Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Taliyihii hore ee Booliiska Sweden oo 6 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Taliyihii hore ee ciidammada Booliiska dalka Sweden, Göran Lindberg ayaa Maxkamadi waxa ay ku xukuntay 6 sano iyo lix bilood oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dembiyo lagu soo eedeeyay oo ku saabsanaa kufsi, jirdil iyo galmood oo lacag ku iibsaday, taasi oo dembi ka ah dalka Sweden.

Göran Lindberg waxaa kaloo lagu xukumay in uu bixiyo magdhow lacageed oo la siinayo 3 qofood oo ka mid ah dhimanayaashii uu u geystay tacaddiyada kor ku xusan, magdhowgaasi oo gaaraya 300,000 oo lacagta dalka Sweden ah iyo weliba kharajyada ku baxay Garyqaanada ka qayb-qaatay dacwooyinka lagu soo oogay, iyadoo qaar ka mid ah falalkii lagu soo eedeeyay oo ay ka mid tahay isku day fara xumeyn carruur lagu waayey.

Taliyaha hore ee ciidammada Booliiska dalka Sweden waxaa la xirey bishii jannaayo ee kal hore isagoo safar ugu socday magaalada Falun ee dalka Sweden, halkaasi oo uu kula kulmi lahaa gabar 14 sano jir ah oo uu u sii iibiyey qalab loo isticmaalo ciyaar ahaan dhinaca galmoodka. Göran waxyaabihii lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ahaa ilaa 28 fal oo iibsasho galmood ah, 3 fal oo xirasho ah iyo falal kale oo  jirdil  iyo  kufasho isugu jira.

Dalka Sweden waxa uu ka mid yahay dalalka ay dembi ka tahay galmoodka lagu kala iibsado lacagaha, inkastoo mararka qaar ay dhacdo fadeexooyin arrintaasi ku saabsan oo soo wajahday dad xilal sare ka haya maamulka.

www.somaanta.com

Published: 2010-07-31 00:10:42

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign