kolley waa ku Diirsaday Dadaalkaaga Qoyskaas (Tix gaaban oo ku saabsan la-haystayaasha Britain)
Doctor waa ku diirsaday dadaalkaaga Qoyskaas, Daa,im ha ku gargaaree u dadaal walaalaw, daawanta hore iyo Dayntood karaankaa.
Da,yartaa cideenana aan u wada ducaynee duqawshahaa ha daayeen, waa damiirla,aan iyo dhaqan doorsankeenee.
Dadka degaanka joogana aan dardaaran siiyee, qoladii damiirkiyo damqashadu ka guurtana Diintu may amaanine isku duubniyeeshoo ka dagaala xumahaas waa wax laga diqoodee.
Dal Somaali oo idil dacati waa ka simanyahay, hayeeshee qaybta ugu daran waa docdaa Mudug ka bayrtoo Kenya Dacalka saartee, waxaana loogu dawgalay dagaal aan dhamaan iyo hogaan dila dadkiisiyo ama Ururo Daaquud oo leh dhaqanka Daanyeer.
Ee Daa,mow Ilaahaw Deeq Badanihiiyow adigaa Dawaynka, qalbiyadooda Doorsoone Samahaaga ugu deeq.
Waxaan shalay ka dhagaystay Idaacadda BBC-da Laata Afka Somaliga Dr Cabdi Axmed Cilmi (Xangul) oo si xannuun badan uga hadlaya lamaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto gudaha Somaliya, gaar ahaan degaan ka tirsan gobolka Mudug, waan seexan waayay xalay markaan shalay maqlay hadalkii dhaqtarka, markaa ayaan iska dareen hadlay ilaa abwaan maahiye oon tiriyay tixda kore, waxaan ka cudur daaranayaa
wixii qalada ee ku jira tixda daaban ee aan ka tiriyey dhacdadaas.
Ahmed Mohamud hassan
Published: 2010-02-02 15:10:41
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)






.jpg)
