Gen. Galaal oo caddeeyey inuu khibraddiisa ciidan ku biirinayo Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca
Guriceel 8 feb: General Maxamed Nuur Galaal oo isagoo ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waraysi siiyey idaacadda codka Mareykanka, qeybteeda afka-Soomaaliga (VOA) ayaa waxa uu sheegay inuu halkaasi u joogo sidii uu khibraddiisa ciidan ugu biirin lahaa ururka Ahlu-Sunnah Waljameeca o dagaallo adag kula jira Ururka Al-Shabaab.
General Galaal wuxuu sheegay inay waajib tahay in dagaal lala galo Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay urur halis ku ah ammaanka dalka Somalia, isagoo dhinaca kalena beeniyay inuu ka mid yahay siyaasiyiin la sheegay inay ka dambeeyaan isku xirka iyo xiriirka u dhaxeeya ururka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah iyo dowladda Itoobiya, hase yeeshee waxa uu intaas raaciyey in mararka qaar laba kala mabda' ah ay suurto-gal tahay in iyagoo isku dhinac ah ay dagaal wada gali karaan oo iska caabin karaan wax ka daran waxa iyaga ka dhexeeyey, taas oo uu sheegay inay dhacday xilligii uu socday dagaalweynihii 2-aad ee adduunka oo dalal siyaasad ahaan iska soo horjeeday isla safteen.
General Galaal oo sii hadlayey waxa uu intaas ku daray in Ururka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah iyo dowladda KMG ee Soomaaliya ay leeyihiin cadow isku mid ah oo ay u eg yihiin kuwo isbahaysi uu ka dhaxeeyo.
Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in General Galaal oo intii ka dambeysay duullaankii ciidammada Itoobiya ay ku qabsadeen magaalada Muqdisho dabayaaqadii 2006 aan wax awood ciidan ah ku lahayn magaalada Muqdisho uu iminka doonayo inuu ururka Ahlu Sunna Waljameeca ka dhigto awood ciidan oo isaga ka amar-qaadata si uu u helo wax uu kula gorgortamo dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo aan hore wax tixgelin ama xil ah u siin jananka oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidammadii Soomaaliya oo sanadkii hore mar la isugu geeyey shir lagu qabtay dalka Mareykanka, hase yeeshee markii laga soo laabtay shirkaasi dhaliil adag u jeediyey shirka iyo qabanqaabaiyayaashiisiiba.
www.somaanta.com
Published: 2010-02-08 14:11:20
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)




-

.jpg)
