KUTUBKA BULUUQUL MARAAM
Hordhac:
Marka hore waxaa mahad dhammaanteed iska leh Allah, naxariis iyo nabadgalyana Nabi Muxammed s.c.w. dushiisa ha ahaato.
Heyádda Kafaalo, gaar ahaan waaxdeeda ONLINE UNIVERSITY waxa ay horey u soo bandhigtay buug (kutub) koobaya masálooyin FIQHIGA ah ee dadku badankiis isweydiiyo maalin walba ama culumada lagu weydiiyo Muxaadarooyinka iwm, kuwaas oo wax badan soo noqnoqda, laakiin aanan lagu qorin meel gaar ah oo laga tixraaco wixii ka horreeyey buugga BULUUQUL MARAAM ee ay soo saartay heyádda Kafaalo.
Buuggu wuxuu ka kooban yahay suáalo iyo jawaabo diini ah oo laga soo uruuriyey kitaabka BULUUQUL MARAAM-ka ah ee uu qoray AL-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani. Kitaabkaas oo uu akhriyey, si fiicana u kala saaray axaaddiistiisa Caalimka Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Cabdinuur. Iyadoo qofkii u baahan in uu iibsado buugga oo afka Soomaaliga ku qoran uu ka heli karo heyádda Kafaalo oo dakhliga ka soo xarooda ugu deeqday acmaasha kheyriga ah sida quudinta agoonta.
Buuggan oo si kooban oo aad loo fahmi karo u sharraxaya maclumaad badan oo ku saabsan XALAAL & XARAAM, DAHAARADA, SALAADDA, GUURKA iyo ADAABTA waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa qeyb-qeyb si uu uga faaíideysan karo qof kasta oo akhrin kara afka Soomaaliga. Dhinaca midig Click sii hadba qeybta aad rabto inaad akhrisato:

