Warar goosgoos ah oo caalamka iyo Soomaaliya ku saabsan
Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Suxni Mubarak ayaa ayaa awooddii dalka Masar waxa uu si kumeelgaar ah ugu wareejiey Raíisul wasaaraha dalkaasi, kaddib markii Madaxweynaha uu soo wajahay xannuun sababay inuu qalliin u aado dalka Jarmalka.
Madaxweyne Mubarak waxa uu magaalada Barlin ee dalka Jarmalka kulan kula qaatay maalinimadii khamiista Raíisul wasaaraha dalka Jarmalka, kulankaasi oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo guud ahaan arrimo calamka la xariira, iyadoo la filayo in Madaxweynaha qalliin lagula sameeyo mid ka mid ah Isbitaalada ugu casrisan adduunka oo ku yaal dalka Jarmalka.
Aqsa: Rabshadihii shalay dhex maray shacabkak Falastiin iyo ciidammada Yuhuudda ayaa waxaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen 30 qofood oo shacabka Falastiin ah iyo 9 ka mid ah ciidammada Yuhuudda oo iyagu Masaajidka barakaysan ee Al-aqsa si xadgudub ah u galay albaabadiisa xilli ay salaaddii jimacaha ku tukanayeen kumannaan muslimiin reer Falastiin ahi.
Muqdisho: Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa isaga oo ku sugan xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in dagaal aan hore loo qorsheyn ay ku qabsadeen degaankaasi oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha mucaaradka, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan inay ciidammada dowladdu gaaraan goobo kale oo hor leh.
Dhinaca kale Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux-dhaafiyey bukaano uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka oo maalmihii ugu dambeeyey ka dillaacay degaanada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo tiro carruur ah ay ku geeriyoodeen cudurkaasi.
Weerarada burcad-badeedda: Wararkii ugu dambeeyey ee la xariira dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay kordheen maalinimadii shalay weerarada ay qaadayeen kooxaha burcadda ahi, iyadoo toddobaadkii la soo dhaafay ciidammada NATO ay qabteen Doonyo casri ah oo burcaddu u adeegsan jirtey soo qabashada Maraakiibta maraya goobaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Laascaanood: Degano ka mid ah gobolka Sool ayaa waxaa si weyn uga daáy roobab lixaad leh, kuwaasi oo dadka degaanku ay sheegeen in ay ku diirsadeen, iyadoo degaanadaasi ay ka jirtey biyo laáan xoog leh.
Sidoo kale todobaadki la soo dhaafay ayaa roobab lixaad leh waxa ay ka daéen degaano ka tirsan gobolka Awdal, kuwaasi oo khasaarooyin xoog leh gaarsiiyey qeybo ka mid ah degaanka Wajaale oo ay ku soo rogmadeen daadan burburiyey hanti kale duwan islamarkaana hakad geliyey isu socodkii gaadiidka isaga kala gooshi jirey somaliland iyo Jabuuti.
Published: 2010-03-06 08:23:05
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)




-

.jpg)
