Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa 24 saacdood kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxtinimada Somaliland waxa uu magacaabay Golaha Wasiirada Somaliland, kuwaasi oo kala ah sidatan:

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arrimmaha Gudaha.  Dr. Maxamed Cabdullahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda. Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Maaliyadda. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta.  Xuseen Axmed Caydiid. Wasiirka  Howlaha Guud iyo Gaadiid.  Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta.  Dr. Xuseen Muxumad Maxamed, Wasiirka Caafimaadka.  Axmed Xaaji Cali, Wasiirka Gaashaandhiga. Cabdirizaq Khaliif Axmed, Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. Dr. Axmed Xaashi Oday, Wasiirka  Xaannada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.


Cabdirizaq Ibraahim Maxamed, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. Ismaaciil Muumin Aar, Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka. Khaliil Cabdullahi Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta. Ilhaan Maxamed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Dr. Maxamed Yaasin Xasan, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekadaha.  Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta . Maxamed Xaashi Madar, Wasiirka Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka. Faarax Cilmki Maxamuud, Wasiirka Beeraha.  Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Duulista iyo Hawada. Cabdullaahi Jaamac Cismaan,  Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyay munaasabaddii uu ku soo bandhigay Golaha Wasiirada Somaliland waxa uu sheegay in ay xoogga saari doonaan horumarinta beeraha miyiga iyo horumarinta bulshada, iyadoo Golaha Wasiirada uu magacaabay ay u badan yihiin aqoonyahano, hase yeeshee  tiradoodu ay aad u badan tahay marka loo eego dal soo koraya oo aan weli aqoonsi buuxa ka haysan caalamka.


www.somaanta.com

Published: 2010-07-28 23:11:18

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign