Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay Puntland

Muqdisho: Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage oo ay dadku ugu yeeraan (Sheekh Cali-Dheere) oo la hadlayey qaar ka mid ah saxaafadda gudaha ayaa waxa uu sheegay in Ururkoodu uusan wax lug ah ku lahayn dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Afhayeenka ayaa intaas raaciyey in dagaalladaasi u dhexeeyeen dadka degaanka iyo maamulka Puntland, islamarkaana ay ka dhasheen caro dadka degaanku ka qaadeen dhibaatooyin  sida uu sheegay maamulku ku hayo dadka.


Maamul  goboleedka Puntland ayaa waxaa dagaallo ay dad ku dhinteen uu la galay maalmihii la soo dhaafay koox Islaamiyiin ah oo uu hoggaamiyo wadaad lagu magacaabo Maxamed Siciid kuna magac dheer Sheekh Atam, kuwaasi oo wararka qaar ay ku tilmaameen inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab oo isagu dagaallo adag kula jira dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo ciidammada shisheeyaha ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan Madaxweynaha dalka Ugandha uu shirweynihii ururka midowga Africa ka sheegay in loo baahan yahay in dowladaha Africa iska kaashadaan sidii ay qaaradda Africa uga tirtiri lahaayeen ururka Al-Shabaab oo lagu asteeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Kampala oo iyagu si cad u sheegteen.


www.somaanta.com 

Published: 2010-07-29 12:01:09

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign