Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Sarkaalkii ugu sarreeyey Xarakada Raaskambooni oo Muqdisho lagu dilay maanta

Muqdisho 9 maarso: Sheekh Barre Cali Barre oo ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee dhaqdhaqaaqa Raaskambooni u joogay magaalada Muqdisho islamarkaana dhowaan ka soo horjeestay  heshiiskii hoggaamiyihii Raaskambooni, Sheekh Xasan Turki  uu kula midoobay ururka Al-Shabaab ayaa goordhow oo maanta ah si gaadmo ah loogu dilay magaalada Muqdisho.

 Sheekh  Barre Cali Barre waxa oo ahaa masúulkii ugu horreeyey ee ka tirsanaa Raaskambooni oo si cad uga soo horjeestay ku biiritaankii Sheekh Xasan Turki ee ururka Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyey in dhaqdhaqaaqoodu ka mid yahay ururka Xisbul Islaam, hase yeeshee maalmo yar kaddib markii uu hadalkaas jeediyey ayaa guri  uu ku sugnaa oo ku yaal agagaarka suuqa Bakaaraha waxaa lagu weeraray bambooyin, kuwaasi oo uu ka badbaaday, balse maanta ayaa lala helay shirqool si rasmi ah loogu khaarajiyey, iyadoo ilaa iminka aysan jirin cid ama koox  si cad u sheegatay dilkaasi, balse warar aan aad loo xaqiijin ayaa sheegaya in dilka sarkaalkaasi uu ka dambeeyo ururka Al-Shabaab oo inta badan la sheego inay gaadmo ku dilaan cid kasta oo ka soo horjeesata hadafkooda.


Dilka sarkaalkaani oo ay fuliyeen rag qoryaha fudud ku hubeysanaa waxa uu ka dhacay suuqa Bakaaraha  oo ay dhinac kaga sugan yihiin maliishiyada Al-Shabaab, dhanka kalena kaga sugan yihiin Maliishiyada Xisbul Islaam oo sarkaalka la dilay uu ka tirsanaa wixii ka dambeeyey ku biiritaankii Xasan Turki ee ururka Al-Shabaab.


Shalay ayaa isgoyska Sanca ee waqooyiga magaalada Muqdisho Al-Shabaab looga dilay horjooge magaciisa lagu soo gaabiyey Gaagaale, kaas oo dilkiisa ay ka dambeeyeen maliishiyo ka tirsan Xisbul Islaam.


www.somaanta.com 

Published: 2010-03-09 10:42:03

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign