Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Shir-madaxeedkii 14aad ee IGAD oo Nairobi ka furmay maanta

Nairobi 9 maarso: Shir-madaxeedkii 14-aad ee dalalka ku mideysan urur goboleedka geeska africa ee lo yaqaan IGAD ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada Nairobi.

Kulanka oo ay ka qeyb-gelayaan Madaxweynayaasha dalalka IGAD, marka laga reebo Madaxweynayaasha Suudaan iyo Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii nabadda ee  hore u dhex maray dowladda Suudaan iyo jabhaddii SPLA , kuwaasi oo sanadkii  2005 heshiis ku gaaray in ay dowlad wada dhistaan.


Jabhadda SPLA oo 20 sanadood dagaal hubeysan kala soo horjeeday dowladda dalka Suudaan ayaa heshiiskaasi waxa ay ku oggolaatay in ay dowlad wadaag ah  wada dhistaan, iyadoo SPLA la siiyey xilligaasi kursiga Madaxweyne ku-xigeenka dalka Suudaan, hase yeeshee waxaa jira isku day kale oo SPLA ku dooneyso iminka inay kaga go´do dalka Suudaan intiisa kale.


Shirka madaxeedka IGAD ayaa wararku sheegayaan inuu isku deyayo sidii doorashooyinka guud ee dalka Suudaan oo la qaban doono bisha april ee foodda inagu soo haysa ay si nabadgelyo ah ugu dhici lahaayeen.


 

Published: 2010-03-09 14:53:29

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign