Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Al-Shabaab oo soo bandhigay sarkaal & hub badan, sheegtayna duullaankii Muqdisho ee xalay

Muqdisho 8 feb: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen sarkaal lagu magacaabo Baashi Axmed Urur iyo hub qoryaha fudud u badan oo ay sheegeen in uu kala soo baxsaday dowladda KMG ee Soomaaliya.

In ka badan 50 qori oo nooca AK-47 ah ayey saxaafadda ku tuseen xaruntii hore ee Ciidankii Guulwadayaasha oo ay iminka gacata ku hayaan Al-Shabaab, iyadoo Sarkaalka hubka la soo baxsaday oo hadal ka jeediyey goobtaasi uu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha hoggaamisa ciidamada dowladda KMG ee saldhigga ku leh Warshaddii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir, sidoo kalena uu ka mid yahay saraakiishii dowladda loogu soo tababaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

"Waxaan goáansanay in aan isku soo dhiibno Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab" ayaa ka mid ahaa hadalkii uu halkaasi ka jeediyey Baashir Axmed Urur oo uu dhinac fadhiyey markii uu hadalkaas jeedinayey Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta AL- Shabaab, Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo isna saxaafadda u sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiin doonin ciidamada iyo saraakiisha isku soo dhiibta ururkooda, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay saraakiisha iyo ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Somaaliya inay isa soo dhiibaan.

"INta aysan weerar soo qaadin, annaga ayaa weerarayna" ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab oo intaas ku daray in dagaalkii xalay saqdii dhexe ka dhacay magalaada Muqdisho ay iyagu qaadeen duullaankiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dhinacyada isaga soo horjeeda talada dalka Soomaaliya ay mid weliba soo bandhigto saraakiil ama ciidan iyo hub ay sheegaan in ay ka soo goosteen dhinaca kale.

www.somaanta.com

Published: 2010-02-08 13:31:48

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign