Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Madaxweynaha Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo London kula kulmay Raíisul Wasaaraha Britain

London 9 maarso: Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu xalay ka hadlay xarunta Chatham House ee magaalada London, kaddib markii uu galabnimadii shalay kulan la qaatay Ra'iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska, Gordon Brown.

Madaxweynaha waxa uu hadlay u jeediyey dadweyne ka socdey qaybo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London, siyaasiyiin, diblomaasiyiin, iyo weriyayaal ka tirsan saxaafadda qeybaheeda kala duwan, iyadoo suáalo laga weydiiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya, qorshaha dawladdiisa, iyo socdaalka uu ku yimid dalka Britain.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Kumeelgaarkak ah ee Soomaaliya, Cali Jamaac Jangeli oo faahfaahin ka bixinayey kulankii wafdiga Madaxweynaha iyo Raíisul Wasaaraha adalka Britain ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo raiisal-wasaaraha Igiriiska ay ugu waaweynaayeen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib-u-soo-celtintii ammaanka dalka Soomaaliya, dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo weliba wax-ka-qabashada dhibaatada Budhcad-badeedda.

Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa inta ay joogaan dalkan Ingiriiska waxa kale oo ay kulmo kala duwan yeelan doonaan madax ka tirsan dalka Britain iyo jaaliyadaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo aan weli la shee´cin halka uu ku wajahan yahay wafdiga Madaxweynuhu marka ay u dhammaato booqashada Britain.

www.somaanta.com

Published: 2010-03-09 08:59:06

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign