Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Qaramada Midoobay oo faahfaahin kale ka bixisay walaaca ay ka qabto gargaar loo diro Soomaaliya

Heyadaha gargaarka ee Qaramada Midoobay  waxay ka walaacsan yihiin saamaynta ay yeelan karto xeelado cusub oo burcad-badeedda Soomaaliya ay dhinaca dhulkana kaga fulin karaan dhac iyo afduubyo gaadiidka iyo shaqaalaha gargaarka wada.

Dhaca berriga ay ka geystaan burcaddu: Peter Smerdon oo ah afhayeen u hadlay heyádaha UN ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in 3 baabuur oo ah nooca waaweyn ee qaada cunnada gargaarka iyo wadayaasha  baaburtaas in lagu haysto degaanka Eyl. Magaalada Eylna waxay caan ku tahay budhcad-badeedda xeebaha Somalia oo ka dhigatay saldhig.

Peter Smerdon waxa uu intaasi ku daray in baabuurtaasi la afduuay khamiistii aynnu soo dhaafnay ka dib markii ay soo dejiyeen raashin gargaar ah oo loo wadey gobollada dhexe ee Somalia. Waxana la afduubay markii ay ka soo noqden hawshaasi, iyaga oo aan wadan ciidan ilaalo ah. Waxa kale oo afhayeenku sheegay in la weeraray 5 baabuur oo kale oo haatan arrintooda ay gacanta ku hayaan 'odayaasha degaanku'

Shuruudaha lagu xidhay raashinka gargaarka ah ee Soomaaliya: Wakaaladda wararka ee AFP ayaa iyana soo xigatey afhayeen la sheegay inuu u hadlay kooxaha burcad-badeedda ee haysta baabuurtaas, oo sii-deyntooda ku xiray in marka hore loo soo daayo burcad-badeed u xiran xukuumadda Somaliland oo hore lo xukumay.

Saamaynta garaarka

Dhacdadani oo lagu tilmaamay tii ugu horreysey ee nooceeda ahayd ee ka dhacda dhinaca berriga, waxa laga baqayaa inay saamayn ku yeelato qorshihii hey'adaha gargaarka ee taakuleeya Somaaliya.

Peter Smerdon waxa uu sheegay inuu jiro walaac, laakiin waxa uu intaasi ku daray in ay noqonayso wax lagu degdegey haddii hadda laga hadlo bal in dhacdooyinkan cusubi ay saamayn ku yeelan doonaan qorshaha ah in la sii wado oo gargaar cunno laga soo dejiyo dekedaha Berbera iyo Bossasso, lana geeyo gobollada dhexe oo ah degaanada sida weyn looga baahan yahay gargaarkaas.

Heyadda WFP-na waxay sheegatay inay isticmaasho marinnada dhulka marka ay gargaar loo wado gobolada dhexe ka soo dejiyaan dekedaha waqooyiga, sababtuna ay tahay jidadki ka iman jirey magaalaa Muqdishu ee wax la soo marin jirey oo khatar weyni ku sugan tahay.

Gargaarka iyo saameynta ururka al-Shabaab: Bishii January ee sannadkan, hey'adda WFP waxay ka baxday gobolladii koonfureed ee ay ka shaqayn jirtey ka dib markii sida ay sheegtay hanjabaado, dhac, iyo shuruudo qallafsani kaga yimaaddden dhinaca kooxaha islaamiyiinta ah ee ka taliya degaannadaasi.

Toddobaadkan horraantiisiina, WFP waxay sheegtay in ururka al_Shabaab ay is-hortaageen kolonyo baabuur ah oo raashin gargaar ah u siddey dadweynihii barbaxay ee haatan ku sugan xerooyinka duleedka magaalada Muqdisho. al-Shabaa waxay iyadu ku dooddaa inay ka rabto heyadaha gargaarku inay cunnada ka soo iibsadaan beerleyda Somalida ee gudaha

Dhaca badda iyo saameynta uu ku leeyahay gargaarka: Hadda ka hor, burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, waxay qabsadeen oo ay dhaceen maraakiib siddey cuno gargaar oo u rarnaa heyadaha gargaarka ee taakuleeya Somalia, taasi oo kalliftey in haatan gargaarka badda la raaciyo ciidamo iyo ilaalo soo gelbisa maraakiibtaasi ilaa inta ay gaarayaan dekedihii loogu talo galay in laga dejiyo gargaarkaas.

Published: 2010-03-03 13:01:30

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign