Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Xabsiga Caynabo oo laga sii daayey 55 qof oo reer Laascaanood ah

Laascaanood 9 feb: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Abdillahi Ismail Cirro ayaa shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daayey ilaa 55 qof oo ka tirsanaa dhawr iyo lixdan qofood oo hore looga soo qab-qabtay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo lagu xirxiray xabsi ku yaal magaalada Caynabo, si baaritaano loogu sameeyo.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in weli la sii hayo oo la baarayo toban qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii laga soo xiray magaalada Laascaanood, kuwaasi intooda badan la soo qab-qabtay markii magaalada ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata.

Wasiirka waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood laga qaaday bandowgii saarnaa maalmihii la soo dhaafay, maada sida uu sheegay nabadgelyadii magaaladu caadi ku soo noqotay.

Mudaharaadayadani waxa ka horreeyey dilal dhawr ahaa iyo qaraxyo lala beegsaday saraakiil ka tirsan maamulka iyo ciidamada Somaliland ee jooga Laascaanood, iyadoo dadka ku dhawaacmay uu ka mid ahaa guddoomihii gobolka Sool.

Falalka qaraxyadaasi waxay keeneen in loo qaqabto dad ay ku jiraan macallimiin wax ka dhigaysay madarasadaha Laascanood, ka dibna ay mudaharaadyo ku kaceen ardaydii madarasadaha iyo dadweyne kale oo taageerayey.

Magaalada Laascaanood waxa haatan ku sugan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Somaliland iyo madax-dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sool

www.somaanta.com

Published: 2010-02-09 08:46:59

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign