Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Xawaaladda Qaran Gaalkacyo oo la dhacay, Madaxweynaha oo Muqdisho ku laabtay iyo warar kale

Gaalkacyo: Koox hubeysan ayaa weerar waxa ay ku qaadeen saaka xafiiska Shirkadda Xawaaladda Qaran Express ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo weerarkaasi ku dilay 2 qofood, islamarkaana qaatay dhammaan lacagihii yaallay xaruntaasi.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa islamarkiiba ka baxsaday goobtii ay dhaca iyo dilka ka geysteen, iyadoo aan ilaa iminka la aqoonsan. Labada qofood ee goobta lagu dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Khasnajigii Xawaaladda Qaran xafiiskeeda waqooyiga Gaalkacyo, ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Dheere.

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka soo kicitmay magaalada Nairobi oo uu kulamo kula soo yeeshay qaar ka mid ah heyádaha iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, si uu taageero ugu helo go´´aamadii shirkii ururka midowga Africa ee arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan qaabkii ciidamo dheeraad ah loo keeni lahaa magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlayey xarunta Villa Soomaaliya kaddib soo laabashadiisii ayaa waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii aanu dalku helin dowlad waxqabad leh, hase yeeshee ay iminka ku howlan yihiin sidii ay u samatabixin lahaayeen dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu eedayn dusha uga tuurey Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dalka dhibaato ka wadaan islamarkaana ay ku xiran yihiin ururka Al-Qaacida, isagoo ay hadalkiisa ka md ahayd "waxaan ka xumahay in dad islaam sheeganaya oo dembiyo ka soo galay dalal kala duwan oo caalamka ah ay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo ay barakicinayaan".

Madaxweynaha ayaa ku gooddiyay in dulqaadkii ka dhammaaday dowladdiisa ayna u soo jeesteen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka jira, iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

New York: Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha taageerada, Susana Malcorra ayaa laga soo xigtay in uu jiro qorshe la isku raacay oo Qaramada Midoobay ku wajahayso qaab cusub oo lagu taageerayo ciidammada Ururka Midowga Africa (AMISOM) ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan sare ee ka tirsan xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caddeysay in qorshaha taageerada uu ku saabsan yahay dalal kor u dhaafaya 30 oo ay ciidamao ka joogaan Qaramada Midoobay, inkasta oo aysan si cad u muujin in ciidammada AMISOM howlgalkooda laga dhigi doono mid hoos taga Qaramada Midoobay, taasi oo ay marar badan soo jeediyeen ururka midowga Africa.

Warar madax-bannaan oo arrintaan la xariira ayaa sheegaya in loo malaynayo in qaabka taageerada ´Qaramada Midoobay ee ciidammada AMISOM uu noqon doono dhinacyada isgaarsiinta casriga ah, dhaqaalaha iyo isdhaafsiga xogta ama warbixinada sirta ah, qodobadaasi oo la filayo in ay wax weyn ku soo kordhin doonaan howlgalka ciidammada AMISOM.

www.somaanta.com

Published: 2010-07-31 12:56:21

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign