Warbixin ku saabsan dagaaladii Boosaaso iyo shirka Midowga Africa ee arrimaha Soomaaliya
Boosaaso: Kaddib dagaal qaraar oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qofood oo maalinimadii shalay buuraleyda duleedka magaalada Boosaso ku dhex maray ciidammada Maamulka Puntland iyo Maliishiyo Islaamiyiin ah oo uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam ayaa saaka waxaa deggan xaaladda degaanadii lagu dagaalamay,
iyadoo Maxamed Atam oo saxaafadda kula hadlay qadka teleefoonka uu beeniyay guushii uu Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Farool ka sheegtay dagaaldii shalay.
Mr. Faroole ayaa tilmaamay in ay kala cayriyeen kooxihii ay shalay la dagaalameen ciidammadiisu, hase yeeshee hoggaamiyaha kooxdaasi ayaa saaka caddeeyay in ay ku sugan yihiin goobihii dagaaladu ka dheceen shalay.
Kampala: Dalalka ku jira urur goboleedka IGAD oo shawr albaabadu u xirnaayeen magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya si ay iskula meeldhigaan qaabkii ciidammada AMISOM howshooda loogu beddeli lahaa nabad dhaliyeyaal oo loola jeedo inay weeraro toos ah ugu qaadi karaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, sidoo kalena loo hirgelin lahaa dalabka Madaxweynaha dalka Ugandha oo ahaa in ciidamo degdeg ah oo kor u dhaafaya 20 kun loo geyn lahaa dalka Soomaaliya si sida uu sheegay qaaradda Africa looga saaro kooxda Al-Shabaab ayaan ilaa iminka si cad loo shaacin natiijada kulankaasi.
Warar madax-bannaan oo laga helayo gudaha magaalada Kampala ayaa sheegay in wakiilka arrimaha Africa u qaabilsan maamulka Madaxweyne Obama uu ku gacanseyray soo jeedinta IGAD ee ah in ciidammada AMISOM laga dhigo kuwa weeraro qaada, taasi oo uu ku sababayeeyay inay sii kordhineyso khasaraaha shacabka.
Sidoo kale wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo isna ka qaybgalay kulanka madaxda IGAD ayaa sidoo kale ku tilmaamay mid aan wax micno leh soo kordhineyn dalabka IGAD, hase yeeshee qaar ka mid ah Madaxda Qaaradda Africa ee ka qaybqaadanaysa kulanka 15aad ee ururkaasi oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa waxa ay shirka culays ku saarayaan sidii loo meelmarin lahaa soo jeedintooda ah in ciidamo xad-dhaaf ah loo diro Soomaaliya, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in sababta Madaxweynaha dalka Ugandha ugu xusulduubayo qodobkaasi ay tahay cabsi xoog leh oo uu ka qabo xiriir dhex mara kooxda Al-Shabaab oo la sheego inay xiriir toos ah la leedahay ururka Al-Qaacida iyo urur islaamiyiin mucaarad ah oo ka dagaalama gudaha dalka Ugandha.
www.somaanta.com
Published: 2010-07-27 10:36:58
News/Wararka maanta
- Madaxweyne Shariif: si loo helo dastuur dhab ah waa in qoraalka qabyada ay ka dhex muuqato yididiilo
-
Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
- (2010-09-04)
- Filimka BLACKSPOT iyo qaybta 1aad ee warbixinada Burcad-badeedda Soomaaliya
-
Black Spot (goobaabinta dhimashada) waa eray inta badan ay isticmaali jireen jilayaasha filimada kaabooyga (Cowboy) ee dalka Mareykanka, taasi oo loola jeedo in ninkii ku dhaca goobaabintaasi madoow uusan ka soo samatabixi doonin oo halkaasi lagu qaarajinayo, hase yeeshee goobaabinta madoow waxa ay iminka cinwaan u noqotay filim maqal iyo muuqaal ah oo laga diyaariyey falalka burcad-badeedda Soomaaliya.
- (2010-09-04)
- Ciidammada AMISOM & kuwa Dowladda Soomaaliya oo madaafiic aad u culus ku ridaya xaafadaha Muqdisho
-
Dagalaada ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqolaalka qofood ee shacabka Muqdisho ah oo toddobaadkii 2aad galay ayaa maanya duhurnimadii mar kale dib uga bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
- (2010-09-04)
- Kenya oo Xaqiijineysa Warbixinta HRW
-
Kadib warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch taasoo lagu sheegay in ciidamadda Amniga ee dalka Kenya ay si xun ula dhaqmaan dadka Qaxootiga ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka soconaya dalka Soomaaliya ayaa waxay dawladda Kenya sameysay guddi loo xilsaaray inay soo baaraan eedeymaha ku xusan warbixinta hey’adda Human Rights Watch, waxaana madax looga dhigay guddigaan Xassan Faarax oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Waqooyi bari Kenya.
- (2010-09-04)
- Halaagga dalka & dadkak Soomaaliyeed ku habsaday maxaa sababay?
-
Waxaan qirayaa in ilaahay subxaanahu watacaalaa ay u sugnaatay ammaan iyo mahad aan la koobi karib,ilaahayna ogu mahadnaqayaa inuu nagadhigay muslimiin iyo umma Nabi Muxammad S.C.W,Waxaana qirayaa in Nabi Muxammad S.C.W. uu gutay amaanadii iyo diintii ilaahay u soo dhiibay iyo in ilaahay oofsaday Suubanaha S.C.W. isagoo gutay waajibkii iyo masuuliyadii ilaahay u soo diray,ummaddiisana uu ogu tagay Quraanka iyo Sunnada oo dhamaystiran ahna qaabka nolosha iyo dhaqanka lagu badbaadayo aakhiro iyo adduunba haddii la rumeeyo oo lagu dhaqmo inta adduunka lagu suganyahay.
- (2010-09-04)
- Meydadka askartii Ugandha looga dilay Villa Soomaaliya oo laga dejiyey Kampala
-
Kampala: Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha oo toddobaadkan gudhiisa lagu dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaddib markii lala helay madfac ay soo rideen kooxaha mucaradka ku ah dowladda ayaa waxaa laga dejiyey magalaada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.
- (2010-09-02)
- Booliiska Holland oo qabtay 2 nin oo la socday diyaarad ka timid Chicago
-
Ciidammada Booliiska garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland ayaa waxa ay qabteen oo xabsiga dhigeen 2 nin oo la socotay diyaarad nooca rakaabka ah ee ka soo duushay gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
- (2010-08-31)
- 4 Askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM oo lagu dilay madaafiic lagu duqeeyay Villa Soomaaliya
-
Muqdisho: Sida lagu xaqiijiyey warar ay siyaabo kala duwan uga xigteen wakaaladaha wararka caalamku saraakiil ka tirsan ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe duqeyn madaafiic oo lala beegsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM,
- (2010-08-31)
- Muqdisho oo maalintii 8aad dagaal culus iyo duqeyn madaafiic ka socoto
-
Muqdisho: Dagaal aad u qaraar islamarkaana la isku adeegsnayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin madaafiic waaweyn ayaa waxa uu maalintii 8aad ku dhex marayaa gudaha magaalada Muqdisho ciidammada dowladda tabarta yar ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga mintidka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ka soo wada jeeda.
- (2010-08-30)
- Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cabdullaahi A.Caddow oo ku kala baaqay in la joojiyo dagaalada
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee dalka Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar islaarkaana saxaafadda kula hadlayey qadka isgaarsiita waxa uu si xoog leh ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamadamagalaada Muqdisho inay xabbadda joojiyaan islamarkaana la qabto shirweyne ay ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, laguna dhiso dowlad.
- (2010-08-30)




-

.jpg)
