Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Kenya oo caddeysay inay cutubyo ka tirsan Ciidammadeeda dhoobtey xadka ay la leedahay Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee Kenya, James Oleseria, ayaa waxa uu caddeeyey in dowladda Kenya ay cutubyo ka tirsan ciidankeeda milateriga oo aad u hubeysan ay soo dhoobtay xadka kala qeybiya dalkeeda iyo dalka Soomaaliyaa, si looga hortago waxa uu ugu yeeray khatar kaga imaan karta kooxaha Soomaalida.

Ciidammada faraha badan ee Kenya soo dhoobtey xadka kala qeybuiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo cabsida la xariirta in dagaalo ka dhici karaan halkaasi ayaa yimid kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay qorheyneyso weeraro hubeysan oo ay ku qaado degaanada ay maamulaan kooxaha Islaamiyiinta loogu yeero ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda, wararkaas oo kuwoodii ugu dambeeyey ey madaxda sare ee dowladdu ka sheegtay magaalada Addis-Ababa xilli ay kulamo kula lahaayeen hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Africa oo halkaasi shir uga socday.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya waxa u dhexeeya xad dhererkiisu uu ku dhow yahay ilaa 800-KM, waxaana mararka qaar dagaalo ka dhacaan gobolada iyo degmooyinka Koonfurta Soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya, kuwaasi oo ayka mid yihini Dhoobley, Raas-Kambooni, Kismayo, Buulo-Xaawo iyo degaano kale oo xadka ku teedsan.

Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee Kenyana waxa uu sheegay marka sidaasi oo kale ay dhacaan dagaallo u dhexeeya kooxaha Soomaalida, inay sidoo kalena dhacdo inay iskula soo tallaabaan marar badan dhinaca xadka Kenya, iyo in haddana dagaalladaasi ay keenaan dad badan oo qaxooti ah oo u soo tallaaba dhinaca Kenya, iyadoo boqolaal qof oo qaxooti ah ay hore ugu sii jireen xerooyinka qaxootiga Soomaaliya ee Waqooyiga Kenya

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxa kale oouu intaasi ku daray in laga shaki qabo in maliishiyooyinka ku dagaallamaya Soomaaliya ay haddana u soo talaabi karaan, una soo dhuuman karaan, iyaga oo hubaysan, dhinaca xadka Kenya, iyaga oo qalalaase iyo deganaansho la'aan ka abuuri kara Kenya dhexdeeda.


Dhinaca kale warar madax-bannaan oo laga helayo dadka degaanada ku yaal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in la maalmihii la soo dhaafay la arkayey dad Soomaali ah oo loo soo tallaabinayo gudaha Soomaaliya, dadkaasi oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Soomaalidii ciidammada Kenya ku qabqabteen magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. 


www.somaanta.acom

Published: 2010-02-04 10:35:14

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign