Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Booliiska waqooyiga Gaalkacyo oo fashiliyey qarax iyo nin meydkiisa laga helay xabsiga

Gaalkacyo 7 feb: Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee hoos taga Maamul goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyey isku day la doonayay in lagu dilo xalay xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, balse uu ka badbaaday sida uu sheegay.

Muuse Axmed Cabdiraxmaan oo qadka teleefoonka waraysi ku siinayey qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Nabadgelayada magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan shirqoolka uu sheegay in la doonayey in lagu dilo kaddib markii walxaha qarxa oo la doonayey in loo adeegsado dilkaasi ay qabteen, isagoo intaas ku sii daray in iminka ay booliisku ku raadjoogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxdii dooneysay inay qaraxaasi fuliyaan, isagoo yiri "qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa Booliska ku soo wargaliyay qaraxaasi la qorsheeynayey in xaafaddaas laga dhex fuliyo islamarkaana Ciidamada ayaa billaabay howlgalka ay ku soo qabteen walxii la doonayey in la qarxiyo".

Dhinaca kale nin ka mid ahaa dad ay xabsiyada dhigeen ciidammada maamul goboleedka Puntland ayaa meydkiisa la helay habeenkii xalay ahaa, iyadoo aan weli la kala cadeyn in ninkaasi ay dileen ciidammadu iyo in uu u dhintay sababo kale.

www.somaanta com

Published: 2010-02-07 10:07:35

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign