Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Ciyaartoy Soomaaliyeed oo Nairobi uga qaybgeleysa tartanka ciyaaraha fudud ee Qaaradda Africa

Ciyaartoy ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxa ay ka qaybgelayaan tartanka horyaallada ciyaaraha Fudud ee Qaaradda Africa (African Senior Championships), kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dlka Kenya.

Qaybihii ciyaaraha fudud ee manta lagu tartamay waxaa ka mid ahaa orodka 800m oo uu Soomaaliya u orday ciyaaryahan Cabdalla Maxamed Xuseen oo lagu naynaaso WEEH kaasi oo aysan u suurtogelin inuu u soo gudbo kaalimaha finalka ee orodka 800m kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa lugta.

Soomaaliya waxa ay maalinta berri ah safan doontaa orodka 1500m, kaasi oo ay u ordayaan ciyaaryahanada kala ah Nuur Cusmaan iyo Saamiya Yusuf Cumar, kuwaasi oo aan u rajeyneyno in ay guul ka soo hooaan tartankaasi, inkastoo la wada ogsoon yahay duruufaha adag ee uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, dhaqale ahaan iyo ammaan ahaanba, taasi oo qof kasta uu garan karo in aysan sahal ahayn in ay guul soo hooyaan ciyaartoy duruufahaasi la wadaagta bulshada inteexda kale, hase yeeshee ay ahmiyadda ugu weyni tahay sidii ay calanka Soomaaliyeed uga taagi lahaayeen fagaaraha la isugu yimid taasi oo muujineysa in ay Soomaaliya weli nooshahay.

Inta uu socdo tartankaasi waxaanu waraysiyo la yeelan doonnaa ciyaartoyda Soomaaliya u meteleysa tartankaasi iyo Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud, Faarax Cali Macaliin oo ku sugan magaaladaNairobi.



 

Published: 2010-07-28 23:38:44

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign