Dagaal xalay Muqdisho ka dhacay, Saraakiil Itoobiyaan & Soomaali ah oo Ceelbarde ku shiray ....
Ceelbarde 8 feb: Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Itoobiya ee shalay soo galay gudaha degmada Ceelbarde ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay shirar la yeesheen horjoogayaasha Maliishiyooyinka taageersab dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool.
Shirka labada dhinac ayaa waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Ceelbarde habeenikii xalay, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin waxa ay ka wada hadleen labada dhinac, hase yeeshee waxaa la saadaalinayaa inay ka wada hadleen sidii ay iskaashi uga yelan lahaayeen dagaal ay mar kale lal galaan xoxogagga islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo inta badan gacanta ku haya gobolada koonfurta Soomaaliya, iyadoo Itoobiya inta badan sheegto inay khatar ku yihiin kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida ah ee maamula gobolada ku dhow xadka labad adal.
Warar madax-bannaan oo saxaafadda gudaha ay ka heshay degaanka Ceelbarde ayaa waxa ay sheegayaan in ciidammada Itoobiya ay ka wateen magaalada Ceelbarde haweeney Soomaali ah iyo carruurteeda, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u wateen iyo halka ay la aadeen intaba.
Muqdisho: Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana khasare dhimasho iyo dhaawac u geystay dadka degaanka ayaa habeenkii xalay waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho.
Dagaalka oo u dhexeeyey ciidammada dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda jiriteenka dowladda ayaa bilowday abbaarihii 2-dii habeenimo ee xalay saqdii dhexe xilli ay dadku hurdo ku jireen ayaa waxa uu socday ilaa 3-dii habeenimo, isagoo saameeyey degmooyinka Wardhiigley, Boondheere, Cabdicasiis iyo xaafadaha ku dhow-dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo aan weli rasmi ahaan la xaqiijin qaabka uu ku bilowday iyo dhinaca billaabay intaba, hase yeeshee wararka laga helayo goobaha caafimaadkak ayaa caddeynaya dhimashada ilaa 2 qofood oo shacab ah iyo dhaawacyo kor u dhaafaya 6 qofood.
Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Lacagta ee dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Cumar Cusmaan ayaa shaaca ka qaaday in ay gebogebo u marayso howshii daabacaadda lacagta cusub ee dowladdu ku soo daabacanaysay dalka Suudaan.
Dhowaan ayey ahayd markii dowladda kumeelgaarka ahi ku dhawaaqday inay soo daabacayso lacago cusub oo shilin Soomaali ah, taasi oo ay si weyn uga soo horjeesteen qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sia Puntland, kooxaha mucaaradka ku ah dowladda iyo weliba saraakiil uu ka mid yahay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowladda kumeelgaarka ah oo isagu sheegay inay sicirbarar keenayso lacagtaasi islamarkaana aysan ku habbooneyn waqtigaan in la soo daabaco.
www.somaanta.com
Published: 2010-02-08 07:23:09
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)




-

.jpg)
