Ciidammada NATO oo sheegay inay qabteen Maraakiib ay isticmaali jireen burcad-badeedda Soomaalidu
Maraakiibta dagaalka ee Ciidamada badda NATO ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya ayaa waxa sheegeen in toddobaadkan gudihiisa ay qabteen ilaa 3 markab oo ah kuwa burcad-badeedda Soomaaliyeed u adeegsadaan inay ku qaataan doonyaha dheereeya, hubka, iyo raashinka, islamarkaana ku gaaraan badweynta ay Maraakiibta ka qafaashaan
Sarkaal ka tirsan ciidammada badda ee NATO oo lagu magacaabo Christian Rune ayaa waxa uu sheegay in labadii maalmood ee ugu horreysay bishan Maarso in ay fashiliyeen oo ay qabteen laba Markab oo ay burcad-badeeddu uga adeegtaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo Markabkii 3-aad ee noocaasi ahna ay qabteen toddobaadkan gudihiisa.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiisyada ciidamada badda ee NATO ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya, hawlgalkaani waxa gaar ahaan u fuliyey Markabka waaweyn ee dagaalka ee HDMS ABSALON oo ka mid ah Maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya, kaasi oo laga leeyahay dalka Denmark.
Ciidamada saaran Markabka Denmark waxay sheegeen in markii la qabtay Maraakiibtaasi burcad-badeedda islamarkaana baaritaan lagu sameeyey laga helay hub badan, doonyo yarar , qalab iyo saanad, laakiin aan lagu arag wax qalab ah oo ah nooca kalluumaysiga, taasi oo sida ay sheegeen caddeyn ugu filan inay Maraakiibtaasi loo adeegsanayey falalka burcad-badednimada.
Burcad-badeedda Soomaalidu waxa la sheegay inay haystaan Maraakiib iyo Doonyo ay soo qafaasheen oo ay u adeegsadaan inay ku qaataan Doonyaha yaryar ee dheereeya, hubka iyo rasaasta, iyo weliba raashinka iyo shidaalka, si ay u gaaraan badaha waaweyn iyo meelo fogfog oo ay ka durugsan Maraakiibta caalamiga ah, hase yeeshee waxaa jira warar ka soo baxaya dhanka Soomaalida oo sheegaya in Maraakiibta la qabtay ama la dejiyey ay ahaayeen Doonyo Kalluumeysi oo ay leeyihiin Kalluumeysato Soomaaliyeed.
Sri lanka ayaa iyana sheegtay in shaqaale saarna markab lagu haysto dekedda Berbera in la filayo in la soo daayo shaqaalahaasi toddobaadkan gudiisa. Waxayna sheegtay Sri Lanka iyo shaqaalahaas iyo markabkoodaba lagu haystwey xoog ilaa bishii September ee sanadkii hore, kaas oo ku xannibnaa amar maxkamadeed ka dib markii uu khilaaf ka dhex-dhashay sharikaddii markabku u rarnaa, milkiilayaashii markabka, iyo maamulka Soomaaliland.
Markabkaas oo ahaa nooca xamuulka amma badeecadaha qaada, waxa la sheegay inuu sitey calanka Panama, lagana lahaa Imaaraadka Carabta. waxana saarnaa 14 shaqaale oo isugu jira 7 Hindi ah, 3 reer Sri Lanka ah oo u ku jiro kabtankii markabku, 2 Pakistan ah iyo 2 Somali ah
www.somaanta.com
Published: 2010-03-04 10:52:29
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)




-

.jpg)
