Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dowladdiisu diyaargarowday, kulana la yeeshay Meles Zenawi

Addis-Ababa 2 feb: Madaxweynaha Dowladda Kumelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Raíisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kula ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Addis-Ababa.

Madaxweynaha soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay shirar kala duwan la yeelanayey hoggaamiyeyaasha daallka Africa ee shirku uga socdo dalka Itoboiya ayaa guud ahaan waxa uu ka codsaday dalakla Africa inay taageeraan dowladdiisa oo uu sheegay inay u diyaargarowday wax ka qabashada amaniga dalka Soomaaliya.

Raíisul Wasaaraha Itoobiya ayaa wararku sheegayaan inuu ku boorriyey Shariif Sheekh Axmed sidii uu dowladiisu tallaabooyin uga qaadi lahayd arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in maantagelinka dambe uu Madaxweynuhu u socdaalo dalka Kenya oo uu wada hadalo kula leeyahay qaar ka mid ah heyádaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magalaada Nairobi, kuwaasi oo uu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka raadinayo.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Wasiirro dhowr ah oo uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ilaa markii loo magacaabay xilka Wasiirka Maaliyadda aan ka harin safarada Madaxweynaha iyo kulamada uu la yeesho hoggaamiyeyaasha dunida iyo heyádaha caalamiga ahba.


Dhinaca kale warbixin ay soo saartay heyádda UNHCR ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa lagu sheegay in dagaaladii ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya bishii janaayo ee la soo dhaafay ay ku naf waayeen 250 qofood oo Soomaali ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan, halka ay guryahoodii ka carareen kumannaan qofood oo shacab ah, kuwaas oo u baahan daryeel nololeed.


www.somaanta.com

Published: 2010-02-03 09:04:33

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign