Xawiladda Tawakal Sweden  Tel: 0736747122/0855926214

 Swed Bank Konto No: 83279-9132615122

Ka xawilo Qaran express - Sweden Tel: 073 5716230

Swed Bank Konto No: 82578-38840773 

Siilaanyo oo caleemo-saarkiisii ugu mahadceliyay Ismacil Cumar Geelle, Meles Zanawi & dad kale

Hargeysa: Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xilka Madaxtinnimada Somaliland kula wareegay xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo lagu marti qaaday madax iyo dadweyne ka kala yimid gobollada Somaliland, ayaa waxaa iyaguna ka qeyb galay wafuud ka socota dalalka deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti iyo Itoobiya.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ahna afhayeena Djibouti, Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Dalxiiska Itoobiya, Maxamuud Dirir, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Cumar iyo Guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin Dawaara, ayaa ka qeyb galay xafladda caleemosaarka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii xilka wareejiyay Daahir Rayaale Kaahin iyo Kuxigeenkiisii, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magalaada Hargeysa.

Waxaa munaasabadda hadalo ka jeediyay Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin, Wasiirka Dalxiiska Itoobiya, Maxamuud Dirir iyo qaar kale oo ka mid ah wufuudduu lagu martiqaaday munaasabadda, iyagoo tusaale fiican u soo qaatay qaabkii ay ku dhammaatay doorashooyinkii madaxtiimada Somaliland.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigenka la doortey ee Somaliland ayaa goobta lagu dhaariyey, iyadoo uu hadal kooban uu jeediyey Mr.Siilaanyo oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti, Raiisul Wasaaraha Itoobiya iyo weliba wufuuddii ka kala socotay Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya..

www.somaanta.com

Published: 2010-07-27 20:00:19

Tip a friend abot this news

News/Wararka maanta

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 Dr. Abdisalam & Caafimaadka Ilkaha

 

 Guddoomiyaha G.O.S. oo waraysi bixiyey

 

 

 


 

 

 

A/rahman Osoble oo ka hadlaya Hergabka H1N1

-

Axmed M. Xasan & sugaanta  sanadka

Mandela & World Cup 2010

C/K/Miiska DJibouti

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign