Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Madaxweyne Nicolas Sarkozy oo u hanjabay Faransiiska asalkoodu ka soo jeedo dalalka dibedda

Paris: Madaxweynaha dalka Faransiiska, Nicolas Sarkozy ayaa maanta waxa uu ku hajnabay in sharciyada dhalashada dalka Faransiiska lagala noqon doono dadka asalkoodu ka soo jeedo dalalka dibedda balse qaatay dhalashada dalkaasi haddii ay galaan fal-.dembiyeedyo ka soo horjeeda dowladda Faransiiska.

Hadalka Madaxweyne Sarkozy ayaa soo baxay maanta kaddib markii magaalada Grenoble ay luxeen ama gilgileen rabshado waaweyn oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka soconayayey dalka Faransiiska, kuwaasi oo ay dhigayeen dadka Faransiiska ah ee asalkoodu ka soo jeedo dalalka dibedda, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay u hanjabeen qaar ka mid ah ciidammada Booliiska dalka Faransiiska oo loogu hanjabay in la dili doono.

Madaxweynaha Faransiiska oo dhacdadaasi ka haldayey waxa uu yiri "Shakhsiyaadka ka soo jeeda dalalka dibedda oo halkaan yimid ee dilka ugu hanjabay ciidammada Booliiska waa in laga qaadaa sharciga dhalashada dalka Faransiiska".

Nicolas Sarkozy ayaa wararku sheegayaan in uu doonayo in carruurta ama dhallinyarada ku lugta leh rabshadaha ee ku dhashay dalka Faransiiska, balse waalidiintoodu ka soo jeedaan dalalka dibedda aan si toos ah loo siin sharciga dhalashada markii ay buuxiyaan da´da 18 sanadood.

Inkasta oo Madaxweynuhu uusan si gaar ah farta ugu fiiqin dalalka ay ka soo jeedaan dadka uu diiradda sida gaarka ah u saarayo, haddana waxaa muuqata in arrintaani saameyneyso dadka asalkoodu ka soo jeedo dalalka Africa iyo Carabta oo sanadihii ugu dambeeyey rabshado ku salaysan dhinaca fursadaha nolosha ka waday dalka Faransiiska.

www.somaanta.com

Published: 2010-07-31 00:33:20

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign