledweyne 3 june 2009: Magaalada Baladweyne qeybta ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga ayaa xalay waxaa uu ka dhaqan galay bandow ay ku soo rogeen Maxkamadaha Islaamiga.
- (2009-06-03)
- MAAMULKA CUSBITAALKA MADIINA OO SHEEGAY IN DHAQAATIIRTA QALLIINA AY KU YAR TAHAY XILLIGAN
-
Muqdisho 3 june 2009: Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Madiina Daahir Max’ed Max’uud (Daahir Dheere) oo waraysi siinayay warbaahimnta gudaha ayaa sheegay in ay yar yihiin dhaqaatiirta qaliinka ee ku sugan cusbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu tilmaamay in 20-kii sano ee ugu dambeeyay ay shaqeynayeen.
- (2009-06-03)
- CIIDAMMADA CAALAMIGA AH OO HUB KA DHIGIS KU SAMEEYEY KOOX LOOGA SHAKISAN YAHAY BURCAD-BADEED
-
Muqdisho 3 june 2009: Ciidamada Badda Maraykanka ayaa sheegay in Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Ingiriisku uu ka hortagay labo doomood oo looga shakisanyahay in ay wateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyagoo ka hortagay weerar suurta gal ah oo ay qaadi lahaayeen.
- (2009-06-03)
- DAGAALO XALAY IYO SAAKA KA DHACAY DEGMADA YAAQSHIID
-
Muqdisho 3 june 2009: Waxaa Xoogeystay dagaalo goos goos ah oo xalay illaa saaka ka dhacayay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir iyadoo madaafiicda la isku weydaarsanayana ay ku dhacayaan xaafado ka baxsan aagga la isku horfadhiyo.
- (2009-06-03)
- SAAKA & WARARKA CAALAMKA OO KOOKOOBAN
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr. Obama ayaa booqashadiisa Bariga Dhexe waxa uu maanta la kulmi doona Boqorka dalka Sacuudiga, iyadoo Madaxweyne Obama uu maalinta berri ah jeedin doono khudbad dheer oo ku wajahan dunida Muslimka.
- (2009-06-03)
- AGAASIMIHII TELEFISHINKA UNIVERSAL OO LAGU AFDUUBTEY WADDADA U DHEXEYSA AFGOOYE & MUQDISHO
-
Muqdisho 2 june 2009 War degdeg ah oo caawa naga soo gaaray magalaada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Agaasimihii Telefishinka UNIVERSAL ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay kooxo hubeysani ku afduubteen waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
- (2009-06-02)
- Wasiirka Amniga oo si nabad ah ku soo gaaray Beledweyne & Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii Muqdisho
-
Muqdisho 2 june 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay dagaalladii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshid iyo Dharkenley ayaa la xaqiijiyey dhimashada 8 oo qofood oo 2 ka mid ah ka tirsanaayeen dhinacyada dagaalamayey, iyadoo dhaawaca uu ku dhow yahay 80 qofood oo rayid u badan.
- (2009-06-02)
- Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in ay tagi doonaan degmooyinka aanay ka talin Maamulkooda
-
Muqdisho 2 june 2009: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee dhanka Nabad galyada maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye oo xalay waresi siinayay mid ka mid ah warbaahinta muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in maamulkooda ay gacanta ku soo celinayaan maamulada degmooyinka ee hadda sura gal u aheeyn in ay tagaan maamuladii loo magacaabay kuwaasi oo hadda ay ka arimiyaan xoogaga hubaysan.
- (2009-06-02)
- Dagaaladii Muqdisho oo ku baahay xaafado cusub
-
Muqdisho 2 june 2009: Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa waxaa ay goordhow ka bilowdeen degmada Dharkeenlay iyadoo dhinaca kalena Ciidamada dowladda ay la wareegay Saldhiga Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ka bilowday dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga ka soo horjeeda kuwaasi oo dhaq dhaqaaqyadooda maalmihii u dambeeyay halkaasi laga dareemayay.
- (2009-06-02)
- Col. Cumar Xaashi iyo Maleeshiyaad la socda oo soo gaaray gobalka Hiiraan
-
Hiiraan 2 june 2009: Wararka naga soo gaaraya Deegaanada ku dhow dhow Isgoyska Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo uu horkacyo wasiirka Amniga Qaran dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ay soo gaareen halkaasi.
- (2009-06-02)
- WARARKA CAALAMKA OO GOOS GOOS AH
-
SUUDAAN: Dorashooyinkii guud ee dalka Suudaan oo lagu waday in la qabto bartamaha sanadkan 2009 ayaa dowladda Suudaan shaaca ka qaaday in dib loo dhigay illaa sanadka 2010, iyadoo dib u dhigiddaas ay dhalleeceeyeen xisbiyada iyo jabhadaha mucaaridka ku ah dowladda iminka talada dalka uudaan haysa.
CIRAAQ: ugu yaraan 4 qofood ayaa ku geeriyootey suuq ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaddib markii Bam lagu qarxiyey, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo uu sababay qaraxaasi.
GAZA: Qaramada Midobay ayaa wafdi u dirtay Daanta galbeed ee Gaza si baaritaan loogu sameeyo dembiyada dagaal ee halkaasi ay ka geysteen ciidammada Israail, gaar ahaan adeegsiga huka qatarta ah oo la sheegay in ciidanak Israaill u adeegsadeen dagaalladii u dambeeyey.
BRAZIL: Diyaaraddii Air France ee shalay la waayey iyadoo ka soo duushay dalka Brazil kuna soo jeeday dalka Faransiiska ayaa lagu laýahay dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayey 228 qofood, iyadoo warkii ugu dambeeyey ee diyaaraaddaasi laga helay ay ahayd xilli ay dul socotay badda Atlantik, xilligaas oo laga helay digniin sheegaysa in korontadii ku dantay diyaaradda, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee saaka ka soo baxay arrintaasi ay muujinayaan inaan wax rajo ah laga qabin in la helo rakaabkii oo bad qaba.
Xafiiska Warqabadka somaanta
- (2009-06-02)
- CIIDAMMADA AMISOM OO LAGU EEDEEYEY INAY BURBURIYEEN DOONI KALLUUMEYSATO SOOMAALIYEED WATEEN
-
Muqdisho 1 june 2009: Ciidammada AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in ay burburiyeen Dooni nooca Kalluumeysiga ah oo ay wateen xoogsato Soomaaliyeed kaddib markii ay madfac la beegsadeen Doonidaasi oo maraysay xeebta bari ee Warshaddii Sifeynta Batroolka.
- (2009-06-01)
- Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo lagu qaadey Gaari ay wateen Boliiska DFKM
-
Muqdisho 1 june 2009: Qiyaastii 10:40 daqiiqo barqanimo ee maanta ayaa qarax aad u xooggan waxaa uu ka dhacay waddada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan halka ay iska galaan wadadaasi iyo mida Taleex ee ka timaada dhinaca degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Booliska DF oo ha
lkaasi marayey sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.
- (2009-06-01)
- Dagaalo culus oo maanta Muqdisho ku dhex maray Ciidammada DFKG & kuwa Mucaaradka hubeysan
-
Muqdisho 1 june 2009: Barqanimadii maanta ayaa waxaa sii xoogeystay dagaal aad u qaraar oo saaka dib uga bilowday qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo dhexmarayey ciidamada DF Somalia iyo xoogaga Islaamiga ah ee ka horjeeda.
- (2009-06-01)
- Ciidammada Urur Diimeedka Ahlu-Sunna oo xalay bandow ku soo rogay Degmada Guriceel
-
Galgaduud 1 june 2009: Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay si rasmi ah uga dhaqan galay bandow ay soo rogeen masuuliyinta Ahlu Sunna Wal-jameecah oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Somalia.
- (2009-06-01)
- Doolow oo laga abaabulayo weeraro ka dhan ah degaanada ay maaulaan Islaamiyiinta K/Soomaaliya
-
Muqdisho 1 june 2009: Wararka laga helayo degmada Doolow ayaa sheegaya in ay halkaasi ka soconayaan dhaq-dhaqaaq ciidan iyo diyaar garow aad u xooggan oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka iyo masuuliyiintii Maamulka qaar ka mid ah degmooyinka gobollada koonfureed ee dawladda federalka oo ka baxsaday xoogagga Islaamiga ee la wareegay gobolladaasi.
- (2009-06-01)
- DAGAAL KA SOCDA DEGMADA YAAQSHID & MAXKAMADAHA OO SHEEGAY INAY WAX KA QABANAYAAN AMMAANKA X/WEYNE
-
Muqdisho 1 june 2009: Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamiga ah, garabkooda taageersan dowladda KMG oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Qeylow oo la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaga magalaada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay wax ka qabanayaan ammaan darrida beryahaan Ciidammada dowladdu ka wadaan qeybo ka mid ah Degmada Xamar-weyne.
Ciidammada dowladda ee ku sugan agagaarka taalladii Xaawo Taako ilaa Sayidka ayaa la sheegay in ay dhibaatooyin xoog leh oo ay ka mid tahay boob hantiyeed, jirdil iyo caga-jugleyn ku hayaan dadka degaanka. - (2009-06-01)
- WARDHIIGLEY & BOONDHEERE OO DAGAAL KA QARXAY GALABTA
-
Muqdisho 31 may 2009: Xaafadaha Boondheere iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa ka qarxay dagaal, dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidammada Dowladda Kumeelgaarka ah iyo kuwa Mucaaridka.
- (2009-05-31)
- DAGAALLO MAR KALE KA QARXAY MAHADDAAY & MUJAAHIDIIN SHABAAB OO BEENIYEY AFDUUB LAGU EEDEEYEY
-
Muqdisho 31 may 2009: Saaka waabarigii hore ayaa mar kale dagaallo ka qarxeen tuulada Maguurto oo ka tirsan degmada Mahaddaay oo ay dhawr mar oo hore isku fara saareen xoogagga Maxkamaaha Islaamiga ah iyo Xarakada Mujaahidiin AL-shabaab & Xisbul Islaam.
- (2009-05-31)
- MAAMULKA ISLAAMIGA GOBOLKA HIIRAAN OO U DUGAY MALIISHIYADA LAGU HUBEYNAYO FEERFEER
-
BELEDWEYNE 30 may 2009: Taliyaha Amniga ee maamulka Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan Sheekh Ibraahim Yuusuf ayaa digniin adag u jeediyey saraakiisha iyo maliishiyooyinka hubeysan ee isku urursanaya gudaha dalka Itoobiya.
- (2009-05-30)
- AFHAYEENNADA MAXKAMADAHA & XISBUL ISLAAM OO SIYAABO KALA DUWAN UGA HADLAY DILKII QATAATOW
-
MUQDISHO 30 MAY 2009: Cabdirisaaq Axmed Qeylow oo u hadlay Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii xalay loogu geystay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Marxuum Cabdulqaadir Xamza Qataatow oo ahaa sarkaal aad looga yiqiin goobaha Muqaawimada xilligii dagaalka lagula jirey Ciidammadii Itoobiya, kaddibna ka mid ahaa garabkii Maxkamadaha ee ku biirey dowladda KMG hase yeeshee toddobaadkii hore u galay Urur Diimeedka Hubeysan ee Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Sheekh Xasan Daahir.
- (2009-05-30)
- DUULLAAN CUSUB, HALGANKII QASAAREY & MUQAAWAMO MINDHAA MARDAMBE LAYMA MAQASHIIYO!!
-
Inay dunidu wirin-wiir tahay oo lagu walaahoobey oo belaayo wadatoo xaqii dawga laga weecshey, oo wiishka samadaa ku xiran lagu dul weeraarshey, oo cadaaladdii waadi iyo waaqle laga tuurey, oo beentu weli sooman tahay runina waabay cad iyo anigu inaan waalanahay bal aan is weydiiyo!!. Wacdaraha Soomaalida ka dhacay wayraxiyo buuqa, waanwaanta laga jiitey iyo nabadda weydowdey, wadnaha nabarku gaaree warmaha lagu daweynaayo, waayeelka taladii arkeen waatan oranaynin, Salaadda aan weesada lahayn waa wax ula jeeddo?!! (M'ed Cali Kaariye AUN, tixdii Woow Ya' lagu reeb).
- (2009-05-29)
- STEVEN GREEN (ASKARI MAREYKAN AH) OO KA QOOMAMEEYEY XASUUQII UU U GEYSTAY QOYS CIRAAQIYIIN AH
-
Telefishinka Mareykanka ee lagu magacaabo CNN ayaa baahiyey erayo calaacal ah oo uu khamiistii sheegay mid ka mid ah ciidammadii Mareykanka ee fal dembiyeedyada ka dhanka ah baniáadnimada ka geystay dalka Ciraaq. Askarigaan oo lagu magacaabo Steven Green waxa uu nafta ka jaray qoys dhan oo reer Ciraaq ah, waxaana lagu xukumay xabsi daaín kaddib markii uu qirtey dembigaasi. (Sii akhri warka oo English ah)
CNN) -- A U.S. soldier convicted of murdering an Iraqi family spoke out for the first time Thursday, issuing a public apology for his crimes.
- (2009-05-29)
- XOGHAYAHA GUUD EE QM OO CAMBAAREEYEY DAGAALLADA SOCDA SOOMAALIYA
-
New-york 29 may 2009:
Ban-ki Moon, Xohgahayaha Guud ee QM ayaa si weyn u cambaareeyay dagaalada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magalada Muqdisho isagoo si weyn uga deyriyay xaaladaha bini aadanimo ee wadanka Soomaaliya. - (2009-05-29)
- TALIYEYAAL LOO MAGACAABAY SALDHIGYADA BOLIISKA BANAADIR & RAÍISUL WASAARAHA OO DHOOFAY
-
Muqdisho 28 may 2009: Raíisul Wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa la xaqiijiyey in uu maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda caasimadda dalka Liibiya oo la sheegay inuu kaga qeyb gelayo shir ay halkaasi ku yeelanayaan dalalka Saaxil iyo Saxaro.

- (2009-05-28)
- UGU YARAAN 5 QOF OO KU DHIMATEY QARAX GOOR DHOWEYD KA DHACAY WAQOOYI BARI DALKA PAKISTAAN
-
Wararkii ugu dambeeyey ee caawa ka soo baxay qaraxyada is daba joog ah & is-miidaamin ka dhacay waqooyiga bari ee dalka Pakistaan ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo fhaawac tiro badan. ( Sii akhri warkaas oo english ah)ISLAMABAD, Pakistan (CNN) -- At least five people died Thursday evening in two back-to-back blasts in the northwest Pakistani city of Peshawar, and a few hours later, a policeman was killed by a suicide car bomb, a police official said. A short time later, a fourth bomb rocked the nearby city of Dera Ismail Khan, police said.
- (2009-05-28)
- BARCELONA OO LA HOYATEY KOOBKII CHAMPION LEAGUE
-
Rome 27 may 2009: Ciyaartii kama dambeysta ahayd (final match) ee horyaallada Qaaradda Yurub (champion league) ayaa caawa lagu qabtay garoonka kubbadda cagta Olympic Stadium ee magaalada Rome ee dalka Talyaaniga iyadoo kooxda Barcelona ee dalka Spain ay kula hoyatay koobkii chamionleage-ga ee sanadka 2009 kaddib markii ay 2-0 ku suuldaartey kooxda Manchester United ee dalka Britain.
- (2009-05-27)
- Xabsiyada Ethiopia oo laga sii daayey dhallinyado Soomaali ah
-
Ciidammada Ethiopia ayaa xabsiyada ka sii daayey dhallinyaro Soomaali ah oo ay horey ugu xirxireen dhulka Soomaalida ee ay Ithiopia maamusho.
- (2009-05-27)
- Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo si kulul u beeniyey inay Mareykanka weydiisteen magangelyo
-
Muqdisho 27 may 2009: Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo la soo xariiray warbaahinta ayaa si weyn u beeniyay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ay qoreen Wabseedyada Qaar kaasoo sheegayay in odayasha Beelaha Hawiye ay magan galyo weydiisteen dowladda Maraykanka.
- (2009-05-27)
- Golaha Ammaanka QM oo dood xasaasi ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya
-
Newyork 27 may 2009: Golaha Ammaanka ee QM ayaa waqtigii u kordhiyey Ciidamada Midowga Africa ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya kaddib kulan xasaasi ah oo xalay ugu soo gaba gaboobay Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka.
- (2009-05-27)
- CIIDAMMADA BADDA SWEDEN OO GACANTA KU DHIGAY BURCAD-BADEED SOOMAALIYEED
-
Ciidammada mileteriga dalka Sweden ayaa gacanta ku dhigay 7 nin oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed, kuwaas oo lagu soo qabtay biyaha gacanka Cadmeed.
- (2009-05-26)
- GUDDOOMIYIHII URUR DIIMEEDKA HUBEYSAN EE XISBUL ISLAAM OO IS CASILAY
-
Muqdisho 26 may 2009: Hoggaamiyihii ururka hubeysan ee Xisbul Islaam Sheekh Cumar Imaan Abuubakar ayaa maanta iska casilay Guddoomiyenimadii ururkaasi, isagoo ku micneeyey is-casilaaddiisa in looga habboon yahay hoggaaminta xagga milateriga iyo maamulka, isagoo ku cel-celiyey inuu ka sii mid ahaanayo xisbiga oo uu sheegay inuu qeyb weyn ku lahaa aas-aaskii xisbiga isla markaana uu ka shaqeyn doono dhinaca fidinta dacwada.
- (2009-05-26)
- Jaamacadda carabta oo dalbatay mar kale in la tageero dawlada Soomaaliya
-
Qaahira 26 may 2009: Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka codsaday Beesha Caalamka in ay taageerto ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Jooga Soomaaliya iyadoo sidoo kalena meesha ka saartay in ay ku talo jirto in wakiiladeeda ay kala baxdo Magaalada Muqdisho.
- (2009-05-26)
- DAD BADAN OO KU DHINTEY MADAAFIIC KU DHACDAY AGAGAARKA MADAXTOOYADA VILA SOOMAALIYA
-
Muqdisho 26 may 2009: Madaafiic aan loo meel dayin oo galabta lagu ridey agagaarka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan inay ku naf waayeen ugu yaraan 7 qofood oo rayid u badan, kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow golihii hore ee murtida iyo madadaalada magalaada Muqdisho.
- (2009-05-26)
- MAXKAMADAHA & AL-SHABAAB OO GUULO KA KALA SHEEGTAY DAGAALKII GALABTA KA DHACAY MAHADAAY
-
Mahadaay 26 may 2009: Mar kale ayaa kooxaha Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga ah dagaal ku dhex maray gelinkii dambe ee maanta degaanka Ciid-ciid oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka shabelada dhexe, dagaalkaas oo wararku sheegayaan in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
- (2009-05-26)
- WERIYIHII 2-AAD OO TODDOBAAD GUDIHIISA LAGU DILEY DAGAALADA SOOMAALIYA KA SOCDA
-
BELEDWEYNE 26 MAY 2009: Alle ha u naxariistee Weriyihii 2-aad ayaa toddobaad gudihiisa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaallada micno darrada ah ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Weriye Nuur Muuse Inji ayaa maanta magaalada Beledweyne ugu geeriyooday dhaawac maalmo ka hor ka soo gaaray dagaaladii gobolka Hiiraan ku dhex maray kooxaha isaga soo horjeeda talada dalka Soomaaliya, iyadoo markii dhaawacu uu soo gaarayey uu ku guda jirey howshoosa weriyenimo.
- (2009-05-26)
- 3 CIIDAMMADA SHISHEEYE EE AFQANISTAAN JOOGA AH & 3 RAYID AH OO KU DHINTEY QARAX IS-MIIDAAMIN AH
-
Kabul 26 may 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay dalka Afqanistaan ayaa sheegaya in baabuur laga soo buuxiyey walxa qarxa uu ku qarxiyey qof is-miidaamiyey waqooyiga magaalada casimadda ah ee Kabul, halkaas oo ay ku nafwaayeen 3 askari oo ka tirsan ciidammada shisheeyaha ee ku sugan dalka Afqanistaan iyo 3 qof oo shacab reer Afqanistaan ah. Warkaas oo faahfaasan oo english ah ka akhriso halkaas hoose.
- (2009-05-26)
- MADAXWEYNAHA DKM SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN SOOMAALIYA LAGU SOO DUULAY (Shir Jaraaid)
-
Muqdisho 25 may 2009: Madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraaid oo uu kaga hadlay xaaladihii iyo dagaalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ku qabtay xarunta madaxtooyada ee xaafadda Wardhiigley.
- (2009-05-25)
- URURKA XISBUL ISLAAM OO MAMNUUCAY IN HUB LAGU QAATO INTA U DHEXEYSA MUQDISHO & AFGOOYE
-
Afgooye 25 may 2009: Saraakiisha Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee ka arrimiya degmada Afgooye ayaa soo saaray wareegto ay ku mamnuucayaan in hub sharci darro ah aan lagu dhex qaadan Karin inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye islamarkaana ciddii lagu arko iyadoo hub wadata ay u aqoonsan doonaan qaswadayaal iyo kuwa nabadda ka soo horjeeda, waxaana ay intaasi ku dareen in hubkii ay qabtaan ay la wareegi doonaan.
- (2009-05-25)
- Jabhadda ONLF oo Ethiopia ku eedeysay tacaddiyo ay ka geysatay gobolka Ogaadeniya
-
Doha 25 may 2009: Jabhadda ONLF oo ka mid ah Jabhadaha la dagaalamaya Taliska Ethiopia ayaa Ciidamada Ethiopia ku eedeysay in ay dad ku laayeen maalmihii la soo dhaafay dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.
- (2009-05-25)
- WASIIRADA ARR. DIBEDDA SOOMAALIYA & RUUSHKA OO KA WADA HADLAY KA HORTAGGA BURCAD-BADEEDA
-
Dimishiq 25 may 2009: Wasiirka aRrimaha dibadda ee wadanka Ruushka Sargey Lavrof ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Soomaaliya Max’ed C/laahi Oomaar arRinta dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcad badeeda kooxaha gobolka geeska Africa.
- (2009-05-25)
- AL-SHABAAB OO SHEEGTAY QARAXII IS-MIIDAAMINTA AHAA EE SHALAY MUQDISHO KA DHACAY
-
Muqdisho 25 may 2009: Madaxa Siyaasadda iyo gobolada ee Ururka Al Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo xalay shir jaraa’id u qabtay bahda warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ururkoodu uu fuliyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xaruntii hore ee Keydka Shidaalka oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan milateriga dowladda KMG.
- (2009-05-25)
- QARAXII IS-MIIDAAMINTA OO AY KU DHINTEEN 8 QOFOOD 6 KALENA KU DHAAWACMEEN
-
Muqdisho 24 may 2009: Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta lala eegtay xaruntii hore ee keydka shidaalka oo iminka xero ciidan u ah dowladda ku meelgaarka ah ayaa lal xaqiijiyey inay ku naf waayeen 8 qofood oo 6 ka mid ahi ahaayeen askarta dowladda.
- (2009-05-24)
- WARGEYSKA TIMES OO SIRDOONKA USA KA SOO XIGTEY AJAANIIB KA DAGAALAMAYSA SOOMAALIYA
-
Heyádaha Sirdoonka dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtey war sheegaya in tiroka badan 1000 dagaalyahan oo Ajnabi ah ay ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya.
- (2009-05-24)
- TALIYE XIGEENKII C/MAXKAMADAHA ISLAAMIGA EE GOBOLKA HIIRAAN OO SHIL GAARI KU GEERIYOODAY
-
Beledweyne 24 may 2009: Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
- (2009-05-24)
- Afhayeen Maxkamdaha islaamiga u hadlay oo beeniyay in ciidan kasoo goostay u galeen mucaaradka
-
Muqdisho 24 may 2009: Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamiga oo lagu magacaabo C/risaaq Max’ed Qeyloow ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo iyo saraakiil ka soo goostay Maxkamadaha oo u soo galay Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.
- (2009-05-24)
- Isimada Puntland ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqay inay joojiyaan dagaalada
-
Boosaaso 24 may 2009: Isimada ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland oo kulan ka yeeshay xaaladaha colaadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhinacyada ku dagaalamay ugu baaqeen in ay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada ay ku dhimanayaan shacabka aan waxba galabsan.
- (2009-05-24)
- QARAX ISMIIDAAMIN AH OO GILGILAY XARUNTII KEYDKA SHIDAALKA MUQDISHO
-
Muqdisho 24 may 2009: Qarax aad u xooggan oo lagu fasirey inuu ahaa ismiidaamin ayaa lala beegsaday goor dhowayd xaruntii keydka shidaalka ee degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho.
- (2009-05-24)
- 18 CIIDAMMADA MAREYKANKA AH OO UU SOO RITEY HERGABKA DOOFAARADA EE H1N1
-
Kuwait 24 may 2009: Qaar ka mid ah Ciidammada Mareykanka ee ku sugan dalka Kuwait ayuu soo ritey hargabka doofaarada ee loo yaqaan H1N1, kaas oo dabayaaqadii bishii april ee aynu soo dhaafnay ka dillaacay qeybo badan oo dunida ka mid ah.
- (2009-05-24)
- For Somalia, Chaos Breeds Religious War (Michael Kamber for the Newyork Times)
-
Sufis are part of a moderate Islamist movement that Western nations are counting on to repel Somalia’s increasingly powerful Islamist extremists. More Photos >
- (2009-05-24)
- Dagaalladii Muqdisho oo 2 beri gudahood ayku dhinteen in ka badan 45 qof oo rayid ah
-
Muqdisho 23 may 2009: Dagaalladii xasuuqa shacabka ahaa ee ay isaga soo horjeedeen maliishiyooyinka dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa AL-shaab iyo Xisbul Islaam ee magalaada Muqdisho ka dhacay jimcihii iyo sabtidii ayaa la xaquujiyey inay ku naf waayeen in ka badan 45 qofood oo rayid, iyadoo dhaawacyadu ay gaareen boqolaal aan haysan daawo iyo daryeel kale midna.
- (2009-05-23)
- African Union calls for sanctions on Eritrea
-
The African Union has called on the UN Security Council to impose sanctions against Eritrea for supporting Islamist insurgents in Somalia.
It is the first time that the AU has called for sanctions against one of its own members.
The organisation has more than 4,000 troops in Somalia supporting the fragile transitional government.
Meanwhile, heavy fighting resumed in the Somali capital Mogadishu on Saturday, reports say.
- (2009-05-23)
- DAGAALKA MAANTA OO LA XAQIIJIYEY DHIMASHADA IN KA BADAN 30 QOF OO RAYID AH
-
Muqdisho 22 may 2009: Dagaalkii u dhexeeyey maliishiyooyinka kala taageersan dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxaha magaca diinta ku dagaalama ee la magac baxay AL-shabaab iyo Xisbul Islaam ee saaka ka qarxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf waayeen in ka badan 30 qofood oo rayid ah, halka dhaawacyada la geeyey isbitaalada ay kor u dhaafayaan 80 qofood, kuwaas oo badankooda la dhigay isbitaalka Madiina.
- (2009-05-22)
- DAGAALADII MUQDISHO KA QARXAY SAAKA OO KU SII FIDAYA SUUQA BAKAARAHA
-
Muqdisho 22 may 2009: Dagaal aad u qaraar ayaa saaka ka dillaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada wadnaha, tan Aaden-Cadde iyo qeybo ka mid ah degmada howlwadaag kaddib markii sida weriyayaashu sheegayaan ay dagaal ku soo qaadeen Ciidammo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ee ku biirey dowladda ku meelgaarka ah.
- (2009-05-22)
- WERIYE KA TIRSAN IDAACADDA & TV-GA SHABELLE OO LAGU DILAY MUQDISHO (XIGASHO SHABELLE.NET)
-
Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.net Wariye ka tirsan Idaacada iyo TV-ga shabelle oo maanta ku geeriyooday dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. Warka naxdinta leh ee geerida weriyahaasi oo Shabelle faahfaahineyso waxa uu u qoran yahay sidan: Posted: 5/22/2009 2:49:00 PM
Shabelle: MUQDISHO.
Waxaa maanta dagaalada ka socda agagaarka suuqa Bakaaraha ku geeriyooday Wariye ka tirsan Idaacada iyo TV-ga shabelle.Illaah ha u naxasiirtee Wariye C/risaaq Warsame Max'ed ayaa Dagaalada ka socda agagaarka Suuqa Bakaaraha ku geeriyooday kadib markii ay haleeshay xabadaha la isku weydaarsanayo dagaalada. - (2009-05-22)
- ABUU MANSUUR OO ISKA CASILAY AFHAYEENIMADII AL-SHABAAB
-
Muqdisho 21 may 2009: Afhayeenkii Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) aya amaanta shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii afhayeenimada ururka Al-shabaab.
- (2009-05-21)
- Raíisul-wasaare Cumar C/rashiid oo rajo xumo ka muujiyay wada hadal uu la galo mucaaradka
-
Muqdisho 21 may 2009: Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa uu sheegay in uusan rajo ka qabin wadahadalo ay xilligaani la galaan Mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda xilli maalmihii dambe xukuumaddiisa ay wajahaysay weeraro kaga imaanaya xoogagga Hubaysan oo ku sii fidaya inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
- (2009-05-21)
- Odayaasha Hawiye oo dhaleecayn u jeediyay dawladda Soomaaliya
-
Muqdisho 21 may 2009: Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelah Hawiye ayaa dhalleeceyn u jeediyay dowladda KMG Soomaaliya iyadoo dhaleecayntooda ay sabab uga dhigeen shirar xagga qabaa’ilka ah oo Magaalada Muqdisho ay ku qabatay iyo hadalada dowladda ay ka tiri soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
- (2009-05-21)
- Talyaaniga oo martigalinaya shir la isugu keenay dawladda iyo mucaaradka Soomaaliya
-
Rome 21 may 2009: Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay marti galinayso shirk ku saabsan arrimaha waddanka Soomaaliya oo leh labo ujeeddo oo kala ah dib u heshiisiin laga dhex sameeyo dowladda KMG iyo mucaaradka ka soo horjeeda iyo arrimaha caalamka oo dhan saameeyay ee burcad-badeedda.
- (2009-05-21)
- ROOBAB DAD BADANI KU DHINTEEN OO KA DAÁY MUQDISHO & HAREERAHEEDA
-
Muqdisho 21 may 2009: Inta la hubo 15 qof oo carruur ah ayaa ku geeriyooday roobab mahiigaan ah oo muddo ka badan 6 saacadood oo xiriir ah ka daáy magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, kuwaas oo haleelay kumannaan dad ah oo ku sugan meelo aan ka dheerayn guryahooda oo xoog ay kaga saareen dagaalada magaalada Muqdisho:
- (2009-05-21)
- CAYAARO KUBBADDA KOLEYGA AH OO DHEX MARI DOONA JABUUTI IYO SOOMAALIYA
-
Jabouti 21 may 2009: Warar hordhac ah oo naga soo gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen koox ciyaartoy kubbadda koleyga ah oo Soomaali ah si ay ciyaaro saaxiibtinimo ula yeeshaan kooxaha kubbadda koleyga ee ka dhisan dalka Jabuuti.
- (2009-05-21)
- MASÚULKII UGU SARREEYEY MAXKAMADAHA ISLAAMIGA EE BELEDWEYNE OO IS CASILAY
-
Beledweyne 21 may 2009: Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xalay la soo xariiray Warbaahinta Muqdisho waxaana uu sheegay in uu is casilay.Sheekh Aadan Jilibay oo ahaa guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
- (2009-05-21)
- DAGAAL DHIMASHO & DHAAWAC SABABAY OO KA DHACAY MAHADAAY
-
Mahadaay 21 may 2009: Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka maxkamadaha islaamiga ee looga awooda roonaaday gobalkaasi iyo ciidamada ururka xisbul islaam oo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Mahadaay.
- (2009-05-21)
- XOGHAYAHA GUUD XIRIIRKA CAYAARAHA FUDUD OO RIYADH UGA QEYBGALAY SHIRKA JAAMACADDA CARABTA
-
RIYADH 20 may 2009: Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud isla markaana xubin ka ah Xiriirka Cayaaraha Fudud ee dalalka Bariga Afrika Mudane Faarax Cali Macalin oo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh uga qeyb galay shir ay halkaasi ku lahaayeen dalalka xubnaha ka ah Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
- (2009-05-20)
- Jaamacadda Carabta oo sheegtay in xaalka Soomaaliya uu marayo meel aad u xun
-
Qaahira 20 may 2009: Xoghayaha guud ee ururka Jaamacada Carabta Caamir Muusa ayaa sheegay in ururka Jaamacadda Carabtu ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda murugsan ee ka sii dareeysa ee wadanka Soomaaliya.War qoraal ah oo uu maalintii shalay ka soo saaray magaalada Qahira ee xarunta wadanka Masar ayaa Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa waxaa uu ku sheegay in uu ka cabsi qabo in Soomaaliya ay dib u laabato kadib markii la gaaray waxoogaa horumar ah.
- (2009-05-20)
- DOWLADDA KMG OO KA HADASHAY WARARKA KU SAABSAN SOO GELITAANKA CIIDAMMADA ITOOBIYA EE GUDAHA S
-
Muqdisho 20 may 2009: Farxaan Cali Max’uud Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya oo u warramayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon wararka sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay yimaadeen isgoyska Kalabeyrka iyo deegaan Jawiil ee gobolka Hiiraan.
- (2009-05-20)
- Burcad-badeedda Soomaaliya oo siidaysay Markab Jarmalka laga leeyahay
-
Muqdisho 20 may 2009: Kooxaha burcad-badeedda ee Maraakiibta shisheeye ka Afduubta biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ayaa sii daayay Markab laga leeyahay waddanka Jarmalka kaasoo ay horay u qafaasheen. Markabkan oo ahaa nooca xamuulka qaada oo bishii la soo dhaafay kooxaha burcad-badeeddu ay ka afduubeen xeebaha gacanka cadmeed ayaa la sii daayay sida uu sheegay Andrew Muwangura oo ka tirsan xafiiska Bad-maxayaasha Bariga Afrika.
- (2009-05-20)
- Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo Maamul uga dhawaaqay Jowhar
-
Jowhar 20 may 2009: Waxaa Maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe looga dhawaaqay maamul islaami ah oo hoos taga ururka Al shabaab oo dhawan la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi.
Kadib kulan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe ee magaalada Jowhar masuuliyiin ka tirsan Al shabaab oo ay la qaateen waxgarad, culumaa’udiin iyo ganacsatada magaaladaasi ayaa waxaa ay uga hadleen sidii maamul islaami ah looga sameyn lahaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo ay dhawaan Al shabaabku la wareegeen. - (2009-05-20)
- WEERARO CULUS OO XALAY LAGU QAADAY XERYAHA CIIDAMMADA AMISOM EE MUQDISHO
-
Muqdisho 20 may 2009: Inta la xaqiijiyey hal qof oo rayid ah ayaa ku naf waayey halka ay 5 kale ku dhaawacmeen madaafiic iyo rasasas ay is weydaarsadeen xalay saqdii dhexe Ciidammada AMISOM ee ku sugan Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada AMISOM ee dalka Soomaaliya.
- (2009-05-20)
- CAAWA IYO WARAR GOOS GOOS AH OO SOOMAALIYA KU SAABSAN
-
Hiiraan 19 may 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in ciidamo aad u hubeysan oo Itoobiyaan ahi ay dhufeysyo ka qoteen degaanka Jawiil iyo Kala Beyr ee gobolka Hiiraan kaddib markii ay maanta soo galeen goobahaasi oo ay dhowr bilood ka hor ka baxeen.
- (2009-05-19)
- DAGAALLO MAR KALE KA DHACAY XALAY DEGAANKA WABXO
-
WABXO 19 may 2009: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maqribkii ay mar kale deegaanka Wabxo isku fara saareen Ururada hubeysan ee Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca kaas oo soo gaaraya ilaa xalay fiidkii.
- (2009-05-19)
- DKMG OO ISKA FOGEYSAY EEDEYMAHA MUCAARADKA EE AH INAY HUBEYNEYSO QABAAÍLKA & H/KOOXYADA
-
Muqdisho 19 may 2009: Dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa iska fogaysay eedaymo ay u soo jeediyeen mucaaradka oo ah in ay hubaynayso qabaailka iyo hoggaamiye kooxeedyada ayna ka dambeyso dagaalada xiligaan ka socda Soomaaliya.
- (2009-05-19)
- DR. CUMAR IIMAAN OO DOWLADDA KMG KU EEDEEYEY INAY HUBEYNEYSO QABAAÍLKA & H/KOOXEEDYADII
-
Mogadishu 19 may 2009: Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee ka qayb-gelaya dagaallada ka socda qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Dr Cumar Iimaan Abuu-bakar ayaa waxaa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay hubayneyso hoggaamiye kooxeedyadii hore e Soomaaliya iyo qabaailka si buu yiri ay isku hortaagto hawlaha jihaadka.
- (2009-05-19)
- Puntland oo qabqabatay burcadbadeed Soomaali ah
-
Garowe 19 may 2009: Maamul gobeleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ay qaadeen hawlgalo aad u balaaran oo lagula dagaalamayo kooxaha burcadbadeeda Soomaaliyeed oo saldhigyo waawayn ku leh gobalkaasi
Masuuliyiinta maamulkaasi ayaa waxaa ay shabakadda wararka somaanta u xaqiijiyeen in ilaa iminka ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 100 qof oo durba qaar ka mid ah lagu cadeeyay in ay ahaayeen burcadbadeed iyo 5 doomood oo ah kuwa ay isticmaalaan marka ay maraakiibta afduubanayaan. - (2009-05-19)
- GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO SHEEGAY IN DAGAALADA MUQDISHO AY DIB U DHIGEEN HOWLIHIHI BARLAMAANKA
-
Mogadishu 18 may 2009: Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dalxa oo xalay la hadlay warbaahint magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in waxyaabaha dib u dhaca ku dhaliyay kulamada Barlamanka ay yihiin xiisadaha ka jira Magaalada Muqdisho iyo siminaaro Barlamanka loogu sameeyo gudaha dalka iyo dibadiisa.
- (2009-05-18)
- ISKA HORIMAAD DAD KU DHINTEEN OO XALAY KA DHACAY TUULADA CEYN OO U DHOW BUULOBURDE
-
Mogadishu 18 may 2009: Tuulada Ceyn oo qiyaastii 40-km dhinaca barri kaga beegan degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa xalay fiidikii waxaa uu iska hor imaad ku dhexmaray maleeshiyaad hubaysan oo halkaasi ku sugnaa iyo kuwa ururka Al-shabab.
- (2009-05-18)
- CABSI XOOG LEH OO KA TAAGAN MAGAALADA JOWHAR
-
Mogadishu 18 may 2009: Wararka imaanaya magaalada Jowhar oo shalay gacanta u gashay ururka Al-shabaab ayaa waxaa ka taagan cabsi aad u bahsan ka dib markii ay gobalkaasi gaareen ciidamo fara badan oo taageersan dawladda watana gaadiid dagaal oo aad u fara badan
Sida uu Soomaanta u xaqiijiyay goobjooge ku sugan magaalada Jowhar dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxaa la dareemayaa xaalad kacsanaan ah waxaana dadka magaaladaasi oo koox koox u taagan waddooyinka ay yihiin kuwo qiimaynaya xaaladda magaalada iyo suurta galnimada dagaal mar kale halkasi ka dhaca. - (2009-05-18)
- MAHADAAY OO LA SHEEGAY INAY U GACAN GASHAY AL-SHABAAB
-
Mogadishu 18 may 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helnay gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay shalay ku dagaalameen xoogagga Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa sheegaya in degmadii 3-aad ee gobolkaaasi gacanta u gashay ururka Al-shabaab kaddib markii ay xalay gudaha ay u galeen degmada Mahadaay, iyagoo aan la kulmin iska caabin weyn.
- (2009-05-18)
- SHEEKH INDHA-CADDE OO KA WARBIXIYEY KU BIIRITAANKIISA DOWLADDA
-
Mogadishu 17 may 2009: Shseekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka hadlyay shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho ku qabteen garab ka mid ah ururka Xisbul islaam gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Shiikh Max’ed Xasan Cameey iyo Shiikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha Cadde) ayaa waxaa ay kaga war bixiyeen ku biiritaanka ay dowladda ku biireen,waxa ayna sheegeen in ay difaaci doonaan dowlada kmg Soomaaliya oo ay sheegeen in ay tahay dowlad islaami ah.
- (2009-05-17)
- “Abuu Mansuur dagaalka waa soconayaa inta ay ka dumayso dawaladda gaaladu wadato gaaladana laga saar
-
Mogadishu 17 may 2009: Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta shir jaraa’id oo xagga teleefoonka ah u qabtay warbaahinta muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada maalmihii u dambeeya ka dhacay gobolada Hiiraan,Galgaduud iyo Banaadir.
- (2009-05-17)
- GABAY KU SOCDA KUWA DHIIGGA MUSLIMKA KU DAADINAYA MAGACA DIINTA
-
Allahayoow fidnada naga dulqaad Ducadu waa khaase
Degenaansho eeboow nasii Deeqsi baad tahaye
Shareeciyo Alloow noogu deeq Dawlad koruqaada
Sadexdaasi waa duco yaroo Anigu aan doortay
Sadex kalena waa reer Shabaab Midaan u duubaayo
Dadkuna uma sinee Duqa Daacad ugu sheega
Nimankaa wejiga duubtayee Dumarka laynaaya
Xukun doon nin kugu dilahayoo Diin ku magacaabay
Daliil xume Jihaadkii kadhigay Nin iyo dookhiisa
Dagaal ooge maatada u daran Wada duqeynaaya
Dilka shacabka nimankaa u qaba Diinta badankeeda
Dawlad diidka nimankaa noqdee Dunida aafeeyey
Nimankaa Jihaadkii duwee Dhiigga door bidaya
- (2009-05-17)
- Magac la baxshay, xaqiiq ma bedelo (Maxamed Xirsi Guuleed)
-
Hal ku dhigga maqaalka:
Magac la baxshay , xaqiiqda ma bedelo
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahaybaa weyn oo wanaagsan. Ku salliya Nebi Maxamed (scw).
Magacyo-tilmaameedyo badan iyo tilmaamo badan ayaa had iyo jeer ku soo kordha fagaaraha siyaasadda ee aduunka iyo Soomaalida dhexdeedaba. Magacyadaas qaarkood waxa isku naba dadka iska soo hor jeeda. Qaar kalena qolo waliba iyagaa gaar ula baxa oo isku bila ama isku tilmaama.
" Qoladii isu bixisa magac wanaagsan oo aanay dhab ahaan sifadiisa lahayn, magacaas wanaagsani xaqiiqadooda ma bedelayo. Waa sida haddii aad khamriga ku sheegto " caano macaan", miyey xaqiiqadii khamriga wax ka bedeshay magac bixintaasi? Waa maya. Fircoon markii uu isku magacaabay "rabbul-aclaa" miyey tilmaantaasi wax ka bedeshay xaqiiqdii Fircoon? Waa maya
" Maxamed Xirsi Guuleed
- (2009-05-16)
- DAGAALO U DHEXEEYA AL-SHABAAB & KOOXO KALA DUWAN OO KA QARXAY G/DHEXE
-
Mogadishu 15 may 2009: Dagaalladii u dhexeeyey kooxaha kala ujeeddada ah ee ku hardamaya awoodda dalka Soomaaliya ayaa ka qarxay saaka qeybo ka mid ah gobollada dhexe. Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helnay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhimashada dhawr qof iyo dhaawaca tiro aan la xaqiijin kaddib markii ay halkaasi isku fara saareen ururada Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo horey ugu dagaalamay goobo kala duwan ee gobolkaasi.
- (2009-05-15)
- XANNUUNKA H1N1 OO KU DHACAY DAD KA BADAN 6,600 QOFOOD
-
15 may 2009: Waxaa weli dalal badan oo caalamka ah ku sii fidaya xannuunka H1N1 oo ah nooc hargab oo si fudud baniáadamku isugu gudbin karo. H1N1 waxa ay dadku ku kala qaadi karaan xiriirka dhinaca neefta ama taabashada ah, iyadoo ilaa hadda daawada keliya ee ka hor taggiisa loo isticmaali karo lagu sheegay in sanka la xirto isla markaana gacamaha lagu dhaqo aalkool iwm. Wadamada qaar ayaa dadka ku soo rogay in lagu joojiyo marka ay soo gelayaan goobaha muhiimka ah si loogu qasbo inay gacmaha ku dhaqaan daawooyin lagu diyaariyey goobaha laga galo meelaha muhiimka ah.
- (2009-05-15)
- PELOSI ACCUSES CIA OF MISLEADING HER ON USE OF WATERBOARDING
-
(CNN) -- House Speaker Nancy Pelosi accused CIA officials Thursday of misleading her in 2002 about the use of "enhanced interrogation techniques" such as waterboarding, which simulates drowning and has been described by critics as torture.
Pelosi reiterated an earlier claim that she was briefed on such techniques only once -- in September 2002 -- and that she was told at the time that the techniques were not being used.
- (2009-05-14)
- WASIIRKA WARFAAFINTA OO SHEEGAY IN 103 QOF KU DHIMATAY 420 KALE KU DHAAWACANTAY DAGAALADA
-
Mogadishi 14 may2009: Wasiirka Warfaafinta Dowladda Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dagaallada ka socda magalaada Muqdisho ee ay isaga soo horjeedaan ciidanka dowladda & kuwa mucaaradka ay ku naf waayeen 103 qofood ayna ku dhaawacmeen 420 qofood halka ay ku barakaceen sida uu sheegay Wasiirku in ka badan 18 kun oo qofood.
Wasiirka ayaa ku eedeeyey Sheekh Xasan Daahir Aweys in uu doonayo inuu afgembiyo dowladda ku meelgaarka ah.
- (2009-05-14)
- WAKIILKA Q/M EE SOOMAALIYA "Dagaalka Muqdisho waa isku day afgembi"
-
ADDIS-ABABA 13 may 2009: Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa cambaareeyey dagaalada ka socda magalaada Muqdisho, isaguu ku tilmaamay isku day lagu doonayo in lagu afgembiyo dowladda ku meel gaarka ah, isagoo ka digay in dagaalladaasi loo arko kuwo la mid ah dagaalladii qabiilada u dhex mari jirey koox koox ee horey uga dhici jirey Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda Soomaaliya ay ka jirto dowlad sharci ah oo uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in dhinac kasta laga taageero dowladda tabarta daran ee dalka ka jirta.
- (2009-05-13)
- SHIRWEYNE JABUUTI UGA FURMAY CULIMO SOOMAALIYEED & MID U XIRMAY CULIMO KALE
-
JABUUTI 13 may 2009: Shir aad u ballaaran ayaa maanta uga furmay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti culimo-udiin ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo shirka diiradda lagu saarayo qodobo ay ka mid yihiin qaabka loo wajahayo arrimaha islaamka & xal u helidda dagaalada ay isaga soo horjeedaan kooxaha kala duwan ee Soomaaliya isku haya oo badankoodu dagaalka u adeegsanayaan qaab diimeed.
- (2009-05-13)
- DEGMOOYINKA WARDHIIGLEY & BOONDHEERE OO DAGAAL CULUS KA DHACAY)
-
Mogadishu 13 may 2009: Barqanimadii maanta ayaa mar kale dagaallo aad u culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxa ay ka qarxeen degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho ugu yaraan 7 qofood iyo dhaawaca in ka badan 30 qofood oo dhammaantood rayid aan waxba galabsan ah. Kooxaha isaga soo horjeeda dagaalladaan ayaan la ogeyn dhab ahaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray, inkastoo mar kasta oo dagaal dhaco uu khasaaraha ugu badani ku habsado rayidka aan dagaalka ku jirin.
Dagaalka oo u dhexeeya kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ah iyo dowaladda ku meel gaarka ah oo isku haya talada dalka Soomaaliya ayaa galay maalintii 6-aad oo ay daadinayaan dhiigga shacabka. Waxaa muuqata in kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay dhegaha ka fureysteen baaqyada ka soo baxaya waxgaradka Soomaaliyeed, Qaramada Midoobay iyo in badan oo ka mid ah beesha caalamka.
- (2009-05-13)
- MAANTA IYO WARARKA CAALAMKA
-
Mogadishu 13 may 2009: Kumannaan qof oo isugu jira dumar, carruur iyo waayeel oo dhammaantood ku barakacay dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa daadsan jiho kasta oo ka mid ah dafaaha magaalada, kuwaas oo aan heysan raashin, biyo. daawo iyo hooy ay ka galaan qabowga iyo dabaylaha, iyadoo lagu jiro xilligii roobabka ay ka di´ jireen dalka Soomaaliya.
Inkastoo goobihii lagu dagaalamay ay ka jirto xooga deganaan ah oo aan la isku haleyn karin iyo dhaqdhaqaaq aad u yar, haddana waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ay dagaalladaasi u geysteen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay cadeynayaan in dhimashada rayidku kor u dhaaftay 110 qof oo ay rasasta iyo madaafiicdu ugu tagtay guryahooda iyo waddooyinka mudisho ama goobahooda ganacsiga.
- (2009-05-13)
- This is London – the capital of Somali pirates' secret intelligence operation• Hub of informants plo
-
World news
Piracy at sea
• Several recent hijackings orchestrated from UK
Giles Tremlett
guardian.co.uk, Monday 11 May 2009 20.39 BST
Article history
For the 14 crew aboard the Karagöl, a Turkish chemical tanker churning through the lawless waters of the Gulf of Aden, it was the moment all seafarers dread: heavily armed Somali pirates were speeding towards the slow-moving cargo vessel, and there was no chance of escape.
- (2009-05-12)
- UEFA CHAMIONS LEAGE FINAL (MANCHESTER & BARCELONA)
-
FC Barcelona and Manchester United FC have produced some memorable European nights and with both sides playing some of the most exciting football in Europe this season another classic encounter is expected at the UEFA Champions League final in Rome on 27 May. They have played each other nine times in European competition with United winning three and Barça two, and it is Sir Alex Ferguson's side who have had more to cheer down the years after beating their Catalan rivals to lift the UEFA Cup Winners' Cup in 1991 and in the semi-finals of the UEFA Champions League last season.
- (2009-05-12)
- GEORGE SEGUN & aNDRE dAMMAN JOIN ITTF PRESIDENT´S ADVISORY COUNCIL
-
- (2009-05-12)
- QUBANAHA WARARKA SUBAXNIMO
-
Mogadishu 12 may 2009: Iyadoo shalay oo dhan ay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka soconayeen dagaaladii u dhexeeyey dowladda ku meel gaarka ah iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa wararkii ugu dambeeyey ee subaxnimadii hore aan helnay sheegayaan dhimashada in ka badan 70 qof oo rayid ah iyo barakaca kumannaan dadweyne ah.
Dagaaladan oo kuwoodii ugu dambeeyey ay shalay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshid iyo Wardhiigley waxa ay geysteen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo aan la soo koobi karin, iyadoo ay jireen baaqyo badan oo si is daba joog ah uga soo baxayey waxgarad kala duwan oo ku baaqayey in la joojiyo dagaalada, hase yeeshee ilaa hadda lama sheegin aqbalaad rasmi ah oo ka soo baxday dhinacyada dagaalamaya.
Pakistaan 12 may 2009: Raiisul wasaaraha dalka Pakistana ayaa khudbad uu u jeediyey tiro yar oo ka tirsan baarlamanka dalkaasi waxa uu si faahfaahsan uga hadlay dagaalada ay ciidammada Pakistaan kula jiraan xoogagga Dalibaan, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka goan tahay in ay tirtiraan waxa uu ugu yeeray argagixisada. Ciidammada dalka Pakistaan waxa ay si xawli ah u qaadayaan weeraro dhinac kasta ah oo ay ku qaadayaan degaanada ay ku sugan yihiin xoogagga Daalibaan.
Ilaa 8 qof ayey ku dileen gudaha dalka Pakistaan gantaalo la rumeysan yahay in ay dhinaca cirka ka soo tuureen ciidammada dalka Mareykanka.
Kupul 12 may 2009: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan ku qanacsanayn qaabka ay u socdaan howlgalada ciidammada Maryekanku ka wadaan dalka Afganistaan tan iyo sanadkii 2001 xilligaas oo ciidammada mareykanaku weeraro culus oo cirka iyo dhulka ah ku qaadeen dowladdii ay hoggaaminayeen ururka Daalibaan.
Dagaalada Afganistaan oo la sheegay in ay ka qeyb-qaateen 45000 oo ciidammo mareykan ah iyo 32000 oo ciidammada NATO ah waxa ay sababeen burbur lixaad leh oo dhinac kasta uga dhacay dalka Afganistaan, iyadoo ay hadda muuqato in Mareykanka qaab cusub u raadinayo howlgaladiisa Afganistaan.
Barazil 12 may 2009: Roobabkii lixaadka lahaa iyo daadadkii ku soo rogmaday qeybo badan oo ka mid ah dalka Brazil ayaa la sheegayaa in ay ku nafwaayeen ilaa 40 qof, halka ay deganaadoodii ka barakaceen in ka badan 300 000 oo qofood.
Warqabadka somaanta.com muqdisho
email: info@somaanta.com
- (2009-05-12)
- WARAR GOOS-GOOS AH
-
Mogadishu 11 May 2009: Iyadoo ay maalintii 5aad galeen dagaalka xasuuqa shacabka ee ay isaga soo horjeedaan kooxaha xukun ku dirirka ah Soomaaliya ayaa wararka qaar sheegayaan in dhimashi ay kor u dhaaftay 65 qofood oo u badan rayid aan waxba galabsan oo mudaafiic iyo rasaas loogu geeyey guryahooda iyo goobahooda ganacsiga.
Wararka wakaaladaha wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawacu kor u dhaafay isaguna 200 oo qofood oo rayid ah, halka barakaca uu xad dhaafay. Nolosha dadka barakacay ayaa aad looga dayrinayaa iyagoo aan haysan hooy iyo raashin ku filan midkodna.
GAROOWE 11 May 2009: Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si weyn uga hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka socda Muqdisho, isagoo yiri "waa nasiib darro dhiigga shacabka ee micno darada ku daadanaya" ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray "waa casimaddii Soomaaliya waa xaruntii qaranka, burbur ummadeed... waan ka xunahay waxa socda waxaana leenahay walaalayaalow dagaalka ha la joojiyo".
Wasiirka oo u warramayey idaacadda BBC isla markaana faahfaahin ka bixinayey baaqa ka soo baxay maamulka goboleedka puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo taliyo inta nool maanta in la badbaadiyo isla markaana qeybaha ku dagaalaya Muqdisho in ay oggolaadaan in xabbadda ay joojiyaan oo la abuuro jawi dhex-dhexaadineed, iyagoo weliba ogaanaya in Muqdisho tahay caasimaddii Soomaaliya.
Warqabadka somaanta.com
- (2009-05-11)
- MARKABKA MT NIPAYIA & SHAQAALIHII SAARNAA OO LA SII DAAYEY
-
Mogadishu 11 May 2009, Burcad badeed Soomaaliyeed oo 25-kii april ee sanadkan uu gacanta u galay Markab lagu magacaabo MT Nipayia oo laga leeyahay dalka Giriigga ayaa maanta sii daayey Markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa oo bad qaba. Burcad badeedda ayaa Markabkaan ka qabsaday meel ka baxsan xeebahaa dalka Soomaaliya sida ay sheegeen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka adduunka, iyadoo aan faahfaahin laga bixin in madaxfurasho lagu sii daayey iyo in kale.
Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliishay shirkadaha iska leh Maraakiibta ganacsiga ee iyagu siiya burcad badeedda lacagaha faraha badan ee madaxfurashada ah, kuwaas oo sababay in burcad-badeeddu kordhiso weerarada ay ku hayaan Maraakiibta marta mandaqadda badweynta Indiya iyo gacanka badda cas.
Xafiiska wararka somaanta ee Muqdisho
- (2009-05-11)
- MILLIONS OF SOMALIS ENDANGERED BY DEEP AND WIDESPREAD POVERTY ( By Omar Salad)
-
The aim of this article is to raise more awareness and draw attention of the Somali Transitional Unity Government, leadership elites and the international community on the thirty-year running violence and misery which has culminated into unprecedented high dangerous levels of deep and widespread poverty that endangers lives of millions of Somalis which should not be taken business as usual. According to UN the number people in dire need have increased 77% in 2008 compared to late 2007 and only 26% of the necessary funding has been secured due to obvious donor fatigue and lack of political will on the part of donor countries. Also in addition to the severe droughts of the last four years, the current Gu’ (spring) rains fell much below than usual which will, of course, cause many more pastoralists and farmers to dispossession and humanitarian emergency situation. All these constitute a great cause of alarm that should be taken seriously and at the end of the writing I recommend to all the above parties to pay extra attention on this bleak situation and take proactive actions to save the lives of millions of Somalis. Much of the compilation the data and statements humanitarian crisis and poverty in this piece of writing are mainly drawn from UN sources and others.
- (2009-05-11)
- HUB WAREEJINTII INDHACADDE OO WARAR IS KHILAAFSAN KA SOO BAXAYAAN
-
Mogadishu 11 may 2009: Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya hub wareejintii Sheekh Yuusuf Indhacade uu shalay hub fara badan iyo maliishiyadii daacadda u ahayd uu kula wareejiyey ururka Xisbul Islaam oo uu horey uga goostay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hub wareejintaasi ku timid kaddib markii xoogagga Al-shabaab & Xisbul Islaam oo iskaashanaya ay dagaal qaraar kula wareegeen goobo badan oo Muqdisho ka mid ah, taasina ay keentay in Indhacade & ciidankiisu wajihi wayaeen.
Dhinaca kale warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hub wareejinta Indhacadde ku timid wadahadal uu la galay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay siyaasadda ku kala tagsanaayeen bilihii ugu dambeeyey.
- (2009-05-11)
- WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALADA MUQDISHO
-
Mogadishu 10 may 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka soconayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka warshada, soddonka iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka wardhiigley & yaaqshid ayaa sheegaya in ay guulo waaweyn ka gaareen xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo is kaashanayey, kuwaas oo iyagoo si darandoori ah u ridaya hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ku dhawaaqaya takbiirta uu soo saaray telefishinka Al-Jazeera. Sida uu qoray website-ka xog-waran Sheekh Yuusuf Indhacade & maliishiyadiisii ayaa hubkoodii ku wareejiyey xoogagga Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Cumar Abubakar kaddib markii Indhacade & ciidankiisa ay hareereeyeen xoogagga AL-shabaab & Xisbul islaam. Sheekh Indhacade ayaa maalmo ka hor wada hadal toos ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sh. Axmed oo ay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn yeeshaan.
- (2009-05-10)
- WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALADA MUQDISHO
-
Mogadishu 10 may 2009: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka soconayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka warshada, soddonka iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka wardhiigley & yaaqshid ayaa sheegaya in ay guulo waaweyn ka gaareen xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo is kaashanayey, kuwaas oo iyagoo si darandoori ah u ridaya hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ku dhawaaqaya takbiirta uu soo saaray telefishinka Al-Jazeera. Sida uu qoray website-ka xog-waran Sheekh Yuusuf Indhacade & maliishiyadiisii ayaa hubkoodii ku wareejiyey xoogagga Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Cumar Abubakar kaddib markii Indhacade & ciidankiisa ay hareereeyeen xoogagga AL-shabaab & Xisbul islaam. Sheekh Indhacade ayaa maalmo ka hor wada hadal toos ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sh. Axmed oo ay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn yeeshaan.
- (2009-05-10)
- QUBANAHA WARARKA & MAANTA
-
Mogadishu 10 may 2009: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 100 kalena waa ku dhaawacantay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee taageersan DKM oo dhinac ah & Ururada Al-shabaab & Xisbul islaam oo dhinac ah. Dagaaladan oo galay maalintoodii 4-aad waxa galaafteen nolosha 20 qof iyo dhaawac 100 qofood ka badan. Ma jiraan ifafaalo lagu joojinayo dagaaladan oo ay guryahoodii uga baraceen dad maato ah oo aad u fara bada.
- (2009-05-10)
- KU SOO DHOWOOW WEBSITE-KA SOMAANTA.COM
-
Akhristayaasheenna sharafta leh, waxaan ugu bishaareyneynaa in uu si rasmi ah hawada u soo galay website-ka somaanta.com oo iminka ay gebogebo tahay howshii dhismaha web-ka.
- (2009-05-08)




-

.jpg)
